Suugaan


Noocyada Garta Ee Dhaqanka U Ah Soomaalida
Qaybtii 14aad
Maah-maahyada garta dhaqanka:
In mudo ah waxa si taxane ah inoogu socotay qormo ku saabsan noocyada garta ee dhaqanka u ah soomaalida.
Qormadan oo ah tii ugu dambaysay. Taxaneheena oo aan u arkaynay waxaanu si mug leh u soo xiganayay qormooyin uu qoray Cumar Caara-dhuub. Waxa kale oo xusid mudan in qoraalkan ay xuquuqdiisa lahayd mareegta la yidhaa Hoyga Suugaanta.
Qaybtan oo ah tii 14aad waa tii ugu dambaysay qoraaladii taxanaha ahaa ee ku saabsanaa garta Soomaalilda. Waxa jira maah-maahyo la adeegsado xiliyada lagu guddo jiro garaha. Hadaba waa kuwan qaar la xidhiidha garaha.
 Gartu waxay leedahay maahmaahyo iyo Odhaaho badan oo loo isticmaalo, waxaana ka mid ah:-
1.      Gari laba nin kama wada qosliso
2.       Laba garamay iyo laba gantamay (isdilay) galladi kama dhaxayso.
3.      Gar waa loo wada islaam.
4.      Nin gar yidhi ma tacadiyin.
5.      Gar eexo, gacan laabban iyo gudoon jilicsan rag looguma talin karo.
6.      Garta sheeg baa laygu yidhi ee ku dirir layma odhan.
7.      Garawshiinyo waa geel siin.
8.      Hashaada waa laga tagaa, halkaagase lagama tago.
9.      Saddex baan maarradooda la helin, Min-weyn reer mulkiday, Mari
10. Idaad (lax0 oo madow (Doog) wayday iyo muduci markhaati waayey.
11. Nin markhaati been ah kuu furay muraadkaagana ku gaadhay, isna waxa uu yahay ogaatay.
12. Raq-ba waa ku rageed.
13. Awr xamilkii waa qaadaa, xadhig qaloocanse ma qaado.
14. Nin aan garaw baranini, garna ma bar ran.
15. Taasi waa gar, dawse ma aha.
16. Gartu soddog iyo seedi midna ma taqaan ee allay taqaan.
17. Nin aan khatalmin xaal ma qabto.
18. Hadii ay qooni timaado, qunjuraafo hadhan.
19. Saddex waa gar, saddexna waa gardaro, saddexna waa galabsi.
20. Hadal iyo hilbaba kala qallan.
21. Miyeynu iswaalnaa oo laba halaad iyo badhley ayeynu qaadanaa, mise waynu miyir qabnaayoo laba halaad iyo badh baynu helnaa.
22. Madax aaddan lahayn miyirkiisa la isma saaro.
23. Gartaada debeddaa laga akhristaa.
24. Garna garteedaa lagu doonaa, Mandheerna garkeedaa lagu doonaa.
25. Gole waa saymo.
26. Hoos-ba hadal leh.
27. Badh geel murran ma leh.
28. Dhac guudkii lagama hadlo.
29. Halka dhiig lagu daadiyo, xab ayaa lagu daadiyaa.
30. Gaal dil, gartiisana sii.
31. Waayeel ha gurrinee, wax aqoon gura.
32. Isna ha hadloodo.
33. Bidena gartiisa sii.
34. Xadhko geel ma wada xidhaan.
35. Marka indho gar lihi ooyaan, indho gar leh maxaad mooday.
36. Markhaati waa dhaar nin lihi diiday.
37. Hadii aad aragto nin calooshu ka soo dhacday oo uu ku soo ergoodo, ha garsiin ilaa aad kii kalena aragto waaba intaasuu go’aye.
38. Ninkii candhuuftaadu gaadho, gacantaaduna ha gaadho.
39. Ergo wixii la farona way geysaa, wixii la siiyana way cuntaa.
40. Rag waxa u ayaan darran nin doqonkii dacwiyey, nin durguftii duday iyo nin dameerkii bakhtiyey.
41.  Xadhig habeenimo iyo xaajo guntan mid walba ninkii xidhay baa fura.
42.  Wixii aan markhaati lahayni raajacsan.
43.  Boqolle boqol baa lagu doonaa.
44. Gardaro garab og iyo gaajo guri og midna looma taag helo.
45. Walaalkaa magtana ka bixi, markhaatigana ku fur.
46. Tolkaa dhiig waa loo soo duwaa, dhaarse looma soo duwo.
47. Gari waa maxay.
48. Marag Ani..
49. La jiifiyaana bannaan.
50. Qoslaa hiil leh.
51. Waayeelku hadalkiisa kaftan buu ku dhamaystaa.
52. Belaayo hor la qabto ayey leedahay, daba la qabtose ma laha.
53. Ina Sanweynena u gee oo gartaasi waa sidaa.
54. Nin malagii galay iyo Mamaasan u gee.
55. Hubsiimo hal baa la siistaa.
56. Guddi raagtay ama hal meesha ku jira ayey ka saaraysaa ama hal aan ku jirrin ayey soo gelinaysaa.
57.  Aduun I khatal.
58. Hadal nin kaa ka xigo iyo hawl nin kaa xigo midna lama hororsado.
59. Meesha aad nin ka qaadanayso, nin baad kaga tegaysaa.
60. Nin wiil lihi xeer ma duraanto.
61. Fara-madhan baa daawo xidhantaa.
62. Meeshii xoolo mareen baa xeer maray.
63. Farasaw kadlahaaga iyo kudladaada isla sug.
64. Waa Jemeshii Wacays Kaliile maxay noqon.
65. Gari laba nin kama wada qosliso.
66. Tolkaa eex laguma dilo.
67. Hadal xigaal iyo hilib idaad-ba qabawgaa lagaga dhergaa.
68. Lafahana gur, xaragona haka tegin.
69. Saadame ayaad garran.
70. Caduur dhowdhowdu uma dhacsana.
71. Aniguun baa aakhiradayda seegaye, aar walaal noqon-waa.
72. Colaadi wiil bay dishaa ee wiil ma dhasho.

Maahmaahyada garta dhaqanka oo aanu cadadkayagii hore qaar ka mid ah idiin soo gud-binay waxa kale oo ka mid ah:

Waxay kuugu darran tahay marka qofka aad wax la doonaysaa kula garran-waayo, qofka aad wax ka doonaysaana uu kugu garto.

Doqoni seeftii caro loogu riday sed-bursiinyo ma moodo.
Hadal kun isku ogtahay kow ma odhan-waayo.
May tidhi waa kayd rag.

Rag in loo abaal-guddo iyo in laga aarsado ka fara badan.
Is hubaa heesa.

Rag ballan baa xidha, naagana meher baa xidha.

Hadii aynu intaa ku dhaafno maahmaahyada iyo odhaahaha ku soo arooray garaha dhaqanka, bal iminkana aynu wax ka xusno suugaanta, gaar ahaan heesaha ku soo arooray garaha, waxaana ka mid ah:

Dadka kii wax garadiyo garta ina sanweynaa loo geysan jiraye, gaasiraay inaga yeyna kala guraaya.

Dadku kala gardaranaa, garran-maayo wiilkee.

Gari ma ku gashaa, adiga maku gashaa.

Nin gefaaba lay tirinayaa garasho waa yaabe.

Intaa hadii aynu ku dhaafno suugaanta dhinaca heesaha ee ku soo arooray garaha, bal iminkana aynu eegno suugaanta dhinaca gabayada ee ku soo arooray garaha, waxaana ka Mid ah:

“Guddi murrantay waayeel garramay xaajo lagu guulay, ay guud cadiye feemiyeen odaya loo gaatay, nin waliba gankiisiyo markuu giijo madaxiisa, gaagaabsayaa iyo badheedh geesi hadal-yaaba go’aankii la wada raaci jiray gocanayaa mooyi,” Cali Jaamac Haabiil.

“Raguna guudka waysaga egyahay, guulla kala roone gembi warranka, gaashaanka ficil goray dagaalkeeda, guddi murranka waayeel garamay xaajo lagu guulay, gacanta iyo gasiin laga baxshiyo guriga hayntiisa, ma gud-boona geesiga hantiyo gocorka caayaaye,” Salaan Carabey.

La soco….qaybta damne hadii alle idmo

Waxa qoray Cumar Caara-dhhuub
Xigasho mareegta Hoyga Suugaanta

Dhamaad

_____________________________________________________________

Noocyada Garta Ee Dhaqanka U Ah Soomaalida 

Qaybtii 13aad

Maganta:Magantu marka hore waxay u qaybsantaa dhawr qaybood oo kala ah; Magan kula taal, Magan kuu timi oo kula joogta, Magan kuu timi kaana tagtay iyo Magan kugu socota.
Hadii maganta uu kuu dhaafo nin aad xigaal tihiin ama nin aad xeer leedihiin waxa ka timaadda dhibaato badan, waana la isku dilaa, waxaana badiba dhaqanka Somalida ka reebban in maganta la laayo, laakiin maganta lafteeda way kala duwan tahay marka ay cidda kuu dhaaftaa kuu garanayso iyo marka aan laguu garanayn, iyadoo aanay marnaba wanaagsanayn in maganta la laayaa.
Masalan ninka gabadhi dhashay, gabadhna qaba, isla markaana hablihiisa la qabo ee ilaa saddex awow iyo ka badan reeraha la yaalay iyo nin muquuno (Xoolo) kaa doonayey oo isaga oo aan weli ku soo gaadhin oo ah magan kugu soo socota la dilay way kala sahlan yihiin oo waxa la odhan karaa labada nin ee labadaa nin kala dilay midna wuu kugu qaldamay, midna wuu kugu qaldmay, markaa way kala kiis culus yihiin.
Tusaale ahaan Oday la odhan jiray Axmed Ilkacase oo ka mid ahaa ragga fiicnaanta aad loogu majeerto oo degaamada Togdheer u dhashay ayaa berigii dambe u kudaalay jiidaha bariga Sanaag, gaar ahaan degaamada Badhan, dabadeedna waxa la siiyey gabadh reer garaad ah, ka dibna wuxuu yidhi muddo markii aan joogay ee aanu raggii is wada baranay ayaan maalintii dambe shax la ciyaaray nin gabadha uu qabo ay kala jilib yihiin, waxaanse nala jooga seediyaday ninkii u sitay, dabadeedna ninkii shaxda ila cayaarayey ayaa igu yidhi “Waar bal Inan gumeedkan xun eega”, ka dibna Shaabuug aan sitay ayaan damcay inaan shan ku dhufto, laakiin seedigay ayaa igu soo booday oo I qabtay, wuxuuna igu yidhi “Waar Axmedow nin fiican baan ku moodayaye, balse ma tihid, wax baan ku waydiinayaaye ma taqaan ninka hadii la dhirbaaxo shanta qaalmood ee xaalka ah laga qaato, hadii la dilo oo Toorray lagu dilona ay kii Toorayda ku dhuftay iyo kii dhirbaaxada xaalka ka qaadan lahaa ay Tooridii lagu dilay hilibka ku wada cunaan”, ka dibna aniga oo cadhaysan ayaan ku idhi “Maya ee ma aqaan”, ka dibna wuxuu igu yidhi “waa adiga oo kale”, dabadeedna markii uu hadalkaa igu yidhi ayaan maalintaa ilaaway wixii tolkay kaga soo kudaalay ee aan ka tirsadday, waana soo guuray.
Ninkii gabyaaga ahaa ee la odhan jiray Xaleef ayaa gabay uu ku tiriyey wuxuu ku yidhi “Waa baylah joog inan la yaal, bilisi hooysaaye, Shisheeyuhu bukaan kuma rog-rogo, kumana baantaane”.
Xaal : Hadii aad maqasho hebel xaal hala siiyo ama arintaa xaal baa ka waajibay waxa weeye nin laga xarago qaatay ama xumaan lagu sameeyay, laakiin waxa lagu sameeyey isna samayn kara, balse si aanu u kiil-qaadan (Aar-goosan) ayaa lagu dhaahiyaa xoolo ama la siiyaa xoolahaasna waxa la yidhaahdaa “Xaal”. Bal aynu tuducan gabayga ah “Calow maqal cantuugad badhkeed waa calool melege, Calow maqal rag kula cayn ah oo ciillan baa jira’e, Calow maqal ciyaar iiga fudud ceeb inaa falo’e”. Tixdan gabayga ahi waxay muujinaysaa inuu ninka wax lagu sameeyey isna wax samayn karo, balse uu wax xeerinayo.
Waxyaalaha xaalka la isu siiyo waxa ka mid ah, Garowshiinyo oo ah in ninkii xumaanta loo geystay loo garaabo oo la yidhaahdo raali ahaa waanu kugu qaldanaye. Waxa kale oo ka mid ah in Faras xaal loo siiyo, sidoo kale gabdhahana xaalka waa la isu siiyaa. Hase yeeshee had iyo goor waxa xaalka laga bixiyaa marka aanay meesha qoomo jirin ee ay wuxu yihiin aflagaado, laakiin hadii ay nabarro jiraan xaal ma leh ee waa la xaqaa oo wixii ay noqoto ee aduun ah ayaa la bixiyaa.
Waxa kale oo jirta arin laba xaalley la yidhaahdo, taas oo ay tusaale ahaan ka mid tahay masalan gabadh la qaboo oo reerkoodii la taal ayaa la kufsaday, marka ay taas oo kale dhacdo gabadha reerkoodii ay ka dhalatay iyo reerkii qabay ee ay u dhaxday labaduba waxay yeeshaan xaal, taas oo kalena waxa la yidhaahdaa laba xaallay. Hase yeeshee waxa jira arimo had iyo goor ninka ragga ah looga baahan yahay inuu ka dulqaato, masalan hadii uu qaladaad ka soo gaadho xigtidiisa ama saaxiibadiisa waa inuu inta badan iskaga dulqaato oo aanu ka kiilqaaddan, laakiin hadii uu dulqaadan kari waayo waa inuu cawdaa oo uu yidhaahdaa waxaas iyo waxaas ayuu ninkaa aanu xigaalka ama saaxiibka nahay igu sameeyey ama waxaas iyo waxaas ayaan kaga cabanayaa, iyadoo cabatinkana inta badan lagu dhameeyo dhaahin iyo raali gelin, hadiisa ay intaana ku dhamayn waydo ninkii cabanayey waa inuu Naqaa, naquna waa guhaan, laakiin sidoo kale hadii ay intaasna ku dhammaan waydo waa inuu ninka wax laga tirsanayaa yidhaahdo waan ku garmarinayaa, waana inuu ninkii wax tirsanayey garnaqsado, hadiise uu ninkii laga cabanayey garaabi waayo, waa inuu ka ergoodaa oo uu kaga eerto cidda xidhihiisa ah, waayo hadii aanu ka ergoon oo aanu kaga eerran cidda xidhihiisa ah oo aanu odhan waar gacalow ninkaa hebel halayga qabto oo aad wax samayso taa waa lagu ceeboobaa, maxaa yeelay hadii sidaa yeesho oo adiga oo aan ergoon aad wax samayso waxaad markaa lumisay milgo weyn oo aad lahayd, hadhowna laguu garaabi maayo ama waa lagu canaanayaa, waayo waxa kugu fillan miyaad nagu soo sintay, Somalidu waxay tidhaahdaa “May tidhina waa kayd rag”.
La soco….qaybta damne hadii alle idmo



Waxa qoray Cumar Caara-dhhuub

Xigasho mareegta Hoyga Suugaanta

_____________________________________________________________

Noocyada Garta Ee Dhaqanka U Ah Soomaalida 


Qaybtii12aad
Marka laga hadlayo waxyaalaha ay dadku isku qaban-jireen ama isku qabtaan, waxa guud ahaan loo kala saaraa saddex qaybood oo waaweyn, waxayna kala yihiin.
 Qadaf (Gef), Qabno (Adduun) iyo Qoomaal (Dhiig).
Saddexdan arrimood ayaa marka ay dhacaan laga gar-naqsadaan waxayse gartu u dhacdaa lab siyood ama ay noqotaa, waxayna kala yihiin: 

Garley ama Garowshiiyo-lay, markaa haddii ay garley noqoto waxa la furaa dood iyo dacawi ay wada galaan dhinacyada iska soo horjeeda, laakiin haddii ay noqoto garawshiiyaley waxa lagu saleeyaa ama loo maraa ama loogu magac-bixiyaa laba hal mid uun A) Curad ama Ugub, haddii ay arrintu la isku hayaa tahay wax hore u dhacay oo hore looga gar-naqay waxa la yidhaahdaa malaha arrintani wax ugub ah ee waa Curad, taas oo loola jeedo inay arrintan oo kale hore u dhacday, sidaa darteed waxa maaraynteeda loo eegaa wixii xeer ahaa ee dadka ama qabaa’ilka arrintu dhex-taal ammuurtan oo kale waxa lagu kala qaataa xeerkaa. Laakiin haddii ay arrinta dhacday ugub tahay, iyada oo ugub loo jeedo arrin aanu nooceeda oo kale hore uga dhicin, beesha ama beelaha dhexdooda, waxa xal u helideeda ka fekera, ka dib-na talo iyo go’aan ka gaadha ragga ay markaa dhextaal, ilayn waa tii hore loo yidhi: (Raq-ba waa ku rageed).

Ta kale marka aad garnaqsanayso ugu yaraan afar arrimood ayaad ku gar-waayi kartaa, kuwaas oo kala ah 
1) Af-waa (hadal-garanwaa),
 2) Hamrasho (dhiirasho la’aan), 
3) cadayn la’aan iyo 
4) iyada oo lagaa eexdo.

Cadaymuhu waa waxa ugu horeeya ee arrinta laga gar-qaadayo, rukunka koowaad u ah, laakiin haddii qiraale la helo, markaa looma baah-na wax cadayn ah, sida millad (Dhaar), markhaati iwm, isla markaana haddii la eego xiligan lagu jiro ee casriga loo yaqaan haddii arrinta loo helo cadaymo rasmi ah (Official Documents), markaa looma baahna markhaati iyo dhaartoona.

Hase yeeshee markhaatigu inta badan waa rug muduci, taas oo macnaheedu yahay inuu ninka muduciga ahi inta badan isagu xaq u leeyahay inuu keensado markhaatiyo, sidoo kale milladu inta badan waa rug madacaalay.

Ta kale qofka ama cidda muduciga ahi waxa uu dacwigiisa u qaybinaya laba qaybood (Two Chapters), waxayna labadaa qaybood kala yihiin A) Inuu hadalkaaga hore noqdo mid wax kuu qoda, taas oo ah inay iftiimiso ama bal-balaadhiso sida uu wax u leeyahay iyo qaybta labaad oo ah, inuu hadalku noqdo mid wax kaa gufeeya, taas oo ah sidii aad uga hortegi lahayd waxa uu ninka kaa soo horjeedaa damacsanyahay inuu kugu gar-waasiiyo.Garta Xeer-Beegti, Garta dhaqanka iyo xeerarka Somalida.

Madaacalaygu dacwadiisu waa mid uu isku difaacayo, wuxuuna ku sheeganayaa sida aan waxba loogu lahayn, isla markaana waxa uu ku dacwiyayaa in waxa lagu haysto uu isagu leeyahay, sidoo kale waxa uu dacwadiisa ka mid ah inuu duro oo uu gaashaanka u daruuro wixii uu muducigu ku hadlay, wuxuuna inta badan istcimaalaa ereyo ay ka mid yihiin, "Markhaatigii u fadhiyayow ka kac".

laakiin inay caynkaas iyo caynkaas tahay madacaalay baan ahay qordis iyo rugteedna waan ka fadhiyaa, "Hebel waxaa laguma qordiyo", taas oo uu ula jeedo marka ay gartu ambadeeda gaadho wixii uu madaacale jid u yeellan jiray ayaan diyaar u ahay. Tusaale ahaan nin baa nin kale saacad ka qaatay, iyadoo ay cidi la joogto (markhaati la joogo), ka dibna maalin dambe ayuu ninkii saacadda qaatay u celiyey ninkii saacadda lahaa, wuxuuna u dhiibay iyadoo aanay cidi la joogin oo ay labadooda oo qudha yihiin, dabadeedna ninkii saacadiisa loo celiyey ayaa yidhi ninkaa hebel saacad buu iga qaatay iimana soo celin, ka dibna gar baa loo qaaday, markaas ayuu ninkii muduciga ahaa yidhi "Inuu ninkaa hebel saacadaydii iga qaatay muduci baan ahay, markhaati iga furtana waan u haystaa, mar hadii ay caynkaa tahay ninkaa saacadaydii ayaan ka doonayaa rug muducina waan ka fadhiyaa", dabadeedna ninkii muducaalayga ahaa ayaa odhanaya "Inaan saacadaa qaatay markhaatigii u fadhiyayow ka kac, milladina iiguma timaado, inaanse u celiyey madaacalay baan ka ahay, qordi iyo rugteedana waan ka fadhiyaa", madacaaluhu waxa uu caynkaas u leeyahay hadii uu muduciga markhaatigu u furo, madaacalayguna markhaari waayo waxay noqonaysaa saacadii iska bixi oo milladi meesha iman mayso, markaa waa inuu xiribta (farsamadaa) sameeyaa madaacaluhu, hadii kale isagaa saacadii lagu leeyahay.

Hadaba waa maxay xiribi, ereyga xirib waxa laga soo dheegtay masalan hadii uu isha saxar kaaga dhaco waxa laga yaabaa inuu qarsoomo oo uu xiribta hoosteeda galo, halkaasna ku qarsoomo, taas darteed xiribtu waa tab qarsoon, laakiin xiribtu waxay noqotaa mid wanaagsan iyo mid dhinaca xun loo dhigo, tusaale ahaan marka xiribta wanaagsan laga hadlayo waxa ka mid ah, masalan nin baa waxa u soo hoyday 4 nin oo ay tol yihiin, abtirsiimo ahaan u siman, laakiin mid ka mid ah saddexdaa nin ayuu jecel yahay oo beerka kaga yaal, dabadeedna markii uu shaahii u soo kariyey ayaa ninkii uu jeclaa mooyee saddexdii kale waxa uu shaahii ugu soo shubay bakeeriyo, balse ninkii uu jeclaa intuu madiibad caano badan ku soo shubay ayuu yidhi waar reerku bakeeri afraad ma lahe madiibadaa adigu shaaha ku cab.

