Sannadkan cusub ee 2015 bishii hore ayaan u socdaalay Dalka Yemen ee Gacanka Berbera inoo dhexeeyo. Baddaasi waxa la odhan jiray oo Muslimiinta iyo Carabtuba ku qoreen
kutubtii hore intaan Khawaajuhu dunida maskaxda ka qabsan “Gacanka Berbera” ama “Khaliij Berbera”
isticmaarkii Ingiriiska ayaa ka dhigay “Gacanka Cadan” markuu halkaas qabsaday. Waxaan sii maray Magaalada Djibouti ee Jamhuuriyadda Djibouti, halkaas oo aan diyaarad ka raacay. Waqtiga Duulimaadka diyaaraddu waxa uu dhammaa 45 daqiiqo illaa Magaalada Tacis ee aan u socday.
Sida ninka tixdan gabayga ah lihi uu uga calaacalay faraskiisa ee ugu caloolyoobay socdaalkan buurta Manaa ee Calmadaw ee Laas-qoray ku dul taal iyo durdurada moon ee uu sii jibaaxayo, isaga oo aroos dhawr jeer baaqday ku socda, ayaan anna ka caloolyoobay socdaalka Yemen ee waqtigan aniga oo sidiisa ardaadig u ahaa inankaygii u yaraa oo gabadh reer Yemen ah ay wada sheekaysteen.
Xuutiyiinta shiicadaha iyo Al-qaacidda Yemen ayaa ku herdamaya dalkaasi iyo cir ka soo dhaca ama darooniska Maraykanka. Labada kooxood waxa la kala socda oo ku milmay dhalliyarro Soomaali ah, taas oo iyana khatarteeda lahayd.
Waxa aan xusuustay aniga oo ka mid ahaa wefti Somaliland ahaa oo dawladda Yemeni martiqaaday oo diyaarad Hargeysa ugu soo dirtay sannadkii 1999 bishii febarwari. Weftiga waxa hoggaaminayey Madaxweyne Marxuum Maxamed Xaaji Ibraahim Cigaal, waxa ka mid ah Wasiirkii Arrimaha Dibadda Marxuum Maxamuud Saalax Nuur ( Fagadhe), Wasiirkii Gaashandhigga Mudane Rashiid Xaaji Cabdillaahi iyo aniga [Maxamed Saciid Gees] oo ahaa Wasiirka Qorshaynta Qaranka iyo Xoghayihii Madaxweynaha Cabdiraxman Kubaddo.
Waxa aan gurigiisa kula barjaynay oo na martiqaaday Madaxweyne-ku-xigeenkii Yemen oo ahaa Cabdirab, Mansuur Al Hadi, oo mar dembe Madaxweyne ka noqday Yemen oo ayaan dhoweydna is-casilay markii jabhaddan Xuutiyiintu Sanca qabsatay. Isaga oo ay weheliyaan Wasiirro iyo madax kale oo dawladda Yemen ka mid ahaa.
Waxa xusud mudan xubnaha weftigayagu waxay aad u wada yiqiineen ku hadalka afka Carabiga aanu ku kala xariifsanaanee. Sidaas darteed sheekado waxay ku socotay af-carabi. Marxuun, Fagadhe oo reer Cadmeed ahaa ayaa aad uga sheekeeyey siyaasadiintii iyo abwaanadii iyo joornaalladii Yemen, gaar ahaan Cadan oo uu ku noolaa muddo badan.
Aroortii dembe waxaan la kulanay oo na qaabilay Madaxweyne Cali Cabdulle Saalax oo dalkaas xukumayey muddo 33 sanno ah oo xilka laga fadhiisiyey sannadkii 2011.
Waxa goob-joog fadhiga ka ahaa qoladii aanu habeenkii wada barjaynay. Madaxweyne Cali Cabdulle waxa uu ka yaabay ballaadhka iyo baaxadda xubnaha weftigayaga oo waxaanu ahayn Marxuum Cigaal, Marxuum Fagadhe Rashiid iyo aniga [Gees]. Gedigayo waxaan ahayn dad qaro waaweyn oo ciyalsan.
