Qaybtii 10aad
Wiilkii
dhalinyarada ahaa markii uu ku dhaartay inaanu gabadhaa ka tegayn ayaa waxa loo
qaatay inuu doonayo inuu faraxumeeyo ileyn meher u qaban-maayo oo nin baa
qaba’e,
laakiin ilma-abtiyadii iyaga oo aan dhaartiisii cidna uga sanqadhin
ayaa maalintii ay is lahaayeen ambabixiya ayey lacag siiyeen , sibraarna waxay
ugu shubeen caano badhax ah, muqmadna waa la siiyey, sidaas ayey wiilkii
ilma-abtiyadii ku ambabixiyeen oo ay ku nabadgelyeeyeen, laakiin barqadii
markii uu meel dhexe marayey ayuu soo noqday oo uu gurigii gabadhii Maydhan isa
soo taagay. Markaas ayaa la is waydaarsaday "Waar reerkow iyo yeedhnay iyo
i waraabiya", ka dibna ninkii Maydhan qabay oo aqalka ku jira ayaa yidhi
"Naa ninka xiligan harraadani waxba kama noola’e biyaha u badhxa", ka
dibna gabadhii Maydhan ayaa biyaha kalaxa u dartay wiilkii oo debedda taagan,
laakiin dhiibistii ay biyihii u dhiibtay ayuu galaankii biyaha inta uu tuuray
gabadhii Maydhan gacanta qabsaday oo uu faraska fan-dambeedkiisa ku ritay
cidhibta iyo jeedalka isu raaciyey faraskii, ka dibna uu la galbadday.
Markii qiyaas ilaa sagaashan KM ah ka fogaaday
gurigii uu gabadha ka qaatay ayuu intuu faraskii joojiyey oo uu wadada dhinac
uga degay ayuu Maydhan sheeko iyo haasaawe macaan u saaray, iyana waaba ka
heshay, waxaana lagu heshiiyey inay tahay gabadh uu la soo tegay, sidaana ay
dadka u sheegaan, ka dibna sidii ayey ku warameen markii Ooshii tageen, waxaana
loo dhisay aroos kii horeba ka wacdaro badan, waxaase dhaqanku ahaa inay
islaamuhu gabadha marka la arooso kala gooyaan, iyadoo marka la kala gooyo maro
cad la hoos-dhigo si loo ogoodo inaanu qoddobku dhaawacnayn.
Wiilkii habeenkii u horaysay ee ay aqal galeen ayuu
bahal bilaawe ah bawdadiisa ku dhuftay, halkaas oo maradii cadayd hoos dhigay
dhiigii bawdadiisa ka soo qulqulay, ka dibna islaamihii ay arkeen ayey
mash-xarad ku dhufteen, iyaga oo moodaya inuu wiilkii gabadhii ugubka ahayd
kala goostay, waxayna islaamihii ku heeseen heestii afgarashada ahayd marka ay
sidaas oo kale dhacdo, iyaga oo yidhi "Qaraxdayeey ninka maxaa lagu
qaboojiyaa", laakiin sidoo kale ninku marka uu hawshiisa gudan kari
waayo waxa loogu heesi jiray "Ribatayeey meesha miyaan rag helineey".
Heesahaas oo dhawr goor lagu cel-celiyo. Hase
yeeshee fiidkii ayey reerihii Maydhan laga soo dhacay ee qabay tabeen oo la
yidhi "Tolow Maydhan xagee bay jirtaa ma maqashii bay doontay adhigii ayey
doontay". Laakiin wiil-yar oo arkayey markii Maydhan faraska lagu ritay
ayaa yidhi "Saw tii saaka raacday faraskii ninku watay". Ninkii
Maydhan qabay waa waashay oo waxay kaga dhegtay Maydhan, taas oo wax kasta oo
la waydiiyo uu kaga jawaabo Maydhan. Sidaa darteed geedigii koowaad ee uu
reerku guuro waxa lagu taxaabay xadhig, geedigii labaadna waxa lagu
xidhiidhiyey Awr, ka dibna talo waxay noqotay inay barbaartii ragga ahayd ee
reeraha joogtay yidhaahdaan "Waanu duulaynaa", laakiin odayaashii
ayaa yidhi "Horta aynu dirno konton nin oo ergo ah oo codkar iyo culimoba
leh", dabadeedna taladii odayaasha ayaa la raacay, waxaana Duullane
reerahoodii ayaa loo tegay oo lagu yidhi "Gabadhaas Maydhan waa
xaaskayagii, iyada ayaanuna u socoanay ee hanaloo celiyo"...
