Sunday, January 25, 2015

Ruwaayadii GALBEED WAA LA XOREEYAY Iyo Qaar Ka Mida Heesihii Ku Jiray

Galbeedoo la xorreeyay iyo gaafkeenii isku hagaagay. Waxa uu abwaanku riwaayaddan sameeyay 1977, laakiinse dib ayay u yara  dhacday. Markii dagaalkii Soomaali Galbeed  iyo Itoobiya dhammaadayna, waxa uu abwaanku beddelay magaciii riwaayadda, waxaanu ka dhigay Galbeed waa la xorreeyey, Waarsaa gaagixisay, sidaas ayaanay riwaayaddani si rasmi ah u soo baxday sannadkii  1978.

Ruwaayadan waxa xidig ka ahaa fanaanka caanka ah ee   Xasan Aadan Samatar
Sidoo kale waxa xidigad ka ahayd fanaanada codka macaan ee Sahra Axmed Jaamac
 Heesihii riwaayaddan ku jiray waxa ka mid ahaa:

            • Sayla guyaal badan : Xasan Aadan Samatar iyo Sahra Axmed Jaamac
            • Maalmaha qalloocaa : Xasan Aadan Samatar
            • Wuxuu noole daawado daa’uusku waa kow, isagana qab baa dilay, waxa  loogu  dawgalay nabar aan dawo lahayn: Xasan Aadan Samatar iyo Sahra Axmed Jaamac
·         Gadhba gadhbaa la tusaa:
·         Masciideed: Amina Cabdillaahi Axmed iyo Barrow
·         Leeleelka caashaqa: Aamina Cabdillaahi Xirsi iyo Barrow

Xasan Aadan Samater:

  Sayloo guyaad badan
  Soo baxa kaliishii
  Seelseelna loo degay
  Sannad geelu badi dhalay
Oo sidigtii Laalays
  Nirguhu aanay socod baran
  Reeraha sintoodiyo
  Kaymo saar leh loo dhigay
  Oo igadh mid yari sabo
  Maqaar lagu salaaxooy
  Saameeshay gaawaha
  Oo baarqab soohani
  Isagoo ah laba-sabar
  Soofeeyey micidoo
  Ka sanqadhiyey doobtii
  Salaaddiina roorsaday
  Ugabkii u saniyoo
  Surmo dheer la tiigsaday
  Saqdii dhexena roob helay
Subixii bariisada
  Sideedaan jalleecada
  Saxansaxo udgoon badan
  Sanka kuula raacaa

Sahra Axmed Jaamac:

 Sange subag idaad iyo
  Sumal baridii lagu shubay
  Ooy sabada ceelkiyo
Sohdu tahay agtiisoo
  Loogu dhaansho sacabada
  Oo Sudiyo Howd sare
  Seddex guure daaqoo
  Weli aan sedyari arag
  Oo seeto iyo dabar
  Labadaba ka saahiday
  Oo salow dagaal iyo
  Cidi geyn  saraayaha
  Oo sararta naaxdiyo
  Timuhu ay isku seexdeen
  Oo seyn-gargortiyo
  Loo salaaxa guudkoo
  Saxarkii ku duuliyo
  Looga maydho  siigada
  Loo saaro kooraha
  Cigalkiina loo suray
  Sarajoogga iyo muuq
Sankuneefle kaligaa
  Adaa suuraddiisa leh

 Xasan Aadan Samater:

 Sagal gaaxday roob subax
  Seermaweydo soo guday
  Waaguna ku sarakacay
  Sarajoog nin dhererkii
  Cadceedduna la siman tahay
  Nuurkuna sagootiyey
  Oo waqal sindadab iyo
  Guulaamo socotiyo
  Kala soocday dhibicii
  Oo midab sibaaqiyo
  cadaan wada siraatiyo
  madoow suul-dhalaal xiga
  Seddexdaa miduun yahay
  Qof suureeyey kala garan
  Oo beel Sanaagiyo
  Ku surmiday saraar godan
  Saadaalinaysoo
  bal halkuu ku simo iyo
  Sugayaan inuu helo
Subixii bariisada
  Sidoodaan jalleecada
Saxansaxo udgoon badan
  Sanka kuula raacaa

  Sahra Axmed Jaamac:

 Dhulku saacu wada gaadh
  Waanu kala sed roonyee
  Meel idaha seel u leh
  Riyahana salool u leh
  Oo geela saar u leh
  Oo dirir sagaariyo
  Sagaal gudcurkuna helay
  Saga xareedaan
  Biyuhuna sunsumayaan
  Oo saawasaawiyo
  Saxal cudur lahaynoo
  Salka looga degay nabad
  Oo saraarta dixidiyo
  Simantahay dareemadu
  Oo sebiga caanihii
  Lagu siiyey golihii
  Habluhuna sibraar iyo
Dhiilo saabka loo tolay
  Sinta bidix ku qaadeen
Subixii bariisada
  Sidoodaan jalleecada
  Saxansaxo udgoon badan
  Sanka kuula raacaa





No comments:

Post a Comment