Sunday, January 11, 2015

Guddida Joogtada Guurtida Oo Bogaadiyay Halka Uu Maraayo Cisbitaalka Guud Ee Hargeysa

‘Dhakhaatiirtii ka hawl galaysay qaybta kalyuhu waxay noo sheegeen in ilaa 800 oo qof kalyaha loo safeeyay…’

Xog-hayaha guddida joogtada ah ee guurtida Siciid Cali Nuux

Hargeysa......Guddi hoosaadka joogtada ah ee golaha guurtid ayaa waxay wasaaradda caafimaadka iyo maamulka cusbitaalka guud ee Hargeysa ku bogaadiyeen kor u qaadida iyo taynta balaadhan ee lagu sameeyay adeegyadii uu cusbitaalka guud ee Hargeysi u qaban jiray bulshada.










         

Guddi hoosaadka joogtada ah ee golaha guurtidu  waxay sidaa wrbaahinta ugu sheegeen mar ka dib markii ay soo dhamaysteen kormeer ay shalay ku tageen cusbitaalka guud ee Hargeysa.



Xoghayaha guddi hoosaadka joogtada ee golaha guurtida mudane Siciid Cali Nuux ayaa wasaaradda caafimaadka iyo maamulka guud ee cusbitaalka guud waxa uu ku bogaadiyay sida fiican ee ay kor ugu qaadeen tayada adeegyada uu bulsahada siiyo cusbitaalka guud ee Hargeysa, isagoo arrimahaas ka hadlaayana waxa uu yidhi “Hadaanu nahay xildhibaanada guddida joogtada ah ee golaha guurtida waxaanu kormeer ku nimi cusbitalka guud ee Hargeysa intii aanu u kuur galaynayna xaalada cusbitaalka waxaanu ku aragnay waxyaabo badan oo horumar ah oo lagu farxi karo. Dhakhaatiirtii ka hawl galaysay qaybta kalyuhu waxay noo sheegeen in ilaa 800 oo qof kalyaha loo safeeyay. Markaa waxaanu wasaaradda caafimaadka iyo madaxda cusbitaalkaba ku bogaadinaynaa hawsha ay qaranka u hayaan.”

Agaasimaha  guud ee cusbitalka Hargeysa Dr. Axmed Xaaji Cumar (Askar) oo hadalkooban halkaas ka jeediyay ayaa waxa guddi hoosaadka joogtada ah ee golaha guurtida uga mahadceliyay kormeerkan ay ku yimaadeen cusbitaalka guud ee Hargeysa, waxaanuu ydhi “Xildhibaanada golaha guurtida gaar ahaan xubnaha ka socda guddida joogtada hadaanu nahay maamulka guud ee cusbitaalka Hargeysa waxaanu idiinka mahad naqaynaa in aad noogu timaadaan cusbitaalka way nee Hargeysa si aad noola ogaataan xaalada uu hadda ku sugan yahay.”
Agaasimuhu waxa uu sheegay in cusbitaalka guud ee Hargeysa uu wakhtigan marayo meeshii ugu fiicnayd, isagoo arrintaa ka hadlayana waxa uu yidhi “Cusbitaalka guud ee Hargeysi hadda waxa uu marayaa meel aad u fiican, waxaana hadda aanu soo kordhinay qaybo badan kuwaas oo ay ka mid yihiin, qaybta CT Scan-ka oo ah qaybta baadhista oo ay joogaan dhakhaatiirtii aqoonta u lahayd iyo mishiinkii wadnaha.”

Agaasimaha guud ee cusbitaalka guud ee Hargeysa  Dr. Axmed Askar waxa uu sheegay in uu kor u kac baaladhini ku yimi adeegyadii uu cusbitaalku u qaban jiray bulsahada, isagoo arrintaa ka hadlaayana waxa uu yidhi “Runtii cusabitaalka waxa kor u kacay adeegii uu bulshada u qaban jiray sida, qaliinka, xaaladaha degdega ah ee ku yimaada dumarka marka ay umulayaan, qaliinada dadka madaxa dhaawacyadu ka soo gaadhaan iyo sifaynta kalyaha.”
Agaasimuhu waxa kale oo uu xubnahan ka socday guurtida tusay dhismeyaal cusub oo laga hirgaliyay dhawaan cusbitaalka guud ee Hargeysa.
Qaybaha kala duwan ee xildhibaanadan ka socday guurtidu soo kormeereen ayaa waxa ka mid ahaa qaybta gargaarka degdega ah, qaybra qaliinada, qaybta baadhista iyo sifaynta kalyaha iyo qaybta daawaynta bukaanada oo dhamaantoodba ay si fiican uga socotay hawl maalmeedkii caadiga ahaa ee ay bulshada ugu adeegi jireen.

By : Jamaal C/raxmaan Macalin

No comments:

Post a Comment