Gar dad-ban:
Qoladii ergada ahayd markii ay yidhaahdeen
gabadhaasi waa xaaskayagii ee hala nala siiyo ayey odayaashii waxay
waydiiyeen Duulane iyo Maydhan arinta la sheegayo, laakiin waxay sheegeen inay
isla soo tageen, ka dibna odayaashii Duullane xagiisa ka soo jeeday ayaa
ergadii ku yidhi "Waad aragtaanoo garaw ma hayno, annaguna waxba ma ogin,
idinkuna markhaati ma wadataan, sidaa awgeed noo dhaarta", ka dibna waxay
yidhaahdeen "Waanu idiin dhaaranaynaa", intaa ka dibna waxa qoladii
ergada ahayd laga shubay saddex walle, bille. Dabadeedna markii ay dhaartii
dhacday ayey odayaashii Duullane yidhaahdeen "Arintii inagu caddaatay,
nimankan reer hebel ee inoo yimina fan-dadab iyo xilo kala qaadis xeer uma
lihin, innaguna hadda curin mayno oo taa xeer ka dhigi mayno, sidaa darteed
Duullane ha soo celiyo Maydhan", laakiin Duullane waxa uu taa kaga
jawaabay tix gabay ah, isaga oo yidhi:
Col hay dilo, cadaabtii an tago, caanana an-waayo,
Cirku haygu soo dumo intaan celin lahaa Maydhan."
Duullane markii uu gabaygaa tiriyey ayey ilma-adeeradiina ku raaceen, iyaga oo sheegay inay hiil iyo hooba la barbar taagan yihiin, dabadeedna talo cirka ayey isku shareertay, ka dibna waxay taasi keentay inay labadii qolo kala bixi waayaan oo ay isku murgaan. Laakiin rag labada qoloba u siman oo xigaalkood ah ayaa xaajadii ku soo gaadhay oo ku yidhi "Waar arrinta nagu sima". Ka dibna waxa laga qaaday kalsooni iyo dhaar ah inaanay qolona diidayn wixii ay arinta ka soo gooyaan, dabadeedna labadii qoloba way bixiyeen kalsoonidii iyo dhaartii, laakiin markii ay qoladii dhexda ahayd arintii gorfeeyeen waxay gartii saareen qoladii Maydhan haysay, waxayna ku xukumeen 100 halaad oo ah ninkii Maydhan qabay ee waashay markii laga dhacay iyo xoolihii yaradka loogaga qaatay Maydhan oo ka koobnaa 50 halaad oo dhogor ah, Faras iyo Qori iyo weliba 50 halaad oo xaal qabiilo ah, iyadoo ay dhinaca kalena ay gabadhii Maydhan haysato wiil ay qolo waliba dhinaceeda ugu dacwiday inuu wiilkoodii yahay oo ay iyaga u dhashay, wiilkaasna waxa laga xukumay 50 halaad oo loo celiyey qoladii ergada ahayd ileyn waa gar muslax oo cidna ma qadisee.

Marka aynu intaa kaga gudubno tusaalayaashii noocyada garaha, isla markaana
gogol-xaadh u ahaa garta cadaawe oo u qaybsanta laba nooc oo kala ah:
Gar-shareeco:
Garta shareecadu waxay leedahay Millad
(Dhaar) iyo Markhaati, isla markaana waxa u dhaqan ah "Carrab
eegato", taas oo macneheedu yahay inay guddiga gar-qaadaysaa wax ku kala
xukunto wixii ay afka ka yidhaahdaan dhinacyada dacwaddu ka dhexayso ama
markhaatiyadu yidhaahdaan. Laakiin garta caynkaas ah waxa uu xukunkeedu yahay
inaanay dadka waxba u qaybin ee ninkii gartu u dhacdo oo qudha wax siisa.
