Maqaalo


Xus Oo Yaanay Xiskaaga Ka Bixin 18 May



Sannadkasta marka la gaadho bisha afraad iyo horaanta bisha shanaad waxa guud ahaanba bulshada Somaliland laga dareeyaan diyaar garaw badan iyo u tafa xaydashada xuska maalinta 18 May. Aniga aragtida macnuhu maaha maalinta ama bishan oo kaliya ayuunbay dadku muwaadiniin yihiin ee waa maalin inoo gaar ah oo ku beegan dhalashada qaranimadeenan sannadkan uun 24 jirsanaysa.



Bilahan aan soo sheegay waxa baraha bulshada sida Facebook hadheeya astaamaha calanka Somaliland iyo ereyo qofwaliba garaadkiisa ku muujinaayo halka uu ka taagan yahay jacaylka uu u hayo dalkiisa Somaliland. Hilawga iyo jacaylku waxa uu ku badan yahay baan isleeyahay dadka ku nool wadamada dibada ee aan nasiibka u helin inay maalintan ku xusaan ciidooda Hooyo.



Gees kale hadaan dayo, waxa bilahan kor u kac balaadahani ku yimaadaa oo aan layku gaadhinba sadexda midab ee kala ah cagaarka, cadanka iyo casaanka oo aynu u xulanay in uu calankeenu ka koobnaado.



Waa run oo alle dadkiisa sida uu doono ayuu arsaaqada u siiyaa, waxa jira dadbadan oo nolol maalmeedkooda ka raadsada qoysaskooda dheer dhaqaale oo ay ku daboolaan noloshooda dadka riyaaqsan ee sida aan xisaabta lahayn u iibsanaaya waxkasta oo ay kaga qayb qaadan karaan xuska maalintan 18 May.



Debaaldegii maalintii dhalashada qarankeena Somaliland oo 24 jirsan doona waxa inooga hadhay maalmo kooban, shacabka waxa la gudboon in ay si wada jir ah u ilaashadaan nabada iyo xasinoonida aan laynaga iibin ee Eebe wayne inoogu deeqay. Waxa haboon in gacana calanka lagu hayo gacana qaranimada. Amiin yaa Rabbi


 
 ____________________________________________________________________________________________________________


“Qorista Habboon Ee Af Soomaaliga”


Qaybtii 11aad
Arrintani wax ay ka mid ahayd waxyaalo kolkii Far Soomaalida la hirgelinayay heshiis la’aan iyo talagal la’aan ku dhaqangalay. Abuur ahaan Af Soomaaligu qodobka aqoonninku isaga oo ama lab ama dheddig, haddana labadaas baa tarma oo siyaalo ka la duwan u dhaca.
Tusaale ahaan asalku haddii uu yahay ”ka” oo labka ah iyo ”ta” oo dheddigga ah, sida ”inanka” iyo ”inanta”, in badan oo abuurtaas ka mid ahi waa ay dhimatay ama doorsoontay, wax ayna tagtay xaalad kale oo aan aqoonninku ”ka” iyo ”ta” midna ahayn, sidaa ”badda” oo asal ahaan ahayd ”badta”, ”hasha” oo ahayd ”halta”, ”guriga” oo ahaa ”gurika” iwm. Kuwaa waxaa la mid ah: ”gabadha”, ”saca”, ”qudha (nafta)” iwm oo qodobkoodii aqoonninku aad u fog yahay.
Xaaladahaas oo dhami wax ay caddaynayaa Af Soomaaliga in aan erayga iyo aqoonninkiisa la ka la qori karin.

8) Qoraalka afafka dunida siyaalo ka la duwan baa loo ga dhaqmaa magacyada iyo ciwaannada sida loo waaweyneeyo, innaga se taasi weli inoo ma saldhigan. Waa xeer la is la yaqaan marka Far Laatiinka la adeegsanayo in magaca gaarka ah xarafkiisa u gu horreeya la weyneeyo, sida Aadan, Hargeysa iyo Afrika. Haddaba isiraynta ama u abtirinta magacyadaa miyaa la weynaynayaa iyaga oo aan ahayn magacyo gaar ah?
Sow ma aha in la qoro: bani aadan, reer hargeysa, iyo dawlad afrikaan ah?
Magacyada iyo tilmaamaha guud ee sifada iyaguna u ma baahna in la weyneeyo sida madaxweynaha, wasiirka, wasaaradda, guddoomiyaha, taliyaha, iyo kuwa la midka ah ee aan cid u gaar ahayn. La ma weynayn karo magacyada guud sida waraabe, ayax, geed, roob, magaalo, aabbe, walaal, nin, gabadh iwm.