Waxa kale oo xiribta wanaagsan ka mid ah, masalan nin ay martiyi u soo hoyatay oo neef u qalay, dabadeedna isaga oo hilibkii googoynaya is yidhi xaasku yaanay kaa qadin, ka dibna intuu cad weyn gooyey oo uu ciidda ku riday yidhi naa kaa ciidda ku dhacay adigu qaado, laakiin nin gabadhu uu qabo laga fiican yahay oo ay yara doqontay ayaa beri odaygeedu markii uu sidaas oo kale ku yidhi naa cadkaa ciidda ku dhacay adigu qaado ay ku tidhi maxaan ku falaa cadka ciidda ku dhacay, dabadeedna wuxuu taa kaga jawaabay "Doqoni seeftii caro loogu riday sed-bursiinyo ma moodo".
GARTA XEER-BEEGTI.

Ninka garnaqasanayaa waa inuu hadalkiisa dhaabadeeyaa, waxna u cuskadaa ama si kale hadii aynu u nidhaahno ninku hadii aanu hadalkiisa lafayn (Rugayn) oo aanu markhaati ooggan ama odhan rugtaasaan arinta ka fadhiyaa ama aanu odhan weedho ay ka mid yihiin “garta hadii aanu waayo waan waayey, hadiise ay wax ii cadaadaan waan doonayaa (Waan u fadhiyaa) arintaasi waxa ay leedahay”, markaa hadii aanu ninka hadalkiisu siyaalahaa u dhicin waxa uu noqonayaa sheeko.

Ta kale marka la garamayo ama la dacwiyayo garta dhaqankeedu waxa weeye “Carrab eegato”, taas oo macneheedu yahay wixii uu ninku ku hadloodo ama afkiisa ka yidhaahdo ayuun baa wax loogu qabanayaa ama loogu gar-qaadayaa oo tusaale ahaan hadii aanad afkaaga ka odhan markhaati baan haystaa, guddidu markhaati kuma waydiin karto, isla markaana hadii adiga oo aan markhaati ooggan ay guddigu markhaati ku waydiiso taasi waxay noqonaysaa Eexasho. Sidoo kale xataa wallaha aan golihiisa joogin laguma gashi baxo oo masalan hadii uu nin kuu yimaaddo oo uu ku yidhaahdo walaahay hebel waxaas ayuu igu sameeyey , wallahaasi ma noqonayo mid lagu gashi baxo, ninka kalena kuma qaamoobo.

Waxa kale oo jirta wax la yidhaahdo “Daawo loo aamusay”, taas oo tusaale ahaan hadii ay dhawr nin oo ilmaadeer ah ama saaxiib ah oo mid ka mid ahi qof kale iska maago oo ay ilma-adeeradii ama saaxiibadii la hadli waayaan oo odhan waayaan maxaad ninka u maagaysaa waxay loo qaadanayaa wada qabasho dad-ban, Somaliduna waxay tidhaahdaa “Hadal kun isku ogtahay kow ma odhan waydo.”

Waxa kale oo xikmadaha Somalidu ku maahmaahdo ka mid ah “Inta guudka lihi amaano dumar ma gasho”, taas oo macneheedu yahay ama sida dhaqanku yahay inta guudka leh xaaskaaga laguuguma dhiibi karo.

Inta guudka leh waxa ka mid ah Faraska, sidaa darteed Faraska dumarku ma layl-yaan, ma fuulaan, kuma dagaalamaan, sidaa darteedna farasku ma galo amaano dumar.

Qoriga ayaa isna ka mid ah inta guudka leh, sidaa darteed qorigu amaano dumar ma galo.

Marka Awrka Raray-ga ah laga reebo geela intiisa kale ayaa isna ka mid ah inta guudka leh, sidaa darteedna ma galo amaano dumar.

Sidoo kale gabadhaada (Xaaska) oo dud-mo laga soo celiyey laguuguma dhiibi karo gabadhaada kale ee aad qabto.

Waxa kale oo jirta wax la yidhaahdo Ergo, laakiin Ergadu waxay u qaybsantaa mid la ajiibo (La yeelo) iyo mid la diido oo la yidhaahdo”waxa aad wadataan gar iyo garow toona kama ogolin”, iyadoo ay Ergadu tahay dad si toos ah ugu taga cid ay wax u sheeganayaan oo yidhaahda waxaas iyo waxaas ayaa nagaga kiin maqan ee waxaanu ergo islaameed idiinka nahay inaad na siisaan ama waxa kale oo ay noqonaysaa qolo cid wax tirsanaysa ka socota oo qolada wax laga tirsanayo gaadhsiisa fariin ay leedahay waar waxaas ayaa la idinka tirsanayaaye maxaad ka leedihiin, ka dibna wixii ay ku yidhaahdaan soo celiya, waxaana loo kala ergeeyaa laba qolo oo aan isu tegi karin oo ay colaadi dhextaal.

Waxaa kale oo jira wax la yidhaahdo “Dhoweeye”, ereyga dhoweeye waxa weeye nin arinta wax ka qabashadeeda laga leeyahay, laakiin gud-binteeda leh, kaas oo gaadhsiiya cidda wax ka qabashadeeda leh. Sidoo kale waxa jira dhameeye, kaas oo ah ninka arinta wax ka qabashadeeda leh ee aanay jirin cid kale oo uu isaga riixaa ama cid arinta ka leh oo uu isu dhaafiyaa.

Soomaalidu ergada waxay ka bixisay maahmaamo iyo odhaaho badan, sida “Ergo wixii La farona way geysaa, wixii la siiyana way cuntaa”.
La soco...... .Qaybaha Dambe Haddii Alle Idmo

Waxa Qoray Cumar Caara-dhuub
Xigasho Mareegta Hoyga Suugaanta  

_______________________________________________________________

Noocyada Garta Ee Dhaqanka U Ah Soomaalida 

Qaybtii 11aad
Guddi Odayaal Ah Oo Gar U Fadhiya
Waxa jira erayo ama weedho loo isticmaalo garaha dhaqanka iyo xeerarka garaha qaadistooda loo cuskadaba, waxaana ka mid ah:-
1) Gar = waa mawduuc laba dhinac ama laba qof oo is-haya (is-qabtay) lagu kala saaro.
2) Garnaqsi = waa doodda dhexmarta labada dhinac ama qof ee is-haya marka loo garnaqayo.
3) Qadaf:- Meel ka dhac
4) Qabano= hanti
5) Qoomaal= Qoon ama qudh-gooyo
6) Ereyada qadaf iyo qabano waa dhaqan (adduun), qoomaal-na waa arrin dhiig la xidhiidha dhaawac iyo dhimasho midka ay doonto ha noqotee.
7) Muduci:- waa ninka wax tirsanaya, ninkaasina marla la eego waxa la isku haysto wax u cadaada oo gari siisi mooyee wax la isku haysto marka hore waxba kuma laha, isla markaana marka garta la furo wax kasta isaga (muduciga ayaa bilowgeeda leh, haddii ay hadal tahay, haddii ay muddo qabsi tahay iyo haddii ay markaahti qaadis tahayba.
8) Mudaacale:- Waa ninka wax loo sheeganayo ee is difaacaya, sidaa darteed-na sida uu xeerka dhaqanku dhigayo marka hore wax ku cadaado oo gari ka qaaddo mooyee waxba laguma laha, laakiin waxa mar walba jid loogu leeyahay inuu gar-yigil (gar-qaadasho) noqdo.  
9) Garley:-
Garley haddii aad maqasho waa ninka wax loo sheegto ama loo qabsado, laakiin yidhaahda “Anigu garawshiiyo idiin-ma hayo ee wax igu soo caddaysta”.

10) Garawsiin:-

Haddii aad maqasho garawsiin waxa weeye ninka marka wax loo qabsado yidhaahda “Waxaa lay haysto waan geystay ee xukuma”.



11) Cinbasho:-

Ereyga cinbasho haddii aad maqasho waxa uu la minco yahay baaqasho, taas oo marka ay gar la qaadi lahaa ama la gudo geli lahaa sabab ama arrin garta khusaysa u baaqato la yidhaahdo “Gartii waxaas iyo waxas ayey u cinbatay”, iyadoo ay waxa gartu u baaqatayna ay yihiin wax aan la’aanteed gartu dhamaanayn.

1. Millad:- Dhaar

2. Markhaati:-  marag

3. Qiraale:- qirasho (wax aan la dafirin).

12) Waa gacan:- ereyga ah (waa gacan) waxa loo isticmaalaa garaha, waxayna dhacdaa marka uu nin golaha garta ka hadlayaa uu wax kuu qiro ama kugu gefo, taas oo aad odhanayso “Waa gacan”, macnaheeduna yahay “waa wax ii soo kordhay”.

13) Igad:- waa marka dhinac ama qof garamayaa uu yidhaahdo “hebel baa aniga ii hadlaya, taas-na waxa uu macnaheedu noqonayaa qof aad u dooratay inuu kuu hadlo (af-hayeen). Laakiin la igmaduhu waa inuu laba wax iska duwaa, labadaas shayna waxay yihiin: xigasho oo uu had iyo goor yidhaahdo ii islaama allaw hebel wuxuu leeyahay “ iyo inuu yidhaahdo “dhibaabena waa nin leh”. Qodobka hore waxa uu macnihiisu yahay inuu ninka la igmaday bilawgaba caddeeyo in waxa uu ka hadlayo aanu isagu lahayn ee uu yahay, wixii uu ninka garnaqsanayaa sheegay, sidoo kale aanu ninka la igmaday bilawgaba caddayn in wixii dhibaabe ah ee gartu leedahay ay u iilanayso ninka garta leh, haddii kale ilayn isaga ayey fuulaysaaye. Dhibaabuhu waxa weeye, dhaarta, markhaati oogista, kharashka iwm.
14) Mudaysi:- waa maalinta loo balamayo guda-galka garta, ha noqoto maalinta ergada dhex-dhexaadintu soo warabuuxayso, ha noqoto maalinta gartu dhacayso ama ha noqoto maalinta la isu soo dhiila dhaansanayo, (la isu soo diyaar garoobayo).
  Inta aan garta la gelin waxa jira waxyaalo haddii ay dhacaan lagu xisaabtamo, waxaana ka mid ah.
Kiil qaate: oo macnaheedu yahay nin wax lagu sameeyey laakiin haddana wixii lagu sameeyey oo kale isna sameeyey, ninka caynkaa sameeyana waxa la yidhaahdaa (kiil qaate), sidaa darteed ninka kiil qaataha ahi xaal iyo dhaarin ma laha, hase yeeshee waxa xaal iyo dhaarin leh nin qadaf loo geysto balse aan isagu af iyo adin toona waxba ka geysan ee ceeb ka saliim ah.
Maluug Ama Bidaal: Ereyga Maluug ama bidaal waxa uu macnihiisu yahay tuhun waxaana ninka kiis caynkaas oo kale ahi soo galo waxa badiyaa lagu yeeshaa dhaar. Tusaale ahaan maluugta ama bidaalka waxa ka mid ah masalan nin baad is-disheen oo aad gacanta isa saarteen dabadeed mar dambe ama maalin dambe ayuu ninkii oo hubaysani gurigaaga agtiisa soo maray iyada oo meesha gurigaagu ku yaal uu marinkiisu yahay, haddana waxaa dhacda inuu ninkii alaab gurigiisa ku soo ilaawo oo uu xasuusto marka uu meel dhexe ka dibna uu gurgiisa dib ugu noqdo taas darteedna uu markale gurigaaga soo agmaro, sidoo kale marka uu alaabtii soo qaato uu haddana gurigaaga agtiisa soo maro ilayn waa marinkiisiiye, sidaa awgeed waxaad ninkaa ku tuhuntay inuu kuu goolaaftamayo ama uu tactical (sahan) u yahay inuu ku dilo isaga oo doon doonaya inuu dagnaan kaa eegto, haddaba marka aad sidaas oo kale ninka u danido ee aad dacwad ku soo oogto waxaad doodaada ku furaysaa “Marka hore erey waa iga duco, ereyna didiif, ereyna waa iga dacwi, ereyna waa iga maluug, laakiin haddii aad maluugta (tuhunka) marka horeba soo qadinto oo aad dacwiga ku darto, arrintu way kaa halawday, waayo waxa kugu filan in lagu yidhaahdo oo keliya “Hubka adiga kuuma sidan, waayo haddii aan hubka isaga u sitay markaaba maan ku dhufto,” sidaa awgeed maluugtaadii si aad meesha dhaar ugu yeelato waa inaad arrinta Bidaal ka dhigto.

Garta Xeer-Beegti, Garta dhaqanka.

Haddii aad maluugta (tuhunka) marka horeba soo qadinto oo aad dacwiga ku darto, markaa arrintu way ka habawday, waayo waxa kugu fillan in lagu yidhaahdo oo keliya (hubka adiga kuuma sidan) waayo haddii aan hubka isaga ah u sitey markaaba maan ku dhufto. Sidaa awgeed maluugtaadii si aad dhaar ugu yeelato meesha inaad arrinta bidaal ka dhigto.

Bac iyo  Baarit: labada erey ee Bac iyo Baarit waa laba erey oo la isticmaalo marka qoon qof la gaadhsiiyey ama qof la dilay xaqeeda loo qaybiyo laba qof iyo ka badan. Tusaale ahaan laba nin oo is-haya haddii ay isla dhacaan oo uu mid ka mid ahi jabo oo weliba uu jabo ninkii wax legday, ka dibna waxa la yidhaahdaa waa bac baari, qoontana wixii laga xukumo labada nin waa loo kala badhaa.

Sidoo kale haddii ay laba nin oo is-haystaa iskula dhacaan oo ka dibna la kala cadayn waayo labada nin ka waxyeeladda leh, waxa markaa waxyeeladii loo qaybiyaa labada nin.
Sidoo kale wax kasta oo cid loo haysto oo millad, markhaati iyo qiraal mid-na ku caddaan waayo ama ha la dafiro ama yaan la dafirine xukunkeedu waa qayb, waxaana loo qaybiyaa cidda loo wada haysto inta ay doonto tiradoodu ha noqotee. Tusaale ahaan shan nin oo aroos jooga nin waliba rasaas ka riday arooskii, ka dib-na waxa rasaasta ku dhaawacmay ama ku dhintey nin, laakiin waxa la garan waayey shantii nin ee rasaasta riday midka ay rasaastiisu ku dhacday, isla markaana nin waliba wuxuu yidhi “aniga rasaastaydu kuma dhicin ama anigu raas riday, laakiin ma ogi inay ku dhacday iyo in kale”. Sidaa awgeed marka ay sidaasi dhacdo ee shantii nin ay rasaastiisu ninka ku dhacday la garan-waayo shantii nin ayaa loo qaybiya qoonta ama magtii. 

La Soco....Qaybaha Dambe Hadii Alle Idmo


Waxa diyaariyay Cumar Caara-dhuub
         Xigasho Mareegta Hoyga Suugaanta Suugaanta

_______________________________________________________________




 Noocyada Garta Ee Dhaqanka U Ah Soomaalida

Qaybtii 10aad
Wiilkii dhalinyarada ahaa markii uu ku dhaartay inaanu gabadhaa ka tegayn ayaa waxa loo qaatay inuu doonayo inuu faraxumeeyo ileyn meher u qaban-maayo oo nin baa qaba’e,


laakiin ilma-abtiyadii iyaga oo aan dhaartiisii cidna uga sanqadhin ayaa maalintii ay is lahaayeen ambabixiya ayey lacag siiyeen , sibraarna waxay ugu shubeen caano badhax ah, muqmadna waa la siiyey, sidaas ayey wiilkii ilma-abtiyadii ku ambabixiyeen oo ay ku nabadgelyeeyeen, laakiin barqadii markii uu meel dhexe marayey ayuu soo noqday oo uu gurigii gabadhii Maydhan isa soo taagay. Markaas ayaa la is waydaarsaday "Waar reerkow iyo yeedhnay iyo i waraabiya", ka dibna ninkii Maydhan qabay oo aqalka ku jira ayaa yidhi "Naa ninka xiligan harraadani waxba kama noola’e biyaha u badhxa", ka dibna gabadhii Maydhan ayaa biyaha kalaxa u dartay wiilkii oo debedda taagan, laakiin dhiibistii ay biyihii u dhiibtay ayuu galaankii biyaha inta uu tuuray gabadhii Maydhan gacanta qabsaday oo uu faraska fan-dambeedkiisa ku ritay cidhibta iyo jeedalka isu raaciyey faraskii, ka dibna uu la galbadday.
Markii qiyaas ilaa sagaashan KM ah ka fogaaday gurigii uu gabadha ka qaatay ayuu intuu faraskii joojiyey oo uu wadada dhinac uga degay ayuu Maydhan sheeko iyo haasaawe macaan u saaray, iyana waaba ka heshay, waxaana lagu heshiiyey inay tahay gabadh uu la soo tegay, sidaana ay dadka u sheegaan, ka dibna sidii ayey ku warameen markii Ooshii tageen, waxaana loo dhisay aroos kii horeba ka wacdaro badan, waxaase dhaqanku ahaa inay islaamuhu gabadha marka la arooso kala gooyaan, iyadoo marka la kala gooyo maro cad la hoos-dhigo si loo ogoodo inaanu qoddobku dhaawacnayn.
Wiilkii habeenkii u horaysay ee ay aqal galeen ayuu bahal bilaawe ah bawdadiisa ku dhuftay, halkaas oo maradii cadayd hoos dhigay dhiigii bawdadiisa ka soo qulqulay, ka dibna islaamihii ay arkeen ayey mash-xarad ku dhufteen, iyaga oo moodaya inuu wiilkii gabadhii ugubka ahayd kala goostay, waxayna islaamihii ku heeseen heestii afgarashada ahayd marka ay sidaas oo kale dhacdo, iyaga oo yidhi "Qaraxdayeey ninka maxaa lagu qaboojiyaa", laakiin sidoo kale ninku marka uu hawshiisa gudan kari waayo waxa loogu heesi jiray "Ribatayeey meesha miyaan rag helineey".
Heesahaas oo dhawr goor lagu cel-celiyo. Hase yeeshee fiidkii ayey reerihii Maydhan laga soo dhacay ee qabay tabeen oo la yidhi "Tolow Maydhan xagee bay jirtaa ma maqashii bay doontay adhigii ayey doontay". Laakiin wiil-yar oo arkayey markii Maydhan faraska lagu ritay ayaa yidhi "Saw tii saaka raacday faraskii ninku watay". Ninkii Maydhan qabay waa waashay oo waxay kaga dhegtay Maydhan, taas oo wax kasta oo la waydiiyo uu kaga jawaabo Maydhan. Sidaa darteed geedigii koowaad ee uu reerku guuro waxa lagu taxaabay xadhig, geedigii labaadna waxa lagu xidhiidhiyey Awr, ka dibna talo waxay noqotay inay barbaartii ragga ahayd ee reeraha joogtay yidhaahdaan "Waanu duulaynaa", laakiin odayaashii ayaa yidhi "Horta aynu dirno konton nin oo ergo ah oo codkar iyo culimoba leh", dabadeedna taladii odayaasha ayaa la raacay, waxaana Duullane reerahoodii ayaa loo tegay oo lagu yidhi "Gabadhaas Maydhan waa xaaskayagii, iyada ayaanuna u socoanay ee hanaloo celiyo"...
Gar dad-ban:
Qoladii ergada ahayd markii ay yidhaahdeen gabadhaasi waa xaaskayagii ee hala nala siiyo ayey odayaashii  waxay waydiiyeen Duulane iyo Maydhan arinta la sheegayo, laakiin waxay sheegeen inay isla soo tageen, ka dibna odayaashii Duullane xagiisa ka soo jeeday ayaa ergadii ku yidhi "Waad aragtaanoo garaw ma hayno, annaguna waxba ma ogin, idinkuna markhaati ma wadataan, sidaa awgeed noo dhaarta", ka dibna waxay yidhaahdeen "Waanu idiin dhaaranaynaa", intaa ka dibna waxa qoladii ergada ahayd laga shubay saddex walle, bille. Dabadeedna markii ay dhaartii dhacday ayey odayaashii Duullane yidhaahdeen "Arintii inagu caddaatay, nimankan reer hebel ee inoo yimina fan-dadab iyo xilo kala qaadis xeer uma lihin, innaguna hadda curin mayno oo taa xeer ka dhigi mayno, sidaa darteed Duullane ha soo celiyo Maydhan", laakiin Duullane waxa uu taa kaga jawaabay tix gabay ah, isaga oo yidhi:

Col hay dilo, cadaabtii an tago, caanana an-waayo,

Cirku haygu soo dumo intaan celin lahaa Maydhan."

