Ruwaayadii DUMISTII AQALKAYGA IYO AROOSKII INANKAYGA Iyo Qaar Ka Mida Heesihii Ku Jiray
Dumistii
aqalkayga iyo arooskii inankayga. Ruwaayadan oo uu curinteeda lahaa Abwaan Xasan
Ganay waxa la dhigay habeenkii kala
wareega sannadkii 1978-kii iyo 1979-kii.Ruwaayadan
oo ahayd mid ay aad uga heleen dadkii daawaday waxa ku jiray heeso aad u qiimo
badnaa.Heesihii
riwaayaddan ku jiray waxa ka mid ahaa:-
• Ma ogtahay curyaankaba, cago looma waayine: Xasan Aadan Samar iyo Xaliimo
Khaliif Magool
• Goronyooy gabal kuu dhac: Xasan Aadan Samatar
• Waanigan jiciirtee jaaw nabad galyoo: Xaliimo Khaliif Magool
• Dadna adaa ugu qurux badan, dumarna waa adoo qudha: Xasan Aadan Samatar iyo Xaliimo
Khaliif Magool Ruwaayadan
heesta ugu caansanayd waxay ahayd heesta ay wada qaadaan Xasan Adan Iyo Xaliimo
Khaliif Cumar Magool, ee Ma ogtahay curyaankaba, cago looma waayine.
Xasan
Aadan Samatar
Cishaduu Ilaahay
Cirka taagay udub li’
Ciiddana ka dhigay gogol
Wabiyada cartamayiyo
Cidhifyada bad kaga xidhay
Iyo buuraahaa culus
Cimrigeed adduunyada
Waxa jiraa col iyo nabad
Caydh iyo nin xoola leh
Iyo laba is caashaqay
Caawana kamay tegin
Caynkaynu ku ogeyn
Adna calafka kuu qoran
Cunaha seegi maayee
Caashaqa ha baayicin
Xaliimo
Khaliif Cumar (Magool) IHNCadad kuu Ilaahay
caradeenna joojee
Aadan ciidda ka alkumay
Xaawana cadkiisiyo
Feedh calaanta laga dhigay
Cishadaa ma uunneyd
Caawana ma nooshahay
Caqlaa diiday hadalkuu
Carrab dalab la’ sheegee
Ceeryaamo iyo boodh
Ciiro ha isku qarinine
Noloshayda caydh iyo
Cilmi guur aan ku fadhiyin
Ku caar caari maaye
Caashaqa iska ilowXasan Aadan SamatarXalay taba caweyskii
Canabay daruuruuhu
Cimidh bay ahaayeen
Caawana lagu ma oga
Wakhtigii ku ciiliyo
Cisigiyo wanaaguna
Way is daba caraabaan
Waxaana kuu caddayn kara
Caamiyaha indhaha liyo
Ma ogtahay curyaankaba
Cago loo ma waayine
Caynkaa waxa loo yidhi
Kuwa cararayee ladan
Inay ku cibro qataan
Caashaqa ha baayicin
Xaliimo
Khaliif ( Magool)
Bada caarid maalmaha
Cawa daranta fiidkiyo
Caddadaa walaalo ah
Cadceeddii timaadaana
Dadka ruux cadibanoo
Waayuhuu ku ciiriyo
Mid caruusa yaa jiro
Caad iga ma saarnee
Ee cilmiyada ilaahay
Anigoon aan caasiyin
Cabsi ha igu galinine
Adiga oo aan cuud dhaqan
Caashaqan ku taabtaan
Cudur-daar u yeelee
Ceeb kale miyaan dhigay?
No comments:
Post a Comment