Ciwaannada ka kooban dhawr eray eray walba in xarafkiisa kowaad la weyneeyo iyo in erayga kowaad oo keli ah xarafkiisa kowaad la weyneyaa waa laba hab oo jira. Tusaale ahaan ummadaha qaar wax ay qoraan Wasaaradda Arrimaha Gudaha, kuwo kalena Wasaaradda arrimaha gudaha. Labadaa siyaalood Far Soomaaliga weli waa la is ku dhex wadaa, sida dambe ayaa se qumman, waayo magac gaar ah, kokaa eraygau gu horreeya xarafka u gu horreeya ayaa ciwaanka oo dhan matala.

9) Dad baa iyaga oo Af Soomaali wax ku qoraya haddana adeegsada codad (xarfo) aan Af Soomaali ahayn. Tusaale ahaan magacyada Saynab, Samsam iyo Sakariye, oo ah Carabi soomaaliyoobay, dad badan baa u qora Zeynab, Zamzam iyo Zakariye. Dadka sidaa yeelayaa wax ay maskaxdooda ka saari kari la yihiin Af Carbeedka uu magacaasi asal ahaan ka soo jeedo, waxaana ka maqan Af Soomaaligu in aanu lahayn dhawaaqa carabida ah ee ay halkan ka raadinayaan. 

Tusaale ahaan salaad iyo soon xarafkooda kowaad Af Soomaaliga loo ga heli maayo dhawaaq u dhigma ka uu Carabida ku yahay, loo mana baahna waayo Af Soomaaligu ma qaadan karo. Xitaa la ma odhan karo salaat iyo sowm. Af Soomaaligu wax uu ka kooban yahay 21 shibbane, in uu cod 22-aad la soo geliyaana waa macno darro mana shaqaynayso, waayo cod Af Soomaali ah ma aha.

Kuwaa waxaa la mid ah magacyo dhawaaqooda u dambeeyaa Af Soomaaliga dooriyo, sida Ibraahiim/Ibraahin, Aadam/Aadan, Ilhaam/Ilhaan Xaliima/Xaliimo, Faadima/Faadumo. Taa waxaa ka duwan erayada iyo magacyada aan soomaaliyoobin dhawaaqooda oo ay qasab tahay in sidooda loo qoro, waayo afka ayay ka baxsan yihiin oo haddii kale aan la is ku la garanayn. Tusaale ahaan VOLVO, New York, Clinton la gu ma soomaaliyeyn karo FOLFO, Niyuu Yok, Kilinton.

10) Waxaa jira xeerar loo raaco habka qoraalka loo qaabeeyo, kuwaas oo aan Far Soomaalida la is la meeldhigin. Waxaa ka mid ah taxanaha hadal ee qodobaysan kolka loo adeegsanayo xaraf u taagan tiro.
Kolka qodobkaa la ga hadlayo arrinta fiirada mudani waa Far Soomaalida oo ka kooban laba qaybood oo ka la soocan, ahna shibbanayaal iyo shaqallo. Markaa kolka xarfaha loo adeegsanayo tiro ahaan, ma shibbanayaasha oo qudha ayaa la adeegsanayaa mise waa la is ku dhex wadayaa?

Ma sida Laatiinka ayaa la qorayaa: a) aniga, b) adiga, c) isaga, d) iyada… sidaas oo aan ahayn sida ay Far Soomaalidu u taxanto?
Mise waxaa la qorayaa: a)… b)… t)… j)…?
Mise: b)… t)… j)… x)…?
Mise haddii la doono: a)... e)… i)… o)… u)… b)... t)...?

11) Kaladuwanaanta dhawaaqyada degaannada.
Dalweynaha soomaalida dhawaaqa erayada qaarkood degaanka ayay is la beddelaan. Waxaa u gu caansan labada dhawaaq dh iyo r, sida xiriir iyo xidhiidh. Kolka loo fiirsado labadaa dhawaaq si isu dhow ayay degaannada soomaalida u gu baahsan yihiin.