Duullane markii uu gabaygaa tiriyey ayey ilma-adeeradiina ku raaceen, iyaga oo sheegay inay hiil iyo hooba la barbar taagan yihiin, dabadeedna talo cirka ayey isku shareertay, ka dibna waxay taasi keentay inay labadii qolo kala bixi waayaan oo ay isku murgaan. Laakiin rag labada qoloba u siman oo xigaalkood ah ayaa xaajadii ku soo gaadhay oo ku yidhi "Waar arrinta nagu sima". Ka dibna waxa laga qaaday kalsooni iyo dhaar ah inaanay qolona diidayn wixii ay arinta ka soo gooyaan, dabadeedna labadii qoloba way bixiyeen kalsoonidii iyo dhaartii, laakiin markii ay qoladii dhexda ahayd arintii gorfeeyeen waxay gartii saareen qoladii Maydhan haysay, waxayna ku xukumeen 100 halaad oo ah ninkii Maydhan qabay ee waashay markii laga dhacay iyo xoolihii yaradka loogaga qaatay Maydhan oo ka koobnaa 50 halaad oo dhogor ah, Faras iyo Qori iyo weliba 50 halaad oo xaal qabiilo ah, iyadoo ay dhinaca kalena ay gabadhii Maydhan haysato wiil ay qolo waliba dhinaceeda ugu dacwiday inuu wiilkoodii yahay oo ay iyaga u dhashay, wiilkaasna waxa laga xukumay 50 halaad oo loo celiyey qoladii ergada ahayd ileyn waa gar muslax oo cidna ma qadisee.
Marka aynu intaa kaga gudubno tusaalayaashii noocyada garaha, isla markaana gogol-xaadh u ahaa garta cadaawe oo u qaybsanta laba nooc oo kala ah:

Gar-shareeco:
 Garta shareecadu waxay leedahay Millad (Dhaar) iyo Markhaati, isla markaana waxa u dhaqan ah "Carrab eegato", taas oo macneheedu yahay inay guddiga gar-qaadaysaa wax ku kala xukunto wixii ay afka ka yidhaahdaan dhinacyada dacwaddu ka dhexayso ama markhaatiyadu yidhaahdaan. Laakiin garta caynkaas ah waxa uu xukunkeedu yahay inaanay dadka waxba u qaybin ee ninkii gartu u dhacdo oo qudha wax siisa. Tusaale ahaan waxa la yidhi nin Yuhuudi ah ayaa Caano u dhiibtay nin muslin ah, ka dibna ninkii muslinka ahaa ayaa caanihii yuhuudigu u dhiibtay qaar cabbey, dabadeedna ninkii Yuhuudiga ahaa iyo ninkii muslinka ahaa way is qabsadeen, ka dibna waxay isula tageen Nebi Maxamed (N.N.K.H) iyo Cali Binu Abii Daalib. Ninkii Yuhuudiga ahaa ayaa yidhi "Nebi allaw caano ayaan u dhiibtay ninkaa, dabadeedna caanihii ayuu badh iga cabay". Ninkii muslinka ahaa ayaa isna yidhi "waxba kama cabin",
laakiin Cali Binu Abii Daalib oo arka caanihii oo ninkii muslinka ahaa calooshiisa ka muuqda ayaa is yidhi farta ku fiiq oo waxaad tidhaahdaa "Sow kuwaa calooshaada ka muuqda", laakiin nebiga oo is-ba arka ayaa Cali gacanta qabtay oo ku yidhi "Sug Caliyow waxaad aragto aniguba waan arkaaye". Ka dibna nebigii ayaa ninkii Yuhuudiga ahaa ku yidhi "Markhaati ma haysataa", Yuhuudigiina wuxuu ku jawaabay "Maya ma haysto markhaati", intaa ka dibna nebigu ninkii muslinka ahaa ayuu ku yidhi "Ku dhaaro inaanad caanihiisa badh ka cabbin', laakiin ninkii muslinka ahaa wuu ka joogsaday dhaartii, dabadeedna nebigii wuxuu ku yidhi ninkii muslinka ahaa "Ninka caanihii aad ka cabtay sii". Waayo hadii sidii Cali garta loo niqi lahaa suurtagal ma noqoteen, waayo inagu ma ogin waxa caloosha ku jira ileyn arintaa ilaahay baa xikmad uga dan lahaaye. Sidaa darteed gartu waxay u ka maarmin wayday in wixii la isku dafiro Millad ama markhaati lagu kala sed-qaado.


Gar-xisdi:

Gartani waxay ka mid tahay garaha xeer-beegti, waxayna inta badan martaa inta ay marto garta   shareeco. Laakiin inta aynaan u gelin aynu ugu horayn macnayno halka asal ahaan laga soo dheegtay ama laga soo xigtay saddexda erey ee kala ah: Gar, Xeer iyo Beegti.


Gar:

Gar waa xadhiga dardarta leh ee inta ninka lagu xidho ka dibna geed qudhaanjo leh laga soo laad-laadiyo, isaga oo u xidhan sida askarta loo figeeyo.


Xeer:

Xeerna waxa weeye xadhiga aqal Somaliga marka la dhiso dusha lagaga xeero ama Awrku marka uu raran yahay dusha lagaga xidho.


Beegti:

ereyga beegtina waa ku beeggan (u qalma) ama aqoon u leh. Laakiin sida ay mihnad kasta ama uu mawduuc kastaa u leeyahay luqad ama weedho u gaar ah ayey gartuna u leedahay weedho u gaar ah (Terminology), sidaa darteed inta aynaan gelin tafaasiisha garaha waxaynu marka hore baranaynaa erey bixinta garaha. Si aad u fahamtaa midhaha iyo macnaha garaha...


La soco…..qaybaha dambe hadii alle idmo

 
Waxa diyaariyay Cumar Caara-dhuub
         Xigasho Mareegta Hoyga Suugaanta Suugaanta

_______________________________________________________________


_________________________________________________________________
Noocyada Garta Ee Dhaqan U Ah Soomaalida

Qaybtii 9aad
Weli waxaynu ku jirnaa gar dad-ban oo ah gar noocyo dhawr ah u qaybsanta, waxa tusaalayaasheeda ka mid ah, nin baa waxa uu ka af-roonaaday (Ka aftahamaysnaaday) niman kaleoo ay isku mijlis yihiin, dabadeedna waa loo faqay oo waxa la yidhi yaanu jaanis heline waxaynu odhanaynaa hebel baa gudoomiye ah. Arrintii baa ninkii loo sheegay, ka dibna wuxuu yidhi "Maxaynu ku falaynaa gudoomiyaha", dabadeedna waxa lagu yidhi

"Gudoomiyuhu hadalka saxa ah wuu sii daynayaa, hadalka qaladka ahna wuu inaga joojinayaa’, ka dibna ilayn waa tii la yidhi "waayeel hadalkiisa kaftan ayuu ku dhamaystaaye", markaa ninkii baa ku jawaabay "Oo hebel muxuu ka kala garanayaa hadalka saxan iyo hadalka sirgacan", hadana waxa lagu yidhi wuu kala garanayaa.
Intaa kagama hadhine wuxuu hadana yidhi "Bal ma tijaabiyaa inuu garanayo iyo inkale", waxa la yidhi "Haa", ka dibna ninkii isaga oo tijaabadii wada ayuu yidhi "Waa baanu anaga oo col badan ah duulay, markii aanu jidka maraynay ayey laba nin oo colkayaga ka mid ahi is-dishay, dabadeedna mid baa inta uu bahal nabar ah lka dibna geed baanu jiifinay, colkii naga soo horjeedayna wuu nagu dhow yahay.

 Ninkii dhaawaca ahaa isaga oo halkiisii jiifa ayey labadii col is-galeen oo ay sanqadhu yeedhay. Illeyn lexajecladu waa shay sun ahe ninkii dhaawaca ahaa inta uu soo kacay oo uu kaga dhigay Caydhi ma bukooto ayuu is yidhi "oo hadaadan colka la socon ma cid baa geela la soo qaado wax kaa siinaysa", dabadeedna inta uu Maya isugu jawaabay ayuu soo hadaafay oo halkii ay xabadu ka dhacaysay ee weerarku ka socday yimi, halkaas oo uu dagaalkii wax ka galay, laakiin xabad baa ku dhacday, wuuna dhaawacmay.
Ka dibna waanu soo qaadnay oo aanu dhaawiciisii guryo keenay, isla markaana geelii la soo qaaday saamigiisii ayuu qaatay, laakiin wuxuu u dhintay dhaawicii, markaa waxaan ku waydiiyey ninkaa magtiisu waa imisa ?", 


dabadeedna ninkii gudoomiyaha lagu sheegayey ayaa yidhi "Dee waa 100 halaad", hadana ninkii wax xujaynayey ayaa yidhi markhaati ka ahaada inuu boqol ku sheegay", waxay yidhaahdeen "hadii aanay boqol ahayn hadaa waa imisa", wuxuuna yidhi "Xabbadda ninka ku dhacday guluf dagaal bay ku gaadhay oo cid ku dhufatay lama garanayo. Markaa magta ninkaasi waa dubaaqadii inaadeerkii ku dhuftay", markaa arintii sidaas ayey noqotay, ninkiina sidaa ayuu gudoomiyenimadii ku waayey, iyadoo ay arinta dhex ka ahaayeen nimankii gudoomiyaha u doortay.



Tusaale kale hadii aynu soo qaadano, waxa jiray nin reer Berbera ah, isla markaana ku dhashay magaalada Burco, ninkaas oo la odhan jiray Ina kulunbe oo ahaa nin xikmado badan ka tegay, sida xikmadda ah "Heesta geelu way kala horaysaa". Ina kulunbe ayaa mar walba lagu yidhaahdaa "Ileyn inagu ragna ma nihine raggi rag ahaa Burco ayuu jiraa", dabadeedna markii hadalkaa laga dayn waayey ayuu ninkii Ina kulunbe kharash badan soo qaatay, wuxuuna tegay ama yimi Burco, ka dibna wuxuu yidhi "Meel merfesha ah I geeya",
waa la geeyey, mise sheeko kale laguma hayee intii ay qolada reer Berbera ku sheekaysan jirtay ayuun baa halkana lagu hayaa. Markii uu ilaa afar merfesh tegay ee ay sheekadu isku wada mid uun noqotay ayuu maalintii dambe meerfesh ay rag badan oo xikmad lagu tuhmayey fadhiyaan ka yidhi "Waar niman yahow waxa nalagu wareeriyey raggii rag ahaa Burco ayuu jiraa, ka dibna markii aan idin eegay aniga ilama ihidin niman laba waxarood kala saaraya, dabadeedna raggii meesha fadhiyey way xanaaqeen oo waxay ku yidhaahdeen "Miyaadan nin rag ah ahayn maxaad sidaa noo leedahay", 

ka dibna wuxuu ku yidhi "Waar bal is-qaboojiya hadayba laba waxarood is hayaane, markaas dhaqanka waynu wada naqaanaaye riyaha da’xilada dhalaa ceesaanta ugub ee ugu danbeed dhasha ee Orgiga ku curata waa laga gawracaa,
laakiin ceesaantaasi hadda way mataanaysay oo laba Orgi ayey dhashay,dabadeedna waxa loo baahday in labadii Orgi mid la gawrco, laakiin labadii Orgi ayaa wada dacwiyey, dabadeedna labadii Orgi kii soo dhacay ayaa yidhi anigu ma ihi kii u dambeeyey ee ceesaantu dhashay oo kan ayaa iga dambeeyey ee isaga hala gawraco, Orgigii kale ayaa isna dacwiyey oo yidhi anigu ma ihi kii ay ceesaantu ugubi ku curatay ee waa ka iga hor-dhashay ee isaga hala gawraco",
markaa sheekada ha u arkina laba waxar ee meesha geeri ayaa taala’e kala saara labada waxar kee baa la gawracayaa, ka dibna qaylada iyo buuqa ayaa cirka isku shareertay, qoloba mid bay tidhi waa la gawracayaa, halkaas ayey isku khilaafeen oo ay qoloba mid tidhi kaasaa la gawrcayaa iyo kaasaa la gawrcayaa, markaas ayuu ninkii Inakulunbe yidhi "Maxaan idiin sheegayey"...
 

Nimankii iyaga oo murmaya ayuu Ina Kulunbe Berbera-diisii iskaga noqday, laakiin qoladii reer Burco ayaa sharad iyo sharad isku dhigtey oo ka daba tegay Ina Kulunbe si uu markhaatiga ugu kala furo, wuxuuna meel gole ah ka yidhi "Reer Berbera waydinkii lahaa ragga Burco ayaa kaa wanaagsane ogaada inay aniga ra’yi iga martiyayaan", ka dibna nimankii sharadka isku dhigtay ee isula yimid wuxuu ku yidhi "Waar garta labada waxar way hawl yartahaye Burco iskula noqda" halkaas ayuuna sheekadii ku xidhay.



Sheekadan lafteedu waxay inoo cadeynaysaa in kaftanku yahay gar, laakiin waa garaha dadban ee aanay dadka badidiisu fahmi karin.



Garta Muslax

haddii aynu tusaalayaal iyadana ka bixino, waxa jiray ama dhacday gabadh qurux badan oo godan ka bax ah lana odhan jiray Maydhan. Gabadhaas nin waliba wuxuu is-yidhi Allaylehe taasi adiga ku yeeli mayso, ragga qaarna markii ay arkeen waxay is-yidhaahdeen koleyba tan waa la qabaa, laakiin iyada lafteedu markii inan ragba agteeda ka waashay waxay is-odhan jirtay tolow maxaa raggu kugu arkay ee mid qudhi kuula hadli waayey.



Dhinaca kale gabadhaa reerkooduna waxay ku xisaabtami jireen inay gabadhooda Maydhan yarad buuran u goynayso, oo haddii ay cidi ay guur ugu soo gole fadhiisato ay arrinta yaradku noqonayso afkaa-dhabasho iyo waxay qabsadaan. Muddo ka dib Maydhan aabaheed iyo nin ay qaraabo yihiin, isla markaana yaraantoodii saaxiib ahaayeen oo isku soo kacaameen, laakiin intii ay waaweynaadeen ay kala tasoobeen ayaa maalintii dambe is-helay ka dibna waxay arrintoodu noqotay "Gacal kala maqnaan jirey iyo geeluba way isku ololaan."



Waqtiga ay is heleen waxay labaduba ahaayeen geel jire, ka dibna nabdaado qurux badan markii ay is-dhaafsadeen ayaa war duleed la kala bogtay, waxa la iska waraystay tigaad iyo tows abaareed wixii jirey. Waxa kale oo la iska waraystay nabad iyo khoof wixii jirey. Intaa ka dib hoos-baa la iskula dhaadhacay, iyada oo ay sheekadu noqotay hebel ka waran, heblaayo ka waran, heblaayo yey u dhaxday, hebel yuu ka guursaday, adigu maxaad ubad iyo adduun haysaa?.
 Waxyaalaha markii la iska waayo waraystay ee sheekooyinkii duleed iyo kuwii hooseba la dhamaystay ayaa Maydhan aabaheed lagu yidhi "Oo reerka wax hablo ahi ma ku hadheen", wuxuuna ugu jawaabay "Inaadeer dhawr baa jooga", ka dibna isaga oo ninkii kale dhaqanka ilaalinaya ayuu yidhi "Inaadeer ta u roon magaceed", Maydhan aabaheedna wuxuu ugu jawaabay "Maydhan baa loogu yeedhaa".

Haddana wuxuu u celiyey "Inanka geela ila wada ayaan gabadh fiican u doonayey, inagana xidhiidhkeeniibay soo celinaysaa ee gabadhaa wiilka ii sii", Maydhan aabaheed-na wuxuu ku jawaabay "Inantaydu way iga talo qaadataaye, wiilkaagu ma kaa talo qaataa", kii kalena wuxuu ku jawaabay "Waar bal ninkaa daya, oo ma waxan kuula ekahay nin ubadkiisu talo dhaafo", haddana Maydhan aabaheed wuxuu yidhi "Xaash’e ma tihid, gabadhiina waan ku siiyee, iga gudoon", dabadeedna arrintii waxay ku dhamaatay hoo iyo gudoon. Intaa ka dib ninkii odayga ahaa wuxuu wiilkiisii ugu bishaareeyey oo uu ku yidhi "Aabe waatii balankeenu ahaa inaan gabadh kuu doono oo kaaga yarad bixiyo, ka dibna Maydhan oo ina hebel ah reer-na ka dhalatay baan maanta kuu doonay, isla markaana qorigeenii maadhiin yaraha ahaa iyo faraskiiba gabaati baan u bixiyey", wiilkiibaa dabadeed yidhi "Aabe hawraarsan", odaygiibaa isna yidhi "Aabe Gudoon waana inoo biyo gu’."



Dabadeed markii gugii la gaadhay ayey odaygii iyo wiilkiisii iyaga oo wada shan geel ah oo dhogor ah ayey u tageen Maydhan aabeheed, halkaas ayaa meherka lagu duugay, aqal-na loo dadbay, iyada oo habeenkaa loo kala tagey Maydhan iyo wiilkii la siiyey, si ay isu bartaan, waxaana la maray qaabkii ardaa dhig lahaan jirey, iyada oo hadalka lagu soo gunaanaday gabadha nagu dara iyo yeelnay. Ka dibna nimankii soo ardaa dhig tagey waxa lagu daray Maydhan oo tiicaysa iyo afar oo xoogga ka masa ah oo dhibaad ah.



Maydhan markii la guryo geeyey waxa loo weegaarey aqal laba daryaale ah oo bari u jeeda, halkaas oo galbiska iyo ciyaaraha dhaqanka loogu dabaal-degay, iyadoo loo dhigay bahal aroos ah oo la isku arkay. Markii ay todoba baxeen ayaa guryaha baal looga saaray oo meel xeryaha ka baxsan aqal looga taagey, muddo markii laga joogo ayaa niman ay ilma adeer yihiin wiilkii Maydhan guursaday waxa u yimid wiil ina abtigood ah oo cirka laga soo hindhisay (ragganimo dhaaf), magaciisana la yidhaahdo Duullane, isla markaana wuxuu uu wataa bahal faras ah oo sheeggan, ka dibna wuxuu ilma abtiyadii ku yidhi "Walaahi naagtaa deyn maayo", sida caadadu ahaydna raggii hore been kuma dhaaran jirin.

La soco….qaybta damne hadii alle idmo

Waxa qoray Cumar Caara-dhhuub
Xigasho mareegta Hoyga Suugaanta
                                            
_________________________________________________________________

Noocyada Garta Ee Dhaqan U Ah Soomaalida

Qaybtii 8aad
Gar-muslax: Sida aynu horeba u soo sheegnay garuhu way noocyo badan yihiin, iyadoo taa loola jeedo in mushkilad walba
xal u helisteeda lagu furdaamiyo garta ay yeellan karto ama ku haboon, Somaliduna waxay tidhaahdaa "Garna garteeda ayaa lagu doonaa, mandheerna garkeedaa lagu doonaa". Sidaa awgeed Gar-muslax waxay ka mid tahay noocyada garaha dhaqanka, laakiin gar-mulsax marka la eego dhinacyada loo gar-qaadayo cidna ma qadiso, waxaana la qaybiyaa waxa la isku hayo, isla markaana garta muslax dabeecadaha ay leedahay waxa ka mid ah had iyo goor caqiibo-xumo ma keento oo meesha kama saarto ama ma kala dhantaasho waxyaalaha ay ka mid yihiin toliimada, gacaleeyada, xidid-tinimada, saaxiibtinimada ama wax kasta oo hore u jiri jiray uu mujtamacaasi ku dhaqmi jiray oo xeer iyo xanaan u ahaan jiray ama arimaha loo xillan jiray ee dhaqanka nolosha qayb ka qaata ama saamayn ku yeesha, isla markaana garta muslax ma laha wax Axdar (Arxandaro ah), ama dhibaabe ah ama saraaye ah, sida Millad (Dhaar) ama markhaati la isku jirrabo IWM.

Ta kale garta muslax waxay ka mid tahay garaha ay qaadaan ragga samataliska ahi, waayo ninka samataliska ahi danta oo ku khasabta mooyee had iyo goor ma qaado ama kuma degdego, isna wax-ba kuma naqsado garta cadaawe, sidaa darteedna ninka samataliska ahi waxa uu had iyo goor ku dedaalaa inuu gar-kasta oo loola yimaado ka baajiyo in laga dhigo gar-cadaawe. Tusaale ahaan nin baa waxa uu ahaan jiray nin hal-adag oo aan had iyo goor ragga u hanbayn oo ragga ama cidda isula timaadda wax-kasta oo kala gala ama ay isku hayaan xal u helideeda ka gun-gaadha af iyo adin-ba, dabadeedna ninkaasi maalin maalmaha ka mid ah ayuu nin ka mid ah raggii ay isku degaanka ahaayeen si daymo leh u eegay, isaga oo qiimaynaya raganimadiisa ama shakhsiyadiisa, ka dibna intuu sidaa u eegay ayuu yidhi "Ninkaa hebel nin fiican ka tegi-maayo", taas oo ula jeedo waxa uu noqonayaa ama uu yahay nin fiican, dabadeedna waxa lagu yidhi "Waayo", wuxuuna ku jawaabay "Waanu hanbayn."

Somalidu waxay ku maahmaahdaa "Laba garamay iyo laba gantamay galladi kama dhexayso", taas oo ay ulajeedaan laba gari dhexmartay iyo laba is-dilay asxaani kama dhexayso, sidaa darteedna waxay maahmaahda caynkaas ahi tilmaamaysaa in hadii ay ragga gar-cadaawe dhexmarto ay taasi ku reebi karto calool-xumo hibasho ama hiirtaanyo reebta, taasna waxa laga yaabaa inay dad gacal ah ama tol ah kala fogayso. Sidaa awgeed bay ragga samataliska ahi had iyo goor ugu taliyaan in garta laga dhigo gar-muslax. Ta kale had iyo goor marka uu is-qabad yimaaddo waxa fiican inaad waxyaabo badan iskaga tagto oo aad mar walba arinta kor ka xaadiso, taas oo loola jeedo inaanad had iyo goor si saqajaanimo ah u xisaabtamin ama aanad si xun wax u qod-qodin, iyadoo ay Somalidu ku maahmaahdo "Lafahana gur xarogana haka tegin" Sidoo kale waxa la yidhaahdaa, "Findhicilku ma xaaraan baa mise waa xalaal iyo soo hadal-qaadkiisaaba xun."

Waxa kale oo la yidhaahdaa "Gobanimada waa waxaaga oo aad wax ka tagto", sidaa darteed waxay gobanimadu ama wanaaggu ku jiraa inaad had iyo goor is ururiso, taas oo ay arintu ku qurux badan tahay inaanad cid walba la garnaqsan ama aaddan wax ka gun-gaadhin ama biyo-dhiijin. Waxa kale oo jirta hadii qof ay gari idin dhexmarto oo aad ka gar hesho waxay xaqiiqdu tahay inaanu qofkii aad wada dhalateen ama saaxiibka ahaydeen marna ku calools-samaanaynaa garta laga helay, sidoo kalena hadii adiga lagaa gar helo ku calool-samaan maysid, taas oo keenaysa in qof aad isku wanaagsanaydeen ama gacal ahaydeen inaad kala weji dadabtaan oo aad xataa salaanta sharciga iska qaadi-waydaan, iyadoo laga yaabo inaydaan qofkaa kala maarmin karin oo ay mar walba dano iskaga kiin xidhmaan, ilayn dadku hadii uu meel ku wada noolyahay waxa ka dhexayn kara ama ka dhexeeya xidhiidh iyo macaamil nololeed oo ayna ku kala maarmin karine. Sidaa awgeed garaha waxa ugu nasteex badan garta la yidhaahdo Gar-muslax.

