Mar
aan weydiiyay heesta uu heesihiisa ugu jecel yahay, wuxu iigu jawaabay:
“Heesahayga
hadba heestii iigu danbaysa ayaan ugu jecelahay, sida hadba carruurta ka uugu
dambeeya loo jecel yahay.”
Maxamed
Axmed Kuluc, 11/12/2005tii, Hargeysa
Qalinka:
Boobe Yuusuf Ducaale – cankaabo@hotmail.com, www.dharaaro.com
Hargeysa,
18/1/2015ka,
Qormadii:
1aad
Maxamed
Axmed Kuluc oo beryahanba ku xanuunsanayay magaalada Hargeysa ayaa maanta
duhurkii ku geeriyooday Cisbitaalka Guud. Maxamed Axmed wuxu u dhintay xanuunka
neefta oo uu beryahanba la il-darraa isga oo dhawaan ka yimid dalka Ingiriiska.
Dadka Soomaaliyeed ayaanu guud ahaanba ka tacsiyadeynaynaa geerida xaqa ah ee
ku timid fannaankaa Soomaaliyeed. Waxa kale oo aanu ka tacsiyadaynaynaa
dhammaan fannaaniinta Soomaaliyeed meel kasta oo ay joogaanba. Waxaanu si gaar
ah halkan tacsi uga gudbinaynaa dhamaan qoyskii iyo eheladii uu ka dhintay meel
kasta oo joogaanba. Waxaanu leenahay samir iyo iimaan, isgana Ilaahay
naxariistii Janno ha ka waraabiyo.
Maxamed
Axmed Kuluc, maalintaa aanu wada joognay ee 11/12/2005tii, wuxu ii sheegay in
uu ku dhashay magaalada Oodweyne, 1942kii in kasta oo uu ii raaciayay in
taariikhda dhalashada ee ‘Passport-ka’ ugu qorani ay tahay 1939kii. Hooyadii
waxay ahayd Cambaro Cigaal Yuusuf.
Maxamed
Axmed Kuluc, waxay wada dhasheen afar wiil iyo 3 hablood. Mid ka mid ah
walaalladii oo aan filayo in Cabdillaahi la odhan jiray muddo toban maalmood ku
siman ka hor ayuu ku dhintay oo lagu aasay magaalada Hargeysa.
Maxamed
Axmed Kuluc shan goor ayuu guursaday, waxaanu dhalay 4 wiil iyo 15 hablood.
Wuxu maalintaa ii sheegay in wiil ka dhintay.
Maxamed
Axmed wuxu ku soo koray magaaladan Hargeysa oo uu fanka ka bilaabay waqti ku
sinnaa 1954kii. Waxay u muuqataa in uu waxooga ka yar horreeyay dhiggisii
ballaysimay fanka heellooyinka iyo miyuusigga ee ay ka midka ahaayeen: Cumar
Dhuulle Cali iyo Axmed Cali Haaruun (Dararamle) oo aan filayo in ay caalamka
fanka ku soo biireen 1956kii. Waxa kale oo labadooduba ii sheegeen in markii ay
Radio Hargeysa ku soo biirayeen imtixaanka lagaga qaaday heellada Isku-shuban
ee uu laxankeeda iska lahaa Cabdillaahi Maxamed Maxamuud Xirsi o loo yaqaannay
Cabdillaahi Qarshe.
Maxamed
Axmed Kuluc, marka aynu ka hadlaynno, waxaynu ka hadlaynaa guud ahaan fanka
Soomaaliyeed, gaar ahaanna fanka heesaha, miyuusigga iyo masraxa oo uu intaba
horseed ka ahaa.
Xilligan
uu Maxamed Axmed ku soo biirayo fanku, waxay ahayd markii uu tisqaadayay
Qaraamku ama Heelloyinkuba oo uu ballaysimay Cabdillaahi Qarshe. Markan uu
Cabdillaahi Qarshe curinayo Heellooyinka oo isla markaana loo yaqaannay
qaraamku ama Qaraamiguba, waxa socday oo casri ahaa Balwadii oo ka hano-qaadday
Gobolka Awdal, calan-sidayaalna ay ka ahaayeen Cabdi-sinimoo iyo Qadiija Ciye
Dharaar oo loo yaqaannay Qadiija-balwo. Balwadu waxay curatay 1943kii iyo Banka
Geeriyaad oo Cabdi-sinimoo baabuur kula jabay.