Codkaasi ma aha, sida ay dad moodaan, r kasta oo marka ay koonfurta joogto eraygu ku dhammaado ama dhexda ka gasha, jeerka ay waqooyi tagto in ay noqoto dh, iyo sidaa beddelkeeda. Waa se dhawaaq gaar ah oo leh xeer u gaar ah. Xeerkaa ilaa maanta aqoon ahaan la ma qeexin, sida aan loo qeexin labadaa kooda horreeyay, aniga oo u badinaya in r:du horraysay. Waxaa se hubaal ah dhawaaqaas in aan eraygu ka bilaaban, is la markaa waxaa hubaal ah in uu laba shaqal u dhexeeyo ama erayga ku dhammaado. Sida qudha ee la gu ka la garan karaa waa in qofku ku wada barbaaro oo ay dareenkiisa si dabiici ah u galaan.

Xeer ahaan in la yidhi (yiri) labada siyood qof waliba ka uu doono ha u qoro, waxaa dhaanta in xal kale la helo, waayo af keliya oo haddana ka la si loo qorayo waa la ga wanaagsan yahay.
Haddii la ga fursan waayo arrinka in xal loo raadiyo, waxaa meesha la keeni karaa xaraf saddexaad oo aan labada astaamood ee dh iyo r midna ahayn, la guna qoro codka la gu ka la duwan yahay ee kolba si noqonaya. Xarafka cusub ee dhexdhexaadka ah kolka la gu qoro labada siyood qofba ta uu doono ha u akhriyo iyada oo la isu la garanayo in uu yahay kii la gu ka la duwanaa.
La soco….Qaybta damne hadii alle idmo

Waxa qoray Ibraahin Hawd
Xigasho Mareegta Ramaas
 ____________________________________________________________________________________________________________


“Qorista Habboon Ee Af Soomaaliga”
Qaybtii 10aad 

 6) Waxaa jira qodobbo dibgale ah oo erayada gadaal ka raacraaca, kuwaas oo aan sida loo qorayo is ku aragti la ga ahayn. Kuwaa waxa loo baahan yahay in xal midaysan loo helo. Saddex baa u gu daran ama u gu caansan oo qoristooda dadku aad u gu ka la qaybsan yahay. Waa dibgalayaasha ”ba”, ”na” iyo ”se”. Waxaa la qoraa ”adigana iyo adiga na”, ”anigaba iyo aniga ba”, "iyadase iyo iyada se". 
Anigu beri baan qabay labada hore in erayga la ga jaro, waan se ka noqday taladaa waayo akhriskooda goonida ahi wuu dhadhan xun yahay, is la markaa naxwe ahaan gooni ma noqon karaan oo macnaha erayga ayay ka mid yihiin.


 Qodobka kale ee ”se” oo kuwaa hore ka duwani dhismaha hadalka ayuu u yahay laxaad, waxaa se shiiqiyay ka carabiga ah ee ”laakiin”. Waa eray is kii u taagan, weedhana hor iyo gadaal kii la doonaba wuu ka geli karaa. Waxaa la qori karaa ”Af Soomaaligu waa hodan hagaag se loo ma qoro”, ama ”Af Soomaaligu waa hodan se hagaag loo ma qoro”.



 7) Dood baa la ga furi karaa israacinta ama ka la goynta erayga iyo aqoonninkiisa, sida ”afka” ama ”af ka”, ”farta” iyo ”far ta”, ”runta” iyo ”run ta”, ”guriga” iyo ”guri ga”. Sida dambe dad yar oo ku dhiirraday baa jira. Faraha dunida labada siyoodba waa la adeegsadaa. Tusaale ahaan Farta Carabida, Ingiriisida, iyo Iswiidhishku siyaalahan ayuu aqoonninku erayga u gu dhacaa kolka 



loo eego Af Soomaaliga:

 Carabi: xarf, alxarf.
Ingiriisida: letter, the letter.
Iswiidhishka: bokstav, bokstaven.
Soomaaliga: xaraf, xarafka.


Halkaa waxaa ka muuqata qodobka aqoonninku in uu Carabida iyo Ingiriisida horta ka galo, iyada oo Carabida erayga la raaciyo Ingiriisidana la ga gooyo. Taa beddelkeeda Iswiidhishka iyo Soomaaliga gadaal buu ka raacaa.