Gar dad-ban: Gartan la yidhaahdo Gar-dad-ban dadkeenu Somalidu si fudud bay isaga dhexgalaan, taas oo aanay moodin in gartani tahay mid garnaqsi guddinimo lagu kala xarago qaadanayo ama aanu garaw ku jirin (Garaw lahayn), waxayna si fudud u galaan markhaatigeeda, dhexnimadeeda.

Waxa jirta xikmad tidhaahda "Qosola hiil leh", taas oo la yidhaahdo miyaanay hiil iyo eexiba ku jirin hadii laba nin gole ka wada khudbadayso oo midkood loo mashxarado ama loo sacabeeyo, isla markaana si fiican loo dhegaysto, ninka kalena la dhegaysan waayo oo isaga oo hadlayo hadal kale la dhexgeliyo.

Waxa kale oo garaha dad-ban ka mid ah labada nin ee iyaga oo iska soo horjeeda isu gabya, labadaas nin oo ka gabayga hor-tiriyaa uu noqonayo muduci, ninka kale ee gabayga loo tiriyey ka jawaabayaana waxa uu noqonayaa madaacale, isla markaana ragga isu gabya waa ta had iyo goor la yidhaahdo hebel baa gabaygii ama heestii laga helay.

Sidoo kale waxa garaha dad-ban ka mid ah wiilka iyo gabadha isu heesa ee la yidhaahdo wiilka ama gabadha ayaa gar heshay. Laakiin hadii aynu tusaale u soo qaadano gabayo la isu tiriyey waxa ka mid ah: "Dib u joogso waan kula dacwiyi doodna, waan odhane" tuducani waxa uu ka mid yahay gabay uu tiriyey nin gabyaa ah oo la odhan jiray Qammaan Bulxan. "Hadal waa gun iyo Maxamedow gar iyo maahmaahe, gabayna waan aqaan oo ma jiro nin igu gaadhaaye", tixdanina waxay ka mid tahay gabay uu tiriyey gabyaa la odhan jiray Salaan Carabey. Nin kale oo isna la odhan jiray Ismaaciil Xaleef ayaa gabay uu tiriyey waxa ka mid ahaa "Waa godob gefkaa nagu fasheen, waana noo gacane".

Waxa kale oo arimaha garaha dad-ban soo gala ka mid ah waxa loo yaqaan "Dadab-galka" oo ah marka ay cidi yarad u doonato cid kale oo gabadh ka qabta (Yarad doonashada), waxaana munaasibadaa yaradka la isku waydiisanayo ka dhaca ama la isku dhaafsadaa waxyaalo ay ka mid yihiin:Gabayo, Maahmaaho, hadal muduci iyo madaacale ah, hadalo araar ah iyo hadalo afeef ah iyo hadal dacwi ah, waxaana mar walba doodda lagu gebagebaynayaa hadal asluubaysan oo aan wax turxaan ah iyo wax cay ah midna lahayn, waayo goluhu waa gole xidid, sidaa darteed waa inuu yeeshaa xishood iyo milge gaar ah oo aanay golayaasha kale lahayn, tusaale ahaan nin aad isku geel-jire ahaan jirteen ama aad saaxiib tihiin oo aad si walba u kaftami jirteen ama aad is-caayi jirteen-ba marka aad golahaas oo kale aad isugu timaadaan, hadalkiinu waxa uu la mid ahaanayaa hadalka golaha yaal, waayo waxa la yidhi, " Hoos-ba hadalkiisa leh".

Sidoo kale waxa garaha dad-ban soo geli kara kaftanka iyo jareexada, waayo kaftanka ama jareexadu waxa uu leeyahay mid si kulul oo dhalaax-qaad ah la isu-dhaafsanayo iyo mid si hufan oo macaan la isu dhaafsanayso oo ay laba ama koox is kaftan taqaan is-dhaafsanayso, waxaana taas oo kale ka garnaqsanaysa dhinacyada wada hadlaysa ee kaftanku ka dhex-ooggan yahay, isla markaana waxa isu dhegaysanaysa oo meesha ka guddi ah cidda markaa golaha joogta ee isu dhegaysanaysa, sidaa darteedna marka uu kaftanka caynkaas oo kale ahi socdana waxaad arkaysaa iyadoo la leeyahay, taasi waa xaal, hadalkaasi waa meel-kadhac iyo waxyaalo la mid ah ama waxaad arkaysaa iyadoo hadalkaba laga xidhayo labada nin ama labada kooxood ee aan kaftanka isla marin-garanayn ama isla wadi karayn...
La soco….qaybta damne hadii alle idmo

Waxa qoray Cumar Caara-dhhuub
Xigasho mareegta Hoyga Suugaanta
_________________________________________________________________

Noocyada Garta Ee Dhaqan U Ah Soomaalida


Qaybtii 7aad

Dacwi:
Dacwigu waa halka ay gartu u dhimato (Ugu muhimsan), allahayow kaalin weyn ma gutay ama dagaal weyn ma ku jiraa ninka saymahaas oo kale kala baxa ama ka saara.



Nin gabyey ayaa yidhi “Raggu ka simman sagaalka iyo magta iyo suurad guudnimo’e ,
misna kama sinaadaan aqoon soofe iyo liide,
sakal adag saraayaha markuu saajac ka hadlaayo,
soke nimu bartiyo xaraf yaqaan saami kala geeye,
nin siyaasad dheer iyo badwina kala su’aal roone”,

waxa gabaygan tiriyey Ismaaciil Xaleef.



Dacwigu waa sida aad wax u leedahay oo aad sheegto iyo sidii aad uga hor degi lahayd waxa uu ninka kale sito ee kugula garamayo, iyadoo ay ereyada la odhanayo ee ninka ka soo horjeeda laga sii hor-degayo ay ka mid yihiin “Hadii uu odhan doono” IWM.

Isla markaana adiga oo hadalka ku odhsanaya af-macaan, waxna aan dhimayn, waxna aan dhaafayn, kuna daraya talo iyo xirib.



Maluug:
Waa wax kasta oo aad tuhunto, laakiin aaddan cadayn u hayn, sida tusaale ahaan nin aad is disheen oo agtaada qori ama hub kale la marmaray, taas oo ay dhici karto inuu kuu sito iyo inaanu kuu siddan ee uu iskii isaga sito, balse aad shakiday oo aad u malaysay inuu adiga kuu sito, laakiin aanad caddayn u hayn, ka dibna ninka muduciga ahi waxa uu odhanayaa “ Middi waa ii maluug, ninkaa waanu is laynay, waa nala ballansiiyey oo gar baa naloo qaadi lahaa, hub horena kuma arki jirin, balse inuu isaga oo hubaysan igu dul-wareegay oo uu col ahaa markhaati baan u leeyahay , laakiin inuu aniga ii sitay markhaati uma haysto, mar hadii ay caynkaa tahay inaan dhaar iyo tuhun-saar ku leeyahay rug muduci baan ka fadhiyaa, hadii ay ii cadaatona wixii ay leedahay ayaan doonayaa”.

Laakiin marka uu muducigu markhaati buuxa helo , madaacalayguna waayo, iyadoo aan madaacalayga la dhaarin-ba waxa garta hela muduciga. Hase yeeshee marka uu muducigu markhaati-waayo, madacaalayguna markhaati helo buuxa (muduci-gawrac) waxa gar hela madaacalayga.



Marka uu muducigu helo markhaati kala dhiman, madaacalayguna waayo markhaati buuxa ninka muduciga ah ayaa lagu yeeshaa lug dhaar ah, dabadeedna hadii uu dhaarto isaga (Muduciga) ayaa gar helaya, hadii uu ka joogsado oo dhaarran-waayana waxa lagu gar-waayayaa ama gar helaya madacaalayga.



Hadii uu muducigu markhaati-waayo waxa markaa dhaar lagu leeyahay madacaalayga, ka dibna hadii uu dhaartaa maro waa lagu gar-waayey, hadii uu ka joogsadana waa lagu gar helay.



Marka ay muduciga iyo madaacalayguba helaan min saddex markhaari uu buuxa, hadana waxa lagu kala saarayaa dhaar, waxaana lagu gar helayaa had-ba ka dhaarta ka joogsada, hadiise ay labadooduba dhaartaan waxa markaa loo qaybinayaa wixii ay isku haysteen.



Ninka yidhaahdaa “Waxaas markhaatigii u fadhiyayow ka kac”, markaa ninkaa sidaa yeela wax markhaati ah lagu oogi-maayo, ninka sidaa yeelaana waxa uu qirtay wixii lagu eedaynayey ama loo haystay, laakiin sababta uu sidaa u yeelay ayuu sheegaa, taas ayuu dabadeed ku garnaqsadaa, sidaa awgeed waxa la waydiiyaa waxa uu isku difaacayo iyo markhaatiga uu isku difaacayo.



GARTA DHAQANKA IYO XEERARKA SOMALIDA



Waxa kale oo jira wax la yidhaahdo Markhaati-bacood:

masalan waxa dhici karta inay isku dhegaan laba beerood ama daarood, oo aanay muddo cidina deganayn, ka dibna ay asaartii u dhaxaysay guurtay ama baaba’day, isla markaana aanay qolona haysan markhaati iyo cabir wax cadaynaya, laakiin ay qolo waliba dhinaceeda leedahay meeshaydu waxay ahayd halkan iyo halkan, sidoo kalena dadkii meesha yaqaanay iyo deriskiina waxay yidhaahdeen si sugan u garan mayno, balse waanu malaynaynaa.



Sidaa awgeed markay taas oo kale timaado qoladii tidhi si sugan u garan-mayno laakiin waanu malaynaynaa, ayaa loo dhiibayaa ul oo la odhanayaa meesha aad u malaynayso inay ahayd xariiq, taas oo haddii ay masalan dhawr qof yihiin marba qof la odhanayo meeshii xariiq ama is-dultaag, markaa taas oo kale ayaa la yidhaahdaa markhaati-bucood.

Waxa kale oo dhacda in qof yidhaahdo hashaas anigaa leh, dhulkaa anigaa leh ama shaygaa anigaa leh, kama iibin hebel mana siin, taas oo kale markaad tidhaahdo waxay noqonaysaa sheeko ama warbixin, waxayse gar noqonaysaa marka aad tidhaahdo “Gurigaa anigaa leh, inaan leeyahayna waan cadaynayaa ama markhaati baan u haystaa.”



Markaa arrinta aad cid u sheeganayso ama laguu sheeganayo ee aad iska riixayso waxa lagama maarmaan ah inaad markhaati u oogato, ama wixii kale ee aad cadayn u hayso, isla markaana marka aad gar ooganayso waxad raacin kartaa maah maah, odhaah, gabay, ama geeraar iyo murti kaleba marka aad taas oo kale markhaati u oogato waxa la yidhaahdaa Rugayn, laakiin marka aad hadalkaaga murti raaciso waa sii adkaysay oo waxa la yidhaahdaa lafayn, adiga oo weliba sii raacinaya “haddii ay ii cadaato waxay leedahay baan doonayaa”, balse haddii arrintii sheegto oo aadan hogteedii gaadhin cid kale wax kuugu dari mayso, waxaana jirta erey la yidhaahdo “Wixii kuu naf ah ka hadal ama maxaa kuu naf ah”, taas oo macnaheedu yahay wixii aad ku dacwiday ama wax daadefaysay inaad bayaamiso oo aad markhaati ama cadayn soo bandhigto.



Marka aad arrin iska difaacayso inaan gar iyo jid laguugu lahayn waa inaad sheegto, cadaynteedana raaciso inaan gar iyo jid laguugu lahayn, sidoo kale marka aad wax ku dacwiyeyso ama aad sheeganayso waa inaad wixii sheegto, caddaynteedana raaciso.



Waxa kale oo jira arrin kale oo la xidhiidha ama ku lug leh garta iyo dacwigeeda, taas oo ah wax la yidhaahdo Feenis (ka baaraa-deg).



Arrintaa macneheedu wuxuu yahay in inta aad debada joogto ee aadan soo gelin xayndaabka garta inaad arrinta debadda kaga soo baaraa-degto, taas oo loo baahanyahay in ciddii aad caqli ama garasho ku tuhmayso aad wax weydiiso si aad golaha ula tagto wax dhamaystiran oo aad shilinta iyo qodoxdaba ka gurtay, wixii kugu adkaadana waa inaad weydiiso ciddii aad aqoonteeda ku tuhmayso ama aad isleedahay arrintaa waxbay ka garanayaan, iyada oo loo baahanyahay inaad hubto in cidda aad wax weydiinaysaa ay tahay cid kaaga run sheegaysa wax aad weydiinaysaa, sidoo kale cidda aad wax weydiinaysaa waa inaad iska hubto inaanay waxa aad weydiinayso inay u gudbinayaan cida kale ee aad is-haysaan, sababta ay wax u gud-binayaan ha noqoto hiil, baahi ama xadhig xidhasho kaleba.



Ta kale marka aad gartaada marsanayso ma aha xoog ama jujuub waa inaad gartaada u bandhigataa si hufan oo aaddan waxba la hadhayn, isla markaana aad wax walba marsiisaa dariiqa ay leedahay, iyadoo uu garta dhaqankeedu yahay inay cid waliba arinta Axalo-cunsiiso, taas oo macneheedu yahay inuu qofku gartii oo saafan sheegto, isla markaana la waayo wax lagaga eed-sheegto hadii gartaa ambiil kasta laga qaato oo uu hadalku noqdo “Ina Sanweynena u geeyow gartu waa sidaa”.



Laakiin waxay iswaydiintu tahay waa sidee sida aad garta u Axalo-cunsiinaysaa. Taasi waxa weeye marka aad marto jidkan ee la yidhaahdo:
Muduci ma kaa maqan yihiin wax aad u Cinbataa (Wax ma kaa xidhan yihiin)?
Maxaa kuu naf ah ?
Ma dhaabbadaysay?

Intaas ayaanu naf kaaga soo qaadnaye maxaanu kaa dhaafnay, markhaatigaa maxaad u sheegaysaa oo xumaan ah iyo waxyaalo kale oo su’aalahan la mid ahina waxay ka mid yihiin qaacidooyinka garta dhaqanka.


Tusaale ahaan nin baa damcay inuu daadefeeyo nin markhaati ku ah, ninkaa markhaatiga ahina waxa uu ahaa nin dawersada, ka dibna ninkii wax daadefaynayey wuxuu yidhi “Mar hadii uu Caado-qaate yahay oo uu kunka shillin, boqolka shillin, ganbada iyo wixii la siiyoba qaadanayo inaanu kaas oo kale markhaati igu furi karin oo uu Caado-qaate yahay muduic baan ka ahay, waxaana iiga marag ah xer-beegtidiinaa.
La soco.. Qaybaha Dambe Haddii Alle Idmo

Waxa Qoray Cumar-caaradhuub
Xigasho Mareegta Hoyga Suugaanta

_________________________________________________________________


Baro Noocyada Garta Ee Dhaqanka U Ah Soomaalida


Qaybtii 6aad
Marka ay garanayaan labada qof ee wax ka dhexeeyaan oo kala ah: Muduci iyo Mudaacale, waxa hadalka ku horeeya mudciga (qofka wax tirsanaya), wuxuuna hadalkiisa ku

bilaabayaa (Islaam Allay erey wayga duco, erey wayga didiif, erey wayga dacwi, ereyna wayga maluug”.

Laakiin khasab maaha in sidaa lagu bilaabo, waayo maluugtu marwalba ma soo gasho ee mararka qaarkood ayey soo gashaa. Sidaa awgeed, raga muduciga ah qaar baan ducaba hadaladooda ku bilaabin ee yidhaahda “Saddex erey iyo maluug baan ka hadlayaa’ ereyga ducada sababta hadalka garaha loogu bilaabaa waxay tahay maadaama aynu dad muslim ah nahay, sidaa awgeed bisinka ka dib waxa la yidhaahdaa faataxadda inoo mara, waa la maraa, ka dibna waxa la yidhaahdaa “Waxa yidhi faataaxo dabadeed lama hadlo, haddii la hadlona wax-san mooyee wax xun laguma hadlo”.



Intaa ka dibna waxa uu muducigu intaa raacinayaa ereygii ducada ahaa, wuxuuna odhanayaa “Inteenan iyo intii dhashay iyo dhamaan umadda muslimiinta ah Illaahay dambigooda ah dhaafo, Illaahayna waxaan ka baryayaa inuu kii xaq leh-na siiyo Illaahay xaqiisa, ninkii aan wax lahayna aanu siin wax aanu lahayn oo aanu raacin xaq aanu lahayn.”



Didiif:
 Waa ereyga didiif macnihiisu waa afeef, waxaana didiifta la odhanayaa “dhibaabe waa nin leh, gar-cadaawe waa la yaqaan wixii hadhi jiray iga hadhan, iyo weedho kale”,laakiin had iyo goor marka la garamayo waa lays-xujayn jiray, bal aynu tusaale ahaan nin la odhan jiray Axmed Koorajaan ayaa nin kale oo ay ilmadeer yihiin oo la yidhaahdo Aw Maxamuud Muuse uu geenyo ku qabsaday, ka dibna waxa l a yidhi Koorjaan la gar-naqso Aw -Maxamuud, dabadeedna wuxuu yidhi “la garnaqsan maayo ilaa saddex la helo.
1. ciddii soo gole fadhiisin lahayd.
2. ninkii garta u sheegi lahaa.
3. ninkii ku odhan lahaa waa lagaa gar helay”.
Dabadeedna waxa lagu yidhi “Ninkaa waxa soo gole-fadhiisinaya Ducaale Cilmi, gartana waxa ku naqaya Maxamed Faarax (Ina Sanweyne), marka aad geenyadaada heshana waxa ka soo qaadaya Seed Cawed”.
Ka dibna koorajaan wuxuu yidhi “Haddaan la gar-naqsanayaa”, laakiin waxa kale oo uu shardi uga dhigay dhawr arrimood wuxuuna yidhi “Aniga gartayda ma gelayo nin aan Ilaahay aqoon, anigana I aqoon, Aw Maxamuud na yaqaan”,


Ka dibna ragga sifooyinkaa leh waa laga saaray guddidii garta saarayey iyada oo ay ragga la xulay shardi looga dhigay inuu yahay nin Ilaahay yaqaan, isla markaana aan labada nin ee loo gar-naqayo midna ugu xilan, laakiin Koorajaan markhaatigana wuu daadefeeyey, wuxuuna yidhi “Aniga saddex gartayda kama markhaati-galaan, kuwaas oo ah 1. Nac- fijiid 2. Naas-jiid 3. Lug-jiid”.

1. Nacfi-jiid wuxuu ula jeedaa ninka wax la siiyo.



2. Naas-Jiid waa ninka ay gabadhu dhashay (abtiga loo yahay).

3. Lug-jiid waa ninka gabadha qaba ee seediga loo yahay ama soddoga loo yahay, sidaa awgeed Axmed Koorajaan wuxuu yidhi “Saddex nin midna markaati iguma furo.”
Dabadeed markii gartii la riday ee Axmed Koorajaan uu geenyadii helay ayuu ina Sanweyne yidhi “Geenyadii waa laga helay Aw Maxamuud, waxaana helay Axmed Koorajaan
Ka dibna Seed oo ahaa ninkii la doonayey inuu geenyada ka soo qaado Aw Maxamuud ayaa arrinta hore u dhaabbadayn waayey dabadeedna waa marka uu ina Sanweyne leeyahay “Aniga garta sheeg baa laygu yidhi ee ku dirir layma odhan”,
Xikmadaasina waxay doorantahay “Seedow adigaa hawshaa leh oo lagaa sugayaa.”

La soco….qaybta damne hadii alle idmo




Waxa qoray Cumar Caara-dhhuub
Xigasho mareegta Hoyga Suugaanta
______________________________________________________________________________


Baro Noocyada Garta Ee Dhaqanka U Ah Soomaalida


Qaybtii 5aad

Garta Dhaqanka.



Garta xeer-beegti marka la qaadayo waxa loo qaybiyaa ilaa afar nooc oo kala ah: Duco, Didiif, Dacwi iyo Maluug, kuwaas
 oo ay mid waliba cadaymaheeda leedahay, isla markaana waxa dhaqamada garta ka mid ah:

Mar ninka loo hadlayo, mar uu isagu hadloonayo, mar uu hojiye leeyahay.

Waxa kale oo doodaha iyo erey-bixinta garta ka mid ah wax la yidhaahdo: Xadhig-xidhe, Feenis, Axala-cunsiis, Dacwi, Dhaabbad, Lad-haye, Qadood, guddoon, Ambiil, Dooc iyo Dareen, Bir-kuma goyn, Lug-dhaar ah IWM.

Laakiin sida aynu ognahay gari sideedaba waxay timaadaa marka uu khilaaf ama iska hor-imaad ama ay dhibaato dhexmarto laba qof, laba qabiil ama laba ummadood IWM, Somaliduna waxay tidhaahdaa, “Aynu wada hadalo waa aynu heshiino”, taas oo macneheedu yahay marka ay laba dhinac gar isku soo horfadhiisanayaan waa in laga heshiiyo, wayse dhici kartaa in garta lagu kala kaco oo laga heshiin kariwaayo arimaha la isku hayo ama laga garnaqsanayo, ka dibna la kala qaato mawqifyo ama go’aamo qalqalafsan. 



Hase yeeshee marka ay gartu dhacayso ama gar la qaadayo waa inay goobta joogaan dhinacyada kala ah: Labada dhinac ee loo gar-qaadayaa, cidda garta qaadaysaa (Guddi garsoor), xidhayaasha labada dhinac, wixii markhaati ama caddayn ah ee aan garta looga maarmayn.

Waxa kale oo garta looga baahan yahay wax la yidhaahdo Hagar-bey oo ah kharash ama aduun laga qaado dhinacyadda garamaya, waxaana la siiyaa guddiga garta qaadaya iyo waxyaalo kale oo aan garta looga maarmin ayaa intaa dheer.



