Qaybta 2aad Qalinka: Boobe
Yuusuf Ducaale
Gar adkaatay, xaajada gurracan,
guurti kala-maagtay,
Haddi geedka la isugu yimaad, golaha
waayeelka,
Nin waliba hadduu gees damcoo, giijo
madixiisa,
Wax la wada gorfeeyaba halkii, la
isugeyn waayo,
Guddoonkii la wada raaci jiray,
gocanayaa mooyi,
Maansadii Geeridii Xirsi ee Cali
Jaamac Haabiil,
Qalinka: Boobe Yuusuf
Ducaale - cankaabo@hotmail.com, www.dharaaro.com
21kii Jeeniweri, 1971kii ayay
xukuumaddii millateriga ahayd ee dalka markaa ka talinaysay magacawday Guddidii
Qoraalka Farta Soomaaliga ah oo ka koobnaa 24 Xubnood oo kala ahaa:
- Dr. Shariif Saalax Maxamed Cali - Guddoomiye, (dhowr bilood ka hor ayuu dhintay),
- Yaasiin Cismaan Keenadiid,
- Mustaf Sheekh Xasan,
- Axmed Cali Abokor,
- Yuusuf Xirsi Axmed,
- Muuse Xaaji Ismaaciil Galaal,
- Cabdidaahir Afey,
- Aw Jaamac Cumar Ciise,
- Dahabo Faarax Xasan,
- Cabdillaahi Xaaji Abuubakar,
- Cabdillaahi Ardeeye,
- Xasan Sheekh Muumin,
- Maxamed Nuur Caalin,
- Maxamed Xasan Aadan (Gahayr),
- Xirsi Magan Ciise,
- Cumar Aw Nuux Cabdillaahi,
- Xaaji Maxamuud Insaaniya,
- Iikar Bannaa Xaddaad,
- Aaqib Cabdillaahi,
- Xuseen Sheekh Axmed Kaddare,
- Axmed Cartan Xaange,
- Maxamed Xaaji Xuseen (Sheeko-xariir),
- Cabdiraxmaan Nuur Xirsi,
- Shire Jaamac Axmed,
Amarradii ay xukuumaddaa millaterigu
siisay Guddidaas waxa ka mid ahaa:
- In ay diyaariyaan qoraalka farta Soomaaliga,
- In ay diyaariyaan buugaagta Dugsiyada Hoose,
- In aan la soo hadal-qaadin dhowrkii farood ee kala duwanaa oo qaar Guddida ka mid ahi qaarkood ay lahaayeen,
Ilaahay ayaa iska lahaa sababaha uu
qoraalku u hirgalay. Waxa kale oo meesha ku jirta go'aankii adkaa ee ay Golihii
Sare ee 'Kacaanku' ka qaateen arrinkan qoraalka farta Soomaaliga. Gaalka dil,
gartiisana sii ayaa la yidhiye, ka-sokow dhibtii aan qiyaasta lahayn ee ay dal
iyo dadba u geysteen, haddana tallaabooyinka togan ee ay qaadeen askartaasi,
qoraalka farta Soomaaliga ayaa ugu mudnaa.
Sida ay mudnaanta u leedahay
shakhsiyaddii ballaadhnayd ee hal-abuurka iyo curintaba lahayd ee Xuseen Sheekh
Axmed oo loo yaqaannay Kaddare, waxaad ka garanaysaa sida uu ugu ladhnaa ama
ugu marraaba dedaalladii badnaa ee loo galay qoraalka farta Soomaaliga. Intii
aanu millaterigu taladii dalka maroorsan, waxa xukunka hayay xukuumad rayid ah
oo lahayd: Madaxweyne iyo Gole Baarlamaan oo la soo doorto iyo Gole
Wasaaradeed. Mudane Aadan Cabdille Cismaan oo ahaa Madaxweynihii Jamhuuriyaddii
Soomaaliya, ayaa beryahaas, dhowr iyo lixdankii, isaguna soo saaray go'aan uu
ku magacaabay Guddi soo saarta farta lagu qorayo afka Soomaaliga. Guddidaasina,
waxay ka koobnayd:
- Muuse Xaaji Ismaaciil Galaal: Guddoomiye,
- Yuusuf Meygaag Samatar: Xoghayn,
- Yaasiin Cismaan Yuusuf: Xubin,
- Maxamuud Saalax (Ladane): Xubin,
- Dr. Ibraahin Xaashi Maxamuud: Xubin,
- Khaliif Suudi: Xubin,
- Mustaf Sheekh Xasan: Xubin,
- Shire Jaamac Axmed: Xubin,
- Xuseen Sheekh Axmed Kaddare: Xubin,
Xukuumaddii Guddidan magacawday
awoodda dalka oo dhan gacanta kuma hayn. Waxa kale oo jiray faro-gelin
dibaadeed oo ka imanaysay safaaradihii ajnabiga ahaa ee Muqsisho degganaa.
Waxay ku muransanaayeen oo ay kala taageerayeen dhowrkii farood ee saaxadda
yaallay, gaar ahan farta laatiinka iyo farta carabiga. Muranka iyo doodda ayaa
gaadhsiisnaa marka Laatiinka la soo qaado in la yidhaahdo 'Laa-diin' oo ah
diin-la'aan.
Magaca Kaddare oo si la yaab leh ugu
ladhan taariikhda qoraalka farta Soomaaliga ayaa inala galay, ee raalli ka
ahaada haddii aan qalin-taraaray.
Xuseen Sheekh Axmed Hilowle oo loo
yaqaannay Kaddare, qof caynkee ah ayuu ahaa? Bal hadda aan isku deyno in aan
su'aashan si dhab ah oo mowduuciya uga hadalno ama wax uga qornaba.
Xuseen wuxu ka mid ahaa da'aaddaas
dhalatay 1934kii, xilli uu gumeysigii Tlyaanigu dalka ka talinayay. Ma uu helin
fursad uu ku galo galo dugsiyadii caadiga ahaa oo duruuftii gumeysi iyo tii uu
ku noolaa ayaan u saamixin. Sidii dhaqankuba iska ahaa gobolladii kala duwanaa
ee Soomaaliyed ee la gumeysan jiray, Xuseen wuxu wax ku soo bartay dugsiyadii
habeenkii dadka waaweyn wax lagu bari jiray ee loo yaqaannay 'Seeraale'. Waa
erey laga soo dheegtay afka Talyaaniga oo ah 'Sera' oo macnaheedu yahay
'habeenkii' ama dugsiyada habeenkii la dhigto u taagnayd.
Marka aad tagto Maxmiyaddii
Somaliland ee Ingiriisku gumeysan jiray waxbarashadii noocaas ahayd ee
habeennimada dadka waaweyn wax lagu bari jiray waxa loo yaqaannay ama la odhan
jirayba 'Adlas' oo laga soo dheegtay 'Adults' oo ah erey asalkiisu Ingiriisi
yahay oo u dhigma 'weyn' oo loola jeedo dadka waaweyn.
Haddii aynu u leexanno xaggaa iyo
dalka Jabuuti oo uu Faransiisku gumeysan jiray, qudhiisa waxa ka jirtay
waxbarasho noocan oo kale ahayd oo dadka waaweyn habeenkii wax lagu bari jiray.
Halkaana waxa looga yaqaannay 'kuur-di-suwaarka' oo ka soo jeedday ereyga
Faransiiska ee 'Cour De Soir' lana macno ahayd waxbarashadii habeenkii.
(La soco, Qaybta 3aad haddii Eebbe
idmo)
No comments:
Post a Comment