Jamaal Macalin Blog
Saturday, October 14, 2017
Wednesday, October 19, 2016
Isku Day Inaad Garato Sawirka Fannaankaas.?
Tuesday, October 18, 2016
Heesta LOVE Madhan
Caanaha Ruuxii Lushee
Labeentiisana Nacaa
Laabtiisa Wax Baa Ku Jira....
Labeentiisana Nacaa
Laabtiisa Wax Baa Ku Jira....
Ereyadani waxay ku jiraan ama aan ka soo ammaanaystay Heesta (LOVE MADHAN) oo ay wada qaadaan fanaaniinta Ubax Daahir Ibraahin (Ubax Fahmo) Iyo Cumar Shabeel
Sunday, October 16, 2016
Hadda Kaas Yar Ama Taas Yari Shalay……!!!!
Waxa jira dhaqano ama dabeecado aan fiicnayn oo inta badan bulshada qaarkeed, anna igu daroo aanay ka korin.
Alle Godka Ha U Nuuree, Abwaan Xasan Sh. Muumin wuxuu yidhi
Hebed Baa Haween Dilay!
Ragna Heeryadii Cune!
Ragna Heeryadii Cune!
Ereyadaas waxay ku jireen, oo aan ka soo dheegtay heesta Hubsiimyo, oo uu naaxiyada ama laxan keeda leeyahay fanaanka caanka ah ee Axmed Cali Cigaal.
WAKHTIGU WUU.....
Wakhigu Wuu Sunsumayaa
Midna Waa La Sugayaa
Soo Jire Ma Noolee
Qarni Waliba Wuu Socon
Safna Wuu Ka Daba Dhalan
Midna Waa La Sugayaa
Soo Jire Ma Noolee
Qarni Waliba Wuu Socon
Safna Wuu Ka Daba Dhalan
Gafuuro Hadlaan Ku Ool (Dhirta)
****Gadeenaa soo Kalay Geeduhu Naf U Leeyihiin
Hadana Waxa Gaadhayee Intaa Laga Goynayaa
Gar Iyo Daw Kuma Ahoo Godobi Meel Yeelatee
Garuufo Hadlaan Ku Ool.*****
Hadana Waxa Gaadhayee Intaa Laga Goynayaa
Gar Iyo Daw Kuma Ahoo Godobi Meel Yeelatee
Garuufo Hadlaan Ku Ool.*****
MARXUUN ALLE OOFSADAY MIYUU XISBI KU BIIRAA?!!!!
Maalmihii u dambeeyay waxa baraka bulshadu ku wada xidhiidho iyo warbaainta qaarkeedba si wayn loo qaadaa dhigaayay ama ku badnaa xubno siyaasiyiin ah oo ku biiraya xisbiga mucaaradka ah ee Wadani.
Tuesday, August 25, 2015
DAAWO HEES CUSUB Oo KU SAABSAN WACYI GALINTA MUSUQ-MAASUQA
Heestan waxa si wada jir ah u wada qaadaya fanaaniinta Caabi Mire iyo Cumar Shabeel. Ereyada iyo laxankana waxa leh Cismaan Dayaay, Music-ga waxa tumay Yuusuf Subxaanyo. Daawasho Wacan.
https://www.youtube.com/watch?v=fmwxfz-NOe8&spfreload=5
https://www.youtube.com/watch?v=fmwxfz-NOe8&spfreload=5
Sunday, August 23, 2015
Tuesday, April 28, 2015
Xus Oo Yaanay Xiskaaga Ka Bixin 18 May
Friday, March 27, 2015
“Qorista Habboon Ee Af Soomaaliga”
Qaybtii 11aad
Arrintani wax ay ka
mid ahayd waxyaalo kolkii Far Soomaalida la hirgelinayay heshiis la’aan iyo
talagal la’aan ku dhaqangalay. Abuur ahaan Af Soomaaligu qodobka aqoonninku
isaga oo ama lab ama dheddig, haddana labadaas baa tarma oo siyaalo ka la duwan
u dhaca.
