Qaybta 1aad
Wax jira noocyo kala duwan oo loo qaado garta soomaalida. Gartaasi waxay leedahay xeerar kala duwan oo la raaco, kuwaas oo leh magacyo kala duwan.
Wax jira noocyo kala duwan oo loo qaado garta soomaalida. Gartaasi waxay leedahay xeerar kala duwan oo la raaco, kuwaas oo leh magacyo kala duwan.
Soomaalidu
waxay leedahay dhaqan baaxad weyn oo soo jireen ah, kaas oo ay ku xalin jirtay
dhibaatooyinka ka dhex
dhaca dadka ku wada nool degaanada kala duwan. Marka ay
arrini ka dhex dhacdo bulsho meel ku wada nool ama kala fog waxa la odhan jiray
arrintani ma curad baa mise waa ugu. Taas oo macneheedu yahay hadii curad tahay
waxaynu raacaynaa wixii inooga meel yaalay. Hadii ay ugub tahay ama ay cusub
tahayna waxa la odhan jiray maxaynu ka yeelnaa oo xeer inaaga noqonaaya si
hadii ay mar dambe inagu soo noqoto xalkeeda aan lagu dhibtoon.
Iyadoo
ay sidaa tahay ayaa waxaan jeclaystay in aan dadka jecel arrimahan u soo
bandhiga qoraalo taxane ah, kuwaas oo aan ka soo xigtay mareeg arrimaha
suugaanta waxa ka qorta oo la yidhaa (Hoyga suugaanta), qoraaladan waxa qoray
sida aan ku arkay mareegta Cabdi Caara-dhuub.
Qormooyinkan
oo ah kuwo dhawr ah ayaa waxaan maanta idiin soo gudbinayaa qaybta kowaad oo ku
bilaabmaysa sidan:-
Garta Xeer Beegti
Iyo Xeerarkeeda
Odayaasha
iyo xeerbeegtida maanta nool ee garaha qaada ama doonaya inay qaadaan waxaan
jeclaan lahaa inay ka faa’iidasytaan mawduucan.
Soomaalidu waxay dhaqan iyo hiddo u lahayd garsoor wanaagsan, gobanimo, is-jidmarin, is-xaalmarin, isudulqaadasho, is-dhaahin iyo mucaamil nololeed oo wanaagsan, kuwaas oo la odhan karo waxa uu 100% ka wanaagsaana shuruucda iyo qawaaniinta ay dunida casriga sheegataa maanta ku dhaqanto, iyadoo aanad maanta arkayn cid isu garaabaysa iyo cid is-garmarinaysa iyo cid garanaysa gartii xeerbeegti ee lagu kala bixi jiray, sidoo kale ma jirto guurtidii xeerbeegti ee dadka ku kala hagoogan jirtay marka ay xaajo murugto ee ay arimuhu dhab-qaan. Gartu way noocyo badan tahay, berigii horena qofku waa yaqaanay sida uu ku gar helayo iyo inay gari meesha ugu jirto iyo inkale, laakiin noocyada loo garqaado waxa ka mid ahaa ama loo garnaqsado waxa ka mid ahaa kuwan:- Garaw
Dhaahin
Xaal
Muslax
Gar-cadaawe
Gar-shareeco
Gar-xeerbeegti
Gar-booli
Gar-jilaad iyo qaar
kale
Waxaana
dhici jirtay in la kala gar-helo, iyadoo ay gartu noqon jirtay
gar-cadaaladeed iyo gar-eexo, laakiin ninku wuu gar-qaadan jiray, taasina
waxay qayb ka ahayd hiddo samida dhaqanka iyo gobanimada dadku lahaa.
Guddiga xeerbeegti ee garta qaadaysaa waxay ahaayeen kuwo yaqaan waxa ay wax ka garnaqayaan iyo waxa ay wax ku dhamaanayaan, hadii ay muslax tahay, hadii ay kala dareerin tahay, hadii ay gar cadaawe tahay iyo hadii ay gar kale tahayba, waxaase jiray wax la odhan jiray Samatalis iyo hadimo talis, kuwaas oo ahaa laba calaamo oo lagu kala sooci jiray ragga had iyo goor garaha gala, kuwaas oo u qaybsami jiray nin daacad ah oo la odhan jiray waa Samatalis iyo nin aan daacad ahayn oo la odhan jiray Hadimotalis. Garta hadii la feeniyo ama la Axalo-cunsiiyo cidda garnaqaysaa wax ambiil (Racfaan) ah lagama qaadan karo, taasina waxa weeye garta adag ee loo yaqaan gar-cadaawe. Somalida badideedu maadaama ay suugaanta hodan ku ahayd, isla markaana ay suugaantu ahayd waxay suugaanta u isticmaali jirtay garaha, sidaa darteed bal aynu waxoogaa ka taataabano suugaanta garaha loo isticmaali jiray iyo noocyada garaha ah ee lagu dhaqmi jiray, jidka ka horeeya garta, cadaymaha lagu kala gar helo, sida loo kala gar helo, xeerarka Somalida iyo kuwa xeer-ciqaabeedka ah, cidda xeerka jebisa sida laga yeelayo.....
La soco
qaybta damne hadii alle idmo
Waxa qoray Cumar
Caara-dhhuub
|
Xigasho
mareegta Hoyga Suugaanta
No comments:
Post a Comment