Gartu marka ay bilaabato ee badka la soo wada fadhiisto guddiga garta qaadayaa waxay marka ugu horaysa ee ay gartu furanto wax hor su’aalaysaa ninka muduciga ah, waxaana ka mid ah su’aalaha la waydiinayo: Ma adigaa wax tirsanaya, haa marka uu yidhaahdo waxa hadana la waydiinayaa “Ma ka samraysaa waxa aad tirsanayso ama ma ka dul-qaadanaysaa gar iyo gardaro waxa ay doonto ha kugu ahaatee”,
Dabadeedna Maya hadii uu yidhaahdo, waxa loo gud-bayaa ninka ama dhinaca madaacalayga ah (Cidda wax loo tirsanayo), waxaana la waydiinayaa su’aalo ay ka mid yihiin: “Waxa laguu sheeganayo garaw ma ka haysaa ama ma ka bixinaysaa”, Maya hadii uu yidhaahdo, muduciga ayaa xagiisa la eegayaa, waxaana lagu odhanayaa “Garaw laguuma hayee, gar ceebla ma marsanaysaa”, Haa ayuu odhanayaa, ka dibna madaacalayga ayaa lagu odhanayaa waxa laguu sheeganayo “Ma ka jid-baxaysaa”, Haa marka uu yidhaahdo waxa nin walba la waydiinayaa, iyadoo muduciga lagu horaysiinayo “Xidhahaagii ma wadataa”, Haa marka uu yidhaahdana waxa lagu odhanayaa bilow hadalka oo gartaada marso, ka dibna muducigu waxa uu hadalkiisa ku bilaabayaa, isaga oo la hadlaya madaacalayga (Ninka wax loo sheeganayo), ayuu su’aalayaa “Wax garaw ma ii haysaa”, Maya hadii uu yidhaahdo, wuxuu hadana waydiinayaa “Hadii aynu axdar (Gar-adag) ismarino oo aan waxayga gar kaaga helo ma qabtaa wixii dhibaabo ah ee ay arintaasi yeelato”, Madaacalayga ayaa isna odhanaya Haa.

Intaa  ka dibna muduciga ayaa hadana odhanaya “Hadii aan kugu helo waxaa aan kuu sheeganayo oo aad igu dhibaabayso waa jilib caro (Goobta gartu ka dhacdo ayaad igu siinaysaa oo igalama kacaysid)”, ka dibna Madaacalaygii ayaa odhanaya “Wixii igu garooba ee aad igu hesho waa iga bad-yaal, waxa aynu ku wada hadlaynaana gole-joog ha noqdeen”. 



Tusaale ahaan hadii ay waxa lagu wada hadlayaa aduun yihiin waxa uu xeerka gartu yahay inay joogaan ama yaaliin golaha lagu garnaqsanayo oo ay gole-joog noqdaan, ama hadii kale waa inuu ninka xidhaha ahi ballan-qaado inuu waxaa keenistooda masuul ka yahay, taas oo hadii uu ninkii uu xidhaha u ahaa wixii keeni waayo isaga (Xidhaha) lagu yeelanayo. Intaa marka meel lagu tiiriyo waxa markaa si toos ah u bilaabmaya dooddi dacwadda, iyadoo uu bilaabayo muduciga ama ciddii uu u igmadday.Garta Dhaqanka Iyo Xeerarka..


La soco.. qaybta damne hadii alle idmo

Waxa qoray Cumar Caara-dhhuub
Xigasho mareegta Hoyga Suugaanta
______________________________________________________________________________

Baro Noocyada Garta Ee Dhaqanka U Ah Soomaalida

Qaybta 4aad
Dhexmaraan, arimahaas oo la xidhiidha mucaamilka nolosha hadii ay tahay marka ay dhibaatooyin dhexmaraan iyo hadii ay tahay marka ay arimo dhaqan dhexmaraan.ama dabakha hogaamiyayaasha dhaqanka, sida, Caaqilka, Suldaanka, garaadka, boqorka IWM iyo sidoo kale odayaasha beelaha hogaamiya ama u taliya.



Laba beelood iyo ka badan oo ku dhaqan isku degaan ama degaamo isku xig-xiga waxa had iyo goor ka dhexeeya xeerar ay ku wada macaamilaan, kuwaas oo ay ku kala baxaan marka ay arimo dhexmaraan, sida dilal, xoolo la kala qaado, dumar la faraxumeeyo IWM. Sidoo kale reer ama qabiilka dhexdiisu waxa uu leeyahay xeer hoosaad ay isku maamulaan ama ku macaamilaan dhexdooda.



Laakiin hadii aanay jirin cid dhigataa xeer iskama samaymo, waayo waa inay jirtaa cid mucaamil dhexmaray ama dhibaato kala gaadhay, ka dibna sidii ay arinta ama arimaha dhexmaray ugu kala baxaan ama u xalilaan ayay yidhaahdaan sidaas ayaa inoo xeer ah. Laakiin xeerka qabiilku dhexdiisa mar waa xanaan, marna waa la isku anshax mariyaa hadii uu qof reerka ka mid ahi qalad galo, iyadoo uu xeerku noqon karo xeersan ama xeer qalafsan oo aan xanaan lahayn, isla markaana qofkasta oo beesha ka mid ahi waxa uu xeerka ku leeyahay xuquuq iyo waajibaad , sida Hiil, Qaadhaan, Mag laga bixiyo isna uu wax ka bixiyo, gaadiidka (Awrta) oo la kala gaadiid ceshado, Kaalo la isa siiyo IWM.

Xanaanku waxa weeye waxyaalaha la is taro, sida abaalgud, ina la isu baadi-celiyo, inaan dumarka la kala faraxumayn, isla markaana aan la isu dhaafin qofta dumar ah ee la qabo ama gabadha doonan, qofta dumar ah ee marka laga dhinto aan dumaasheedda ninka leh loo dhaafin oo aanu nin kale guursan, inaan la isku samayn waxyaalo meel ka dhac ah, sida dhirbaaxo, cay, xabbad la isku rido IWM.


Hadaba hadii ay waxyaalahaasi dhacaan oo aanay labada qolo ama labada dhinac ee ay kala gaadhay aanay markiiba dhamaysan ama la isaga dulqaaddan, waxa dhacaysa in marka qofka wax loo tirinayo la gole keeno ee wax lagu cadaysto waxa jira xeer ciqaabeed la mariyo qof, sida xaal lagu xukumo, iyadoo uu xaalku yahay xoolo qofka wax trisanaya lagu dhaahiyo ama wixii uu trisanayey lagaga bogsiiyo. Waxa kale oo uu xaalku noqdaa gabadh la siiyo qofka wax tirsaday.


Qof Jid leh:

Waxa jira wax dadka iskaga darsama ama iskaga qaldama, taas oo ah garta iyo dawga, masalan waxa jirta odhaah tidhaahda “Waa gar, dawse ma aha”, sidaa darteed hadii aynu waxoogaa ka iftiimino waxa ay kala yihiin garta iyo dawgu waa sidan:



Waxyaalaha jidka ah waxa ka mid ah in qofka muduciga ah (Dhibanaha) marka loo garqaadayo wax kasta mudnaanta la siiyo sida: Maxaa laguu geystay, ma samraysaa iyo inuu hadalka ku horeeyo, oogista markhaatiga ku horeeyo, xiliga uu garta u diyaar yahay isaga (Muduciga) la hor waydiiyo IWM, Sidaa awgeed waxyaalahan oo kale waa waxyaalaha uu qofku jidka u leeyahay.


Ta kale marka wax la isku qabsado qofka wax lagu qabsadaa oo masalan neef xoolo ah lagu qabsadaa waxa kula garnaqsan kara qof leh aniga ayuu neefkaasi ii dhashay oo askunkiisa lahaa mooyee aanu kugula agrnaqsan karin nin leh waxaas ama neefkaasi cid kale ayuu iga soo galay, sida kaalo ayaa la ii siiyey, yarrad baa la ii siiyey, muquunno ayaa la ii siiyey IWM. Masalan waxaad maqlaysaa nin tulud geel ah iibsanaya ama dhul iibsanaya oo leh hashaa ama dhulkaa hadii la igu qabsado adigaa hadhow ii hadal tirayaa ma dhicinaya, markaa hadii lagugu qabsado aduun cid kale kaa soo galay jidku waxa weeye cidii ay kaa soo galeen ii gee ama cidii ay iga soo galeen ayaan kuu gaynayaa.

Waxa kale oo jid ah inaad gartaada cid u igmato ama qarreen qabsato waa jid , inaad ambiil qaadataana waa jid, sidoo kale inaad maganta, maatada aad masuulka ka tahay ama qofka aan caqligiisu dhamayn inaad xaqooda baadi doontaa waa jid.
La soco.. qaybta damne hadii alle idmo

Waxa qoray Cumar Caara-dhhuub
Xigasho mareegta Hoyga Suugaanta
______________________________________________________________________________

Baro Noocyada Garta Ee Dhaqanka U Ah Soomaalida

Qaybta 3aad
Waxa beri dhacday inay laba nin isku qabsadeen caaqilnimo, ka dibna waxay isu tageen nin Xidaar ah (Garyaqaan), dabadeedna wuxuu geeyey geed hadh-subaxeedkii, iyadoo ay goortu ahayd goor barqo ah, markii uu halkaa geeyeyna
wuxuu ku yidhi "Galabta haynoo ahaato, halkaasna sii fadhiya", ka dibna hadhkii ayaa wareegay markii ay qoraxdii subaxnimadii dhaaftay, laakiin labadii nin ayaa mid ka mid ahi halkii la fadhiisiyey ee lagula ballamay fadhiyey oo aanu ka kicin, halkaas oo uu bacadkiisii fadhiyey, isaga oo ku dhididay, kuna harraaday, ninkii kalena kol-ba halka hadhku u wareego ayuu u wareegayey , dabadeedna galabtii ayaa odaygii Guurtida ahaa u yimi , ka dibna wuxuu arkay labadii nin oo uu midna hadhkii faxaaxsanayo, midna uu halkii saaka hadhku ka tegay fadhiyo oo aanu silic waxba uga dhinayn, ka dibna odaygii Guurtida ahaa ayey ku yidhaahdeen na kala saar, dabadeedna odaygii ayaa yidhi "


Maxaan idin kala saaraa idinka ayaaba isu garnaqaye, waayo ninka bacadka ka kac garanwaayey reerka uu u taliyaa saw jabi-maayo, ninka kol-ba halka hadhka leh u wareegayeyna sow kolba halka talada iyo xaajadu reerku joogto ku go’aan qaadan maayo", sidaas ayeyna gartii labadaa nin ku dhamaatay.



Waxa kale oo la sheegay inay laba nin oo uu mid markaa ahaa suldaan ay isku qabteen saldannada reerka, ka dibna sida igu maqaalo ah waxay isula tageen Ina-Cabdulla Xasan, dabadeedna Ina-Cabdilla Xasan ayaa ugu horayn labadii nin maalin casuumay, ka dibna labadii nin ayaa mid sii kaxaystay 100 nin oo isugu jira reerkiisa iyo reerihii kale ee la yaalayba, halka uu kii kalena keligii casuumaddii tegay, dabadeedna Seyidkii baa ninkii keligii yimi ku yidhi "Dhaharow maxaynu ka wada hadlaynaa waxa kaa madaxsan ninka dadkiiba dareersadaye", sidaas ayeyna labadaa nin gartoodu ku dhamaatay.



Sidoo kale dhacday inay laba nin oo sida la sheegay Ciise ahaa ayaa mid ka mid ahi maroodi dilay oo dhaawac u geystay , ka dibna nin kale oo Ciise ah ayaa dhiigii maroodiga ka daatay raadkiisa raacay, dabadeedna wuxuu u tegay maroodigii oo aan waxba la noolayn, ka dibna wuu dhaawac-tiray oo sidaa ayuu maroodigii ku qudh baxay , laakiin labadii nin ee midna maroodiga dhaawacay, midna dhaawac-tiray ayaa dacweeyey oo xeer Ciise isla galay iyaga oo sida la sheegay geedkii 1aad ilaa geedkii 12aad isla maray, dabadeedna oday ka mid ahaa raggii geedka fadhiyey ayaa arintii loo sheegay, odaygii baa yidhi, "Sow tii la yidhi Maroodiga durdur mooyee dar ma deeqo, oo duur mooyee dureemo ma qariso, oo nin makala (qudh-jara) mooyee nin mudaa ma dilo". 


Ka dibna gartii sidaa ayey ku dhamaaatay, laakiin sida aan sheeko ku maqlay odaygii markii uu gartii sidaa ku dhameeyey ayey naftii ka baxday oo sidaa ku dhintay, waxaana la yidhi waxa halkaa ku baxay halkudheg la magac baxay "Nin malaggii galay iyo mamaasan (Qabiil) u gal".



Gar-booli: Waxa dhacda inay laba qof ama nin isku qaybsadaan wax aanu midkoodna lahayn, sida lacag iyaga oo wada socda ay meel cidla ah ka heleen, ka dibna uu labada nin midna hor arkay, midna horqaaday, lacagtaasina waa booli aanu labada nin ee isku haysta midna lahayn, laakiin marka laga gar-qaado labada nin mid-baa booligaa yeelanaya oo aanu xayiigle (Xaqlihii ay lacagtu ka luntay) mooyaane aanay cid kale ka kaxayn karin.
Sidoo kale waxa dhacda xiliga dagaalada in nin colka labada dhinac ee dagaalamaya ka mid ahi uu dilo nin cadawga ka soo horjeeda ah, laakiin uu nin kale oo warranle ahi uu furkii ninka la dilay gacanta ku dhigo, iyadoo uu furkaasi noqon karo Faras ama qori, ka dibna ay furka ninkii ninka dilay iyo ninkii furka gacanta ku hordhigay isku qaybsadaan. 


Labadaas nin-na nin wuxuu taagan yahay "Anigaa ninka dilay oo furka ka ritay ama furkiisa dhacsaday maadaama aan dilay, nin-na wuxuu leeyahay anigaa naftayda biimeeyey oo cadawga ka soo qaatay furkan."



Sidoo kale waxa kale oo iyana dhacda in geel la soo dhacay uu nin habeenka hore xeraysto, ka dibna uu ninkii la soo dhacay ka sheegto, laakiin waa tii la yidhi Gari laba nin kama wada qosliso, sidaa darteed garta booli xeerkeedu waxa weeye "Booli waxa leh ninka gacanta ku hordhigay ama uu xeradiisa soo horgalay", ninkaasna waxa kiciya ama gar xoolahaa kaga qaadi kara ninkii yedlaha ahaa ee xoolahaa lahaa, laakiin meelaha qaarkood waxa xeer u ah in ninka wax dilay ee furka la isku haysto ninkii lahaa dilay la siiyo qaalin la yidhaahdo Shakama-qabad. 


Ta kale marka laga hadlayo xeerarka dagaalka gaadaha (Dilka dhuumashada ah) mooyaane gulufku (Dagaalka kafool-kafoolka ah) ma laha godob gaar ah, laakiin hadhow marka la heshiiyo ama la is-waraysto ninkii furkii hebel inuu hayo lagu waraysto ama lagu arko, ninkaasi isaga ayaa qaba ama loo raacayaa godobtii ninkii furka lahaa ee la dilay.



Waxa kale oo dhacday ama dhacda inay laba nin oo dagaal wada galay isku mar qori gacanta ku dhigeen, ka dibna way isku qabsadeen, laakiin markii ay indoora kala maroojisanayeen ee ay isku xiiqeen ayaa markii dambe mid qorigiisii uu hore u sitay tuuray, dabadeedna ninkii kale inta uu sii daayey ninkii qorigiisa tuuray ayuu qaatay qorigiisii uu tuuray, isla markaana ninkii qorigiisa tuuray wuxuu qaatay qorigii booliga ahaa ee ay ninka kale isku haysteen.

Laakiin maalintii dambe ayuu ninkii qorigiisii tuuray ee uu ninka kale qaatay yidhi "Qorigaygii ayuu ina hebel haystaa markaa xigaal ayeynu nahay oo dhac inagama dhexeeyo’e halayga keeno qorigayga", dabadeedna waa laga siiyey, ninkii qoriga laga qaaday waxa la siiyey samir-siis si aanay xigaalnimadu u dhantaalmin.



Waxa kale oo dhacday inay wada duuleen laba qolo oo fandab leh (Xurguf), ka dibna waxay soo dhaceen geel, dabadeedna geelii ay soo dhaceen ayaa habeenkii meel looga xero-dhigay, iyadoo ay qolo waliba geel gaar ah wadato, waxayna ku kala xereeyeen laba xero oo isku qabsan, laakiin geelu waa oomman yahay, dabadeedna oday xiribta yaqaan (farsamada xoola-dhaqidda) oo labadii col midkood ka mid ah ayaa yidhi " 

Xeradeenna waxaad ka dhigtaan xagga xigta ceelkii uu geelu ka cabbi jiray, isla markaana oodda labada xero u dhexaysa (Qoqobka labada xero) waxaad ka dhigtaan mid gaabban", dabadeedna sidii bay yeeleen, ka dibna habeenkii ayaa geelii qolada kale tuladii hal-doorka ahayd oo dhami xeradii kale ee xagga ceelka xigtay ee colka kale u dhacday, balse subixii ayaa geeli xerada kale u daatay nin is yidhi dib u celi, laakiin nin colkii kale ah ayaa ninkii is-yidhi geela dib u sooc xabbad ku dhuftay, sidaa ayuuna ku dhintay, dabadeedna...



La soco cadadka dambe……..
La soco qaybta damne hadii alle idmo

Waxa qoray Cumar Caara-dhhuub

Xigasho Mareegta Hoyga Suugaanta
______________________________________________________________________________
Baro Noocyada Garta Ee Dhaqanka U Ah Soomaalida























































































Qaybta 2aad

Ninka inuu gardiid noqdo dhaqanka iyo xeerka soomaalida waa ku ceeb, sidoo kale hadii laga gar helo waa inuu garawshiinyo bixiyaa, waayo hadii uu garawshiinyo bixin waayo waxay taasi noqonaysaa gun-nimo, laakiin cidda garta naqaysa xataa hadii ay si cadaalad ah garta u qaado cidda garta laga helay ma gafto waa layga eexday, waxba layma waydiin IWM, sidaa darteed cidda garta naqda waxay mar walba dhaxlaan godob.
Laakiin cidkastaa haka cabatee cidda gartaqaadaysa waxa mar walba looga baahan yahay cadaalad iyo inay garta aad uga baaraan-degaan, iskana hubiyaan wixii ay cadaalad xumo uga iman karto.

Sidoo kale dadka ama dhinacyada garnaqsanaysa waxa mar walba looga baahan yahay inay gartooda banaanka ku soo akhristaan oo ay qolo waliba dhinaceeda si fiican u ogaato cidda ay is-hayaan waxa ay xaq ugu leeyihiin iyo waxa dheeraadka ah ee sitaan, waayo waxa fiican inta aad banaanka joogto ee aaddan golaha iman inaad gartaada soo akhrisato, maxaad gar u leedahay, maxaadanse gar u lahayn, markaa "waa sidii Jemeshii Wacays kaliile’, marka aad arin gelayso waa inaad talo ku dartaa oo hadii aad is leedahay waxaa waad ku ceeboobaysaa aanad gelin, isla markaana marka aad aragto in lagaa gar helayo ama aad gar darran tahay aad garawdo. Soomaalidu waxay tidhaahdaa "Nin aan garaw baranini gar ma barran".


Waxa kale oo iyana loo baahan yahay inaad malayso cidda aad wada hadlaysaan ee kaa soo horjeeda inay kaa af-roon tahay (Af-tahamo badan tahay) iyo in hadalkiisa lagaa xigo oo aanu kufkaaga ahayn, waayo Somalidu waxay tidhaahdaa "Gadh-ba gadh baa la tusaa". 



Waxa jira hadal aan afkaaga ku wanaagsanayn oo afka Inaadeerkaa ku wanaagsan, tusaale marka seedigaa kaa soo horjeeddo ama arini idin dhexmarto, soddoggaa oo kale iyo qof kasta oo xil kugu leh ama aaddan afka ku kala waaxi karin.

Sidaa darteedna lagaaga toosan yahay ama wax odhaahiisu afka cid kale ku wanaagsan yahay. Somalidu waxay tidhaahdaa "Hadal nin kaa xigo iyo hawl nin kaa xigo midna lama hororsado".


Laakiin dhaqan xumooyinka soo kordhay waxa ka mid ah in labada reer ama labada qof ee arini dhexmarto halkii si wanaagsan loogu gar-qaadi lahaa in gartooda la mashruuceeyo oo ay waqti dheer qaadato ama cidiba kala saari waydo oo ay isku sii murgaan oo timaha la isugu sooho ama marka ay arkaan in la isku dilayo ay iyagu iskood isaga kala dareeraan.


Xiliyadii hore garta laba qof ama laba qolo loo qaadayaa kama ay badan jirin inay maalin ama habeen iyo maalin socoto xataa marka ay guddidu raagto oo ay debedda u baxdo, waayo waxa la odhan jiray "Guddi raagtay ama hal meesha ku jira ayey ka saaraysaa ama hal aan meesha ku jirin ayey soo gelinaysaa", isla markaana hadimada iyo waxa xun lama talin jirin, iyadoo xataa hadii aanu qofka aakhiradiisaba u tudhan ay marka horeba hadimo-taliska iyo eexdu godob aan hadhin leedahay, sidaa darteed hadii aad cid u gar-qaadayso ha u kala eexan, waayo waxa jirta xikmad Soomaaliyeed oo tidhaahda "Meesha aad qof ka qaadanayso qof baad kaga tegaysaa".

Ninka hadimada iyo wax xun taliska ah waxa uu cawaaqibkiisu ka muuqan jiray naftiisa, maalkiisa iyo ubadkiisa, isla markaana cawaaqib-xumadaasi kama hadhin jirin sagaal awaw ama abadkiis, iyadoo dhinaca kalena uu dadka dhexdiisa ka noqonayo nin ceebo ioy naanayso leh oo canbaaraysan, bal eeg maahmaahan "Nin wiil lihi xeer ma duraanto, nin markhaati been ah kuu furay wuxuu yahayna ogaatay muraadkaagana ka heshay", waayo markhaatiga fududi nin-na waa u hiil, nin-na waa ku godob, laakiin ninka markhaati been ah furaa kalsoonidiisa iyo xeer-beegtinimadiisa, waayo mar hadii lagu yidhaahdo "Ninkaasi xaajo qaad ma aha", War-gal ma aha", "Hebel uga qaateen ma aha’ IMW waxa uu noqonayaa nin gabadhii guur-beeshay.


