JINI IYO JACAYL. Ruwaayadan abwaan Xasan Xaaji Cabdillaahi ( Xasan-Ganey) waxa uu curiyay sannadkii 1975-kii
Heesihii riwaayaddan ku jiray waxa ka mid ahaa:
• Bada guuxda een gudhin: Axmed Cali Cigaal iyo Khadra
• Geediga hayaankuba: Axmed Cali Cigaal iyo Khadra Daahir Cige
• Halku dooxa Waaheen, bad waqooyi kaga daro: Axmed Cali Cigaal iyo Khadra Daahir Cige. Ama Wayl baa nin waa yidhi
·
Sida moodda galabtii: Sahra Axmed Jaamac
·
Wadar yahay gar daranaa, wiilku soo indho caddaa: Sahra Axmed Jaamac iyo Cabdi
Cali Bacalwaan.
Khadra Daahir Cige
Geediga hayaankuba
Goor gaaban adigoo Guri waayay laga baxay Iyo ood aad gurataaba Iyo ood aad gurataaba Gabalkiina kuu dhacay Dhirta geed aan la jarin iyo Ogoow lama garaacaan Go’i waaye inuu jiro Gar Allee dadkuna qaar Waa sidaa geddaasiye Mar in aynu nahay gacal Marna ahay gayaankaa Gaar ahaanna caashaqu Guudkaaga igu furay Garashada xusuusoo I sii gacan walaalnimo
Gudgudaha hillaacuba
Gu’ barwaaqo oo da’ay
Godlan yihiin daruuruhu
Iyo dirir aan gaagixin
Goglan tahay xareeduna
Dhulkaba meel gawaanoo
Ogoow geedo soo bixin
Go’ i waaye inuu jiroo
Go’ i waaye inuu jiro
Gar Allee dadkuna qaar
Waa sida geddaasiye
Gasariir ha noqonnine
Mar in aynu nahay gacal
Gasariira ha noqonnine
Mar in aynu nahay gacal
Marna tahay gayaankey
Labadaaba garansani
Kuna guursan maayee
Taasaad niyadda gelin
Marti goorxun socotaba
Gurigaaga oo madhan
Adigoon gasiin hayn
Iyo gaabanow ari
Iyo gaabanow ari
Geeluna irmaaneyn
Dadkaba gobol aan la qadin iyo
Ogoow gibil ma daadshaha
Loo gowracaa jira
Ha gafine ujeeddadu
Waa sida geddaydoo
Mar haddaynu nahay gacal
Marna ahay gayaankaa
Gaar ahaanna caashaqu
Guudkaaga igu xiray
Garashada xusuusoo
I sii gacan walaalnimo
Axmed Cali Cigaal
Hadalkeenna googaa
Cadalee ha gelinene
Aniguba gantaallahu
Haddii ay ku gaareen
Haddii ay ku gaareen
Gacan baan ku siin lahaa
Galladdiyo nasiibkuna
Ogow gaadmo iyo orod
Midna laguma gaaree
Midna laguma gaaree
Gar Allee dadkuna qaar
Gar Allee dadkuna qaar
Waa sida geddaasuye
Gasariira ha noqonnine
Mar in aynu nahay gacal
Gasariira ha noqonnine
Mar in aynu nahay gacal
Marna tahay gayaankey
Labadaaba garansani
Kuna guursan maayee
Taasaad niyada gelin
Axmed Cali Cigaal
Khadra Daahir Cige
No comments:
Post a Comment