Xildhibaan
C/qaadir Maxamed Xasan (Indho-indho) oo ka tirsan golaha guurtida ayaa waxa uu
ka hadlay hadalkii dhawaan ka soo baxay shirkii IGAD ee lagu qabtay Muqdisho.
Xildhibaanku
waxa uu sheegay in go’aamadaas aanay waxba ka khusayn Somaliland, maadaama
oo aynu nahay dal madax-banaan oo xuduudihiisa gaarka ah leh. Xildhibaan waxa
uu sidaa ka sheegay mar uu qaar ka mida warbaahinta kula hadlayay magaalada
Hargeysa.
Xildhibaan
C/qaadir (Indho-indho) oo ka hadlayay hawlaha ay IGAD u tageen Magaalada
Muqdisho waxa uu yidhi “IGAD waxay u shaqo tageen meesha la yidhaa Xamar,
markaas nimaankaasi in ay u xaq sooraan Xamar iyo Somaliland oo aanay u shaqo
tagin marna maan filayn.”
Xildhibaan
Cadbdiqaadir (Indho-indho) waxa kale oo uu sheegay in IGAD ay adduunka
lacago kaga qaataan in ay dawlada Xamar la shaqeeyaan, isagoo arrintaas ka
hadlayayna waxa uu yidhi “Nimankan IGAD adduunkana lacag bay kaga
gurtaan,haddii ay Soomaaliya nabadi ka dhacdana meel ay ka shaqeeyaanba garan
maayaan.”
Xildhibaanku
mar uu ka hadlaayay wada hadalada u dhexeeya Somaliland iyo Soomaaliya
waxa yidhi “Adduunku waxa uu yidhi waxaad u wada hadashaan sidii laba
dawladood, waxaanaad ka wada hadashaan sidii aad u wada noolaan lahaydeen.
Muhiimaduna waxa weeyaan arrintii madaxweynaha Jabuuti yidhi waar siyaasada ku
dhiirada oo arrimaha masiiriga ah ka wada hadla oo mustaqbalka sidii aad u wada
noolaan lahaydeen ka wada hadla. Markaa waxaan leeyahay hadii nuxurka wada
hadalada aduunku yidhi ku dhiirada aan la galin waxan kale oo dhami waa arrin
farsamo.”
Xildhibaan
waxa uu shacabka reer Somaliland u soo jeediyay in ay meel ug soo wada jeestaan
adkaynta midnimada iyo ilaalinta nabadgelyada dalkena.
By:
Jamaal C/Raxmaan Macalin
No comments:
Post a Comment