Tusaale ahaan waxa la yidhi nin Yuhuudi ah ayaa Caano u dhiibtay nin muslin
ah, ka dibna ninkii muslinka ahaa ayaa caanihii yuhuudigu u dhiibtay qaar
cabbey, dabadeedna ninkii Yuhuudiga ahaa iyo ninkii muslinka ahaa way is
qabsadeen, ka dibna waxay isula tageen Nebi Maxamed (N.N.K.H) iyo Cali Binu
Abii Daalib. Ninkii Yuhuudiga ahaa ayaa yidhi "Nebi allaw caano ayaan u
dhiibtay ninkaa, dabadeedna caanihii ayuu badh iga cabay". Ninkii
muslinka ahaa ayaa isna yidhi "waxba kama cabin",
laakiin Cali
Binu Abii Daalib oo arka caanihii oo ninkii muslinka ahaa calooshiisa ka
muuqda ayaa is yidhi farta ku fiiq oo waxaad tidhaahdaa "Sow kuwaa calooshaada
ka muuqda", laakiin nebiga oo is-ba arka ayaa Cali gacanta qabtay oo ku
yidhi "Sug Caliyow waxaad aragto aniguba waan arkaaye". Ka dibna
nebigii ayaa ninkii Yuhuudiga ahaa ku yidhi "Markhaati ma
haysataa", Yuhuudigiina wuxuu ku jawaabay "Maya ma haysto
markhaati", intaa ka dibna nebigu ninkii muslinka ahaa ayuu ku yidhi
"Ku dhaaro inaanad caanihiisa badh ka cabbin', laakiin ninkii muslinka
ahaa wuu ka joogsaday dhaartii, dabadeedna nebigii wuxuu ku yidhi ninkii
muslinka ahaa "Ninka caanihii aad ka cabtay sii". Waayo hadii sidii
Cali garta loo niqi lahaa suurtagal ma noqoteen, waayo inagu ma ogin waxa
caloosha ku jira ileyn arintaa ilaahay baa xikmad uga dan lahaaye. Sidaa
darteed gartu waxay u ka maarmin wayday in wixii la isku dafiro Millad ama markhaati
lagu kala sed-qaado.
Gar-xisdi:
Gartani waxay ka
mid tahay garaha xeer-beegti, waxayna inta badan martaa inta ay marto garta
shareeco. Laakiin inta aynaan u gelin aynu ugu horayn macnayno halka asal
ahaan laga soo dheegtay ama laga soo xigtay saddexda erey ee kala ah: Gar,
Xeer iyo Beegti.
Gar:
Gar waa xadhiga
dardarta leh ee inta ninka lagu xidho ka dibna geed qudhaanjo leh laga soo
laad-laadiyo, isaga oo u xidhan sida askarta loo figeeyo.
Xeer:
Xeerna waxa
weeye xadhiga aqal Somaliga marka la dhiso dusha lagaga xeero ama Awrku marka
uu raran yahay dusha lagaga xidho.
Beegti:
ereyga beegtina
waa ku beeggan (u qalma) ama aqoon u leh. Laakiin sida ay mihnad kasta ama uu
mawduuc kastaa u leeyahay luqad ama weedho u gaar ah ayey gartuna u leedahay
weedho u gaar ah (Terminology), sidaa darteed inta aynaan gelin tafaasiisha
garaha waxaynu marka hore baranaynaa erey bixinta garaha. Si aad u fahamtaa
midhaha iyo macnaha garaha...
La soco…..qaybaha
dambe hadii alle idmo
Waxa diyaariyay
Cumar Caara-dhuub
Xigasho Mareegta
Hoyga Noocyada Garta Ee Dhaqanka U Ah Soomaalida
Qaybtii 10aad
Wiilkii
dhalinyarada ahaa markii uu ku dhaartay inaanu gabadhaa ka tegayn ayaa waxa loo
qaatay inuu doonayo inuu faraxumeeyo ileyn meher u qaban-maayo oo nin baa
qaba’e, laakiin ilma-abtiyadii iyaga oo aan dhaartiisii cidna uga sanqadhin
ayaa maalintii ay is lahaayeen ambabixiya ayey lacag siiyeen , sibraarna waxay
ugu shubeen caano badhax ah, muqmadna waa la siiyey, sidaas ayey wiilkii
ilma-abtiyadii ku ambabixiyeen oo ay ku nabadgelyeeyeen, laakiin barqadii
markii uu meel dhexe marayey ayuu soo noqday oo uu gurigii gabadhii Maydhan isa
soo taagay. Markaas ayaa la is waydaarsaday "Waar reerkow iyo yeedhnay iyo
i waraabiya", ka dibna ninkii Maydhan qabay oo aqalka ku jira ayaa yidhi
"Naa ninka xiligan harraadani waxba kama noola’e biyaha u badhxa", ka
dibna gabadhii Maydhan ayaa biyaha kalaxa u dartay wiilkii oo debedda taagan,
laakiin dhiibistii ay biyihii u dhiibtay ayuu galaankii biyaha inta uu tuuray
gabadhii Maydhan gacanta qabsaday oo uu faraska fan-dambeedkiisa ku ritay
cidhibta iyo jeedalka isu raaciyey faraskii, ka dibna uu la galbadday.
