waxa ka qayb galay madaxweynaha Somaliland mudane Axmed Maxamed Maxamuud “Siilaanyo” iyo masuuliyiin kale oo aad u tiro badan.
Madaxweynaha
Somaliland Mudane Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) ayaa shacbiga Iyo
Goleyaasha baarlamaanka Somaliland ka tacsiyadeeyay geerida ALLE ha u
naxariistee Marxuum- Cabdilaahi Ibraahim Xirsi (Dhugad) oo shalay ku
geeriyooday magaaladda Hargeysa.
Sidaasna
waxa lagu sheegay dhambaal tacsi ah oo uu xalay soo saaray afhayeenka
madaxtooyadda Axmed Saleebaan Dhuxul, waxaana lagu sheegay in madaxweyne Axmed
Siilaanyo uu ku tilmaamay marxuum Dhugad oday weyn oo ka baxay qaranka
Somaliland, waxaanu dhambaalkaasi tacsida ahi u dhignaa sidan:- “Madaxweynaha
Jamhuuriyada Somaliland, Mudane, Axmed Maxamed Siilaanyo waxa uu tacsi u
dirayaa, Golaha Guurtida, Golaha Wakiilada, Qoyskii, Eheladii, Qaraabadii,
Asxaabtii iyo shacbiga Somaliland isaga oo ka tacsiyadaynaaya geerida ku timid
Marxuum Xildhibaan Cabdilaahi Ibraahim Xirsi (Dhugad) oo ku geeriyooday
Hargeysa 08/02/2015.
Madaxweynuhu
waxa uu marxuumka ku sifeeyey oday ka baxay bulshadda iyo qaranka Somaliland,
kana soo shaqeeyey nabadayntii, Halgankii iyo dib u dhiskii dalka oo uu illaa
wakhtigan ku hawlanaa horumarinta iyo ka midho dhalinta himilada shacbiga iyo
qarankaba, muddo dheerna ka mid ahaa golaha guurtida Somaliland.
Madaxweynuhu
waxa uu marxuumka Alle uga baryayaa inuu naxariistii jannatu fardawsa ka
waraabiyo, labada golle ee guurtida iyo wakiilada, Qoyskii, Eheladii,
Qaraabadii, Asxaabtii iyo shacbiga Somaliland ee uu ka baxayna Samir iyo iimaan
saadiqa ka siiyo.IN-NAA LILLAAHI WA IN-NAA ILAYHI RAAJICUUN.”
Geesta
kalena waxa dhambaal tacsi ah oo kaas la mid ah uu naga soo gaadhay
Guddoomiyaha xisbiga talllada dalka haya ee KULMIYE Mudane Muuse Biixi Cabdi,
waxaanu u dhignaa sidan:- “Aniga oo ku hadlaya magacayga iyo xilka
Guddoomiyaha xisbiga KULMIYE, ka hoggaanka xisbiga, Guddiga Fulinta, Golaha
Dhexe iyo guud ahaan taageerayaasha xisbiga KULMIYE, waxaan tacsi u dirayaa,
qoyska, ehelka, qaraabada, Golaha Guurtida Somaliland iyo guud ahaan shacabka
Somaliland geerida Xildhibaan Marxuum Cabdillaahi Ibraahim Axmed Xirsi (Dhugad)
oo (08/02/2015) ku geeriyooday magaalada Hargeysa.
Marxuum
Cabdillaahi Ibraahim Axmed (Dhugad) wuxuu rukun wayn oo ka baxay Somaliland,
waxa uu door muhiim ah ka soo qaaday halgankii SNM ee dib-u-xoraynta
Somaliland, waxa kaloo uu ka soo qaybqaatay nabadayntii iyo dib-u-heshiisiintii
beelaha Somaliland. Marxuumku waxa uu ka mid ahaa Golaha Guurtida Somaliland oo
uu xubin firfircoon ka ahaa shaqada golahaasi ee odayeynta iyo nabadda dalka.
Waxaan
Alle uga baryayaa inuu Marxuumka ku abaalmariyo jannadiisa Fardowza, qoyska,
ehelka iyo dhammaanteed shacabka reer Somaliland-na uu Ilaahay samir iyo iimaan
innaga siiyo Aamiin…Aamiin…Aamiin.”
Xigasho:
Dawannews Hargeysa office
No comments:
Post a Comment