Abwaan Xasan Xaaji Cabdilaahi oo ku magac dheer Xasan Ganey waxa uu leeyahay suugaan aad u badan oo bad weyn ah.
Mudooyhinkii u dambeeyay waxaa u si xidhiidh ah u soo bandhigaayay qaar ka mida ruwaayadaha uu alifay iyo heesihii ugu caansanaa eek u jiray ruwaayadahaas, kuwaas oo xuquuqda xigashada ay leedahay mareegta wararka ee farshaxannews.
Qaybtan oo ah tii ugu dambaysay ee taxanaha suugaanta abwaan Xasan Ganeys siiba ruwaayadaha waxaan ku so af meeri doonaa qayb ka hadlaysa suugaanta kale siiba heesaha.
Heesaha caanka ah ee uu abwaanku leeyahay waxa ka mida kuwan:
·
Allahayoow fogaydee:
Heestan waxa wada qaada
fanaanada caanka ah ee Khadra Daahir Cige
·
Ninka booli cunay ee been
kitaab, baabacada midig baalaha ku jaray:
Heestan asalkeeda waxa qaada
fanaanada Marwo Cabdi
·
Mujaahid allaystayoow,
oo ay qaado fanaanada Sahra Cali
Xasan iyo fannaaniintii SNM oo u jiibinaya.
·
Allayleh ilwaadeey:
Heestan waxa si wada jir ah ugu
luuqeeya fanaaniinta kala ah Xasan Aadan Samatar iyo fanaanada aan ka dhicin ee
Faadumo Haldhaa
Suugaanta abwaan xasan Ganey
kuma koobna oo kaliya heesaha iyo ruwaayada ee waxa jira qasiidooyin ama nebi
ammaan badan oo uu alifay, waxaana ka mida:
·
Yaa kheyral wajuudi: Xasan Aadan
Samtar
·
Rasuulkii
bilnaayee: Xasan Aadan Samatar
Fiiro gaar ah: Intan uun kuma ee ka suugaanta iyo taariikhda abwaan Xasan-Ganey, oo waa diiwaan miisaan weyn leh oo u baahan in buugaag badan laga qoro. Waxa aan se jeclaystay in aan wixii taariikh iyo suugaan ah ee aan abwaanka ka hayo aan idinla wadaago. Waxaa jira suugaan badan oo uu abwaanku curiyay sida, heeso, riwaayado, gabayo, maansooyin iyo waliba sheeko-suugaaneedyo xiiso badan. Nasiibdarro maan helin suugaantii abwaanka oo qoran, marka laga reebo buug lagu kaydiyay riwaayaddii Masiibadu adduunyada iyadaa u macallin ah oo aan ka helay maktabadaha dalka Iswiidhan. Buuggan waxa qoray Jaamac Maxamuud Cumar ( Jaamac-Sweden), sannadkii 1993, waxaana lagu daabacay waddanka Iswiidhan.
Qoraalkan kooban waxa aan diyaariyay mar aanu abwaanka kulan-suugaaneed ugu qabanay magaalada Stockholm, ee waddanka Iswiidhan. Kulankan oo ay wada qabteen labada urur ee kala ah Badda Cas iyo ururka qorayaasha Soomaalilaan, ayaa ka dhacay guriga ummadda ee Kista Träff, 26 bishii diisambar sannadkii 2014.
Haddii uu jiro qof qoraal ku haya suugaanta abwaanka, waxa aan jeclaan lahaa in uu faafiyo, si ay dadku u akhristaan iyo waliba si loogu fududeeyo cid kasta oo wax ka qoraysa suugaanta abwaanka. Waayo, haddii qoraalku ku jiro intarnatka way fududahay in ay cid kastaba helo.
Waxaan kale oo aan ka codsanayaa ciddii wax qoraal ah ku haysa suugaanta abwaanka in ay si gaar ah iigu soo diraan, iyada oo lagu soo hagaajinayo ciwaankayga hoosta ku qoran.
Wargelin: Mar aan abwaanka waydiiyay bal in uu buug ku kaydiyay suugaantiisa iyo in kale, waxa uu ii sheegay in hadda gacanta lagu hayo oo uu gebogebo ku dhaw yahay buug laga qoray abwaanka. Waxaanu abwaanku ii sheegay in uu buuggaasi gacanta ku hayo qoraaga weyn ee Cabdiraxmaan Faarax ( Guri-Barwaaqo), oo ah af-aqoon wax ka dhiga jaamacadda Hargeysa. Waxa aan rajaynayaa in buuggaasi dhawaan soo bixi doono.
Xigasho:
Mareegta Farshaxan, buugga Masiibadu adduunyada iyadaa u macallina iyo xog hadal ah oo uu abwaanku i siiyay intii uu Stockholm nala joogay iyo waliba xog wax ku ool ah oo aan ka helay rag dhawr ah oo suugaan-dhaadhi ah. Raggaasi waxa mudan in aan xuso; Axmed Xuseen Ismaaciil oo Sucuudiga jooga, Ilyaas Cabdi Carte oo ku nool dalka Taylan ( Thailand ), Yuusuf Xaaji Cabdillaahi Xasan iyo Sayid Maxamed Yuusuf ( Dhegey ) oo ku nool waddanka Iswiidhan ( Sweden) iyo waliba Cabdillaahi Xasan Xaaji Cabdillaahi oo ku nool dalka Maraykanka.
Soo-diyaarintii Muuse Maxamuud Ciise ( Dalmar ).
Warfidiyeen ka hawlgala idaacadda caalamiga ah ee Iswiidhan ( Radio Sweden International ), ahna arday wax ka barta jaamacadda Stockholm ( Stockholm University)
Taariikhda: Axad, 4/janaayo/2015, Stockholm, Sweden.
dhammaad
No comments:
Post a Comment