Markii qiyaas ilaa sagaashan KM ah ka fogaaday
gurigii uu gabadha ka qaatay ayuu intuu faraskii joojiyey oo uu wadada dhinac
uga degay ayuu Maydhan sheeko iyo haasaawe macaan u saaray, iyana waaba ka
heshay, waxaana lagu heshiiyey inay tahay gabadh uu la soo tegay, sidaana ay
dadka u sheegaan, ka dibna sidii ayey ku warameen markii Ooshii tageen, waxaana
loo dhisay aroos kii horeba ka wacdaro badan, waxaase dhaqanku ahaa inay
islaamuhu gabadha marka la arooso kala gooyaan, iyadoo marka la kala gooyo maro
cad la hoos-dhigo si loo ogoodo inaanu qoddobku dhaawacnayn.
Wiilkii habeenkii u horaysay ee ay aqal galeen ayuu
bahal bilaawe ah bawdadiisa ku dhuftay, halkaas oo maradii cadayd hoos dhigay
dhiigii bawdadiisa ka soo qulqulay, ka dibna islaamihii ay arkeen ayey
mash-xarad ku dhufteen, iyaga oo moodaya inuu wiilkii gabadhii ugubka ahayd
kala goostay, waxayna islaamihii ku heeseen heestii afgarashada ahayd marka ay
sidaas oo kale dhacdo, iyaga oo yidhi "Qaraxdayeey ninka maxaa lagu
qaboojiyaa", laakiin sidoo kale ninku marka uu hawshiisa gudan kari
waayo waxa loogu heesi jiray "Ribatayeey meesha miyaan rag helineey".
Heesahaas oo dhawr goor lagu cel-celiyo. Hase
yeeshee fiidkii ayey reerihii Maydhan laga soo dhacay ee qabay tabeen oo la
yidhi "Tolow Maydhan xagee bay jirtaa ma maqashii bay doontay adhigii ayey
doontay". Laakiin wiil-yar oo arkayey markii Maydhan faraska lagu ritay
ayaa yidhi "Saw tii saaka raacday faraskii ninku watay". Ninkii
Maydhan qabay waa waashay oo waxay kaga dhegtay Maydhan, taas oo wax kasta oo
la waydiiyo uu kaga jawaabo Maydhan. Sidaa darteed geedigii koowaad ee uu
reerku guuro waxa lagu taxaabay xadhig, geedigii labaadna waxa lagu
xidhiidhiyey Awr, ka dibna talo waxay noqotay inay barbaartii ragga ahayd ee
reeraha joogtay yidhaahdaan "Waanu duulaynaa", laakiin odayaashii
ayaa yidhi "Horta aynu dirno konton nin oo ergo ah oo codkar iyo culimoba
leh", dabadeedna taladii odayaasha ayaa la raacay, waxaana Duullane
reerahoodii ayaa loo tegay oo lagu yidhi "Gabadhaas Maydhan waa
xaaskayagii, iyada ayaanuna u socoanay ee hanaloo celiyo"...
