Qaybtii
5aad
Garta Dhaqanka.
Garta xeer-beegti marka la qaadayo waxa loo qaybiyaa ilaa afar nooc oo kala ah: Duco, Didiif, Dacwi iyo Maluug, kuwaas
oo ay mid waliba cadaymaheeda leedahay, isla markaana
waxa dhaqamada garta ka mid ah: Garta xeer-beegti marka la qaadayo waxa loo qaybiyaa ilaa afar nooc oo kala ah: Duco, Didiif, Dacwi iyo Maluug, kuwaas
Mar ninka loo hadlayo, mar uu isagu hadloonayo, mar uu hojiye leeyahay.
Waxa kale oo doodaha iyo erey-bixinta garta ka mid ah wax la yidhaahdo: Xadhig-xidhe, Feenis, Axala-cunsiis, Dacwi, Dhaabbad, Lad-haye, Qadood, guddoon, Ambiil, Dooc iyo Dareen, Bir-kuma goyn, Lug-dhaar ah IWM.
Laakiin sida aynu ognahay gari sideedaba waxay
timaadaa marka uu khilaaf ama iska hor-imaad ama ay dhibaato dhexmarto laba
qof, laba qabiil ama laba ummadood IWM, Somaliduna waxay tidhaahdaa, “Aynu wada hadalo waa aynu heshiino”,
taas oo macneheedu yahay marka ay laba dhinac gar isku soo horfadhiisanayaan
waa in laga heshiiyo, wayse dhici kartaa in garta lagu kala kaco oo laga
heshiin kariwaayo arimaha la isku hayo ama laga garnaqsanayo, ka dibna la kala
qaato mawqifyo ama go’aamo qalqalafsan.
Hase yeeshee marka ay gartu dhacayso ama gar la qaadayo waa inay goobta joogaan dhinacyada kala ah: Labada dhinac ee loo gar-qaadayaa, cidda garta qaadaysaa (Guddi garsoor), xidhayaasha labada dhinac, wixii markhaati ama caddayn ah ee aan garta looga maarmayn.

Waxa kale oo garta looga baahan yahay wax la
yidhaahdo Hagar-bey oo ah kharash
ama aduun laga qaado dhinacyadda garamaya, waxaana la siiyaa guddiga garta
qaadaya iyo waxyaalo kale oo aan garta looga maarmin ayaa intaa dheer.
Gartu marka ay bilaabato ee badka la soo wada fadhiisto guddiga garta qaadayaa waxay marka ugu horaysa ee ay gartu furanto wax hor su’aalaysaa ninka muduciga ah, waxaana ka mid ah su’aalaha la waydiinayo: Ma adigaa wax tirsanaya, haa marka uu yidhaahdo waxa hadana la waydiinayaa “Ma ka samraysaa waxa aad tirsanayso ama ma ka dul-qaadanaysaa gar iyo gardaro waxa ay doonto ha kugu ahaatee”,

Dabadeedna Maya hadii uu yidhaahdo, waxa loo
gud-bayaa ninka ama dhinaca madaacalayga ah (Cidda wax loo tirsanayo), waxaana la waydiinayaa su’aalo ay ka mid
yihiin: “Waxa laguu sheeganayo garaw ma ka haysaa ama ma ka bixinaysaa”, Maya
hadii uu yidhaahdo, muduciga ayaa xagiisa la eegayaa, waxaana lagu odhanayaa
“Garaw laguuma hayee, gar ceebla ma marsanaysaa”, Haa ayuu odhanayaa, ka dibna
madaacalayga ayaa lagu odhanayaa waxa laguu sheeganayo “Ma ka jid-baxaysaa”,
Haa marka uu yidhaahdo waxa nin walba la waydiinayaa, iyadoo muduciga lagu
horaysiinayo “Xidhahaagii ma wadataa”,
Haa marka uu yidhaahdana waxa lagu odhanayaa bilow hadalka oo gartaada marso,
ka dibna muducigu waxa uu hadalkiisa ku bilaabayaa, isaga oo la hadlaya
madaacalayga (Ninka wax loo sheeganayo),
ayuu su’aalayaa “Wax garaw ma ii haysaa”,
Maya hadii uu yidhaahdo, wuxuu hadana waydiinayaa “Hadii aynu axdar (Gar-adag) ismarino oo aan waxayga gar
kaaga helo ma qabtaa wixii dhibaabo ah ee ay arintaasi yeelato”, Madaacalayga
ayaa isna odhanaya Haa.
Intaa ka
dibna muduciga ayaa hadana odhanaya “Hadii aan kugu helo waxaa aan kuu
sheeganayo oo aad igu dhibaabayso waa jilib caro (Goobta gartu ka dhacdo ayaad igu siinaysaa oo igalama kacaysid)”,
ka dibna Madaacalaygii ayaa odhanaya “Wixii igu garooba ee aad igu hesho waa
iga bad-yaal, waxa aynu ku wada hadlaynaana gole-joog ha noqdeen”.
Tusaale ahaan hadii ay waxa lagu wada hadlayaa aduun yihiin waxa uu xeerka gartu yahay inay joogaan ama yaaliin golaha lagu garnaqsanayo oo ay gole-joog noqdaan, ama hadii kale waa inuu ninka xidhaha ahi ballan-qaado inuu waxaa keenistooda masuul ka yahay, taas oo hadii uu ninkii uu xidhaha u ahaa wixii keeni waayo isaga (Xidhaha) lagu yeelanayo. Intaa marka meel lagu tiiriyo waxa markaa si toos ah u bilaabmaya dooddi dacwadda, iyadoo uu bilaabayo muduciga ama ciddii uu u igmadday.Garta Dhaqanka Iyo Xeerarka

La soco.. qaybta damne hadii alle idmo
Waxa qoray Cumar Caara-dhhuub
Xigasho mareegta Hoyga Suugaanta
No comments:
Post a Comment