Xili ku beegan Soddomeeyadii qarnigii 20-aad ayuu Xuseen
Sheikh Axmed Hilowle ku dhashay Miyiga Tuulada Maxamed Saciid oo ka tirsan
degmada Cadale ee gobalka Shabeelada Dhexe, dugsiga quraankana halkaas ayuu ka
dhammeeyay, isagoo markaas ka dibna ku biiray Ardayda Cilmiga diinta ka raacata
Masaajidda ee Xerta loo yaqaan.
Isagoo kuray ah ayuu magaalada Xamar soo galay, wuxuuna
Kontomeeyadii dusiga hoose iyo dhexe ka dhigtay SEERALE iyo Cardinale Musaye
Iskoolka la oran jiray oo Macalin Jaamac dib dambe looga bixiyay markaasna ahaa
mid ay Talyaanigu heysteen.Markuu dhammeeyay iskuuladaas aas-aasiga ahna wuxuu
galay Dusigii sare ee markaa Xamar ka jiray oo ahaa dugsi dowladeed ay
macalmiin ka ahaayeen Baadariyadii Talyaaniga ee dalka joogay.
Gugii Lixdankii ayuu Xuseen Sheikh Axmed ka shaqa
bilaabay Radiyaha Muqdisho oo uu Xidhiidhiye Barnaamijeed ka noqday.
Wuxuuna isla xilligaas noqday Wariyihii ugu horeeyay ee
Barnaamijyada Ciyaaraha oo tooska ah kasoo qabta Isbartiibada (Sportivo)
kanasii daaya Raadiyaha.
Waqti la siman goorahaas uu Raadiyaha ka howlgalayay ayuu
Xuseen
Sheikh Axmed dhowr sanadood madax u ahaa kooxaha Fanka ee
ka howlgalayay Raadiyaha Muqdisho oo ay markaas ka mid ahaayeen fanaaniintii
lagu aas-aasay fanka sida Khadiija Daleys, Xareeda Ismaaciil Duniya, Cali Jareere,
Maxamed Jaamac Joof iyo qaar kale. Waqtigaas mar kasii horeysayna wuxuu Xuseen
horkacayay koox uu isagu lahaa oo fanka ka shaqaynaysay laguna magacaabi jiray
(Companio Artiste ka shentarale Somalo).
Magaciisa saddexan waxaa ka caansan oo isaga loo yaqaanaa
naaneysta ah (Kadare), waana mid taariikh ahaan kasoo raacday Riywaad uu isagu
sameeyay oo Lixdameeyadii lagu jilay Xamar magaceeduna ahaa NIMAAN JOOGIN MA
JIRO, taasoo uu isagu ku jilayay magaca KADARE.
Sanadkii 1969-kii ayuu Kadare ka fadhiistay shaqadii
Raadiyaha Muqdisho si uu uga qaybgalo doorashadii Baarlaanka oo uu damcay inuu
iskasoo sharraxo Deegaankii uu ku dhashay ee Cadale, laakin intii uusan
tartanka galin ayuu ka tanaasulay rabitanakiisii, wuxuuna isla sanadkaas kusoo
noqday Muqdisho.
Markii uu Muqdisho yimid ayuu Kadare dib ugu laabtay
shaqadii Raadiyaha Muqdisho si uu u aqbalo codsi maamulkii Raadiyaha kaga yimid
oo ahaa inuu barnaamij gaara oo dhaqanka ka hadlayo Idaacadda kasoo tabiyo,
sidaas ayuuna Xuseen ku bilaabay barnaamijkii dhaqanka oo muddo socday.
Wuxuu todobaatannadii ka mid noqday guddigii loo xil
saaray qorista Farta Soomaaliga, waxaana in loo xusho guddigaas uu Kadare ku
mutay dadaal illaa 50meeyadii soo jiray oo uu u galay hindisidda hab
qoraaleedyo uu yeesho Afka Soomaaliga, maadaama Soomaaligu uu qarni badan ahaa
Af lagu hadlo oo aan qoraal lahayn.
Xuseen Sheikh Axmed Kadare wuxuu maskaxdisa ka curiyay
far ama hab qoraaleed gaar ah oo KADARIYE loo yaqiinay, taasoo uu jeclaa inay
noqoto farta lagu qoro af-soomaaliga, balse tartan iyo is barbar dhig lagu
sameeyay faraha ay keeneen af-yaqaanno guddiga kula jiray ayaa waxay ugu
dambeyn dhalisay in la xusho farta Laatiinka oo ah hadda la adeegsado.