Maa-daama
ay Balwadu ahayd wax ku cusub ummadda, iyada oo lala xidhiidhiyay wax ay dumar
iyo ragba wadaagaan, isla markaana ay ku ladhnaayeen qaadka iyo sigaarku, ma ay
noqon wax la jeclaysto dadkuna waxay ka muujiyeen diidmo xoog leh. Waxa ka
darnaa magacii ahaa Balwo oo isagana lala xidhiidhiyay belaayo. Xaaladda oo
halkaa maraysa ayuu Cabdillaahi Qarshe ka yimid magaalada Cadan oo uu deggenaa.
Markii
uu arkay in ay xaaladdu cakiran tahay, ayuu curiyay Heellada oo miisaan ahaan
aan ka duwanayn Balwadii oo labaduba ka soo jeedaan Badda suugaaneed ee
Dhaantada.
Waa
marxaladdan iyo halkan meesha uu Maxamed Axmed Kuluc ka soo gelayaa guud
ahaanba fanka Soomaaliyeed, isaga oo ku soo galay heesaa. Markii dambe ayuu
noqonayaa hal-abuur alxaanta ah iyo jilaa la yaab leh oo lagu majeerto
gole-joogga iyo jiliddaba.
Laxankiisii
ugu horreeyay wuxu curiyay 1963kii. Waa hees la odhan jiray: Markaan Khadar
haleelaa, midhaheedana waxa iska lahaa Maxamed Cumar Huryo.
Maalintaa
aanu wada joognay wuxu Maxamed Axmed Kuluc iiga sheekeeyay Kooxdii Walaalo
Hargeysa ee sababta u ahayd curinta, korinta iyo faafinta fanka Soomaaliyeed.
Waa taariikh waxan aynu ka wada hadlaynaa, waxaana fiican in qof waliba inta uu
ka og yahay sheego si aynu isugu minguurinno oo hadhow wax saxan oo la taaban
karo uga soo saarno.
Maxamed
Axmed Kuluc, wuxu aamminsanaa oo uu ii sheegay in fannaaniinta hadba intii
fanka ku jirtaa ahayd Walaalo Hargeysa, laakiin ay jireen fanaaniin cayiman oo
iyagu ahaa aasaasayaashii kooxdii caan-baxday ee Walaalo Hargeysa. Sida aan
Maxamed Axmed, ka soo xiganayo, Kooxdaa Walaalo Hargeysa waxa lagu aasaasay
Xaafadda ‘New Hargeysa,’ 1954kii.
Aasaasayaashii
Raacii 1aad ee Kooxdii Fanka ee Walaalo Hargeysa:
Cabdillaahi
Maxamed Maxamuud Xirsi (Qarshe),
Maxamed
Xaaji Ismaaciil “Baa-sarce” (Barkhad-cas),
Ismaaciil
Sheekh Axmed (Cagaf),
Maxamed
Axmed Muxumed (Kuluc),
Maxamed
Faarax (Makarroone),
Cumar
Dhuulle Cali,
Axmed
Shiil,
Xasan
Cali (Gidhin),
Maxamed
Cilmi (Baaniyaal),
Cabdillaahi
Magaalo-joog-xume,
Jeeni-cadde,
Xasan
Samatar,
Faro-jebis,
Cabdi
Ibraahin,
Xuseen
Nuur Qaloombi,
Cali
Wacays,
Maxamed
Axmed Kuluc, naxariistii Janno Ilaahay ha ka waraabiyo e’, intaas ayuu iigu
sheegay Raacii 1aad ee Aasaasayaashii Kooxdii Walaalo Hargeysa. Waa aragtidii iyo
aqoontii Maxamed Axmed. Waa intii uu ogaa, waa sidii ay isaga la ahayd. Muran
badani in uu ka dhaco ma aha, waxa se furan inta xogogaalka u ihi in ay wixii
ay ku kordhin karayso ku kordhiso ama saxdaba haddii ay wax qaldani ku jiraan.
Taariikhdanna idiin kuma soo gudbinayo si aad murannada qaarkood uga gashaan oo
immika meelihii iyo surinnadaii xaaraanta ahaa la isla marno. Haddii ay doodi
ka dhalanayso, waa in ay ka dhalataa mid xariir ah oo taariikhda culaysa oo
udgooni. Ma aha in ay ka dhalato dood naxli iyo nacaybba cokani.
Aasaasayaashii
Raacii: 2aad:
Xuseen
Aw Faarax,
Saxardiid
Maxamed,
Cabdillaahi
Nuur (Cunaaye),
Ismaaciil
Cabdi (Basbaas),
Maxamed
Cumar (Huuryo),
Maxamed
Yuusuf Cabdi,
Cali
Sugulle Dun-carbeed,
Axmed
Cali Haaruun (Dararamle),
Xasan
Xirsi (Dheg-jar),
ILAAHAY ha u naxariisto marxuum Maxamed Axmed Kuluc oo ahaa fannaan aad loo jecelyahay
ReplyDelete