Qaybtii 14aad
Maah-maahyada garta dhaqanka:
In mudo ah waxa si
taxane ah inoogu socotay qormo ku saabsan noocyada garta ee dhaqanka u ah
soomaalida.
Qormadan oo ah tii
ugu dambaysay. Taxaneheena oo aan u arkaynay waxaanu si mug leh u soo xiganayay
qormooyin uu qoray Cumar Caara-dhuub. Waxa kale oo xusid mudan in qoraalkan ay
xuquuqdiisa lahayd mareegta la yidhaa Hoyga Suugaanta.
Qaybtan oo ah tii
14aad waa tii ugu dambaysay qoraaladii taxanaha ahaa ee ku saabsanaa garta Soomaalilda.
Waxa jira maah-maahyo la adeegsado xiliyada lagu guddo jiro garaha. Hadaba waa
kuwan qaar la xidhiidha garaha.
Gartu waxay leedahay maahmaahyo iyo Odhaaho
badan oo loo isticmaalo, waxaana ka mid ah:-
1.
Gari laba nin kama
wada qosliso
2.
Laba garamay iyo laba gantamay (isdilay)
galladi kama dhaxayso.
3.
Gar waa loo wada
islaam.
4.
Nin gar yidhi ma
tacadiyin.
5.
Gar eexo, gacan
laabban iyo gudoon jilicsan rag looguma talin karo.
6.
Garta sheeg baa
laygu yidhi ee ku dirir layma odhan.
7.
Garawshiinyo waa
geel siin.
8.
Hashaada waa laga
tagaa, halkaagase lagama tago.
9.
Saddex baan
maarradooda la helin, Min-weyn reer mulkiday, Mari
10.
Idaad (lax0 oo
madow (Doog) wayday iyo muduci markhaati waayey.
11.
Nin markhaati been
ah kuu furay muraadkaagana ku gaadhay, isna waxa uu yahay ogaatay.
12.
Raq-ba waa ku
rageed.
13.
Awr xamilkii waa
qaadaa, xadhig qaloocanse ma qaado.
14.
Nin aan garaw
baranini, garna ma bar ran.
15.
Taasi waa gar,
dawse ma aha.
16.
Gartu soddog iyo
seedi midna ma taqaan ee allay taqaan.
17.
Nin aan khatalmin
xaal ma qabto.
18.
Hadii ay qooni
timaado, qunjuraafo hadhan.
19.
Saddex waa gar,
saddexna waa gardaro, saddexna waa galabsi.
20.
Hadal iyo hilbaba
kala qallan.
21.
Miyeynu iswaalnaa
oo laba halaad iyo badhley ayeynu qaadanaa, mise waynu miyir qabnaayoo laba
halaad iyo badh baynu helnaa.
22.
Madax aaddan
lahayn miyirkiisa la isma saaro.
23.
Gartaada debeddaa
laga akhristaa.
24.
Garna garteedaa
lagu doonaa, Mandheerna garkeedaa lagu doonaa.
25.
Gole waa saymo.
26.
Hoos-ba hadal leh.
27.
Badh geel murran
ma leh.
28.
Dhac guudkii
lagama hadlo.
29.
Halka dhiig lagu
daadiyo, xab ayaa lagu daadiyaa.
30.
Gaal dil,
gartiisana sii.
31.
Waayeel ha
gurrinee, wax aqoon gura.
32.
Isna ha hadloodo.
33.
Bidena gartiisa
sii.
34.
Xadhko geel ma
wada xidhaan.
35.
Marka indho gar
lihi ooyaan, indho gar leh maxaad mooday.
36.
Markhaati waa dhaar
nin lihi diiday.
37.
Hadii aad aragto
nin calooshu ka soo dhacday oo uu ku soo ergoodo, ha garsiin ilaa aad kii
kalena aragto waaba intaasuu go’aye.
38.
Ninkii
candhuuftaadu gaadho, gacantaaduna ha gaadho.
39.
Ergo wixii la
farona way geysaa, wixii la siiyana way cuntaa.
40.
Rag waxa u ayaan
darran nin doqonkii dacwiyey, nin durguftii duday iyo nin dameerkii bakhtiyey.
41.
Xadhig habeenimo iyo xaajo guntan mid walba
ninkii xidhay baa fura.
42.
Wixii aan markhaati lahayni raajacsan.
43.
Boqolle boqol baa lagu doonaa.
44.
Gardaro garab og
iyo gaajo guri og midna looma taag helo.
45.
Walaalkaa magtana
ka bixi, markhaatigana ku fur.
