Wednesday, January 14, 2015

Sheeko Cajiib Ah "Gob iyo Gun Gogol wadaag ah"

Farxadda xaafaddan taal laga ma helo xaafaddaha dad ka ugu hodansan ku nool yihiin, rag iyo dumar’ba dad ka xaafaddan ku wadda nool waa qaar kaftama oo is jecel iskana war haya, dhib iyo dheef wixii u soo kardha.



Ka hor intay’naan u gundo dagin sheekaddanan aad ka u xiisaha badan aan qadar kooban sawir gacmeed ku muujiyo nolosha dhaqan dhaqaale ee xaafadda sheekadani ka dhacday iyo deegaankeedda. noocyadda ragga xaafaddan ku noolo waxa ay u kala baxaan sidan:
Rag wax shaqo ah aan hayn: raggani sida ay bilaa-camalka u yihiin uga ma qatana sheekadda iyo haasaawaha dumarka, waxa ay la sheekaystaan hablo ka war qaba shaqo la’aantooda laakiin rajo ka qaba, inay bari shaqo gali doonaan sidaana ku guursan doonaan, waxa kaliya ee dumarkani ay hayaan waa samir iyo rajo.

Rag shaqooyin wanaagsan haysta: raggani inta badan way u suurtowdaa inay guursadaan , waanay helayaan wixii reer lagu dhiqi lahaa xannuunka ugu weyn ee hayana waxaa la yidhaa “fulaynimo” waa inta aan annigu mid ahay’e,!!

Rag xaasas leh shaqooyin fiicana haysta isla markaana raba minyaro: inta badan raggani waa rag dumarkii hore ee ay qabeen raba in ay la guursadaan siday doontaaba ha u dhacdee, waxa ay doorbidaan in ay la haasaawaan dumar aad u da’yar. xaafaddan waxaa ka jirta (guur yaraan) walow xaafaddaha kale iyo magaalooyinka kale’ba la qabaan.
Haddaad akhyaarta rag iyo dumarba leh ee xaafaddan ka waraysato arrintaa guur yaraanta bal ku horree arragtida dumarka: markaad dhinaca dumarka ka soo jaleecdo guur yaraanta xaafaddan ka jirtaa waa “masiibo”, haddaad dhinaca ragga ka soo qoollaalido waxa dhiba kuma hayso. Si kasta oo labaddan arragtiyood u kala fog yihiin waxa ay ka midaysan yihiin inay dhalliisha dusha uga tuuraan (xukuumadda) kuna eedeeyaan in ay iyadu wax kasta oo dhiba ka masuul tahay.

Shakhsiyaad aad u tiro yar oo hablaha xaafaddan ka mida ayaa aaminsan in wakhtiga dheer ee ragga iyo dumarku haasaawaan ay tahay dhaqan xun isla markaan ku tilmaama wakhti lumis. Intaa haddaan ku soo dhaafo sharaxa guud aan u soo gundo dago, sheekaddii yaab ka badnayd ee la magaca baxday (gob iyo gun gogol waddaag ah)