Sidoo kale ninka ay maalin ka xumaato waxa raaci jiray jareexo iyo naanays aan abidkii ka hadhin, waana ta la yidhaahdo "Gole saymo, hoos-waliba hadalkiisa leh, golaha madhnaan lagagama tago", waayo golaha ama ceeb ayaad kaga tagtaa ama raganimo ayaad kaga tagtaa. Masallan ninka suuqa ka tow-tow leeya ee yidhaahda cidaas ayaa gardarran ee maxaa wax looga qaban waayey waxa la odhan jiray "farasow kacdaada iyo kadladaada isla sug". 

Laakiin marka laga yimaado ninka hadimo-taliska ah waxa isna jiray nin samatalis ah….
La soco qaybta damne hadii alle idmo

Waxa Qoray Cumar Caara-dhuub
Xigasho mareegta Hoyga suugaanta

______________________________________________________________________________
Baro Noocyada Garta Ee Dhaqanka U Ah Soomaalida


Qaybta 1aad
Wax jira noocyo kala duwan oo loo qaado garta soomaalida. Gartaasi waxay leedahay xeerar kala duwan oo la raaco, kuwaas oo leh magacyo kala duwan.
Soomaalidu waxay leedahay dhaqan baaxad weyn oo soo jireen ah, kaas oo ay ku xalin jirtay dhibaatooyinka ka dhex
dhaca dadka ku wada nool degaanada kala duwan. Marka ay arrini ka dhex dhacdo bulsho meel ku wada nool ama kala fog waxa la odhan jiray arrintani ma curad baa mise waa ugu. Taas oo macneheedu yahay hadii curad tahay waxaynu raacaynaa wixii inooga meel yaalay. Hadii ay ugub tahay ama ay cusub tahayna waxa la odhan jiray maxaynu ka yeelnaa oo xeer inaaga noqonaaya si hadii ay mar dambe inagu soo noqoto xalkeeda aan lagu dhibtoon.

Iyadoo ay sidaa tahay ayaa waxaan jeclaystay in aan dadka jecel arrimahan u soo bandhiga qoraalo taxane ah, kuwaas oo aan ka soo xigtay mareeg arrimaha suugaanta waxa ka qorta oo la yidhaa (Hoyga suugaanta), qoraaladan waxa qoray sida aan ku arkay mareegta Cabdi Caara-dhuub.
Qormooyinkan oo ah kuwo dhawr ah ayaa waxaan maanta idiin soo gudbinayaa qaybta kowaad oo ku bilaabmaysa sidan:- 
Garta Xeer Beegti Iyo Xeerarkeeda


Odayaasha iyo xeerbeegtida maanta nool ee garaha qaada ama doonaya inay qaadaan waxaan jeclaan lahaa inay ka faa’iidasytaan mawduucan.



Soomaalidu waxay dhaqan iyo hiddo u lahayd garsoor wanaagsan, gobanimo, is-jidmarin, is-xaalmarin, isudulqaadasho, is-dhaahin iyo mucaamil nololeed oo wanaagsan, kuwaas oo la odhan karo waxa uu 100% ka wanaagsaana shuruucda iyo qawaaniinta ay dunida casriga sheegataa maanta ku dhaqanto, iyadoo aanad maanta arkayn cid isu garaabaysa iyo cid is-garmarinaysa iyo cid garanaysa gartii xeerbeegti ee lagu kala bixi jiray, sidoo kale ma jirto guurtidii xeerbeegti ee dadka ku kala hagoogan jirtay marka ay xaajo murugto ee ay arimuhu dhab-qaan.



Gartu way noocyo badan tahay, berigii horena qofku waa yaqaanay sida uu ku gar helayo iyo inay gari meesha ugu jirto iyo inkale, laakiin noocyada loo garqaado waxa ka mid ahaa ama loo garnaqsado waxa ka mid ahaa kuwan:- Garaw
Dhaahin
Xaal
Muslax
Gar-cadaawe
Gar-shareeco
Gar-xeerbeegti
Gar-booli
Gar-jilaad iyo qaar kale


Waxaana dhici jirtay in la kala gar-helo, iyadoo ay gartu noqon jirtay gar-cadaaladeed iyo gar-eexo, laakiin ninku wuu gar-qaadan jiray, taasina waxay qayb ka ahayd hiddo samida dhaqanka iyo gobanimada dadku lahaa.



Guddiga xeerbeegti ee garta qaadaysaa waxay ahaayeen kuwo yaqaan waxa ay wax ka garnaqayaan iyo waxa ay wax ku dhamaanayaan, hadii ay muslax tahay, hadii ay kala dareerin tahay, hadii ay gar cadaawe tahay iyo hadii ay gar kale tahayba, waxaase jiray wax la odhan jiray Samatalis iyo hadimo talis, kuwaas oo ahaa laba calaamo oo lagu kala sooci jiray ragga had iyo goor garaha gala, kuwaas oo u qaybsami jiray nin daacad ah oo la odhan jiray waa Samatalis iyo nin aan daacad ahayn oo la odhan jiray Hadimotalis.



Garta hadii la feeniyo ama la Axalo-cunsiiyo cidda garnaqaysaa wax ambiil (Racfaan) ah lagama qaadan karo, taasina waxa weeye garta adag ee loo yaqaan gar-cadaawe.



Somalida badideedu maadaama ay suugaanta hodan ku ahayd, isla markaana ay suugaantu ahayd waxay suugaanta u isticmaali jirtay garaha, sidaa darteed bal aynu waxoogaa ka taataabano suugaanta garaha loo isticmaali jiray iyo noocyada garaha ah ee lagu dhaqmi jiray, jidka ka horeeya garta, cadaymaha lagu kala gar helo, sida loo kala gar helo, xeerarka Somalida iyo kuwa xeer-ciqaabeedka ah, cidda xeerka jebisa sida laga yeelayo.....

La soco qaybta damne hadii alle idmo

Waxa qoray Cumar Caara-dhhuub
 Xigasho mareegta Hoyga Suugaanta


______________________________________________________________________________


Abwaan Xasan Ganey Baddiisa Suugaaneed Siiba Qqaar Qa Mida Heesaha  Uu Alifay


Abwaan Xasan Xaaji Cabdilaahi oo ku magac dheer Xasan Ganey waxa uu leeyahay suugaan aad u badan oo bad weyn ah.

Mudooyhinkii u dambeeyay waxaa u si xidhiidh ah u soo bandhigaayay qaar ka mida ruwaayadaha uu alifay iyo heesihii ugu caansanaa eek u jiray ruwaayadahaas, kuwaas oo xuquuqda xigashada ay leedahay mareegta wararka ee farshaxannews.

Qaybtan oo ah tii ugu dambaysay ee taxanaha suugaanta abwaan Xasan Ganeys siiba ruwaayadaha waxaan ku so af meeri doonaa qayb ka hadlaysa suugaanta kale siiba heesaha.

Heesaha caanka ah ee uu abwaanku leeyahay waxa ka mida kuwan:
·        Allahayoow fogaydee:
Heestan waxa wada qaada fanaanada caanka ah ee Khadra Daahir Cige
·        Ninka booli cunay ee been kitaab, baabacada midig baalaha ku jaray:
Heestan asalkeeda waxa qaada fanaanada Marwo Cabdi
·        Mujaahid allaystayoow, 
oo ay qaado fanaanada Sahra Cali Xasan iyo fannaaniintii SNM oo u jiibinaya.
·        Allayleh ilwaadeey:   
Heestan waxa si wada jir ah ugu luuqeeya fanaaniinta kala ah Xasan Aadan Samatar iyo fanaanada aan ka dhicin ee Faadumo Haldhaa

Suugaanta abwaan xasan Ganey kuma koobna oo kaliya heesaha iyo ruwaayada ee waxa jira qasiidooyin ama nebi ammaan badan oo uu alifay, waxaana ka mida:  

·        Yaa kheyral wajuudi: Xasan Aadan Samtar
·           Rasuulkii bilnaayee: Xasan Aadan Samatar
Fiiro gaar ah:
Intan uun  kuma ee ka  suugaanta iyo taariikhda abwaan Xasan-Ganey, oo waa diiwaan miisaan weyn leh oo u baahan in buugaag badan laga qoro. Waxa aan  se  jeclaystay in aan wixii taariikh iyo suugaan  ah ee aan abwaanka ka hayo aan idinla wadaago. Waxaa jira suugaan badan  oo uu abwaanku curiyay sida, heeso, riwaayado, gabayo, maansooyin iyo waliba sheeko-suugaaneedyo xiiso badan. Nasiibdarro maan helin suugaantii abwaanka oo qoran, marka laga reebo buug lagu kaydiyay riwaayaddii Masiibadu adduunyada iyadaa u macallin ah oo aan ka helay maktabadaha dalka Iswiidhan. 

Buuggan waxa qoray Jaamac Maxamuud Cumar ( Jaamac-Sweden), sannadkii 1993, waxaana  lagu daabacay waddanka Iswiidhan.

Qoraalkan kooban  waxa aan diyaariyay mar aanu abwaanka kulan-suugaaneed  ugu qabanay magaalada Stockholm,  ee waddanka Iswiidhan. Kulankan oo ay wada qabteen  labada urur ee kala ah Badda Cas iyo ururka qorayaasha Soomaalilaan, ayaa ka dhacay guriga ummadda ee Kista Träff, 26 bishii diisambar sannadkii 2014.

 Haddii uu jiro qof qoraal ku haya suugaanta abwaanka, waxa aan jeclaan lahaa in uu faafiyo, si ay dadku u akhristaan iyo waliba si loogu fududeeyo cid kasta oo wax ka qoraysa suugaanta abwaanka. Waayo, haddii qoraalku ku jiro intarnatka way fududahay in ay cid kastaba helo. Waxaan kale oo aan ka codsanayaa ciddii wax qoraal ah ku haysa suugaanta abwaanka  in ay si gaar ah iigu soo diraan, iyada oo lagu soo hagaajinayo ciwaankayga hoosta ku qoran.
 Wargelin: Mar aan abwaanka waydiiyay bal in uu buug ku kaydiyay suugaantiisa iyo in kale, waxa uu ii sheegay in hadda gacanta lagu hayo oo uu gebogebo ku dhaw yahay buug laga qoray abwaanka. Waxaanu abwaanku ii sheegay in uu buuggaasi gacanta ku hayo qoraaga weyn ee Cabdiraxmaan Faarax ( Guri-Barwaaqo), oo ah af-aqoon wax ka dhiga jaamacadda Hargeysa. Waxa aan rajaynayaa in buuggaasi dhawaan soo bixi doono.                                               
Xigasho:

 Mareegta Farshaxan, buugga Masiibadu adduunyada iyadaa u macallina iyo xog hadal ah oo uu abwaanku i siiyay intii uu Stockholm nala joogay iyo waliba xog wax ku ool ah oo aan ka helay rag dhawr ah oo suugaan-dhaadhi ah. Raggaasi waxa mudan in aan xuso; Axmed Xuseen Ismaaciil oo Sucuudiga jooga, Ilyaas Cabdi Carte oo ku nool dalka Taylan ( Thailand ), Yuusuf Xaaji Cabdillaahi Xasan  iyo  Sayid Maxamed Yuusuf ( Dhegey )  oo ku nool waddanka Iswiidhan ( Sweden) iyo waliba Cabdillaahi Xasan Xaaji Cabdillaahi oo ku nool dalka Maraykanka.

Soo-diyaarintii Muuse Maxamuud Ciise ( Dalmar ).

Warfidiyeen ka hawlgala  idaacadda caalamiga ah ee Iswiidhan ( Radio Sweden International ), ahna arday wax ka barta jaamacadda Stockholm ( Stockholm University)
Taariikhda: Axad, 4/janaayo/2015, Stockholm, Sweden.

dhammaad
______________________________________________________________________________


Ruwaayadii MASIIBADU ADDUUNYADA IYADAA U MACALIN AH Iyo Wacraha Heesihii Ku Jiray



Rauwaayadan abwaan Xasan Xaaji Cabdilaahi (Xasan Ganey) waxa uu curiyay sannadkii 1983kii. Ruwaayadani waxay ka mid tahay kuwa aan inta badan bulshadu aanay ka xiiso dhicin ama hadaan si kale u yidhaa aan la dhargin daawashadeeda.



Waxa ruwaayadan hormuud ka ahaa ama ugu cad-cadaa fanaaniintii jilaysay : 

Waxa hormood ka ahaa::

Cabdiqaadir Jubba,  Faadumo Haldhaa, Cadar Axmed Kaahin iyo Maxamed Maxamuud Cige Busi, Kinsi Xaaji Aadan Xuseen iyo Maxamed Carraale.

Heesaha ruwaayadan ku jiray waxa ka mid ahaa:

           • Habeenow Hebedka geel Hashaan maqasha iska celin, haraatinna kaanay dhalin, jiilaalkii bay hadhaa, oo ay qaadaysay fanaanada caanka ah Faadumo Cali Cilmi oo ku magac dheerayd (Haldhaa), Cadar Axmed Kaahin, Khadiija Hiiraan iyo Kinsi Xaaji Aadan ( IHN).

 • Mar buu ku wanaajiyaa, wakhtigu kuu hiiliyaa, walaalkii kaa dhigtaa: Maxamed Carraale

 Heestan ay afarta fanaan wada qaadayaan waxa baydka kowaad qaadaysa fanaada Kinsi Xaaji Aadan ( IHN).


Kinsi Xaaji Aadan ( IHN)

Taariikhdu wax bey hagtaa
Dadkuna wuu haybsadaa
Adduunkuna waa hayaan
Hirdooglaa lagu socdaa
Hoggaankuna waa casriga
Naftaadana lama hagrado
Qayrkaa  ka hadh waa habaar
Heeryadan aad sidatiyo
Heylahan waa laga ilbaxay
Salaanka aad halabsatide
Ma kuu gacan haadiyaa?
Haneedka ma kuu qabtaa?
Hobaanta ma kuu guraa?

Cadar Axmed

Habeenoy hebedka geel
Hashaan maqasha iska celin
Haraatina  kaaney dhalin
Markey hiigaan nirguhu
Jilaalkii bey hadhaa
Hambana waa la isku nacay
Higgaadana igu afgaro
Dharaar ba ninkaan ka helo
Habeenkii kuma dhexee
Hantidu wey ii dhan tahay
Xishood hodan baan ka ahay
Xayihii baan soo huwadey
Hablaha Soomaaliyeed

Khadiija Hiiraan

Hanyari waa loo dhintaa
Hagoogtaa waxa lahaa
Kuwii waa heermi jirey
Dharkaa hayruufayana
Sidaan sheekada ku heley
Haddii aanad meelna jirin
Ruuxii kuu hiiliyana
Inaad yeeshaa haboon
Haraaga nin laa tabee
Hurdaay reerkeenii guur
Horseed kuu baaqey iyo
Ku soo heley baan ahee
Ma kuu gacan haadiyaa?
Hoobaanta ma kuu guraa?

Faduma A. Cili  (Haldhaa)

Haldhaa baa la yidhaa
Heensihii baan wali sitaa
Hiddihii la wada yiqiin
Asluubtii hooyadey
Hormuud baan dhaqan u ahay
Inaan hin gashaan jeclahay
Huf iyo been kuma lugo’o
Hirkaa qaawinida dhalay
In lagu hoobtaan ogahay
Haboowdaye waxaan ku idhi
Hugaaga iyo kaan xidhnahay
Labada kee haybad wacan
Hilbona keenee asturan.


(Xigasho farshaxannews)
______________________________________________________________________________
  Xusuustayda Xilliyadii Xuseen Sheekh Axmed Hilowle (Kaddare) (1934kii - 2015ka)

Qaybta 3aad Qalinka: Boobe Yuusuf Ducaale


Xuseen Sheekh Axmed, Kaddare, isaga oo yar ayuu aabbihii dhintay, waana sababtii ugu weyneyd ee uu u soo galay una degay magaalada Muqdisho



Gar adkaatay, xaajada gurracan, guurti kala-maagtay,
Haddi geedka la isugu yimaad, golaha waayeelka,
Nin waliba hadduu gees damcoo, giijo madixiisa,
Wax la wada gorfeeyaba halkii, la isugeyn waayo,
Guddoonkii la wada raaci jiray, gocanayaa mooyi,
Maansadii Geeridii Xirsi ee Cali Jaamac Haabiil,
Xuseen Sheekh Axmed, Kaddare, isaga oo yar ayuu aabbihii dhintay, waana sababtii ugu weyneyd ee uu u soo galay una degay magaalada Muqdisho. Wuxu ka mid noqday xerihii diinta laga baran jiray, iyada oo beryahaas la isku caayi jiray in la tago dugsiyadii ay Talyaanigu dadka ama carruurta wax ku bari jireen. Maxmiyaddii Somalilandna xaalku iska caynkaas oo kale ayuu ahaa oo waxa la odhan jiray dadka waa la gaalaynayaa. Waxaan filayaa in degaammada Soomaaliyeed oo dhami ay ka sinnaayeen xaaladdan.
 Xuseen, isaga oo 16 ah ayuu ku biiray Dugsiyadii 'Seeraalaha' la odhan jiray ee dadka waaweyn habeenkii afka Talyaaniga loogu dhigi jiray. Beryahaas, ayaa Xisbigii SYL laga dhex bilaabay in dadka la baro fartii Soomaaliga ahayd ee la odhan jiray Cismaaniyada ee uu curinteeda iska lahaa Cismaan Yuusuf Keenadiid. Waa xilli ku beegnaa 1920kii.
 Waxay ahayd fartii ugu da'da weyneyd uguna caansanayd farihii Soomaaliyeed ee curiska ahaa. Cismaan Yuusuf oo fartan allifay wuxu markii hore isku deyay in afka Soomaaliga far carabiya ku qoro.

Xuseen Sheekh Axmed, Kaddare 1952kii ayuu allifay Far Soomaali uu iska leeyahay. Waxa loogu wan-qlay kaddariya. Waxay ahayd Far marna la isku dari karo, marna xarfuhu kala go'ayaan.

Aynu ku noqonno Bandhiggii Fanka iyo Suugaanta ee loo soo gaabsaday BANFAS ee 1976kii ka qabsoomay Jamhuuriyaddii Dimuqraaddiga ahayd ee Soomaaliya. Waxaan aamminsanahay soo-gaabinta iyo helidda magaca BANFAS in uu iska lahaa Xuseen Sheekh Axmed, Kaddare. 
Maa daama Bandhiggan BANFAS loogu wan-qalay uu gogol-xaadh iyo diyaargarowba u ahaa Bandhiggii Beelaha Madow ee FESTAC-77 ee ku qabsoomayay markaas magaalada Lagos oo Nigeria xarun u ahayd, waxa had iyo jeer naloo soo diri jiray waxyaabaha lagaga qayb-gelayo Bandhiggaas oo ku qoranaan jiray afka Ingiriisiga.
 Guddi Qaran oo shan xubnood ka koobnayd ayaanu ahayn, kuwaas oo kala ahaa:

1.    Yuusuf Xaaji Aadan Cilmi Qabille,
2.    Xuseen Sheekh Axmed, Kaddare,
3.    Maxamed Cali Kaariye,
4.    Siciid Saalax Axmed,
5.    Boobe Yuusuf Ducaale,
 Waxyaabihii ay Guddidaa caalamiga ahayd noo soo diri jirtay waxa ka mid ahaa qaybahan aan qaarkood hoos ku taxayo:
 Pottery - Dhoobidda,
Weaving - Falkinta,
Painting - Aslidda,
Fashion - Dhar-xidhada,
Sewing - Tolidda,
Waa halkii Maxamed Mooge e' iyo qaar kaloo badan. Waxaan aamminsanahay in tarjumaddaas oo dhan uu lahaa Kaddare, oo aad u jeclaa una halgamay in uu afka Soomaaligu koro oo qeyrkii barbar joogsado ama kaba dheereeyaba. Ka-sokow in uu Guddidaas ka mid ahaa, Kaddare waxa kale oo uu noo qaabbilsanaa Qaybaha Farshaxanka.
Dhudihii kale ee qaybtaas hoos imanayay waxa ka mid ahaa Aqal-soomaaliga. Bandhigii FESTAC-77 ee Lagos lagu qabtay, wxaanu la tagnay oo aanu sii rarannay dayuuraddana ku sii qaadnay aqal-soomaali laba-daryaale ahaa. Dhismiiisa iyo furfuriddisa waxa u xil-saarnayd oo farsamo-yaqaan ama injineerba ka ahayd gabadh la odhan jiray Siraad oo far-samayd, kooxdayada kalena waanu caawin jirnay.
Kaddare ayaa inala galay e', Bandhiggaas BANFAS haddii aan xusuustayda dib ugu yar noqdo kaalinta 1aad ee gabayga Cali Banfas ayaa galay, kaalinta 2aadna Muuse Cali Faruur oo labaduba ku tartamayay magacii gobolkii woqooyi galbeed.
Heesaha kaalinta 1aad waxa galay kooxdii Iftin ee waxbarashada, waxaana ku guulaystay laba heesood oo kala ahaa: Jeex Liin dhanaan ah iyo Jeegaan. Singub iyo qoladii Waaberi oo aan tartanka ka qayb-gelin ayaa ka xanaaqi jiray magacyadan fudud ee aan murugsanayn ee heesahaa la siiyay. Waxay hal-hays ka dhigteen ma Jeex liin dhanaan ah ayaa magac noqonaya.
Habeennimadaa abaal-marinta la bixinayay waxay ku dhawaadeenba in ay odeygii Siyaad Barre naga sheekeeyaanba. Miyuusigga kaalinta 1aad waxa gashay kooxdii Horseed ee ciidammada, Riwaayadahan koox ka socotay gobolka Nugaal. Kooxdaa riwaayadda ku guulaysatay waxyaabihii caawiyay waxa ka mid ahaa iyada oo ay doorka islaanta, gabadh weyni masilaysay.
 1961kii, waxa la soo ban-dhigay dhowr iyo toban farood oo kale oo ay ka mid ahaayeen labadan aynu kor ku xusnay ee Cismaaniyada iyo Kaddariyaa. Hindisaha Farahaas Soomaaliyeed intooda badani waxay ka timid gobollada koonfureed ama dalkii Soomaaliya la odhan jiray ee uu Talyaanigu gumeysan jiray.