46.
Tolkaa dhiig waa
loo soo duwaa, dhaarse looma soo duwo.
47.
Gari waa maxay.
48.
Marag Ani..
49.
La jiifiyaana
bannaan.
50.
Qoslaa hiil leh.
51.
Waayeelku
hadalkiisa kaftan buu ku dhamaystaa.
52.
Belaayo hor la
qabto ayey leedahay, daba la qabtose ma laha.
53.
Ina Sanweynena u
gee oo gartaasi waa sidaa.
54.
Nin malagii galay
iyo Mamaasan u gee.
55.
Hubsiimo hal baa
la siistaa.
56.
Guddi raagtay ama
hal meesha ku jira ayey ka saaraysaa ama hal aan ku jirrin ayey soo gelinaysaa.
57.
Aduun I khatal.
58.
Hadal nin kaa ka
xigo iyo hawl nin kaa xigo midna lama hororsado.
59.
Meesha aad nin ka
qaadanayso, nin baad kaga tegaysaa.
60.
Nin wiil lihi xeer
ma duraanto.
61.
Fara-madhan baa
daawo xidhantaa.
62.
Meeshii xoolo
mareen baa xeer maray.
63.
Farasaw kadlahaaga
iyo kudladaada isla sug.
64.
Waa Jemeshii
Wacays Kaliile maxay noqon.
65.
Gari laba nin kama
wada qosliso.
66.
Tolkaa eex laguma
dilo.
67.
Hadal xigaal iyo
hilib idaad-ba qabawgaa lagaga dhergaa.
68.
Lafahana gur,
xaragona haka tegin.
69.
Saadame ayaad
garran.
70.
Caduur dhowdhowdu
uma dhacsana.
71.
Aniguun baa
aakhiradayda seegaye, aar walaal noqon-waa.
72.
Colaadi wiil bay
dishaa ee wiil ma dhasho.
Maahmaahyada garta
dhaqanka oo aanu cadadkayagii hore qaar ka mid ah idiin soo gud-binay waxa kale
oo ka mid ah:
Waxay kuugu darran tahay marka qofka aad wax la doonaysaa kula garran-waayo, qofka aad wax ka doonaysaana uu kugu garto.
Doqoni seeftii caro loogu riday sed-bursiinyo ma moodo.
Waxay kuugu darran tahay marka qofka aad wax la doonaysaa kula garran-waayo, qofka aad wax ka doonaysaana uu kugu garto.
Doqoni seeftii caro loogu riday sed-bursiinyo ma moodo.
Hadal kun isku
ogtahay kow ma odhan-waayo.
May tidhi waa kayd rag.
Rag in loo abaal-guddo iyo in laga aarsado ka fara badan.
Is hubaa heesa.
Rag ballan baa xidha, naagana meher baa xidha.
Hadii aynu intaa ku dhaafno maahmaahyada iyo odhaahaha ku soo arooray garaha dhaqanka, bal iminkana aynu wax ka xusno suugaanta, gaar ahaan heesaha ku soo arooray garaha, waxaana ka mid ah:
Dadka kii wax garadiyo garta ina sanweynaa loo geysan jiraye, gaasiraay inaga yeyna kala guraaya.
Dadku kala gardaranaa, garran-maayo wiilkee.
Gari ma ku gashaa, adiga maku gashaa.
Nin gefaaba lay tirinayaa garasho waa yaabe.
Intaa hadii aynu ku dhaafno suugaanta dhinaca heesaha ee ku soo arooray garaha, bal iminkana aynu eegno suugaanta dhinaca gabayada ee ku soo arooray garaha, waxaana ka Mid ah:
“Guddi murrantay waayeel garramay xaajo lagu guulay, ay guud cadiye feemiyeen odaya loo gaatay, nin waliba gankiisiyo markuu giijo madaxiisa, gaagaabsayaa iyo badheedh geesi hadal-yaaba go’aankii la wada raaci jiray gocanayaa mooyi,” Cali Jaamac Haabiil.
“Raguna guudka waysaga egyahay, guulla kala roone gembi warranka, gaashaanka ficil goray dagaalkeeda, guddi murranka waayeel garamay xaajo lagu guulay, gacanta iyo gasiin laga baxshiyo guriga hayntiisa, ma gud-boona geesiga hantiyo gocorka caayaaye,” Salaan Carabey.

La soco….qaybta damne hadii alle idmo
Waxa qoray Cumar Caara-dhhuub
Xigasho mareegta Hoyga Suugaanta
Dhamaad
No comments:
Post a Comment