Gar dad-ban:
Qoladii ergada ahayd markii ay yidhaahdeen
gabadhaasi waa xaaskayagii ee hala nala siiyo ayey odayaashii waxay
waydiiyeen Duulane iyo Maydhan arinta la sheegayo, laakiin waxay sheegeen inay
isla soo tageen, ka dibna odayaashii Duullane xagiisa ka soo jeeday ayaa
ergadii ku yidhi "Waad aragtaanoo garaw ma hayno, annaguna waxba ma ogin,
idinkuna markhaati ma wadataan, sidaa awgeed noo dhaarta", ka dibna waxay
yidhaahdeen "Waanu idiin dhaaranaynaa", intaa ka dibna waxa qoladii
ergada ahayd laga shubay saddex walle, bille. Dabadeedna markii ay dhaartii
dhacday ayey odayaashii Duullane yidhaahdeen "Arintii inagu caddaatay,
nimankan reer hebel ee inoo yimina fan-dadab iyo xilo kala qaadis xeer uma
lihin, innaguna hadda curin mayno oo taa xeer ka dhigi mayno, sidaa darteed
Duullane ha soo celiyo Maydhan", laakiin Duullane waxa uu taa kaga
jawaabay tix gabay ah, isaga oo yidhi:
Col hay dilo, cadaabtii an tago, caanana an-waayo,
Cirku haygu soo dumo intaan celin lahaa Maydhan." Duullane markii uu gabaygaa tiriyey ayey ilma-adeeradiina ku raaceen, iyaga oo sheegay inay hiil iyo hooba la barbar taagan yihiin, dabadeedna talo cirka ayey isku shareertay, ka dibna waxay taasi keentay inay labadii qolo kala bixi waayaan oo ay isku murgaan. Laakiin rag labada qoloba u siman oo xigaalkood ah ayaa xaajadii ku soo gaadhay oo ku yidhi "Waar arrinta nagu sima". Ka dibna waxa laga qaaday kalsooni iyo dhaar ah inaanay qolona diidayn wixii ay arinta ka soo gooyaan, dabadeedna labadii qoloba way bixiyeen kalsoonidii iyo dhaartii, laakiin markii ay qoladii dhexda ahayd arintii gorfeeyeen waxay gartii saareen qoladii Maydhan haysay, waxayna ku xukumeen 100 halaad oo ah ninkii Maydhan qabay ee waashay markii laga dhacay iyo xoolihii yaradka loogaga qaatay Maydhan oo ka koobnaa 50 halaad oo dhogor ah, Faras iyo Qori iyo weliba 50 halaad oo xaal qabiilo ah, iyadoo ay dhinaca kalena ay gabadhii Maydhan haysato wiil ay qolo waliba dhinaceeda ugu dacwiday inuu wiilkoodii yahay oo ay iyaga u dhashay, wiilkaasna waxa laga xukumay 50 halaad oo loo celiyey qoladii ergada ahayd ileyn waa gar muslax oo cidna ma qadisee.
Col hay dilo, cadaabtii an tago, caanana an-waayo,
Cirku haygu soo dumo intaan celin lahaa Maydhan." Duullane markii uu gabaygaa tiriyey ayey ilma-adeeradiina ku raaceen, iyaga oo sheegay inay hiil iyo hooba la barbar taagan yihiin, dabadeedna talo cirka ayey isku shareertay, ka dibna waxay taasi keentay inay labadii qolo kala bixi waayaan oo ay isku murgaan. Laakiin rag labada qoloba u siman oo xigaalkood ah ayaa xaajadii ku soo gaadhay oo ku yidhi "Waar arrinta nagu sima". Ka dibna waxa laga qaaday kalsooni iyo dhaar ah inaanay qolona diidayn wixii ay arinta ka soo gooyaan, dabadeedna labadii qoloba way bixiyeen kalsoonidii iyo dhaartii, laakiin markii ay qoladii dhexda ahayd arintii gorfeeyeen waxay gartii saareen qoladii Maydhan haysay, waxayna ku xukumeen 100 halaad oo ah ninkii Maydhan qabay ee waashay markii laga dhacay iyo xoolihii yaradka loogaga qaatay Maydhan oo ka koobnaa 50 halaad oo dhogor ah, Faras iyo Qori iyo weliba 50 halaad oo xaal qabiilo ah, iyadoo ay dhinaca kalena ay gabadhii Maydhan haysato wiil ay qolo waliba dhinaceeda ugu dacwiday inuu wiilkoodii yahay oo ay iyaga u dhashay, wiilkaasna waxa laga xukumay 50 halaad oo loo celiyey qoladii ergada ahayd ileyn waa gar muslax oo cidna ma qadisee. Marka aynu intaa kaga gudubno tusaalayaashii noocyada garaha, isla markaana gogol-xaadh u ahaa garta cadaawe oo u qaybsanta laba nooc oo kala ah: Gar-shareeco:
