Waxa jira dhaqano ama dabeecado aan fiicnayn oo inta badan bulshada qaarkeed, anna igu daroo aanay ka korin.
Dabeecadahaas waxa ka mida, qof aad wada joogtaan ayaa waxa idin soo agmaraya ama aad arkaysaan qof kale wiil iyo gabadh midka uu doono ha ahaadee. Markiiba waxa laga yabaa in aad aduu tidhaa ama isagu la soo boodo oo ku yidhaa hadda wiilkaas ama gabadhaas shalay ciyaal bay ahayd ama uu ahaa oo wuu ama waynaaday ama way iska waynaatay, saaxiib waa aakhir samaan. Waxa laga yaabaa shalaytada uu sheegaayo in ay ka soo wareegtay dhawr sanno, balse isaga la yar.
Hadaba is waydiintu waxay tahay wiilakan ama gabadhan eed iyo dambi looga dhigay shalay ayuu yaraan jiray, tolow kan intaas cambaaraynta uga dhigayaa miyaanu yaraan jirin oo halka uu dadka kale ku haaraamaayo aanu isagu soo marin.?
Teeda kale qofkani miyaanu ogayn in waxkastoo noole ah oo Alle abuuray uu koro oo kobco, taasina ay tahay shaqo ka baxsan awooda aadamaha?
No comments:
Post a Comment