16th august 1995 ayay fihiima iyo Aadan ku kulmeen meel laga dukaansado oo dad badan oo xaafadda ku nool yimaadaan, waxaanu u dhacay kullan koodu sidan :
Fihiima: Adeer allaab culus ayaan waddaa ee ila qaad guriga soo jeeda ayaan galaa’e,
Aadan: waan kula qaadayaa oo culayska kugu dhaafi maayo, laakiin waxaad igu tidhi kalmad aan dhibsaday.
Fihiima: ii sheeg haddalkaa aanad jeclaysan ee aan kugu idhi waxaan diyaar u ahay inaan kaa xaal mariyo.
Aadan: waa adeer
Fihiima: muuqaalkaaga markaan eegay kalmadaa ayaa af-kayga ka soo baxday, waxaan is idhi waa nin weyn oo masuula.
Aadan: masuul waan ahay inaan kula haasaawo ayaan doonayay waanan ka xumaaday markaad “adeer” I tidhi.
Fihiima: dhib ma jirto kolay raggu mar walba waa haasaawi karaan.
Aadan: waxaa la soo gaadhay gurigiinii waxaan jeclaan lahaa inaad tilifoonkaaga ii sheegto?
Fihiima: waa XXXXXX
Aadan: anna waa XXXXXX waan xidshiidhi doonaa haddii allah yidhaa kullanti danbe oo xiiso leh.
Haddaan intaa kaga nimaad’no kullan kii ugu horreeyay ee dhex mara fihiima iyo Aadan aan midba gaar kiisa wax uga taataabano Qofnimadooda ahaan.
Fahiima……
Awood uma lihi inaan fihiima qalin ku sawiro, shakhsiyadda dahabiga ah ee fihiima (Alle) siiyay way ka weyn tahay mid qalin lagu koobo, anigoo dareemaya in ay danbi igu tahay inaan dhawr meeris ku soo koobo badweynta Qofnimada hodanka ah ee fihiima, fihiima muuqaal ahaan :
- Ma buurnayn mana dhuubna,
- Ma casa mana madooba,
- Ma dheera mana gaabna,
Waxaabad moodaa inantii Alle ha u naxariistee Abwaan maxamed Xaashi dhammac gaarriye lahaa 
“cayil maaha laga dido,
caatana umay bixin,
cid kastaba u geeyoo,
meel laga cannaantiyo,
cilad looma heli karo,
Ma cod dheera waa gabadh,
xishood baa u caado ah,
cimri waa gaban wali,
caqli waa u waayeel,
cidhib baanay leedahay”,
intaasoo qurax iyo wanaag ah fihiima waxa ay raacsatay akhlaaqad wanaagsan/ dabeecad wanaagsan/dhaqan wanaagsan/ waalid addeecnimo iyo in ay dhammaan dad ka u naxariisto.
Aadan…
In kasta oo aqoon guud mooyee mid gaara aanan u lahayn Aadan, haddaan intaan ka arkay uun wax ka idhaa, muuqaal ahaan waa nin dheer, noloshiisa inta ugu badan wuxuu ku qaatay barashadda aqoonta maadiga ah, sidaan war ku helay wakhtigii koritaankiisa Aadan ma helin jeceyl hooyo iyo mid aabo midna, waxaanu ku koray nolol adag, dabeecaddiisuna waxaad moodaa in ay ka yar duwantahay dad ka deegaankaa ku nool, sababtuna waa isagoo wax barashaddiisa ku soo qaatay qurbaha, Aadan da’ ahaan wuxuu leegaa fihiima aabeheed, waxaanu lahaa xaas iyo carruur waaweyn.
Bilowga haasaawehoodda waxa ay isku direen farriimahan, dhinaca fihiima waxaa ka timid farriintan:- 
“Ku xurmeeyay sidii waalid,
ku xafiday sii ubad,
waxaad xero ku leedahay,
wadnahaygan kuu xallan’oo,
waan kugu xamdiyayaa”, 

dhanka Aadan:- 
inan yahay rag iyo dumar,
ruuxaad is barataan,
kaa raysan maayee,
waabu kuu riyaaqaa,
rabi igu og inan yahay,
wali waan ku raadshaa,
canbe yahow rakada koray,
waaban kugu riyoodaa”,

Maxaa ka danbeeyay kalgacaylkaa iyo farriimahaa macaanka badan ee ugub ka ahaa e la isku dirayay?!.
27th December 1995. waxaa dhacay dadab-galkii Aadan iyo Fihiima, sidii Asoolka ahay bishii malabka si wanaagsan ayay u wadda raaxaysteen, wax khilaafana ma soo dhex galin amintaa, intaa ka gadaal waxaa soo baxay dabeecadda dhabta ah ee Aadan taasoo ahayd inuu yahay (nin aad u hinaase badan) intaana ay u dheertay (dabeecad xumo) iyo inuu gacan ka haddal yaqaanno.
Dhacdooyinkii tiiraanyadda lahaa iyo maalmihii qadhaadhaa ee dhex maray fihiima iyo Aadan aan dhawr ka mida halkan ku soo qaadano, iyadoo aan filayo inay cashar nololeed inoo noqon doonto meel kasta oo aan dunida kaga kala noolnahay.
10th January 1996. Waxa ay ahayd maalintii ugu horreysay ee intii ay fihiima aqalka lahayd ay dibadda u baxdo, waxa ay booqatay ehel iyo asaxaab intii ay iskugu dhawaayeen, kaftankii iyo sheekaddii ayaa la tarraaraxday waxa ay’na Goorsheegta qooraansatay ku dhowaad 10:00pm- habeennimo, isla markiiba way hinqatay, waxaanay u soo dhaqaaqday dhinacaa iyo gurigeeda oo loo soo raaco “bas” qiyaastii u socda (saacad badhkeed) fihiima marka ay albaabka aqalkeedda garaacday, isla markiiba waxaa si dag-daga ah oo cadho ku dheehantahay uga furay Aadan,