Garta
shareecadu waxay leedahay Millad (Dhaar) iyo Markhaati, isla markaana waxa u
dhaqan ah "Carrab eegato", taas oo macneheedu yahay inay guddiga
gar-qaadaysaa wax ku kala xukunto wixii ay afka ka yidhaahdaan dhinacyada
dacwaddu ka dhexayso ama markhaatiyadu yidhaahdaan. Laakiin garta caynkaas ah
waxa uu xukunkeedu yahay inaanay dadka waxba u qaybin ee ninkii gartu u dhacdo
oo qudha wax siisa. Tusaale ahaan waxa la yidhi nin Yuhuudi ah ayaa Caano u
dhiibtay nin muslin ah, ka dibna ninkii muslinka ahaa ayaa caanihii yuhuudigu u
dhiibtay qaar cabbey, dabadeedna ninkii Yuhuudiga ahaa iyo ninkii muslinka ahaa
way is qabsadeen, ka dibna waxay isula tageen Nebi Maxamed (N.N.K.H) iyo Cali
Binu Abii Daalib. Ninkii Yuhuudiga ahaa ayaa yidhi "Nebi allaw caano ayaan
u dhiibtay ninkaa, dabadeedna caanihii ayuu badh iga cabay". Ninkii
muslinka ahaa ayaa isna yidhi "waxba kama cabin",
laakiin Cali Binu Abii Daalib oo arka
caanihii oo ninkii muslinka ahaa calooshiisa ka muuqda ayaa is yidhi farta ku
fiiq oo waxaad tidhaahdaa "Sow kuwaa calooshaada ka muuqda", laakiin
nebiga oo is-ba arka ayaa Cali gacanta qabtay oo ku yidhi "Sug Caliyow
waxaad aragto aniguba waan arkaaye". Ka dibna nebigii ayaa ninkii
Yuhuudiga ahaa ku yidhi "Markhaati ma haysataa", Yuhuudigiina wuxuu
ku jawaabay "Maya ma haysto markhaati", intaa ka dibna nebigu ninkii
muslinka ahaa ayuu ku yidhi "Ku dhaaro inaanad caanihiisa badh ka cabbin',
laakiin ninkii muslinka ahaa wuu ka joogsaday dhaartii, dabadeedna nebigii
wuxuu ku yidhi ninkii muslinka ahaa "Ninka caanihii aad ka cabtay
sii". Waayo hadii sidii Cali garta loo niqi lahaa suurtagal ma noqoteen,
waayo inagu ma ogin waxa caloosha ku jira ileyn arintaa ilaahay baa xikmad uga
dan lahaaye. Sidaa darteed gartu waxay u ka maarmin wayday in wixii la isku
dafiro Millad ama markhaati lagu kala sed-qaado.
Gar-xisdi:
Gartani waxay ka mid tahay garaha
xeer-beegti, waxayna inta badan martaa inta ay marto garta shareeco. Laakiin
inta aynaan u gelin aynu ugu horayn macnayno halka asal ahaan laga soo dheegtay
ama laga soo xigtay saddexda erey ee kala ah: Gar, Xeer iyo Beegti.
Gar:
Gar waa xadhiga dardarta leh ee inta ninka
lagu xidho ka dibna geed qudhaanjo leh laga soo laad-laadiyo, isaga oo u xidhan
sida askarta loo figeeyo.
Xeer:
Xeerna waxa weeye xadhiga aqal Somaliga marka
la dhiso dusha lagaga xeero ama Awrku marka uu raran yahay dusha lagaga xidho.
Beegti:
ereyga beegtina waa ku beeggan (u qalma) ama
aqoon u leh. Laakiin sida ay mihnad kasta ama uu mawduuc kastaa u leeyahay
luqad ama weedho u gaar ah ayey gartuna u leedahay weedho u gaar ah
(Terminology), sidaa darteed inta aynaan gelin tafaasiisha garaha waxaynu marka
hore baranaynaa erey bixinta garaha. Si aad u fahamtaa midhaha iyo macnaha
garaha...
La soco…..qaybaha
dambe hadii alle idmo
Waxa
diyaariyay Cumar Caara-dhuub
Xigasho Mareegta Hoyga Suugaanta Suugaanta
|
|
No comments:
Post a Comment