Waxa se ku jiray farahaas la soo jeediyay laba farood oo ka tegay gobolladii woqooyi ama Maxmiyaddii Ingiriiska ee Somaliland.

Far, waxa la odhan jiray Farta Gadabuursi, waxaana curinteeda iyo hal-abuurkeedaba iska lahaa Sheekh Cabdiraxmaan Sheekh Nuur. Waa sannadkii 1933kii. Wuxu ahaa nin wadaad ah oo Dugsiyadii Maxmiyaddii Ingiriiska ee Somaliland ku yaallay diinta ka dhigi jiray. Wuxu markii dambe Qaaddi ka noqday magaalada Boorame , jagadaas oo uu aabbihii ka dhaxlay.

Waxa kale oo jirtay Far labaad oo ka curatay Maxmiyaddii Ingiriiska ee Somaliland. Fartan waxa lagu sheegaa oo ay ku baxday ama ku baahdayba in uu lahaa nin la odhan jiray Maxamed Cabdi Makaahiil oo Cadan wax ku soo bartay. Maxamed Cabdi Makaahiil, Buug uu qoray markii ay taariikhda Hijriyadu ahayd 1351kii oo qiyaastii u dhigmaysay 1931kii, wuxu hordhiciisa oo afka carabiga ku qornaa ku sheegay in uu Fartan iska lahaa Sheekh Ibraahim Cabdalle Mayal oo reer Berbera ahaa. Waxa kale oo uu ku dooday in afka Soomaaliga lagu qoro Farta Carabiga. 

(La soco Qaybaha kale, haddii Eebbe idmo)

Xusuustayda Xilliyadii Xuseen Sheekh Axmed Hilowle (Kaddare) (1934kii - 2015ka) 

 

Qaybta 2aad Qalinka: Boobe Yuusuf Ducaale Qalinka: Boobe Yuusuf Ducaale Gar adkaatay, xaajada gurracan, guurti kala-maagtay, Haddi geedka la isugu yimaad, golaha waayeelka, Nin waliba hadduu gees damcoo, giijo madixiisa,

Wax la wada gorfeeyaba halkii, la isugeyn waayo,
Guddoonkii la wada raaci jiray, gocanayaa mooyi, Maansadii Geeridii Xirsi ee Cali Jaamac Haabiil, Qalinka: Boobe Yuusuf Ducaale - cankaabo@hotmail.com, www.dharaaro.com 21kii Jeeniweri, 1971kii ayay xukuumaddii millateriga ahayd ee dalka markaa ka talinaysay magacawday Guddidii Qoraalka Farta Soomaaliga ah oo ka koobnaa 24 Xubnood oo kala ahaa:
1. Dr. Shariif Saalax Maxamed Cali - Guddoomiye, (dhowr bilood ka hor ayuu dhintay),
2. Yaasiin Cismaan Keenadiid,
3. Mustaf Sheekh Xasan,
4. Axmed Cali Abokor,
5. Yuusuf Xirsi Axmed,
6. Muuse Xaaji Ismaaciil Galaal,
7. Cabdidaahir Afey,


1. Aw Jaamac Cumar Ciise,

2. Dahabo Faarax Xasan,
3. Cabdillaahi Xaaji Abuubakar,
4. Cabdillaahi Ardeeye,
5. Xasan Sheekh Muumin,
6. Maxamed Nuur Caalin,
7. Maxamed Xasan Aadan (Gahayr),
8. Xirsi Magan Ciise,
9. Cumar Aw Nuux Cabdillaahi,
10. Xaaji Maxamuud Insaaniya,
11. Iikar Bannaa Xaddaad,
12. Aaqib Cabdillaahi,
13. Xuseen Sheekh Axmed Kaddare,
14. Axmed Cartan Xaange,
15. Maxamed Xaaji Xuseen (Sheeko-xariir),
16. Cabdiraxmaan Nuur Xirsi,
17. Shire Jaamac Axmed, Amarradii ay xukuumaddaa millaterigu siisay Guddidaas waxa ka mid ahaa:
• In ay diyaariyaan qoraalka farta Soomaaliga,
• In ay diyaariyaan buugaagta Dugsiyada Hoose,
• In aan la soo hadal-qaadin dhowrkii farood ee kala duwanaa oo qaar Guddida ka mid ahi qaarkood ay lahaayeen, Ilaahay ayaa iska lahaa sababaha uu qoraalku u hirgalay. Waxa kale oo meesha ku jirta go'aankii adkaa ee ay Golihii Sare ee 'Kacaanku' ka qaateen arrinkan qoraalka farta Soomaaliga.


Gaalka dil, gartiisana sii ayaa la yidhiye, ka-sokow dhibtii aan qiyaasta lahayn ee ay dal iyo dadba u geysteen, haddana tallaabooyinka togan ee ay qaadeen askartaasi, qoraalka farta Soomaaliga ayaa ugu mudnaa. Sida ay mudnaanta u leedahay shakhsiyaddii ballaadhnayd ee hal-abuurka iyo curintaba lahayd ee Xuseen Sheekh Axmed oo loo yaqaannay Kaddare, waxaad ka garanaysaa sida uu ugu ladhnaa ama ugu marraaba dedaalladii badnaa ee loo galay qoraalka farta Soomaaliga. Intii aanu millaterigu taladii dalka maroorsan, waxa xukunka hayay xukuumad rayid ah oo lahayd:



Madaxweyne iyo Gole Baarlamaan oo la soo doorto iyo Gole Wasaaradeed. Mudane Aadan Cabdille Cismaan oo ahaa Madaxweynihii Jamhuuriyaddii Soomaaliya, ayaa beryahaas, dhowr iyo lixdankii, isaguna soo saaray go'aan uu ku magacaabay Guddi soo saarta farta lagu qorayo afka Soomaaliga. Guddidaasina, waxay ka koobnayd:

1. Muuse Xaaji Ismaaciil Galaal: Guddoomiye,
2. Yuusuf Meygaag Samatar: Xoghayn,
3. Yaasiin Cismaan Yuusuf: Xubin,
4. Maxamuud Saalax (Ladane): Xubin,
5. Dr. Ibraahin Xaashi Maxamuud: Xubin,
6. Khaliif Suudi: Xubin,
7. Mustaf Sheekh Xasan: Xubin,
8. Shire Jaamac Axmed: Xubin,
9. Xuseen Sheekh Axmed Kaddare: Xubin,


 Xukuumaddii Guddidan magacawday awoodda dalka oo dhan gacanta kuma hayn. Waxa kale oo jiray faro-gelin dibaadeed oo ka imanaysay safaaradihii ajnabiga ahaa ee Muqsisho degganaa. Waxay ku muransanaayeen oo ay kala taageerayeen dhowrkii farood ee saaxadda yaallay, gaar ahan farta laatiinka iyo farta carabiga. Muranka iyo doodda ayaa gaadhsiisnaa marka Laatiinka la soo qaado in la yidhaahdo 'Laa-diin' oo ah diin-la'aan. Magaca Kaddare oo si la yaab leh ugu ladhan taariikhda qoraalka farta Soomaaliga ayaa inala galay, ee raalli ka ahaada haddii aan qalin-taraaray.

 
 Xuseen Sheekh Axmed Hilowle oo loo yaqaannay Kaddare, qof caynkee ah ayuu ahaa? Bal hadda aan isku deyno in aan su'aashan si dhab ah oo mowduuciya uga hadalno ama wax uga qornaba. Xuseen wuxu ka mid ahaa da'aaddaas dhalatay 1934kii, xilli uu gumeysigii Tlyaanigu dalka ka talinayay. Ma uu helin fursad uu ku galo galo dugsiyadii caadiga ahaa oo duruuftii gumeysi iyo tii uu ku noolaa ayaan u saamixin. Sidii dhaqankuba iska ahaa gobolladii kala duwanaa ee Soomaaliyed ee la gumeysan jiray, Xuseen wuxu wax ku soo bartay dugsiyadii habeenkii dadka waaweyn wax lagu bari jiray ee loo yaqaannay 'Seeraale'. Waa erey laga soo dheegtay afka Talyaaniga oo ah 'Sera' oo macnaheedu yahay 'habeenkii' ama dugsiyada habeenkii la dhigto u taagnayd. Marka aad tagto Maxmiyaddii Somaliland ee Ingiriisku gumeysan jiray waxbarashadii noocaas ahayd ee habeennimada dadka waaweyn wax lagu bari jiray waxa loo yaqaannay ama la odhan jirayba 'Adlas' oo laga soo dheegtay 'Adults' oo ah erey asalkiisu Ingiriisi yahay oo u dhigma 'weyn' oo loola jeedo dadka waaweyn. Haddii aynu u leexanno xaggaa iyo dalka Jabuuti oo uu Faransiisku gumeysan jiray, qudhiisa waxa ka jirtay waxbarasho noocan oo kale ahayd oo dadka waaweyn habeenkii wax lagu bari jiray. Halkaana waxa looga yaqaannay 'kuur-di-suwaarka' oo ka soo jeedday ereyga Faransiiska ee 'Cour De Soir' lana macno ahayd waxbarashadii habeenkii.


 (La soco, Qaybta 3aad haddii Eebbe idmo)

 

 

Xusuustayda Xilliyadii Xuseen Sheekh Axmed Hilowle (Kaddare) (1934kii - 2015ka)

 

Qalinka: Boobe Yuusuf Ducaale

Gar adkaatay, xaajada gurracan, guurti kala-maagtay,
Haddi geedka la isugu yimaad, golaha waayeelka,
Nin waliba hadduu gees damcoo, giijo madixiisa,
Wax la wada gorfeeyaba halkii, la isugeyn waayo,
Guddoonkii la wada raaci jiray, gocanayaa mooyi, 
Maansadii Geeridii Xirsi ee Cali Jaamac Haabiil,
 Qalinka: Boobe Yuusuf Ducaale - cankaabo@hotmail.com, www.dharaaro.com
 21kii Jeeniweri, 1971kii ayay xukuumaddii millateriga ahayd ee dalka markaa ka talinaysay magacawday Guddidii Qoraalka Farta Soomaaliga ah oo ka koobnaa 24 Xubnood oo kala ahaa:
  1. Dr. Shariif Saalax Maxamed Cali - Guddoomiye, (dhowr bilood ka hor ayuu dhintay),
  2. Yaasiin Cismaan Keenadiid,
  3. Mustaf Sheekh Xasan,
  4. Axmed Cali Abokor,
  5. Yuusuf Xirsi Axmed,
  6. Muuse Xaaji Ismaaciil Galaal,
  7. Cabdidaahir Afey,
  1. Aw Jaamac Cumar Ciise,
  2. Dahabo Faarax Xasan,
  3.  Cabdillaahi Xaaji Abuubakar,
  4.  Cabdillaahi Ardeeye,
  5.  Xasan Sheekh Muumin,
  6.  Maxamed Nuur Caalin,
  7.  Maxamed Xasan Aadan (Gahayr),
  8.  Xirsi Magan Ciise,
  9.  Cumar Aw Nuux Cabdillaahi,
  10.  Xaaji Maxamuud Insaaniya,
  11.  Iikar Bannaa Xaddaad,
  12.  Aaqib Cabdillaahi,
  13.  Xuseen Sheekh Axmed Kaddare,
  14.  Axmed Cartan Xaange,
  15.  Maxamed Xaaji Xuseen (Sheeko-xariir),
  16.  Cabdiraxmaan Nuur Xirsi,
  17. Shire Jaamac Axmed,

Amarradii ay xukuumaddaa millaterigu siisay Guddidaas waxa ka mid ahaa:

  • In ay diyaariyaan qoraalka farta Soomaaliga,
  • In ay diyaariyaan buugaagta Dugsiyada Hoose,
  • In aan la soo hadal-qaadin dhowrkii farood ee kala duwanaa oo qaar Guddida ka mid ahi qaarkood ay lahaayeen,

Ilaahay ayaa iska lahaa sababaha uu qoraalku u hirgalay. Waxa kale oo meesha ku jirta go'aankii adkaa ee ay Golihii Sare ee 'Kacaanku' ka qaateen arrinkan qoraalka farta Soomaaliga. Gaalka dil, gartiisana sii ayaa la yidhiye, ka-sokow dhibtii aan qiyaasta lahayn ee ay dal iyo dadba u geysteen, haddana tallaabooyinka togan ee ay qaadeen askartaasi, qoraalka farta Soomaaliga ayaa ugu mudnaa.

Sida ay mudnaanta u leedahay shakhsiyaddii ballaadhnayd ee hal-abuurka iyo curintaba lahayd ee Xuseen Sheekh Axmed oo loo yaqaannay Kaddare, waxaad ka garanaysaa sida uu ugu ladhnaa ama ugu marraaba dedaalladii badnaa ee loo galay qoraalka farta Soomaaliga. Intii aanu millaterigu taladii dalka maroorsan, waxa xukunka hayay xukuumad rayid ah oo lahayd: Madaxweyne iyo Gole Baarlamaan oo la soo doorto iyo Gole Wasaaradeed. Mudane Aadan Cabdille Cismaan oo ahaa Madaxweynihii Jamhuuriyaddii Soomaaliya, ayaa beryahaas, dhowr iyo lixdankii, isaguna soo saaray go'aan uu ku magacaabay Guddi soo saarta farta lagu qorayo afka Soomaaliga. Guddidaasina, waxay ka koobnayd:

  1. Muuse Xaaji Ismaaciil Galaal: Guddoomiye,
  2. Yuusuf Meygaag Samatar: Xoghayn,
  3. Yaasiin Cismaan Yuusuf: Xubin,
  4. Maxamuud Saalax (Ladane): Xubin,
  5. Dr. Ibraahin Xaashi Maxamuud: Xubin,
  6. Khaliif Suudi: Xubin,
  7. Mustaf Sheekh Xasan: Xubin,
  8. Shire Jaamac Axmed: Xubin,
  9. Xuseen Sheekh Axmed Kaddare: Xubin,

Xukuumaddii Guddidan magacawday awoodda dalka oo dhan gacanta kuma hayn. Waxa kale oo jiray faro-gelin dibaadeed oo ka imanaysay safaaradihii ajnabiga ahaa ee Muqsisho degganaa. Waxay ku muransanaayeen oo ay kala taageerayeen dhowrkii farood ee saaxadda yaallay, gaar ahan farta laatiinka iyo farta carabiga. Muranka iyo doodda ayaa gaadhsiisnaa marka Laatiinka la soo qaado in la yidhaahdo 'Laa-diin' oo ah diin-la'aan.

Magaca Kaddare oo si la yaab leh ugu ladhan taariikhda qoraalka farta Soomaaliga ayaa inala galay, ee raalli ka ahaada haddii aan qalin-taraaray.

Xuseen Sheekh Axmed Hilowle oo loo yaqaannay Kaddare, qof caynkee ah ayuu ahaa? Bal hadda aan isku deyno in aan su'aashan si dhab ah oo mowduuciya uga hadalno ama wax uga qornaba.

Xuseen wuxu ka mid ahaa da'aaddaas dhalatay 1934kii, xilli uu gumeysigii Tlyaanigu dalka ka talinayay. Ma uu helin fursad uu ku galo galo dugsiyadii caadiga ahaa oo duruuftii gumeysi iyo tii uu ku noolaa ayaan u saamixin. Sidii dhaqankuba iska ahaa gobolladii kala duwanaa ee Soomaaliyed ee la gumeysan jiray, Xuseen wuxu wax ku soo bartay dugsiyadii habeenkii dadka

waaweyn wax lagu bari jiray ee loo yaqaannay 'Seeraale'. Waa erey laga soo dheegtay afka Talyaaniga oo ah 'Sera' oo macnaheedu yahay 'habeenkii' ama dugsiyada habeenkii la dhigto u taagnayd.

Marka aad tagto Maxmiyaddii Somaliland ee Ingiriisku gumeysan jiray waxbarashadii noocaas ahayd ee habeennimada dadka waaweyn wax lagu bari jiray waxa loo yaqaannay ama la odhan jirayba 'Adlas' oo laga soo dheegtay 'Adults' oo ah erey asalkiisu Ingiriisi yahay oo u dhigma 'weyn' oo loola jeedo dadka waaweyn.

Haddii aynu u leexanno xaggaa iyo dalka Jabuuti oo uu Faransiisku gumeysan jiray, qudhiisa waxa ka jirtay waxbarasho noocan oo kale ahayd oo dadka waaweyn habeenkii wax lagu bari jiray. Halkaana waxa looga yaqaannay 'kuur-di-suwaarka' oo ka soo jeedday ereyga Faransiiska ee 'Cour De Soir' lana macno ahayd waxbarashadii habeenkii.

(La soco, Qaybta 3aad haddii Eebbe idmo)

Xusuustayda Xilliyadii Xuseen Sheekh Axmed Hilowle (Kaddare) (1934kii - 2015ka)

Qalinka: Boobe Yuusuf Ducaale Maxamed Xaashi Dhamac, Macallin Gaarriye, ayaan ka maqli jiray: Geeriyeey xishoodlaay, Xejiyaay fogeeyaay. Waxay ka mid ahaayeen tuducyo ku jiray Maansadii Damaq Gar adkaatay, xaajada gurracan, guurti kala-maagtay, Haddi geedka la isugu yimaad, golaha waayeelka, Nin waliba hadduu gees damcoo, giijo madixiisa, Wax la wada gorfeeyaba halkii, la isugeyn waayo, Guddoonkii la wada raaci jiray, gocanayaa mooyi, Maansadii Geeridii Xirsi ee Cali Jaamac Haabiil, Qalinka:


Boobe Yuusuf Ducaale - cankaabo@hotmail.com, www.dharaaro.com Qormada: 1aad Hargeysa, 3/2/2015ka, Maxamed Xaashi Dhamac, Macallin Gaarriye, ayaan ka maqli jiray:



Geeriyeey xishoodlaay, Xejiyaay fogeeyaay. Waxay ka mid ahaayeen tuducyo ku jiray Maansadii Damaq iyo Xusuus ee uu ka tiriyay geeridii naxdinta lahayd ee Cabdillaahi Suldaan Maxamed oo loo yaqaannay Timacadde. Geeridu waa xaq. Nolushuna waxay ku jirtaa ama ay macnaba ku leedahay dhimashada. Wax kastaba wax lid ku ahi haddii aanu jireen, lama garteen, lamana dareemeen. Macaanka waa ku qadhaadh, nabadda waa ku colaad, dhererka waa ku gaabnaan, buurnidana waa ku dhuubnaan. Sidaas ayay noloshu macno ku samaysaa oo wixii noolina ku tagaan laguna sii sagootiyaa, wax cusubina ku dhashaan oo lagu soo dhaweeyaa looguna wan-qalaa. Waxay ahayd 1dii Feeberweri, 2015ka. Waxaan ku sugnaa magaalada Hargeysa ee Xarunta Jamhuuriyadda Somaliland. Maalin caadiya ayay ii ahayd. Waa galabnimadii. Cabbaar ayaan soo lugeeyay sidii caadada ii ahayd. Xilli ay saacaddu ku beegnayd 5.30kii galabnimo ayaan guriga ku soo noqday. Arsenal iyo Aston Villa oo kubbad ciyaarayay ayaan gees ka dhegaysi/daawanayay. Goolkii saddexaad ee Arsenal oo uu Theo Walcott dhaliyay ayaan ku soo beegmay. Waa Kooxda aan taageero, Henry ayaana ii la galay ama ku bartayba ee Kooxaha maba kala aqoon. Dhinaca kale 'computerkii' ayaan furtay oo aan dhex-qaadayay. 'Facebook'-ka ayaan galay. Waxa ugu soo horreeyay Khaalid Jaamac Qodax oo soo dhigay sawirkii Xuseen Sheekh Axmed Hilowle oo loo yaqaannay Kaddare. Khaalid Jaamac Qodax farriin koobnayd ayuu ku sheegay in uu Kaddare geeriyooday. Wuxu intaa ku daray in uu isla xilliga uu geerida ogaaday uu akhriyayay Buug uu Xuseen Sheekh Axmed Hilowle lahaa. Ilaahay naxariistii Janno ha ka waraabiyo. innagana samir iyo iimaan ha inaga siiyo.



Xusuustaydii ayaan dib ugu noqday iyo goortii iigu horraysay. Waa xilliyo ku sinnaa dhowr iyo lixdannadii iyo magaalada Muqdisho. Waxaan ku jiray Dugsigii Sare ee Benaadir oo aan wax ka baranayay Ogos 1964kii - Ogos 1968kii. Xilliyadaa ayay sawirka, magaca iyo taariikhda Xuseen Sheekh Axmed oo loo yaqaannay Kaddare noloshayda soo gelayaan. Waxaan xusuustaa in uu beryahaa Guddoomiye ka ahaa urur dhallinyaro oo la odhan jiray Somali Youth Council loona soo gaabsan jiray SYC. Waxa kale oo beryahaa Muqdisho ka dhisnaa oo hawl-gal ahaa urur kale oo dhallinyaro oo Hargeysa ka soo jeeday oo la odhan jiray Somali Youth Organization (SYO) oo uu Guddoomiye u ahaa Cali Ibraahin oo loo yaqaanno Sanyare.



 Labadaa urur tartan caafimaad qaba oo xoog lahaa ayaa ka dhexeeyay. Waxaan xusuustaa in aan ka mid ahaa ardaydii Dugsiyada Sare ka baxday ee habeennimadii casharrada ka bixin jirtay Dugsigii Macallin Jaamac oo dadka waaweyn wax lagu bari jiray. In kasta oo aanan si aad u dhow u baran isla markaana ula shaqayn, haddana beryahaas ayaan magac ahaan Xuseen Sheekh Axmed baranayaa. Intaas ka-sokow, waxa ii dheeraa beryahaa aan bartay sidii uu ugu hawlanaa qorista afka Soomaaliga isaga oo lahaa far u gaar ah. Nasiib-wanaag Xuseen Sheekh Axmed Hilowle oo loo yaqaannay Kaddare, waxaanu wada hawl-galnay 1976kii annaga oo joognay magaalada Muqdisho. Beryahaas Jamhuuriyaddii Dimuqraaddiga ahayd ee Soomaaliya ayaa go'aansatay in ay ka qayb-gasho Bandhiggii Dhaqanka ee Beelaha madow ee adduunka ee loogu wan-qalay FESTAC-77.