Arrintani wax ay ka mid ahayd waxyaalo kolkii Far Soomaalida la hirgelinayay heshiis la’aan iyo talagal la’aan ku dhaqangalay. Abuur ahaan Af Soomaaligu qodobka aqoonninku isaga oo ama lab ama dheddig, haddana labadaas baa tarma oo siyaalo ka la duwan u dhaca. Tusaale ahaan asalku haddii uu yahay ”ka” oo labka ah iyo ”ta” oo dheddigga ah, sida ”inanka” iyo ”inanta”, in badan oo abuurtaas ka mid ahi waa ay dhimatay ama doorsoontay, wax ayna tagtay xaalad kale oo aan aqoonninku ”ka” iyo ”ta” midna ahayn, sidaa ”badda” oo asal ahaan ahayd ”badta”, ”hasha” oo ahayd ”halta”, ”guriga” oo ahaa ”gurika” iwm. Kuwaa waxaa la mid ah: ”gabadha”, ”saca”, ”qudha (nafta)” iwm oo qodobkoodii aqoonninku aad u fog yahay.



Waxa qoray Ibraahin Hawd
Xigasho Mareegta Ramaas

___________________________________________________________________________________________________________


“Qorista Habboon Ee Af Soomaaliga”



Qaybtii 9aad
Waxaa se jirta si hamsada bilawgii loo hirgeliyay taas oo aan loo baahnayn. Tusaale ahaan wax aynnu og nahay hamsadu in ay gadaal ka ga dhacdo shaqalka kulul, sida ”ri’da” taas oo haddii laga tago yeelanaysa macne kale oo ah ”rida” (dumiya),
”ba’an” oo noqon lahayd ”baan”, ”da’da” oo noqon lahayd ”dada” iwm. Haddaba eraydaasi marka ay ku joogsadaan barta hasmadu saaran tahay u ma baahna in gadaal la ga raaciyo oo la qoro: ri’ iyo ba’ iyo da’ waayo dhawaaqu doorsoomi maayo sidaa darteed waa la ga maarmayaa.
 6) Waxaa jira qodobbo dibgale ah oo erayada gadaal ka raacraaca, kuwaas oo aan sida loo qorayo is ku aragti la ga ahayn. Kuwaa waxa loo baahan yahay in xal midaysan loo helo. Saddex baa u gu daran ama u gu caansan oo qoristooda dadku aad u gu ka la qaybsan yahay. Waa dibgalayaasha ”ba”, ”na” iyo ”se”. Waxaa la qoraa ”adigana iyo adiga na”, ”anigaba iyo aniga ba”, "iyadase iyo iyada se". 

Anigu beri baan qabay labada hore in erayga la ga jaro, waan se ka noqday taladaa waayo akhriskooda goonida ahi wuu dhadhan xun yahay, is la markaa naxwe ahaan gooni ma noqon karaan oo macnaha erayga ayay ka mid yihiin.

 Qodobka kale ee ”se” oo kuwaa hore ka duwani dhismaha hadalka ayuu u yahay laxaad, waxaa se shiiqiyay ka carabiga ah ee ”laakiin”. Waa eray is kii u taagan, weedhana hor iyo gadaal kii la doonaba wuu ka geli karaa. Waxaa la qori karaa ”Af Soomaaligu waa hodan hagaag se loo ma qoro”, ama ”Af Soomaaligu waa hodan se hagaag loo ma qoro”.
 7) Dood baa la ga furi karaa israacinta ama ka la goynta erayga iyo aqoonninkiisa, sida ”afka” ama ”af ka”, ”farta” iyo ”far ta”, ”runta” iyo ”run ta”, ”guriga” iyo ”guri ga”. Sida dambe dad yar oo ku dhiirraday baa jira. Faraha dunida labada siyoodba waa la adeegsadaa. Tusaale ahaan Farta Carabida, Ingiriisida, iyo Iswiidhishku siyaalahan ayuu aqoonninku erayga u gu dhacaa kolka loo eego Af Soomaaliga:

Carabi: xarf, alxarf.
Ingiriisida: letter, the letter.
Iswiidhishka: bokstav, bokstaven.
Soomaaliga: xaraf, xarafka.
Halkaa waxaa ka muuqata qodobka aqoonninku in uu Carabida iyo Ingiriisida horta ka galo, iyada oo Carabida erayga la raaciyo Ingiriisidana la ga gooyo. Taa beddelkeeda Iswiidhishka iyo Soomaaliga gadaal buu ka raacaa.

