Ruwaayadan waxa xidig ka ahaa
fanaanka caanka ah ee Xasan Aadan Samatar. Waxa iyana xidigad ka ahayd
fanaanada codka toolmoon ee Aamina Cabdillaahi Xirsi.
Ruwaayadan waxa ku jiray heeso
aad u xigmad badnaa waxaana ka mid ahaa:-
·
Eedaad
·
Mar bay xooluhu madhaan.
Heestan waxa si wada jir ah u
qaada fanaaniinta Maxamed Xasan Barrow iyo Shankaroon Axmed Sagal
·
Daan bari adoo yaal:
Heestan waxa codadkooda si talan taali ah isku
dhaaf-dhaafsada fanaaniinata kala ah Aamina Cabdillaahi Xirsi iyo Xasan Aadan
Samatar
Heesta Gacantu raaxo
daranaa:Galaw taah gu’ madaxii
Goohyoo galaa yimid
Guuguule faal dhigay
Garan waa minkaw baxay
Isna baalashays goo
Anna gocashadiisii
Gef u dhacay ismoodsiis
Waa waxaan galgalashada
Anoo gam'ay gedood ciil
Garta ugu naqaayee
Kooras
Gurigii jacaylkiyo
Kii godobta keebaan
gogoshiisi ku hurdaa
Go’a yay la huwaday
Gacantu raaxo daranaa
Guudkayga saarani
Baydka labbaad
Golcasta iyo sibir godan
Kalajeedi geeluba
Isna garay habeed gubi
Gondaha inuu ku leeyahay
Waanu galab cadceedsaday
Dhiigii guntamay iyo
Gujo maqan gunaad oge
Ana nabar i gaadhoo
Gaaroodis diidaa
Garka iga damqanayee
Kooras
Gurigii jacaylkiyo
Kii godobta keebaan
gogoshiisi ku hurdaa
Go’a yay la huwaday
Gacantu raaxo daranaa
Guudkayga saarani
• Daan bari adoo yaal, cirkoo doollo ka onkaday: Xasan Aadan Samatar iyo Aamina Cabdillaahi Xirsi
Aamina Cabdillaahi Xirsi:
Daan bari adoo yaal
Cirkoo doollo ka onkoday
Beeshoo ah doog raac
Adna awrtii dabar li’i
Intay kaaga dateen
Labaddaadii aar dillay
Dusha waxaad kararatana
Kolay tahay dameer hayn
Reerkii kaa dul-guuriyo
Dariskii wax kagu tara
Markay dani ku haysaad
Dadka kala ogaataa
Anna maanta dabacsani
Nabarka i damqanayana
Daa’in iyo adaa jira
Wax dawayn karaayee
Adigiyo dadnimadaa.
Xasan Aadan Samatar:
Adaa Doollo iyo Hawd
Deegaanta taalliyo
Doogga u hawoodee
Ninkaan daaqsin maqaleed
Daruuraha ku hooriyo
Duleedkiisa ka cabbayn
Daraankiisi oo madhan
Xarragana iskaga tegey
Diiftiyo jacaylkiyo
Diihaalla kaa badan
Waayahana kaa daran
Danta ha ula cabanine
Adigoo aan igu digan
Anna aanan kugu dayan
Nabarrada damqanayaa
Waa dabar waqtigu sido
Deeqdii Allena maqan
Aamina Cabdillaahi Xirsi:
Duunyada oo ceel qabad
Daran cuna kaliishii
Doqon silic waraabshiyo
Adoon geesi daafaca
Midna ceelalyo u diran
Xoolohoo daf soo yidhi
Darka kaagii oo tuban
Daan gaslaha waraabshiyo
Kii sii durduurshiyo
Doobkii wax kugu tara
Markay dani ku haysaad
Dadka kala ogaataa
Xasan Aadan Samatar:
Kol uu daad-mareenkiyo
Dacda nugulku kuu dhaco
Ama uu dadba u baxo
Oon lama dareertee
Ninka wabi diraaciyo
Durdur maro agtiisee
Biyo uu u doontiyo
Dunquruur ka quustee
Galaan beenyo dari karin
Duunyana warkeed nacay
Waayahana kaa daran
Danta hawla cabanine
Adigoo an igu digan
Anna aanan kugu dayan
Nabarada damqanayaa
Waa dabar wakhtigu sido
Deeqdii Allana maqan
Abwaan Xasan-Ganey, waxa kale uu oo sameeyay heesta tidhaa;
Cudurka kaa gala fardaha
Haddii laga gubo dameer
Dawada lama gaadhayoo
Anoon weli kuu gedbixin
Geed dheer bay saaran tahay
Ee ay qaaddo Khadra Daahir Cige. Abwaan Xasan-Ganey mar la waydiiyay in uu heestan isagu leeyahay iyo in uu leeyahay abwaan Kayd, waxa uu munaasibaddii Stockholm ka dhacday abwaanku dadweynaha u sheegay in uu isagu leeyahay heestan.
Waxaanu intaas raaciyay in uu heestan ku daray riwaayad uu sameeyay abwaan Kayd taasi oo magaceeda la odhan jiray Nin Ilaahay wakiishay, nasiibkiisa ma waayo.
Abwaan Xasan-Ganey waxa uu sheegay in aanu wakhtigaasi sheegan karin heestan cadaadista dawladdii waagaas jirtay ku haysay awgeed, sidaasi daraadeedna uu u go’aansaday in uu raaciyo riwaayaddii abwaan Kayd.
No comments:
Post a Comment