Fihiima: Asalaamucalaykum walaal
Aadan: halkeed ku soo habsaanatay ?
Fihiima: asaxaabtii ayaan yar bookhday.
Aadan: asaxaab saacaddan laguma maqnaadee miyaad runta iska sheegtid, waxaad ka timid jecaylkaagii horre’e,
Fihiima: walaal maxaad igula hadlaysaa waad ogtahay inaan aroos cusub ahaye.
Intaas hadday is-dhaafsadeen, wuxuu Aadan bilaabay inuu gacanta ka hadlo, isagoo feedh inta awoodiisa ah uu isla kala jiiday kala eegtay isha bidix hoosteeda, markiiba waxaa qaraxday oo banaanka u soo baxday “xaydha isha” habeenkii oo dhan dhiig ayaa ka socday, subaxdii marka ay dhakhtarka tagtay waxaa la tolay {shan qodod} nabarkaa ciddii gaadhsiisay haba yaraatee fihiima ma sheegin, markay dad ku wax ka waydiiyaanna waxa ay odhanaysay daaqad ayaa igaga dhacday.

23 th March 1997. Subaxdaa waxaa da’ay roob dhammaan dad ka magaaladda dagan ay ku il iyo maan doogsadeen, waxaa bannaanka ku maqnayd ilmo yar oo Aadan iyo fihiima ay dhalleen oo malcaamad quraan ka soo dhiganaysay, wakhtigii caadadda ahayd inay inantaa yari guriga ku soo gaadho ayay dib uga dhacday qadar yar, Aadan wuxu waydiiyay fihiima inan tii maanta maxaa ku dhacay? Fihiima’na waxa ay ugu jawaabtay garan maayo’e, waxaan ka soo eegi madarasaddii, Aadan intuu haddalkii kor u qaaday ayuu yidhi: maxaad ka doondooni Maaraysiga waxa ay ka hiddo raacaysaa hooyo’deed iyo ayay’deed’e, marka ay aragtay fihiima inuu af-lagaaddo iyo deel-qaaf waddo, way ka aamustay.
19th October 1990. Waxa ay ahayd hebeenkii ugu naxdinta badnayd wakhtigii fihiima badhweynta murugadda ah ay dhex dabaalanaysay, suuqa ayay ka shaqayn jirtay fihiima oo waxa ay soo saari jirtay “quutul darruuriga xaafadda” waxaa dhacday in ay habeen hore bas u wayday, marka ay gurigii soo gaadhay ee uu Aadan albaabka ka furray waxaa afkiisa ka soo baxday kalmad in lagu dhawaaqo iska daaye xitaa inaan qoro aan ka xishoonayo (hambodii waad iga la soo raagtay) oo haddii si qaawan loo sheego noqonayso nin kale ayaad ka timid oo waad soo hawl dhammaysatay!! 

