Qaybta 2aad
Ninka
inuu gardiid noqdo dhaqanka iyo xeerka soomaalida waa ku ceeb, sidoo kale hadii
laga gar helo waa inuu garawshiinyo bixiyaa, waayo hadii uu garawshiinyo bixin
waayo waxay taasi noqonaysaa gun-nimo, laakiin cidda garta naqaysa xataa hadii
ay si
cadaalad ah garta u qaado cidda garta laga helay ma gafto waa layga
eexday, waxba layma waydiin IWM, sidaa darteed cidda garta naqda waxay mar
walba dhaxlaan godob.Laakiin cidkastaa haka cabatee cidda gartaqaadaysa waxa mar walba looga baahan yahay cadaalad iyo inay garta aad uga baaraan-degaan, iskana hubiyaan wixii ay cadaalad xumo uga iman karto.
Sidoo
kale dadka ama dhinacyada garnaqsanaysa waxa mar walba looga baahan yahay inay
gartooda banaanka ku soo akhristaan oo ay qolo waliba dhinaceeda si fiican u
ogaato cidda ay is-hayaan waxa ay xaq ugu leeyihiin iyo waxa dheeraadka ah ee
sitaan, waayo waxa fiican inta aad banaanka joogto ee aaddan golaha iman inaad
gartaada soo akhrisato, maxaad gar u leedahay, maxaadanse gar u lahayn, markaa
"waa sidii Jemeshii Wacays kaliile’, marka aad arin gelayso waa inaad talo
ku dartaa oo hadii aad is leedahay waxaa waad ku ceeboobaysaa aanad gelin, isla
markaana marka aad aragto in lagaa gar helayo ama aad gar darran tahay aad
garawdo. Soomaalidu waxay tidhaahdaa "Nin
aan garaw baranini gar ma barran".
Waxa
kale oo iyana loo baahan yahay inaad malayso cidda aad wada hadlaysaan ee kaa
soo horjeeda inay kaa af-roon tahay (Af-tahamo badan tahay) iyo in hadalkiisa
lagaa xigo oo aanu kufkaaga ahayn, waayo Somalidu waxay tidhaahdaa "Gadh-ba gadh baa la tusaa".
Waxa jira hadal aan afkaaga ku wanaagsanayn oo afka Inaadeerkaa ku wanaagsan, tusaale marka seedigaa kaa soo horjeeddo ama arini idin dhexmarto, soddoggaa oo kale iyo qof kasta oo xil kugu leh ama aaddan afka ku kala waaxi karin.
Waxa jira hadal aan afkaaga ku wanaagsanayn oo afka Inaadeerkaa ku wanaagsan, tusaale marka seedigaa kaa soo horjeeddo ama arini idin dhexmarto, soddoggaa oo kale iyo qof kasta oo xil kugu leh ama aaddan afka ku kala waaxi karin.
Sidaa
darteedna lagaaga toosan yahay ama wax odhaahiisu afka cid kale ku wanaagsan
yahay. Somalidu waxay tidhaahdaa "Hadal
nin kaa xigo iyo hawl nin kaa xigo midna lama hororsado".
Laakiin dhaqan xumooyinka soo kordhay
waxa ka mid ah in labada reer ama labada qof ee arini dhexmarto halkii si
wanaagsan loogu gar-qaadi lahaa in gartooda la mashruuceeyo oo ay waqti dheer
qaadato ama cidiba kala saari waydo oo ay isku sii murgaan oo timaha la isugu
sooho ama marka ay arkaan in la isku dilayo ay iyagu iskood isaga kala
dareeraan.
Xiliyadii
hore garta laba qof ama laba qolo loo qaadayaa kama ay badan jirin inay maalin
ama habeen iyo maalin socoto xataa marka ay guddidu raagto oo ay debedda u
baxdo, waayo waxa la odhan jiray "Guddi
raagtay ama hal meesha ku jira ayey ka saaraysaa ama hal aan meesha ku jirin
ayey soo gelinaysaa", isla markaana hadimada iyo waxa xun lama talin
jirin, iyadoo xataa hadii aanu qofka aakhiradiisaba u tudhan ay marka horeba
hadimo-taliska iyo eexdu godob aan hadhin leedahay, sidaa darteed hadii aad cid
u gar-qaadayso ha u kala eexan, waayo waxa jirta xikmad Soomaaliyeed oo
tidhaahda "Meesha aad qof ka
qaadanayso qof baad kaga tegaysaa".
Ninka
hadimada iyo wax xun taliska ah waxa uu cawaaqibkiisu ka muuqan jiray naftiisa,
maalkiisa iyo ubadkiisa, isla markaana cawaaqib-xumadaasi kama hadhin jirin
sagaal awaw ama abadkiis, iyadoo dhinaca kalena uu dadka dhexdiisa ka noqonayo
nin ceebo ioy naanayso leh oo canbaaraysan, bal eeg maahmaahan "Nin wiil lihi xeer ma duraanto, nin
markhaati been ah kuu furay wuxuu yahayna ogaatay muraadkaagana ka heshay",
waayo markhaatiga fududi nin-na waa u hiil, nin-na waa ku godob, laakiin ninka
markhaati been ah furaa kalsoonidiisa iyo xeer-beegtinimadiisa, waayo mar hadii
lagu yidhaahdo "Ninkaasi xaajo qaad ma aha", War-gal ma aha",
"Hebel uga qaateen ma aha’ IMW waxa uu noqonayaa nin gabadhii
guur-beeshay.
Sidoo kale ninka ay maalin ka xumaato
waxa raaci jiray jareexo iyo naanays aan abidkii ka hadhin, waana ta la
yidhaahdo "Gole saymo, hoos-waliba
hadalkiisa leh, golaha madhnaan lagagama tago", waayo golaha ama ceeb
ayaad kaga tagtaa ama raganimo ayaad kaga tagtaa. Masallan ninka suuqa ka
tow-tow leeya ee yidhaahda cidaas ayaa gardarran ee maxaa wax looga qaban
waayey waxa la odhan jiray "farasow kacdaada iyo kadladaada isla
sug".
Laakiin marka laga yimaado ninka hadimo-taliska ah waxa isna jiray nin samatalis ah….
Laakiin marka laga yimaado ninka hadimo-taliska ah waxa isna jiray nin samatalis ah….
La soco qaybta damne
hadii alle idmo
Waxa Qoray Cumar
Caara-dhuub
Xigasho mareegta Hoyga suugaanta
No comments:
Post a Comment