Qaybta 3aad Qalinka: Boobe Yuusuf Ducaale
Xuseen Sheekh Axmed, Kaddare, isaga oo yar ayuu aabbihii dhintay,
waana sababtii ugu weyneyd ee uu u soo galay una degay magaalada Muqdisho
Gar adkaatay, xaajada gurracan, guurti
kala-maagtay,
Haddi geedka la isugu yimaad, golaha waayeelka,
Nin waliba hadduu gees damcoo, giijo madixiisa,
Wax la wada gorfeeyaba halkii, la isugeyn waayo,
Guddoonkii la wada raaci jiray, gocanayaa mooyi,
Maansadii
Geeridii Xirsi ee Cali Jaamac Haabiil,
Xuseen
Sheekh Axmed, Kaddare, isaga oo yar ayuu aabbihii dhintay, waana sababtii ugu
weyneyd ee uu u soo galay una degay magaalada Muqdisho. Wuxu ka mid noqday
xerihii diinta laga baran jiray, iyada oo beryahaas la isku caayi jiray in la
tago dugsiyadii ay Talyaanigu dadka ama carruurta wax ku bari jireen.
Maxmiyaddii Somalilandna xaalku iska caynkaas oo
kale ayuu ahaa oo waxa la odhan jiray dadka waa la gaalaynayaa. Waxaan filayaa
in degaammada Soomaaliyeed oo dhami ay ka sinnaayeen xaaladdan.
Xuseen,
isaga oo 16 ah ayuu ku biiray Dugsiyadii 'Seeraalaha' la odhan jiray ee dadka
waaweyn habeenkii afka Talyaaniga loogu dhigi jiray. Beryahaas, ayaa Xisbigii
SYL laga dhex bilaabay in dadka la baro fartii Soomaaliga ahayd ee la odhan
jiray Cismaaniyada ee uu curinteeda iska lahaa Cismaan Yuusuf Keenadiid. Waa
xilli ku beegnaa 1920kii.
Waxay
ahayd fartii ugu da'da weyneyd uguna caansanayd farihii Soomaaliyeed ee curiska
ahaa. Cismaan Yuusuf oo fartan allifay wuxu markii hore isku deyay in afka
Soomaaliga far carabiya ku qoro.
Xuseen
Sheekh Axmed, Kaddare 1952kii ayuu allifay Far Soomaali uu iska leeyahay. Waxa
loogu wan-qlay kaddariya. Waxay ahayd Far marna la isku dari karo, marna
xarfuhu kala go'ayaan.
Aynu
ku noqonno Bandhiggii Fanka iyo Suugaanta ee loo soo gaabsaday BANFAS ee
1976kii ka qabsoomay Jamhuuriyaddii Dimuqraaddiga ahayd ee Soomaaliya. Waxaan
aamminsanahay soo-gaabinta iyo helidda magaca BANFAS in uu iska lahaa Xuseen
Sheekh Axmed, Kaddare.
Maa
daama Bandhiggan BANFAS loogu wan-qalay uu gogol-xaadh iyo diyaargarowba u ahaa
Bandhiggii Beelaha Madow ee FESTAC-77 ee ku qabsoomayay markaas magaalada Lagos
oo Nigeria xarun u ahayd, waxa had iyo jeer naloo soo diri jiray waxyaabaha
lagaga qayb-gelayo Bandhiggaas oo ku qoranaan jiray afka Ingiriisiga.
Guddi
Qaran oo shan xubnood ka koobnayd ayaanu ahayn, kuwaas oo kala ahaa:
1. Yuusuf Xaaji Aadan
Cilmi Qabille,
2. Xuseen Sheekh
Axmed, Kaddare,
3. Maxamed Cali
Kaariye,
4. Siciid Saalax Axmed,
5. Boobe Yuusuf
Ducaale,
Waxyaabihii
ay Guddidaa caalamiga ahayd noo soo diri jirtay waxa ka mid ahaa qaybahan aan
qaarkood hoos ku taxayo:
Pottery
- Dhoobidda,
Weaving
- Falkinta,
Painting
- Aslidda,
Fashion
- Dhar-xidhada,
Sewing
- Tolidda,
Waa
halkii Maxamed Mooge e' iyo qaar kaloo badan. Waxaan aamminsanahay in
tarjumaddaas oo dhan uu lahaa Kaddare, oo aad u jeclaa una halgamay in uu afka
Soomaaligu koro oo qeyrkii barbar joogsado ama kaba dheereeyaba. Ka-sokow in uu
Guddidaas ka mid ahaa, Kaddare waxa kale oo uu noo qaabbilsanaa Qaybaha
Farshaxanka.