Arrintani wax ay ka mid ahayd waxyaalo kolkii Far Soomaalida la hirgelinayay heshiis la’aan iyo talagal la’aan ku dhaqangalay. Abuur ahaan Af Soomaaligu qodobka aqoonninku isaga oo ama lab ama dheddig, haddana labadaas baa tarma oo siyaalo ka la duwan u dhaca. Tusaale ahaan asalku haddii uu yahay ”ka” oo labka ah iyo ”ta” oo dheddigga ah, sida ”inanka” iyo ”inanta”, in badan oo abuurtaas ka mid ahi waa ay dhimatay ama doorsoontay, wax ayna tagtay xaalad kale oo aan aqoonninku ”ka” iyo ”ta” midna ahayn, sidaa ”badda” oo asal ahaan ahayd ”badta”, ”hasha” oo ahayd ”halta”, ”guriga” oo ahaa ”gurika” iwm. Kuwaa waxaa la mid ah: ”gabadha”, ”saca”, ”qudha (nafta)” iwm oo qodobkoodii aqoonninku aad u fog yahay.

 La soco….Qaybta damne hadii alle idmo
Waxa qoray Ibraahin Hawd
Xigasho Mareegta Ramaas
_______________________________________________________________________________________________

“Qorista Habboon Ee Af Soomaaliga”
Qaybtii 10aad 

 6) Waxaa jira qodobbo dibgale ah oo erayada gadaal ka raacraaca, kuwaas oo aan sida loo qorayo is ku aragti la ga ahayn. Kuwaa waxa loo baahan yahay in xal midaysan loo helo. Saddex baa u gu daran ama u gu caansan oo qoristooda dadku aad u gu ka la qaybsan yahay. Waa dibgalayaasha ”ba”, ”na” iyo ”se”. Waxaa la qoraa ”adigana iyo adiga na”, ”anigaba iyo aniga ba”, "iyadase iyo iyada se". 
Anigu beri baan qabay labada hore in erayga la ga jaro, waan se ka noqday taladaa waayo akhriskooda goonida ahi wuu dhadhan xun yahay, is la markaa naxwe ahaan gooni ma noqon karaan oo macnaha erayga ayay ka mid yihiin.


 Qodobka kale ee ”se” oo kuwaa hore ka duwani dhismaha hadalka ayuu u yahay laxaad, waxaa se shiiqiyay ka carabiga ah ee ”laakiin”. Waa eray is kii u taagan, weedhana hor iyo gadaal kii la doonaba wuu ka geli karaa. Waxaa la qori karaa ”Af Soomaaligu waa hodan hagaag se loo ma qoro”, ama ”Af Soomaaligu waa hodan se hagaag loo ma qoro”.



 7) Dood baa la ga furi karaa israacinta ama ka la goynta erayga iyo aqoonninkiisa, sida ”afka” ama ”af ka”, ”farta” iyo ”far ta”, ”runta” iyo ”run ta”, ”guriga” iyo ”guri ga”. Sida dambe dad yar oo ku dhiirraday baa jira. Faraha dunida labada siyoodba waa la adeegsadaa. Tusaale ahaan Farta Carabida, Ingiriisida, iyo Iswiidhishku siyaalahan ayuu aqoonninku erayga u gu dhacaa kolka 



loo eego Af Soomaaliga:

 Carabi: xarf, alxarf.
Ingiriisida: letter, the letter.
Iswiidhishka: bokstav, bokstaven.
Soomaaliga: xaraf, xarafka.


Halkaa waxaa ka muuqata qodobka aqoonninku in uu Carabida iyo Ingiriisida horta ka galo, iyada oo Carabida erayga la raaciyo Ingiriisidana la ga gooyo. Taa beddelkeeda Iswiidhishka iyo Soomaaliga gadaal buu ka raacaa.

Arrintani wax ay ka mid ahayd waxyaalo kolkii Far Soomaalida la hirgelinayay heshiis la’aan iyo talagal la’aan ku dhaqangalay. Abuur ahaan Af Soomaaligu qodobka aqoonninku isaga oo ama lab ama dheddig, haddana labadaas baa tarma oo siyaalo ka la duwan u dhaca. Tusaale ahaan asalku haddii uu yahay ”ka” oo labka ah iyo ”ta” oo dheddigga ah, sida ”inanka” iyo ”inanta”, in badan oo abuurtaas ka mid ahi waa ay dhimatay ama doorsoontay, wax ayna tagtay xaalad kale oo aan aqoonninku ”ka” iyo ”ta” midna ahayn, sidaa ”badda” oo asal ahaan ahayd ”badta”, ”hasha” oo ahayd ”halta”, ”guriga” oo ahaa ”gurika” iwm. Kuwaa waxaa la mid ah: ”gabadha”, ”saca”, ”qudha (nafta)” iwm oo qodobkoodii aqoonninku aad u fog yahay.



Waxa qoray Ibraahin Hawd
Xigasho Mareegta Ramaas

___________________________________________________________________________________________


No comments:

Post a Comment