Abwaan
Xasan Xaaji Cabdilaahi (Xasan Ganay) waxa uu leeyahay suugaan badan oo aad u
qiimo badan, taasna waxan u malaynayaa waa la wada ogyahay cidna loo sheegi mayo,
kaaliin waxa aad u cajiib ah heesihii ku jiray ruwaayadii la odhan jiray DAB
JACAYL KARI WAA, taas oo uu abwaanku alifay 6 April 1974-kii.
Ruwaayadaa hadii aan idin
xasuusiyo heesaha ku jiray waxa ka mid ahaa.
2. Ambabaxaye socodka inaan
Eebbe igu qadin, oo wada qaadaan Axmed Cali Cigaal iyo Aamina Cabdillaahi Xirsi.
3. Faraskaagii laga badi,
oo ay ku wada luuqeeyaan Sahra Axmed Jaamac iyo Cabdi Cali (Bacalwaan).
4. Shafka kaalay igu qabo, oo ay
codadkooda isku dhaaf-dhaaf sadaan fanaaniinta Axmed Cali Cigaal iyo Sahra
Axmed Jaamac
4. Caashaqu wadaad ma leh, oo ay
qado fanaanada Aamina Cabdillaahi Xirsi.
Heesaha ruwaayada DAB JACAYL
KARI WAA, ku jiraa ma aha intan oo kaliya.
Abwaanka waxaan ILAAHAY uga
baryanaa in uu siiyo caafimaad iyo cimri dherer.
No comments:
Post a Comment