Waxa uu Cali Cabdule yidhi; “Waar Reer Somaliland Cayilaad badanaa.” Cigaal ayaa u jawaabay oo yidhi; “Xoolihii Carabtu naga xayirtay ayaanu ku cayilnay.” Markaas oo xoolaha Soomaaliyeed ee loo dhoofin jiray dalkeeda ay xayiraad saartay Boqortooyada Sucuudigu.
Haasawahaas ka dib waxa uu hadalkii ku soo koobay Madaxweyne Cali Cabdale “Aad ayey igu warrameen qoladaydii aad xalay la kulanteen. Horena waa uga war hayey Ardda Soomaal (Somaliland). Waa la socdaa horumarka aad ka gaadheen, dhinaca dawlad dhisidda iyo nabadaynta, qolada reer Koonfureed (Soomaaliya) halkan ayaan madaxdooda ku qaabilay, nimankaasi ma ah kuwa dal iyo dawlad dhisaya ee waa kuwa dano gaar ah wata.
Waxaan idiin sheegayaa Jaamacadda Carabta iyo dalalka ku jiraa inaanay marna oggolaanayn in Jamhuuriyaddii Soomaaliyeed ay kala go’do oo Somaliland la ictiraafo, waayo waxay taas horseedaysaa waddamo badan oo Carab ihi inay kala go’aan oo aan maslaxdayada ama dantayada ahayn, sida dalkan Yemen, Ciraaq , Sudan iyo Libiya. Sidaa darteed, tallo odaynimo ayaan idin siinayaa. Idinka oo sidiinaa u dhisan sheegta Dawladii Jamhuuriyadda Soomaaliyeed ee galabtay, deeto kursiga Jaamacadda Carabta ku fadhiista, Yemen ayaa ugu horreynaysa ictiraafkiina, dalalka khaliijkana dhaqaale aad dalka ku dhisataan ayaan idiinla raadinayaa iyo ictiraaf. Arrintaas ka soo tashada oo kula noqda dalkiinii iyo dadkiinii ha ku degdegina hadda.”
Weftigii waxa uu u sii gudbay magaalada Qaahira iyo dalkaasi Masar oo iyana martiqaaday. Habeen aanu joognay Qaahira ayaa Madaxeyne Cigaal nagu martiqaaday saddexdayadii Wasiir casho huteelka aan ku jiray. Waxa uu na warsaday sida aanu u aragnay soo jeedintii Madaxweyne Cali Cabdalle Saalax ee ku saabsanayd masiirka Somaliland. Labadii Wasiir ee kale way ka gaabsadeen inay fikrad toos ah uga dhiibtaan arrintii. Anigu waa aan ku dhiiraday oo waxaan u sheegay sidaan taladaasi u arkayey anoo aan hadda dib u tafatirayn (Afartayadii xog-ogaalka u ahaa arrintaasi laba ayaan ifka ku joognaa aniga iyo Rashiid Xaaji Cabdillaahi.
Hadalkayga oo dheera waxaan ku soo koobayaa sidan: “Haddii taladaas la inagu raaco oo aan yeelno oo la inoo ictiraafo sida Cali Cabdle sheegay, qolada koonfureed waa ka hor imanayaan. Innagu sharciyadii ayaan kala wareegaynaa, wada hadla ayaa la ina odhanayaa, deeto marka aan heshiin wayno iska kala taga ayaa xigta innaga oo haysana ictiraafkii dunida.
Haseyeeshee, Yemeni miisaan Siyaasadeed malaha, kafiil ka weyn ayaa loo baahan yahay haddii hawshaas la gelayo . Markii aan hadalkii iyo cashadii dhamaysanay ee qolalkii lift-ka u raacnay ayaa Marxuum Cigaal yidhi intuu xagaygii u soo jeedsaday. “ waa sidaad sheegatay Geesaw’ sponsor’ ama kafiil weyn ayaa loo baahan yahay.”
Waqtiga sheekadaasi dhacday waxa hadda laga joogaa 16 sano, weli Somaliland cidi ma ictiraafin, Soomaaliyana dawlad dhisan weyday, hadda oo 20 kun oo ciidan ajanebi ahi ay illaalinayaan ayaa dunidu waraaba-u-taag dawlad ah loo dhisay oo la ictiraafay oo dhaqaale la siiyaa welise fari kama qodna.
Xigasho Tooshnews
No comments:
Post a Comment