Fahiima oo aad uga cadhootay haddalkaa deel-qaafka ah ayaa ugu jawaabtay “haa”, habeenkii sidaa lagu kala seexday dhinaca fihiima wax dhibaato ah kama jirto haddaladda la isku tuurtuuray mooyaane laakiin dhinaca Aadan waxaa ka jirta callool xumo weyn, waxaanu go’aan ku gaadhay inuu habeenkaa Xaaskiisa nafta ka qaado,wuxuu diyaarsaday (mindi) oo hoos galiyay furraashka hoostiisa dhinaca uu isagu kaga hurdo , tilifoonka gacantana wuxuu ku buuxsaday (2:00pm) saqdhexe habeennimo, wakhtigu waa hilaac ordayee waxaa la gaadhay wakhtiguu doonayay ee uu saacadda ku buuxsday, isagoo shanqadha yaraynay kana baqay inay ku barraarugto xaaskiisu ayuu aayar mindiddii la soo baxay oo xaaskiisii dhuunta kaga saaray iyadoo hurudda
- In cabaara ayay maskaxdiisu ku soo celcelisay inay amarka u dirto gacanta oo uu mididda dhuunta ka galiyo, wakhtigaa uu fikirayay dhiigiisa oo xad-dhaaf u wareegayay wuxuu keenay in Aadan dhidid badani ka yimaado, dhibic dhidid kiisii ka mida ayaa fihiima oo hurudda dibinta hoose kaga dhacday fihiima oo ahayd qof aad u hurdo fudud way toostay waxaanay indhaha ku kala qaaday midi dhuunta ka saraan cabaar bay fikiraysay waxaana kala garan wayday inay riyoonayso iyo inay soo jeedo, waxay xaqiidaddan lama filaanka ah is diidsiisaba way aqoonsatay inan arrintu dheel-dheel ahayn ay dhab tahay, waxay bilowday inay ashahadato, niyadeeddu waxay tuurtay in safarkeeddii nololeed uu caawa soo af jarmay oo nolosheeddii ay u dhammaatay, in cabaara markay is eegayeen fihiima iyo Aadan walina mididdii dhuunta ka saran tahay ayay fihiima iska qabatay mididdii ka dibna guriga meel kaga soo qarisay odaygeediina sasabtay, habeenka waxii ka danbeeyay hurdo raaxo ah ma seexan fihiima, noloshuna waxay ku noqotay cidhiidhi, waxay dhagaysan jirtay hees erayeedda ay ka mid yihiin:
Masiibo adduunyo iyo madduufaan baa I sida, mihiigaan baa igu dhacay, masayriyo ciil I madhi, dad kaan la malaysan jiray mugdiyo murran baa iga xiga murraadkaygii ma helin.
Heestaas oo ay qaado fannaanad weyn ee Nimco jaamac migil waxaana ereyadeedda leh { salleebaan daa’uud} iyo hees kale oo khadra Daahir cige qaado erayadeeddana ay ka mid yihiin { garta iyo tusaalaha,
adigoon garfayn Karin
sow taan geesi kaa dhigay,
go’e halaq miyaad tahay
hadba marada ii gala
godod layntu wa maxay,
waad iga gar darantee,
waan kaa gaddoomee ha huugin,
waanan kugu galaynine,
waan guurayaaye I gees,
Iyo heesta kale ay qaado sahra erayadeeddana waxaa kamida:
Markuu geellu ubadkii ilmihiisa diiddee
Ag fadhiisan waayee,
Geedaha ugbaadka leh,
uu eegi waayee indhaha uu ka laliyee,
Olalee habeenkii kolba ooda jabiyaa,
Amadkooda kii waday siduu ugu arrimin jiray,
Uur ka waxaan ku haystiyo halkaan aa ka leeyahay,
Rag waa kii aqoon lee maad garan aboowoow
Miyaan sii waddi karaa suuggaanta callaan-calka ah ee ay danayn jirtay fihiima isla markaana ku dhayi jirtay nabaradeedda cusub,
Dhacdaddii ugu yaabka iyo amakaagga badnayd ee sababtay kala taga lammaanahan aan ku soo af jarno sheekadanii.

3th November 2000. Waxay ahayd subax hore fihiima waxay diyaarinaysay qureecdii carruuteeddii wax barashadda u baxaysayna way diyaar garaysay, xallay oo kale ayay is af dhaafeen fihiima iyo Aadan subaxdii ayuu soo gocday kuna soo kalahay iyadoo qureecii u diyaarinaysa, subaxaa waxaa fihiima hor yaalay laba shoolladdood mid waxay ku dubaysay loxoox mida kalena waxaa u saarnaa biyo kullul oo ay shaah ka dhigaysay, haddal ba iyagoo aan is dhaafasan ayuu biyihii kullulaa intii qaaday dusha kaga keenay fihiima, waxaanu u badiyay dhinaca bidix’da waayo waxay dhabta ku haysay inan yar oo markaa jirtay 8-bilood, markuu biyihii ku dhammeeyay wuu baxay, in cabaara markuu maqnaa ayuu soo noqday, fihiima wali halkii ayay fadhidaa biyo kalana way saaratay dabka, intuu soo dul istaagay ayuu timaha qabtay (mise waxaaba gacantiisa soo raacay Masarkeedii-timaheeddii iyo diirkeeddii oo is wata) markaa hor ma dareemin inuu wax yaalay.
Fihiima dhakhtarka ayaa loola orday , waxaana laga xiiray timihii saddex bilood iyo 20 habeen ayaa la dhayay oo tintii u soo baxdaba laga jarayay,
15 th February 2001. Waxaa la iskugu imiday maxkamadda, waxaa lagu xukumay Aadan saddex sanno oo xadhig ah iyo in maxkamaddu ka furtay inantaa.
- baro nooc hinaasaha raga ka mida
-fadlan ha u cudur daarin nin ka sheekaddani ku dhacay wuxuu ahaa nin caafimaad qaba.
- waxaan u sheegi waayay meesha sheekaddani ka dhacday , inanta sheekaddani ku dhacday ayaa iga codsatay inaan sheegin.

Sheegadan waxa qoray oo aan ka soo xigay bogga facebook-ga uu ku leeyahay Cabdinaasir Abraham

No comments:

Post a Comment