Qaybtii 1aad
Far Soomaalida muddada dheer la soo
adeegsanayay waxaa ku jirta qabyo laxaad leh oo qof wal oo qorista iyo akhriska
xiiseeya u muuqata. Qabyadaa eeddeeda kowaad waxaa leh iyada oo aan maalintii
farta la hirgeliyay ka dib la xaalayn oo lagu samayn horumarin iyo
turxaanbixin.
Taa waxaa kaalin ku leh iyada oo aanay
muddo dheer jirin hay’ado u xilsaaran ka shaqaynta culuunta afka guud ahaan.
Maxaa ka dhiman Far Soomaalida?
Dhaliilaha far soomaalida ama
adeegsigeeda ku jira ee ay khasabka tahay in la fardaamiyo wax aynnu ku koobi
karraa shan qodob oo ka la ah:-
1) Lammaanaha kh, sh, dh
2) Xarfaha labalaabma oo ka la dhiman
3) Shaqallo innaga maqan
3) Hadalka oo aan is ku si loo qorin
4) Kaladuwanaanta dhawaaqyada
degaannada oo aan qaamuus loo hayn
Casharka
1-aad: Lammaanaha kh, sh, dh
Far Soomaalida hirgashay waxaa
ku jirta fadeexad weyn oo ah xarfaha kh, sh iyo dh. Saddexdaa xaraf
(lixdaa xaraf!) waxa cilladaynayaa waa badnaantooda aan loo baahnayn, iyo
dhanka kale in ay yihiin is laxarfo codad kale loo adeegsaday oo soo noqnoqday,
iyada oo ay ahayd astaan weliba in ay xaraf keliya u taagnaato.
Run ahaantii saddexdaas dhawaaq in
sidaa lammaan loo qaatay wax ay muujinaysaa oo keliya in Yurub la gu dayday
iyada oo aan la tixgelin baahida Af Soomaaliga u gaarka ah. Eeddaasi wax ay sii
darraanaysaa kolka aynnu og nahay in ay jiraan, nasiib wanaag, xarfo Far
Laatiinka ku hadhay oo aan Far Soomaalidaloo gu danayn.
Waxaa taallay, welina taalla, in
saddexda xaraf ee p, v, z loo
qaato meesha la geliyay kh, sh iyo dh. Saddexdaas xaraf in
codadka ay afafka Yurub ku yihiin la ga soo raro oo saddexda soomaaliga ah loo
dhigaa waxba ka ga ma duwana farta la qaatay inteeda kale (tusaale ahaan c, x iyo q oo codkoodu Far Soomaalida u gaar yahay).
Baahidan waxaa sii xoojinaya iyada oo
ay caddaatay codka dh in uu ka mid yahay kuwa labalaabma. Taa macnaheedu
waxaa weeye in ay foolxumo tahay in la qoro dhiidhdhi, fadhdhi iyo cadhdho.
Xalku waa in horta astaanta dh la
gu dooriyo v. Fikradda p/kh, z/sh, v/dh wax ay wax badan ka taraysaa
urursanaanta qoraalka Af Soomaaliga oo imika aad u jiidjiidan.
Kolka aynnu iyaga qaadanno hoos ka
arag sida ay labadan sadar u ka la qurux badnaanayaan:
Ka dhiidhdhi shisheeyaha ku
khaakhuulay
Ka viivi zizeeyaha ku paapuulay
Sadarkaas yar keligii wax aynnu
ka ga maarannay siddeed xaraf oo qoris inooga baahnaa, waxaana inoo baaqday
meeshii iyo waqtigii aynnu ku qori lahayn.
La
soco….Qaybta damne hadii alle idmo
Waxa
qoray Ibraahin Hawd
Xigasho
Mareegta Ramaas
No comments:
Post a Comment