Qaybtii 6aad
Waxaad, waxaan,
waxay, wuxuu iyo kuwa la midka ahi waa erayo macne ahaan iyo naxwe ahaan ka la
go’i lahaa oo haddana la is raaciyo. Wax ay ahayd in la qoro ”i la ma aha”,
waxaa se la qoraa ”ilama aha”.
Saddexdaa eray ee i,
la, ma shuqul is ku ma laha oo mid waliba is kii buu u taagan yahay. Waxaa la
mid ah: ”kaga/ ka ga”, ”kugu/ku gu”, ”laga/la ga”, ”lagu/la gu”… Halkaa xarafka
g waa k dhimatay, waana in sidaa loo oggolaadaa loona qoraa.
2)
Waxaa jira qodob muujiya ahaansho, sida: waan faraxsan ahay, waad xanaaqsan
tahay, wuu dhiirran yahay, waa ay qurxoon tahay, waa aynnu badan nahay, waad
daallan tihiin iyo waa ay tuban yihiin.
Sida
aynnu aragno qodobka ahaanshuhu mar walba wax uu u qormayaa gooni, u mana
baahna sida ay dad badani qoraan in sifada ka horreysa la gu daro oo la dhigo
harraaddanahay, xanaaqsantahay, dhiirranyahay, qurxoontahay, badannahay,
faraxsantihiin iyo tubanyihiin.
Waxaa
se jirta marar ay taasi adkaanayso, sida marka ay sifada ka horreysaa ku
dhammaato xarfaha sh iyo d ama lahaansho. Jumladda ”geed ubax
leh” haddii aynnu si kale u dhigno wax ay noqonaysaa ”geedku ubax buu leh
yahay”.
Laakiin
sida aynnu aragno erayga ”leh” markii uu dhexda galay wuu adkaaday wax uuna isu
rogay lee waayo h kolka ay halkaa ku jirto afka ayaa diidaya, sidaas darteed
wax uu isu rogayaa e. Haddii se la qori lahaa lee naxwaha ayaan oggolayn, waayo
waa eray aan jirin.
Dabadeed
wax aad arkaysaa iyada oo ceebtaas la gu qarinayo in la qoro leeyahay. Taasi
mar wax ay meesha keentay eray aan jirin oo ah lee, mar kalena wax ay jebisay
xeerkii ahaa ahaanshaha in goonidiisa loo qoro. Haddii ay sidaa tahay, in la
qoro lee laakiin la gooniyeeyo ayaa qumman.
Ahaanshaha
iyo sifadu marka ay israacaan iyaga oo dheddig ayaa iyaduna ah cillad jirta.
Tusaale ahaan dhuxushu waa ay nooshahay. Sida muuqata naxwaha ma raaci karno oo
ma qori karro ”dhuxultu waa ay nool tahay”, waayo waa hadal abuurtiisu
dhimatay.
Waxaa
kale oo ka mid ah is la dheddigoodka marka ay sifadu ku dhammaato xarafka d, sida ”waa ay fudud dahay”. Halkaa
waxaa ka muuqata xarafkii t in uu dhintay oo isu rogay d, markaa ”dahay” ma aha af naxwe ahaan jira, haddana waa in la
qoraa iyada oo u taagan ”tahay”.
La
soco….Qaybta damne hadii alle idmo
Waxa
qoray Ibraahin Hawd
Xigasho
Mareegta Ramaas
No comments:
Post a Comment