Saturday, March 21, 2015

“Qorista Habboon Ee Af Soomaaliga”



Qaybtii 7aad
Ahaanshaha iyo sifadu marka ay israacaan iyaga oo dheddig ayaa iyaduna ah cillad jirta. Tusaale ahaan dhuxushu waa ay nooshahay. Sida muuqata naxwaha ma raaci karno oo ma qori karro ”dhuxultu waa ay nool tahay”,
waayo waa hadal abuurtiisu dhimatay. Waxaa kale oo ka mid ah is la dheddigoodka marka ay sifadu ku dhammaato xarafka d, sida ”waa ay fudud dahay”. Halkaa waxaa ka muuqata xarafkii t in uu dhintay oo isu rogay d, markaa ”dahay” ma aha af naxwe ahaan jira, haddana waa in la qoraa iyada oo u taagan ”tahay”.
3) Erayada Af Soomaaligu sida ay u ka la maarmaan iyo sida ay isu lee yihiin loo ma qoro, ee badanaa hadal aan shuqul is ku lahayn ayaa la is ku dhedhejiyaa. Haddii aad is wayddiiso Af Soomaaliga qorani waxa uu u jiidjiidmo, taas oo foolxumaysa, sababtu waa erayo ka la madaxbannaan oo la is ku qoro. Foolxumada uun ma aha ee naxwaha afka ayaa sidaa ku cilladadooba. Qodobkani run ahaantii waa ka u gu daran haddana u gu badan ee qorista ku jira.
Tusaale ahaan la ma garan karo bilawgii waxa keenay in la qoro ”waxaan kula jeclahay inaad ila garato qorista habboon”. Dhab ahaantii waxaa qumman in la qoro ”wax aan ku la jecel ahay in aad i la garato qorista habboon”. Waxaad, waxaan, waxay, wuxuu iyo kuwa la midka ahi waa erayo macne ahaan iyo naxwe ahaan ka la go’i lahaa oo haddana la is raaciyo. Wax ay ahayd in la qoro ”i la ma aha”, waxaa se la qoraa ”ilama aha”. Saddexdaa eray ee i, la, ma shuqul is ku ma laha oo mid waliba is kii buu u taagan yahay. Waxaa la mid ah: ”kaga/ ka ga”, ”kugu/ku gu”, ”laga/la ga”, ”lagu/la gu”… Halkaa xarafka g waa k dhimatay, waana in sidaa loo oggolaadaa loona qoraa.
 Xaq ma aha in la yidhaahdo goor walba dhawaaqa afka ka baxaya qorista ha la la raaco, waayo dadku kolka ay hadlayaan afka aad ayay u jejebiyaan oo u silciyaan, iyada oo ay ka tahay fududaysi. Tusaale ahaan weedha ”waa maxay?” dad badan baa ku gaabsada ”waa xay?”. Waxaa la mid ah ”waayay” oo ah ”waa yahay”, ”waatay” oo ah ”waa tahay”. Gobolka Shabeellaha Dhexe badanaa ”maxay tahay” ama ”muxuu yahay” waxaa la gu koobaa ”xay tahay” iyo ”xuu yahay”.
4) Eray ama ka badani kolka ay eray qudha isku noqdaan, qoristooda dad baa isugu xidha jiitin, dad kalena waa ay ka la gooyaan, dad saddexaadna toos ayay isu raaciyaan. U fiirso tusaalayaashan ”af ka la qaad, af-kala-qaad, afkalaqaad”, ”gacan ku dhiigle, gacan-ku-dhiigle, gacankudhiigle”, ”wax ma garad, wax-ma-garad, waxmagarad”, keli taliye, keli-taliye, kelitaliye”, abaal laawe, abaal-laawe, abaallaawe”, ”inan la yaal, inan-layaal, inanlayaal”.
 Intaas oo siyaalood garasho ahaan iyo qurux ahaanba sida u gu dambaysa ayaa u gu qumman.

La soco….Qaybta damne hadii alle idmo


Waxa qoray Ibraahin Hawd
Xigasho Mareegta Ramaas


No comments:

Post a Comment