Qaybtii 10aad
6)
Waxaa jira qodobbo dibgale ah oo erayada gadaal ka raacraaca, kuwaas oo aan
sida loo qorayo is ku aragti la ga ahayn. Kuwaa waxa loo baahan yahay in xal
midaysan loo helo. Saddex baa u gu daran ama u gu caansan oo qoristooda dadku
aad u gu ka la qaybsan yahay. Waa dibgalayaasha ”ba”, ”na” iyo ”se”. Waxaa la
qoraa ”adigana iyo adiga na”, ”anigaba iyo aniga ba”, "iyadase iyo iyada
se".
Anigu beri baan qabay labada hore in erayga la ga jaro, waan se ka
noqday taladaa waayo akhriskooda goonida ahi wuu dhadhan xun yahay, is la
markaa naxwe ahaan gooni ma noqon karaan oo macnaha erayga ayay ka mid yihiin.
Qodobka
kale ee ”se” oo kuwaa hore ka duwani dhismaha hadalka ayuu u yahay laxaad,
waxaa se shiiqiyay ka carabiga ah ee ”laakiin”. Waa eray is kii u taagan,
weedhana hor iyo gadaal kii la doonaba wuu ka geli karaa. Waxaa la qori karaa
”Af Soomaaligu waa hodan hagaag se loo ma qoro”, ama ”Af Soomaaligu waa hodan
se hagaag loo ma qoro”.
7)
Dood baa la ga furi karaa israacinta ama ka la goynta erayga iyo aqoonninkiisa,
sida ”afka” ama ”af ka”, ”farta” iyo ”far ta”, ”runta” iyo ”run ta”, ”guriga”
iyo ”guri ga”. Sida dambe dad yar oo ku dhiirraday baa jira. Faraha dunida
labada siyoodba waa la adeegsadaa. Tusaale ahaan Farta Carabida, Ingiriisida,
iyo Iswiidhishku siyaalahan ayuu aqoonninku erayga u gu dhacaa kolka
loo eego
Af Soomaaliga:
Carabi:
xarf, alxarf.
Ingiriisida: letter, the letter.
Iswiidhishka: bokstav, bokstaven.
Soomaaliga: xaraf, xarafka.
Ingiriisida: letter, the letter.
Iswiidhishka: bokstav, bokstaven.
Soomaaliga: xaraf, xarafka.
Halkaa
waxaa ka muuqata qodobka aqoonninku in uu Carabida iyo Ingiriisida horta ka
galo, iyada oo Carabida erayga la raaciyo Ingiriisidana la ga gooyo. Taa
beddelkeeda Iswiidhishka iyo Soomaaliga gadaal buu ka raacaa.
Arrintani
wax ay ka mid ahayd waxyaalo kolkii Far Soomaalida la hirgelinayay heshiis
la’aan iyo talagal la’aan ku dhaqangalay. Abuur ahaan Af Soomaaligu qodobka
aqoonninku isaga oo ama lab ama dheddig, haddana labadaas baa tarma oo siyaalo
ka la duwan u dhaca. Tusaale ahaan asalku haddii uu yahay ”ka” oo labka ah iyo
”ta” oo dheddigga ah, sida ”inanka” iyo ”inanta”, in badan oo abuurtaas ka mid
ahi waa ay dhimatay ama doorsoontay, wax ayna tagtay xaalad kale oo aan
aqoonninku ”ka” iyo ”ta” midna ahayn, sidaa ”badda” oo asal ahaan ahayd
”badta”, ”hasha” oo ahayd ”halta”, ”guriga” oo ahaa ”gurika” iwm. Kuwaa waxaa
la mid ah: ”gabadha”, ”saca”, ”qudha (nafta)” iwm oo qodobkoodii aqoonninku aad
u fog yahay.
Xigasho
Mareegta Ramaas
No comments:
Post a Comment