Taariikhda farta Soomaaliga iyo kaalintii uu ku lahaa
diyaarinteeda mar uu ka sheekeynayay wuxuu xusay in xilliyo kala dambeeyay ay
soo martay diyaarinta farta Soomaaliga oo markii hore qaab Carabi ah ku
socotay, waxaana ku xigay fartii Cusmaaniyadda oo uu Cusmaan Yuusuf Keynadiid
soo saaray, markaas oo ay rag aqoonyahanno ah bilaabeen inay iyaguna
qaabab kala duwan u hindisaan qoraallo ay is leeyihiin farta Soomaaliga halaga
dhigo.
Sanadkii 1958-kii ayaa waxaa xoogeystay loolan u dhexeeya
Fartii Kadare ee (KADARIYA) iyo mid kale oo uu Cusmaan Yuusuf Keynadiid la
yimid oo Cusmaaniya la oran jiray, waxaana loolankaas oo Xamar ku xoogeystay
dartiis uu maamulkii markaas jiray go’aamiyay in la sameeyo guddi 9 xubnood ka
kooban oo arrintan salka u dhiga go’aanna ka gaara farta Soomaaliga si marka la
gaaro 1960-ka oo madax-banaanida dalka la filanayay ay umaddu u yeeshaan Far ay
afkooda ku qortaan.
Guddiga ayaa horaantii 1959-kii soo saaray warbixin
dhammeystiran oo ay maamulkii jiray ugu sheegayaan howlihii ay qabteen iyo sida
ay suurtagal u tahay in Far-Soomaali la sameeyo, waxayna soo bandhigeen laba ka
mid ah Xarfaha ama Farihii ay isla falanqeeyeen oo ay u garteen inay kaalimaha
koowaad iyo labaad kala galeen, kuwaas oo kala ahaa Farta Laatiinka iyo Farta
Kadariye ee uu Xuseen Sheikh Axmed sameeyay.
Inkastoo guddigu uu sidaas wax-soo saar qiima badan
ugusoo gudbiyay maamulkii jiray, hadana tala soo jeedintii xagga Farta way
hirgali waysay ka dib markii ay dadweyne ka careysan Farta lasoo bandhigay ee
LAATIINKA ay banaanbaxyo dhigeen, markaas oo dowladdu ay joojisay howshii Farta
si dalka oo xornimo uguba helaya aan qalaalase loogusoo dhaweeyn.
Mar kale ayuu Xuseen Sheikh Axmed Kadare ka mid noqday
guddi dowladdii Kacaanku horaantii 70-meeyadii u xil saartay inay soo
gorfeeyaan oo go’aan kasoo saaraan hindisidda Far uu yeesho Afka Soomaaliga,
waxaana guddigaas oo aqoonyahanno badan ay ku jireen ugu cad-caddaa oo
udub-dhexaad u ahaa afyaqaannadii illaa kotonmeeyadii howshan Far qorista kusoo
jiray ee ay ka midka ahaayeen Xuseen Sheikh Axmed Kadare, Muuse Xaaji
Ismaaciil (Galaal), Prof. Ibraahim Xaashi, Yaasiin Cusmaan Yuusuf Keynadiid,
iyo Shire Jaamac. Guddigaas ayaa howshii ugu adkeyd uguna dambeysay u galay
sidii Far Soomaali sugan loo heli lahaa.
Wixii ay howsha guddigu soo socotayba waxaa ugu
dambeyntii lagu dhawaaqay Farta Laatiinka ah ee Soomaaliga hadda lagu qoro oo
lasoo saaray sanadkii 1972-kii.
Ka sokow aqoontiisa afka iyo howlihii uu kusoo qabtay,
wuxuu Kadare ahaa hal-abuur caana oo curiyay Riwaayado iyo noocyo kale oo
suugaan ah. Waxaana lagu xusuustaa inuu ka qayb qaatay Silsilad Suugaanleydii
Deelleey oo Sideetamaadkii ay abwaanno caan ah is dhaafsadeen.
Isagoo noloshiisa hal-abuur ka hadlaya, ayuu Kadare isku
sifeeyay inuu yahay Laashin oo uu ku micneeyay Mu’alifka Suugaanta ama qofka
Godadka kala duwan ee maansooyinkaba wax ka curiya.
Sidaas ayeey noloshii Kadare kusoo socotay, waxaana intii
ay dowladdu jirtay iyo markii colaadda sokeeye dhacdayba uu inta badan ku
sugnaa gudaha Soomaaliya, isagoo waayihii dambe ka qayb ahaa Indheer-garadka
xaga dhaqanka iyo waayeelnimada ku horkaca bulshada.
Allaha u naxariisto Marxuumka, waxaa shalay lagu aasay
magaalada Muqdisho.
Xigasho mareegta qurbejoog.com
No comments:
Post a Comment