Wednesday, March 25, 2015
“Qorista Habboon Ee Af Soomaaliga”
Qaybtii 10aad
6)
Waxaa jira qodobbo dibgale ah oo erayada gadaal ka raacraaca, kuwaas oo aan
sida loo qorayo is ku aragti la ga ahayn. Kuwaa waxa loo baahan yahay in xal
midaysan loo helo. Saddex baa u gu daran ama u gu caansan oo qoristooda dadku
aad u gu ka la qaybsan yahay. Waa dibgalayaasha ”ba”, ”na” iyo ”se”. Waxaa la
qoraa ”adigana iyo adiga na”, ”anigaba iyo aniga ba”, "iyadase iyo iyada
se".
Tuesday, March 24, 2015
“Qorista Habboon Ee Af Soomaaliga”
Qaybtii 9aad
Waxaa se jirta si
hamsada bilawgii loo hirgeliyay taas oo aan loo baahnayn. Tusaale ahaan wax
aynnu og nahay hamsadu in ay gadaal ka ga dhacdo shaqalka kulul, sida ”ri’da”
taas oo haddii laga tago yeelanaysa macne kale oo ah ”rida” (dumiya),
Sunday, March 22, 2015
“Qorista Habboon Ee Af Soomaaliga”
Qaybtii 8aad
4) Eray ama ka badani
kolka ay eray qudha isku noqdaan, qoristooda dad baa isugu xidha jiitin, dad
kalena waa ay ka la gooyaan, dad saddexaadna toos ayay isu raaciyaan. U fiirso
tusaalayaashan ”af ka la qaad, af-kala-qaad, afkalaqaad”,
Saturday, March 21, 2015
“Qorista Habboon Ee Af Soomaaliga”
Qaybtii 7aad
Ahaanshaha iyo sifadu
marka ay israacaan iyaga oo dheddig ayaa iyaduna ah cillad jirta. Tusaale ahaan
dhuxushu waa ay nooshahay. Sida muuqata naxwaha ma raaci karno oo ma qori karro
”dhuxultu waa ay nool tahay”,
Friday, March 20, 2015
“Qorista Habboon Ee Af Soomaaliga”
Qaybtii 6aad
Waxaad, waxaan,
waxay, wuxuu iyo kuwa la midka ahi waa erayo macne ahaan iyo naxwe ahaan ka la
go’i lahaa oo haddana la is raaciyo. Wax ay ahayd in la qoro ”i la ma aha”,
waxaa se la qoraa ”ilama aha”.
Wednesday, March 18, 2015
“Qorista Habboon Ee Af Soomaaliga”
Qaybtii
5aad
Markii uu dhexda galay wuu adkaaday wax uuna isu
rogay lee waayo h kolka ay halkaa ku jirto afka ayaa diidaya, sidaas darteed
wax uu isu rogayaa e. Haddii se la qori lahaa lee naxwaha ayaan oggolayn, waayo
waa eray aan jirin.
Tuesday, March 17, 2015
Qorista Habboon Ee Af
Qaybta 4aad
Xalka
kale waa shaqalka culus shibbanaha xiga in la labalaabo. Tusaale: Inann
(gabadh), baadd (ugbaad), beerr (beerta), dull (daloolka sanka), Iimaann (magac
lab), Saaffi (magac lab), Dheegg (magac lab), Hanadd (magac lab), Kaydd (magac
lab). Magacyadaa iyo kuwa la midka ah dabcan dhiddiggooda shibbane qudha ayaa
la qorayaa.
Sunday, March 15, 2015
“Qorista habboon ee Af Soomaaliga”
Qaybta 3aad
In
badan wax aad arkaysaa nin la yidhaahdo Caddow magcaas oo ka yimid caddaan,
kaas oo haddana loo qorayo Cadow oo ah nacab.
Xarfaha
aan xeerkaasi qabanayn ee weligood laba noqon karin aynnu halkan isku
tusaalaynno: ma-taan, a-jar, a-xad,
Subscribe to:
Posts (Atom)




