Qaybta 4aad
Dhexmaraan,
arimahaas oo la xidhiidha mucaamilka nolosha hadii ay tahay marka ay
dhibaatooyin dhexmaraan iyo hadii ay tahay marka ay arimo dhaqan dhexmaraan.
ama
dabakha hogaamiyayaasha dhaqanka, sida, Caaqilka, Suldaanka, garaadka, boqorka
IWM iyo sidoo kale odayaasha beelaha hogaamiya ama u taliya.
Laba beelood iyo ka badan oo ku dhaqan isku degaan ama degaamo isku xig-xiga waxa had iyo goor ka dhexeeya xeerar ay ku wada macaamilaan, kuwaas oo ay ku kala baxaan marka ay arimo dhexmaraan, sida dilal, xoolo la kala qaado, dumar la faraxumeeyo IWM. Sidoo kale reer ama qabiilka dhexdiisu waxa uu leeyahay xeer hoosaad ay isku maamulaan ama ku macaamilaan dhexdooda.
Laba beelood iyo ka badan oo ku dhaqan isku degaan ama degaamo isku xig-xiga waxa had iyo goor ka dhexeeya xeerar ay ku wada macaamilaan, kuwaas oo ay ku kala baxaan marka ay arimo dhexmaraan, sida dilal, xoolo la kala qaado, dumar la faraxumeeyo IWM. Sidoo kale reer ama qabiilka dhexdiisu waxa uu leeyahay xeer hoosaad ay isku maamulaan ama ku macaamilaan dhexdooda.
|
Xanaanku
waxa weeye waxyaalaha la is taro, sida abaalgud, ina la isu baadi-celiyo, inaan
dumarka la kala faraxumayn, isla markaana aan la isu dhaafin qofta dumar ah ee
la qabo ama gabadha doonan, qofta dumar ah ee marka laga dhinto aan
dumaasheedda ninka leh loo dhaafin oo aanu nin kale guursan, inaan la isku
samayn waxyaalo meel ka dhac ah, sida dhirbaaxo, cay, xabbad la isku rido IWM.
Hadaba
hadii ay waxyaalahaasi dhacaan oo aanay labada qolo ama labada dhinac ee ay
kala gaadhay aanay markiiba dhamaysan ama la isaga dulqaaddan, waxa dhacaysa in
marka qofka wax loo tirinayo la gole keeno ee wax lagu cadaysto waxa jira xeer
ciqaabeed la mariyo qof, sida xaal lagu xukumo, iyadoo uu xaalku yahay xoolo
qofka wax trisanaya lagu dhaahiyo ama wixii uu trisanayey lagaga bogsiiyo. Waxa
kale oo uu xaalku noqdaa gabadh la siiyo qofka wax tirsaday.
Qof Jid leh:
Waxa
jira wax dadka iskaga darsama ama iskaga qaldama, taas oo ah garta iyo dawga,
masalan waxa jirta odhaah tidhaahda “Waa
gar, dawse ma aha”, sidaa darteed hadii aynu waxoogaa ka iftiimino waxa ay
kala yihiin garta iyo dawgu waa sidan:
Waxyaalaha
jidka ah waxa ka mid ah in qofka muduciga ah (Dhibanaha) marka loo garqaadayo wax kasta mudnaanta la siiyo sida:
Maxaa laguu geystay, ma samraysaa iyo inuu hadalka ku horeeyo, oogista
markhaatiga ku horeeyo, xiliga uu garta u diyaar yahay isaga (Muduciga) la hor waydiiyo IWM, Sidaa
awgeed waxyaalahan oo kale waa waxyaalaha uu qofku jidka u leeyahay.
Ta
kale marka wax la isku qabsado qofka wax lagu qabsadaa oo masalan neef xoolo ah
lagu qabsadaa waxa kula garnaqsan kara qof leh aniga ayuu neefkaasi ii dhashay
oo askunkiisa lahaa mooyee aanu kugula agrnaqsan karin nin leh waxaas ama
neefkaasi cid kale ayuu iga soo galay, sida kaalo ayaa la ii siiyey, yarrad baa
la ii siiyey, muquunno ayaa la ii siiyey IWM. Masalan waxaad maqlaysaa nin
tulud geel ah iibsanaya ama dhul iibsanaya oo leh hashaa ama dhulkaa hadii la
igu qabsado adigaa hadhow ii hadal tirayaa ma dhicinaya, markaa hadii lagugu
qabsado aduun cid kale kaa soo galay jidku waxa weeye cidii ay kaa soo galeen
ii gee ama cidii ay iga soo galeen ayaan kuu gaynayaa.
Waxa
kale oo jid ah inaad gartaada cid u igmato ama qarreen qabsato waa jid , inaad
ambiil qaadataana waa jid, sidoo kale inaad maganta, maatada aad masuulka ka
tahay ama qofka aan caqligiisu dhamayn inaad xaqooda baadi doontaa waa jid.
La soco.. qaybta damne hadii alle idmo
Waxa qoray Cumar Caara-dhhuub
Xigasho mareegta Hoyga Suugaanta
No comments:
Post a Comment