Dhudihii
kale ee qaybtaas hoos imanayay waxa ka mid ahaa Aqal-soomaaliga. Bandhigii
FESTAC-77 ee Lagos lagu qabtay, wxaanu la tagnay oo aanu sii rarannay
dayuuraddana ku sii qaadnay aqal-soomaali laba-daryaale ahaa. Dhismiiisa iyo
furfuriddisa waxa u xil-saarnayd oo farsamo-yaqaan ama injineerba ka ahayd
gabadh la odhan jiray Siraad oo far-samayd, kooxdayada kalena waanu caawin
jirnay.
Kaddare
ayaa inala galay e', Bandhiggaas BANFAS haddii aan xusuustayda dib ugu yar
noqdo kaalinta 1aad ee gabayga Cali Banfas ayaa galay, kaalinta 2aadna Muuse
Cali Faruur oo labaduba ku tartamayay magacii gobolkii woqooyi galbeed.
Heesaha
kaalinta 1aad waxa galay kooxdii Iftin ee waxbarashada, waxaana ku guulaystay
laba heesood oo kala ahaa: Jeex Liin dhanaan ah iyo Jeegaan. Singub iyo qoladii
Waaberi oo aan tartanka ka qayb-gelin ayaa ka xanaaqi jiray magacyadan fudud ee
aan murugsanayn ee heesahaa la siiyay. Waxay hal-hays ka dhigteen ma Jeex liin
dhanaan ah ayaa magac noqonaya.
Habeennimadaa
abaal-marinta la bixinayay waxay ku dhawaadeenba in ay odeygii Siyaad Barre
naga sheekeeyaanba. Miyuusigga kaalinta 1aad waxa gashay kooxdii Horseed ee
ciidammada, Riwaayadahan koox ka socotay gobolka Nugaal. Kooxdaa riwaayadda ku
guulaysatay waxyaabihii caawiyay waxa ka mid ahaa iyada oo ay doorka islaanta,
gabadh weyni masilaysay.
1961kii,
waxa la soo ban-dhigay dhowr iyo toban farood oo kale oo ay ka mid ahaayeen
labadan aynu kor ku xusnay ee Cismaaniyada iyo Kaddariyaa. Hindisaha Farahaas
Soomaaliyeed intooda badani waxay ka timid gobollada koonfureed ama dalkii
Soomaaliya la odhan jiray ee uu Talyaanigu gumeysan jiray.
Waxa
se ku jiray farahaas la soo jeediyay laba farood oo ka tegay gobolladii woqooyi
ama Maxmiyaddii Ingiriiska ee Somaliland.
Far,
waxa la odhan jiray Farta Gadabuursi, waxaana curinteeda iyo hal-abuurkeedaba
iska lahaa Sheekh Cabdiraxmaan Sheekh Nuur. Waa sannadkii 1933kii. Wuxu ahaa
nin wadaad ah oo Dugsiyadii Maxmiyaddii Ingiriiska ee Somaliland ku yaallay
diinta ka dhigi jiray. Wuxu markii dambe Qaaddi ka noqday magaalada Boorame ,
jagadaas oo uu aabbihii ka dhaxlay.
Waxa
kale oo jirtay Far labaad oo ka curatay Maxmiyaddii Ingiriiska ee Somaliland.
Fartan waxa lagu sheegaa oo ay ku baxday ama ku baahdayba in uu lahaa nin la
odhan jiray Maxamed Cabdi Makaahiil oo Cadan wax ku soo bartay. Maxamed Cabdi
Makaahiil, Buug uu qoray markii ay taariikhda Hijriyadu ahayd 1351kii oo
qiyaastii u dhigmaysay 1931kii, wuxu hordhiciisa oo afka carabiga ku qornaa ku
sheegay in uu Fartan iska lahaa Sheekh Ibraahim Cabdalle Mayal oo reer Berbera
ahaa. Waxa kale oo uu ku dooday in afka Soomaaliga lagu qoro Farta
Carabiga.
(La
soco Qaybaha kale, haddii Eebbe idmo)
No comments:
Post a Comment