Jamaal Macalin Blog
Sunday, January 11, 2015
Xildhibaan Ka Tirsan Guurtida Oo Geeriyooday
Alle haw naxariistee waxa xabaalaha Naasa-hablood lagu aasay xildhibaan Siciid Cali Nuux oo ka tirsanaa golaha guurtida ee Somaliland. Alle ha u naxariistee aaska loo sameeyay marxuun xildhibaan Siciid Cali Nuux waxa ka qayb qaar galay xildhibaanda labada gole ee guurtida iyo wakiilada, ehelka marxuumka iyo masuuliyiin kale oo aad u tiro badan.
Qaar ka mida xildhibaanadii golaha guurtida ee ay marxuunka wada shaqayn jireen ayaa waxay ka hadleen kaalintii uu marxuun Siciid Cali Nuux kaga jiray hawlaha waxqabad ee golaha guurtida. Gudoomiyaha guddida joogtada ah ee golaha guurtida xildhibaan Xaaji Cabdikariin Xuseen (Cabdi waraabe) ayaa isagoo ka hadlaaya taariikhda marxuunka waxa uu ku si feeyay oo uu yidhi “marxuun Siciid Cali Nuux waxa uu ahaa nin nabada ka shaqeeya oo aan khilaafka aqoon. Marxuumka waxaan alle uga barnaynaa in uu u naxariisto isaga iyo ummada nebi muxamed-ba, ilaahayna samir iyo iimaan ha ka siiyo qoyskiisii iyo golihii guurtida ee uu ka tirsanaa.” Waxa kale oo isana aaska marxuun xildhibaan Cabdiqaadir Maxamuud Xasan (Indho-indho) waxana isagoo marxuumkaas tacsi u diraya waxa uu yidhi “Marxuun Siciid Cali Nuux waxa uu ahaa adoon wanaagsan waxaanu ilaahay iga baryaynaa in uu samir iyo iimaan ka siiyo qoyskii iyo qaraabdii uu ka baxay.” Marxuun Siciid Cali Nuux taariikh nololeedkiisa oo kooban waxa uu ku dhashay magaalada Cadan 1954-kii halkaas oo aabihii ka ahaa ganacsade, halkaas uu ka bilaabay kuna dhamaystay waxbarashadiisa hoose dhexe iyo sare. 1960-kiin isaga iyo aabihiiba waxay ganacsigii ula soo wareegeen Somaliland. Marxuun Siciid Cali Nuux waxa uu xildhibaanada golaha guurtida ka mid noqday sannadkii 2007-dii intii uu golaha ku jirayna waxa lagu tilmaami jiray kuwa ugu shaqada iyo joogitaanka badan golaha. Alle ha u naxariisto marxuun Siciid Cali Nuux intii uu ka baxayna samir iyo iimaan ha ka siiyo inaalilaahi wa inaa ilayhi raajucuun. By: Jamaal C/Ramaan Macalin
Subscribe to:
Post Comments (Atom)
No comments:
Post a Comment