Xukuumaddii markaa dalka ka talinaysay waxay go'aansatay in la sameeyo Guddi Qaran oo marka hore abaabusha tartan dhaqan/suugaaneed gobollada Soomaaliya oo dhan lagu tartansiinayo. Bandhiggaa waddaniga ahaa ayaa lagu magacaabay Bandhigga Fanka iyo Suugaanta oo loo soo gaabsan jiray BANFAS. Waa halka Cali Xasan Roodhiile, naxariistii Janno Ilaahay ha ka waraabiyo e' loogu bixinayo naanaystii uu ku caano-maalay ee Banfas. Berigaa Cali-banfas wuxu kaalinta koowaad ka galay tartankii Maansada isaga oo ku tartamayay magaca Gobolkii Woqooyi-galbeed. Maansadaas waxa la odhan jiray Dhool-gu'. Maxamed Siyaad Barre ayaa goob-joog ka ahaa oo bxinayay abaal-marinta habeenkaas. Xuseen Sheekh Axmed Hilowle (Kaddare), wuxu ku dhashay magaalada Cadale ee bariga Muqdisho ku taal.



Yaraantiisii ayuu u soo wareegay magaalada Muqdisho. Wuxu dedaal badan ka sameeeyay sidii afka Soomaaliga loogu heli lahaa far ku habboon oo lagu qoro. Wuxu ka mid ahaa dadkii ka barbar dagallamayay Muuse Galaal iyo raggii halgankaa qoraalka horseedka ka ahaa. Haa...... waa ay ku kala duwanayeen fekerka iyo farta lagu qorayaba, laakiin waxay ka sinnaayeen werwerka ay ka qabeen qoraalka afka Soomaaliga iyo farta lagu qorayo. 1972kii, Xuseen Sheekh Axmed Hilowle wuxu xubin ka noqday Guddidii Qoraalka farta Soomaaliga. Geeridii Shariif Saalax oo Guddidaa Guddoomiye u ahaa ayaa iyaduna ahayd dhowr bilood ka hor, naxariistii Janno Ilaahay ha ka waraabiyo e'. 1974kii, Xuseen wuxu noqday Agaasimaha Waaxda Af Soomaaliga ee Akaademigii Fanka, Cilmiga iyo Suugaanta ee Muqdisho.



(La soco Qayb, haddii Eebbe idmo) xigasho Hadhwanaagnews 


Jinni iyo jacayl – 1975

Xasan Xaaji Cabdillaahi ( Xasan-Ganey) Xiddigga iyo xiddigta: Axmed Cali Cigaal iyo Khadra Daahir Cige Laxanka: Axmed Cali Cigaal, Siciid Maxamed Xarawo, Saalax Qaasin, Cabdi Cali Bacalwaan. Muusikada: Hobolada Waaberi Heesihii riwaayaddan ku jiray waxa ka mid ahaa:
• Bada guuxda een gudhin: Axmed Cali Cigaal iyo Khadra
 • Geediga hayaankuba: Axmed Cali Cigaal iyo Khadra Daahir Cige
 • Halku dooxa Waaheen, bad waqooyi kaga daro: Axmed Cali Cigaal iyo Khadra Daahir Cige. Ama Wayl baa nin waa yidhi “Sida moodda galabtii: Sahra Axmed Jaamac
• Wadar yahay gar daranaa, wiilku soo indho caddaa:


Sahra Axmed Jaamac iyo Cabdi Cali Bacalwaan.



Khadra Daahir Cige



Geediga hayaankuba Goor gaaban adigoo Guri waayay laga baxay Iyo ood aad gurataaba Iyo ood aad gurataaba Gabalkiina kuu dhacay Dhirta geed aan la jarin iyo Ogoow lama garaacaan Go’i waaye inuu jiro Gar Allee dadkuna qaar Waa sidaa geddaasiye Mar in aynu nahay gacal Marna ahay gayaankaa Gaar ahaanna caashaqu Guudkaaga igu furay Garashada xusuusoo I sii gacan walaalnimo Axmed Cali Cigaal Gudgudaha hillaacuba Gu’ barwaaqo oo da’ay Godlan yihiin daruuruhu Iyo dirir aan gaagixin Goglan tahay xareeduna Dhulkaba meel gawaanoo Ogoow geedo soo bixin Go’ i waaye inuu jiroo Go’ i waaye inuu jiro Gar Allee dadkuna qaar Waa sida geddaasiye Gasariir ha noqonnine Mar in aynu nahay gacal Gasariira ha noqonnine Mar in aynu nahay gacal Marna tahay gayaankey Labadaaba garansani Kuna guursan maayee Taasaad niyadda gelin



Khadra Daahir Cige



Marti goorxun socotaba Gurigaaga oo madhan Adigoon gasiin hayn Iyo gaabanow ari Iyo gaabanow ari Geeluna irmaaneyn Dadkaba gobol aan la qadin iyo Ogoow gibil ma daadshaha Loo gowracaa jira Ha gafine ujeeddadu Waa sida geddaydoo Mar haddaynu nahay gacal Marna ahay gayaankaa Gaar ahaanna caashaqu Guudkaaga igu xiray Garashada xusuusoo I sii gacan walaalnimo



 Axmed Cali Cigaal



 Hadalkeenna googaa Cadalee ha gelinene Aniguba gantaallahu Haddii ay ku gaareen Haddii ay ku gaareen Gacan baan ku siin lahaa Galladdiyo nasiibkuna Ogow gaadmo iyo orod Midna laguma gaaree Midna laguma gaaree Gar Allee dadkuna qaar Gar Allee dadkuna qaar Waa sida geddaasuye Gasariira ha noqonnine Mar in aynu nahay gacal Gasariira ha noqonnine Mar in aynu nahay gacal Marna tahay gayaankey Labadaaba garansani Kuna guursan maayee Taasaad niyada gelin


Dab jacayl kari waa – 6 April 1974?



Xasan Xaaji Cabdillaahi ( Xasan-Ganey) 

Xasan Xaaji Cabdillaahi (Xasan-Ganey) Xiddigga: Axmed Cali Cigaal Xiddigta: Aamina Cabdilaahi Xirsi Fannaaniinta kale ee riwaayaddan ku jiray waxa ka mid ahaa: Shamis Abokor ( Guduudo Carwo ) Maxamed Cumar Huryo ( IHN ) Ismaaciil Cabdi ( Basbaas ) Xasan Aadan Samatar Aamina Cabdillaahi Sahra Axmed Jaamac Maxamed Aadan Dacar Maxamed Yuusuf Cabdi Cali Bacalwaan Cabdalla Raage Taraawiil Qamar Cabdillaahi Harawo Heesaha riwaayaddan ku jiray waxa ka mid ahaa:


• Laqanyada jacaylka- Sahra Axmed Jaamac iyo Cabdi Cali Bacalwaan

 • Ambabaxaye socodka inaan Eebbe igu qadin-Axmed Cali Cigaal iyo Aamina Cabdillaahi Xirsi
 • Faraskaagii laga badi- Sahra Axmed Jaamac iyo Cabdi Cali Bacalwaan
 • Shafka kaalay igu qabo -- Axmed Cali Cigaal iyo Sahra Axmed Jaamac
 • Caashaqu wadaad ma leh-- Aamina Cabdillaahi Xirsi
• Aragtaye maxaad odhan, ma ishaad wax kaga jari: Cabdi Cali Bacalwaan


Weligeed adduunyada Wakhtigaa qof saacida Midna waayahaa xidha Labadaasi waxaan ahayn Horaa looga waayoo Waa nin iyo waagii



Aniguna wisiisiga Waxaan wayda la hayaa Iigu wacan waxyeellada Wiishbay la sare tegay Caashaqu wadaad ma leh Waalalowna kuma hadho Waan waana kala tage Waxba hay dabiibina Wadka aan is aragnee

Webi bay la sare tegay Waddadiina ka ambaday Sida weel dalooshamay Biyaha looga wabiyaa Waanadu i dhaaftaa Culimada wanaagsani Camma iyo watiiniyo Wadduxaati oo idil Hadday igu wareejaan Walbahaarku ima dhigo Caashaqu wadaad ma leh Waalalowna kuma hadho Waan waana kala tage Waxba hay dabiibina Wadka aan is aragnee


Wahab baa igu yuurura Waabayda igu maqan Warrankaa halbowlaha Waageerka halistiyo Wadnahayga kala jaray Intii aanan waalnayn Imaydaan warraysane Waaheen naftuu sido Weli hadday iigu yeedhaan Ma waxbuu u tarayaa Caashaqu wadaad ma leh Waalalowna kuma hadho Waan waana kala tage Waxba hay dabiibina Wadka aan is aragnee

Ruwaayadii BIDAAR SIBIQ BAY KUGU GASHAA Iyo Qar Ka Mida Heesihii Ku Jiray



Ruwaayadan waxa xidig ka ahaa fanaanka caanka ah ee Xasan Aadan Samatar. Waxa iyana xidigad ka ahayd fanaanada codka toolmoon ee Aamina Cabdillaahi Xirsi. Ruwaayadan waxa ku jiray heeso aad u xigmad badnaa waxaana ka mid ahaa:- · Eedaad · Mar bay xooluhu madhaan.



Heestan waxa si wada jir ah u qaada fanaaniinta Maxamed Xasan Barrow iyo Shankaroon Axmed Sagal ·




Daan bari adoo yaal:



Heestan waxa codadkooda si talan taali ah isku dhaaf-dhaafsada fanaaniinata kala ah Aamina Cabdillaahi Xirsi iyo Xasan Aadan Samatar.

Heesta Gacantu raaxo daranaa:
Galaw taah gu’ madaxii Goohyoo galaa yimid Guuguule faal dhigay Garan waa minkaw baxay Isna baalashays goo Anna gocashadiisii Gef u dhacay ismoodsiis Waa waxaan galgalashada Anoo gam'ay gedood ciil Garta ugu naqaayee Kooras


Gurigii jacaylkiyo Kii godobta keebaan gogoshiisi ku hurdaa Go’a yay la huwaday Gacantu raaxo daranaa Guudkayga saarani Baydka labbaad Golcasta iyo sibir godan Kalajeedi geeluba Isna garay habeed gubi Gondaha inuu ku leeyahay Waanu galab cadceedsaday Dhiigii guntamay iyo Gujo maqan gunaad oge Ana nabar i gaadhoo Gaaroodis diidaa Garka iga damqanayee Kooras Gurigii jacaylkiyo Kii godobta keebaan gogoshiisi ku hurdaa Go’a yay la huwaday Gacantu raaxo daranaa Guudkayga saarani



• Daan bari adoo yaal, cirkoo doollo ka onkaday: Xasan Aadan Samatar iyo Aamina Cabdillaahi Xirsi Aamina Cabdillaahi Xirsi: Daan bari adoo yaal Cirkoo doollo ka onkoday Beeshoo ah doog raac Adna awrtii dabar li’i Intay kaaga dateen Labaddaadii aar dillay Dusha waxaad kararatana Kolay tahay dameer hayn Reerkii kaa dul-guuriyo Dariskii wax kagu tara Markay dani ku haysaad Dadka kala ogaataa Anna maanta dabacsani Nabarka i damqanayana Daa’in iyo adaa jira Wax dawayn karaayee Adigiyo dadnimadaa. Xasan Aadan Samatar: Adaa Doollo iyo Hawd Deegaanta taalliyo Doogga u hawoodee Ninkaan daaqsin maqaleed Daruuraha ku hooriyo Duleedkiisa ka cabbayn Daraankiisi oo madhan Xarragana iskaga tegey Diiftiyo jacaylkiyo Diihaalla kaa badan Waayahana kaa daran Danta ha ula cabanine Adigoo aan igu digan Anna aanan kugu dayan Nabarrada damqanayaa Waa dabar waqtigu sido Deeqdii Allena maqan



Aamina Cabdillaahi Xirsi:



Duunyada oo ceel qabad Daran cuna kaliishii Doqon silic waraabshiyo Adoon geesi daafaca Midna ceelalyo u diran Xoolohoo daf soo yidhi Darka kaagii oo tuban Daan gaslaha waraabshiyo Kii sii durduurshiyo Doobkii wax kugu tara Markay dani ku haysaad Dadka kala ogaataa Xasan Aadan Samatar: Kol uu daad-mareenkiyo Dacda nugulku kuu dhaco Ama uu dadba u baxo Oon lama dareertee Ninka wabi diraaciyo Durdur maro agtiisee Biyo uu u doontiyo Dunquruur ka quustee Galaan beenyo dari karin Duunyana warkeed nacay Waayahana kaa daran Danta hawla cabanine Adigoo an igu digan Anna aanan kugu dayan Nabarada damqanayaa Waa dabar wakhtigu sido Deeqdii Allana maqan



Abwaan Xasan-Ganey, waxa kale uu oo sameeyay heesta tidhaa;



Cudurka kaa gala fardaha Haddii laga gubo dameer Dawada lama gaadhayoo Anoon weli kuu gedbixin Geed dheer bay saaran tahay Ee ay qaaddo Khadra Daahir Cige.



Abwaan Xasan-Ganey mar la waydiiyay in uu heestan isagu leeyahay iyo in uu leeyahay abwaan Kayd, waxa uu munaasibaddii Stockholm ka dhacday abwaanku dadweynaha u sheegay in uu isagu leeyahay heestan.



Waxaanu intaas raaciyay in uu heestan ku daray riwaayad uu sameeyay abwaan Kayd taasi oo magaceeda la odhan jiray Nin Ilaahay wakiishay, nasiibkiisa ma waayo. Abwaan Xasan-Ganey waxa uu sheegay in aanu wakhtigaasi sheegan karin heestan cadaadista dawladdii waagaas jirtay ku haysay awgeed, sidaasi daraadeedna uu u go’aansaday in uu raaciyo riwaayaddii abwaan Kayd.

Xuseen Kadare Halyey Kaalin Wayn Ku Lahaa Hirgalinta Af-soomaaliga Iyo Suugaantaba

Xili ku beegan Soddomeeyadii qarnigii 20-aad ayuu Xuseen Sheikh Axmed Hilowle ku dhashay Miyiga Tuulada Maxamed Saciid oo ka tirsan degmada Cadale ee gobalka Shabeelada Dhexe, dugsiga quraankana halkaas ayuu ka dhammeeyay, isagoo markaas ka dibna ku biiray Ardayda Cilmiga diinta ka raacata Masaajidda ee Xerta loo yaqaan. 



Isagoo kuray ah ayuu magaalada Xamar soo galay, wuxuuna Kontomeeyadii dusiga hoose iyo dhexe ka dhigtay SEERALE iyo Cardinale Musaye Iskoolka la oran jiray oo Macalin Jaamac dib dambe looga bixiyay markaasna ahaa mid ay Talyaanigu heysteen.Markuu dhammeeyay iskuuladaas aas-aasiga ahna wuxuu galay Dusigii sare ee markaa Xamar ka jiray oo ahaa dugsi dowladeed ay macalmiin ka ahaayeen Baadariyadii Talyaaniga ee dalka joogay.
 
Gugii Lixdankii ayuu Xuseen Sheikh Axmed ka shaqa bilaabay Radiyaha Muqdisho oo uu Xidhiidhiye Barnaamijeed ka noqday. 

Wuxuuna isla xilligaas noqday Wariyihii ugu horeeyay ee Barnaamijyada Ciyaaraha oo tooska ah kasoo qabta Isbartiibada (Sportivo) kanasii daaya Raadiyaha.

Waqti la siman goorahaas uu Raadiyaha ka howlgalayay ayuu Xuseen
Sheikh Axmed dhowr sanadood madax u ahaa kooxaha Fanka ee ka howlgalayay Raadiyaha Muqdisho oo ay markaas ka mid ahaayeen fanaaniintii lagu aas-aasay fanka sida Khadiija Daleys, Xareeda Ismaaciil Duniya, Cali Jareere, Maxamed Jaamac Joof iyo qaar kale. Waqtigaas mar kasii horeysayna wuxuu Xuseen horkacayay koox uu isagu lahaa oo fanka ka shaqaynaysay laguna magacaabi jiray (Companio Artiste ka shentarale Somalo).

Magaciisa saddexan waxaa ka caansan oo isaga loo yaqaanaa naaneysta ah (Kadare), waana mid taariikh ahaan kasoo raacday Riywaad uu isagu sameeyay oo Lixdameeyadii lagu jilay Xamar magaceeduna ahaa NIMAAN JOOGIN MA JIRO, taasoo uu isagu ku jilayay magaca KADARE.
Sanadkii 1969-kii ayuu Kadare ka fadhiistay shaqadii Raadiyaha Muqdisho si uu uga qaybgalo doorashadii Baarlaanka oo uu damcay inuu iskasoo sharraxo Deegaankii uu ku dhashay ee Cadale, laakin intii uusan tartanka galin ayuu ka tanaasulay rabitanakiisii, wuxuuna isla sanadkaas kusoo noqday Muqdisho.

Markii uu Muqdisho yimid ayuu Kadare dib ugu laabtay shaqadii Raadiyaha Muqdisho si uu u aqbalo codsi maamulkii Raadiyaha kaga yimid oo ahaa inuu barnaamij gaara oo dhaqanka ka hadlayo Idaacadda kasoo tabiyo, sidaas ayuuna Xuseen ku bilaabay barnaamijkii dhaqanka oo muddo socday.
Wuxuu todobaatannadii ka mid noqday guddigii loo xil saaray qorista Farta Soomaaliga, waxaana in loo xusho guddigaas uu Kadare ku mutay dadaal illaa 50meeyadii soo jiray oo uu u galay hindisidda hab qoraaleedyo uu yeesho Afka Soomaaliga, maadaama Soomaaligu uu qarni badan ahaa Af lagu hadlo oo aan qoraal lahayn.

Xuseen Sheikh Axmed Kadare wuxuu maskaxdisa ka curiyay far ama hab qoraaleed gaar ah oo KADARIYE loo yaqiinay, taasoo uu jeclaa inay noqoto farta lagu qoro af-soomaaliga, balse tartan iyo is barbar dhig lagu sameeyay faraha ay keeneen af-yaqaanno guddiga kula jiray ayaa waxay ugu dambeyn dhalisay in la xusho farta Laatiinka oo ah hadda la adeegsado.

Taariikhda farta Soomaaliga iyo kaalintii uu ku lahaa diyaarinteeda mar uu ka sheekeynayay wuxuu xusay in xilliyo kala dambeeyay ay soo martay diyaarinta farta Soomaaliga oo markii hore qaab Carabi ah ku socotay, waxaana ku xigay fartii Cusmaaniyadda oo uu Cusmaan Yuusuf Keynadiid soo saaray,  markaas oo ay rag aqoonyahanno ah bilaabeen inay iyaguna qaabab kala duwan u hindisaan qoraallo ay is leeyihiin farta Soomaaliga halaga dhigo.

Sanadkii 1958-kii ayaa waxaa xoogeystay loolan u dhexeeya Fartii Kadare ee (KADARIYA) iyo mid kale oo uu Cusmaan Yuusuf Keynadiid la yimid oo Cusmaaniya la oran jiray, waxaana loolankaas oo Xamar ku xoogeystay dartiis uu maamulkii markaas jiray go’aamiyay in la sameeyo guddi 9 xubnood ka kooban oo arrintan salka u dhiga go’aanna ka gaara farta Soomaaliga si marka la gaaro 1960-ka oo madax-banaanida dalka la filanayay ay umaddu u yeeshaan Far ay afkooda ku qortaan.

Guddiga ayaa horaantii 1959-kii soo saaray warbixin dhammeystiran oo ay maamulkii jiray ugu sheegayaan howlihii ay qabteen iyo sida ay suurtagal u tahay in Far-Soomaali la sameeyo, waxayna soo bandhigeen laba ka mid ah Xarfaha ama Farihii ay isla falanqeeyeen oo ay u garteen inay kaalimaha koowaad iyo labaad kala galeen, kuwaas oo kala ahaa Farta Laatiinka iyo Farta Kadariye ee uu Xuseen Sheikh Axmed sameeyay.

Inkastoo guddigu uu sidaas wax-soo saar qiima badan ugusoo gudbiyay maamulkii jiray, hadana tala soo jeedintii xagga Farta way hirgali waysay ka dib markii ay dadweyne ka careysan Farta lasoo bandhigay ee LAATIINKA ay banaanbaxyo dhigeen, markaas oo dowladdu ay joojisay howshii Farta si dalka oo xornimo uguba helaya aan qalaalase loogusoo dhaweeyn.

Mar kale ayuu Xuseen Sheikh Axmed Kadare ka mid noqday guddi dowladdii Kacaanku horaantii 70-meeyadii u xil saartay inay soo gorfeeyaan oo go’aan kasoo saaraan hindisidda Far uu yeesho Afka Soomaaliga, waxaana guddigaas oo aqoonyahanno badan ay ku jireen ugu cad-caddaa oo udub-dhexaad u ahaa afyaqaannadii illaa kotonmeeyadii howshan Far qorista kusoo jiray ee ay ka midka ahaayeen  Xuseen Sheikh Axmed Kadare, Muuse Xaaji Ismaaciil (Galaal), Prof. Ibraahim Xaashi, Yaasiin Cusmaan Yuusuf Keynadiid, iyo Shire Jaamac. Guddigaas ayaa howshii ugu adkeyd uguna dambeysay u galay sidii Far Soomaali sugan loo heli lahaa.

Wixii ay howsha guddigu soo socotayba waxaa ugu dambeyntii lagu dhawaaqay Farta Laatiinka ah ee Soomaaliga hadda lagu qoro oo lasoo saaray sanadkii 1972-kii.
Ka sokow aqoontiisa afka iyo howlihii uu kusoo qabtay, wuxuu Kadare ahaa hal-abuur caana oo curiyay Riwaayado iyo noocyo kale oo suugaan ah. Waxaana lagu xusuustaa inuu ka qayb qaatay Silsilad Suugaanleydii Deelleey oo Sideetamaadkii ay abwaanno caan ah is dhaafsadeen.

No comments:

Post a Comment