Sunday, January 11, 2015

Golaha Wakiilada Oo Loo Qaybiyay Xeerka Aasaaska Hay’adda Duulista Hawada

Xeerkani waxa uu nidaaminayaa nidaamka duulista hawada Somaliland.......Xasan Cawaale Gud. Guddida arrimaha bulshada


Fadhigii shalay ee golaha wakiilada oo uu shirgudoominaayay gudoomiye ku-xigeenka labaad golahaasi mudane Cali Yusuf Axmed ayaa waxa loo qaybiyay xeerka aasaaska Hay’adda duulista Somaliland.



 Xeerkan oo ay golaha wakiilada u soo gudbisay xukumadu ayaa waxa soo darsay guddida arrimaha bulshada iyo diinta ee golaha wakiilada iyagoo soo raaciyay lifaaq ay kaga talo bixinayaan xeerkan iyo soo jeedintii gudda. Xeerkan ayaa waxa uu si faah-faahsan uga hadlayaa maamulka hawada iyo madaarada Somaliland iyadoo loo samayn doono guddi madax bannaan oo ka shaqayn doonto arrimahaas, xeerkan ayaa waxa uu ka kooban yahay 91 qodob. Xeerkan ayaa waxa golaha horkeenay guddi hoosaadka arrimaha bulshada iyo diinta. Guddidu waxay xildhibaanda ka codsadeen in xeerkan si fiican uga doodaan ka dib ansixiyan maadaama oo uu yahay mid baahi aad u wayn loo qabo. Gudoomiyaha guddi hoosaadka arrimaha bulshada iyo diinta ee golaha wakiilada Md. Xasan Cawaale Caynaan ayaa waxa uu xildhibaanada ka hor akhriyay lifaaq ay guddi ahaan soo raaciyeen. Lifaaqa iyo soo jeedimaha ay guddida joogtadu xeerkan soo raaciyeen ayaa waxay u qornayd sidan:- Anagoo ka duulayna: qodobada Dastuurka ee 53aad iyo 10aad Anagoo tixgalinayna: Nuxurka Qodobadii ka soo baxay wada hadaladii Somaliland iyo Somalia (Communique of the Somaliland and Somalia Dialogue) ee ku qabsoomay Istanbul taariikhdu markay ahayd 7-9 July 2013 ee ku saabsanaa in la unko Guddi farsamo oo labada dhinac ka kooban (Jiont Control Body) oo maamula Hawada labada dal kalana wareega UN maamulka Hawada Somalia iyo Somalia. Waxaa kale oo ay guddidu samayn doontaa Si siman habka Raasamaal Qabsiga (Mechanism for Equitable Revenue Sharing). U jeedo talo bixin sharci Xeerkan magaciisu af-soomaali ahaan waxa uu sax ku yahay Hay’adda Duulista hawada Somaliland (Somaliland Civi Aviation Authority), kumana haboona in la yidhaa Hay’adda Duulista madaniga ah ee Somaliland Xeerkani waxa uu nidaaminayaa Hay’adda duulista hawada Somaliland. Hay’addu waxay leelanaysaa madaxbaani u gaa rha. Xeerkani waxa uu nidaaminayaa nidaamka duulista hawada Somaliland. Waxa qurux badan xulista xubnaha boad-ka.in uu wasiirka wasaaradda duulista hawadu soo xulo 10 xubnood ka dibna madaxweynuhu digreeto 5 ka mida 10-kaas xubnood. Waana in golaha wakiilada laga ansixiyaa dhamaan xubnaha golaha sare. Xubnahan xulistoodu waa in ay ka kala yimaadaan Xubin laga soo xulo khabiirada Injineerada diyaaradaha (Aeronautical Engineering) Khabiir dhinaca sharciga duulista ah (Aviation Law) Xubin laga soo xulo maaraynta gaadiidka cirka (Air Transport Management) Xubin lga soo xulo injineerada garoomada diyaaradaha (Aerodrome Engineering) Senior Aviation Management Xubin laga soo xulo isgaadhsiinta (Telecommunications) Fiiro gaar ah. Xubnaha boad-ka sida caadada ah waa in laga ansixiyaa golaha wakiilada ka dib magacaabista madaxweynaha. Xubnaha boad-ku waxay leelan doonaa guno iyo mushahar. Guddi hoosaadka arrimaha bulshada iyo diinta ee golaha wakiiladu waxay lifaaqan talo bixin ah ee ay soo raciyeen xeerkan xeerka duulista hawada Somaliland waxay ku soo gabagabeeyeen, Xeerkani wxa uu si hufan uga hadlayaa dhismaha aasaaska Hay’adda duulista hawada ee Somaliland ooh awl galintooda ansixinta xeerkan ka dib ka shaqayn doonta nidaaminta iyo habsami u socodka hawlaha duulista Jamhuuriyadda Somaliland. Hay’addani waxay la jaan qaadaysaa nidaamka casriga ah ee dunida (World Globalization) wadamada adduunkuna way leeliyihiin hay’add madaxbanaan oo maamulsha hawlaha duulista hawada qaar sida UK waxay ugu yeedhaan (Civil Aviation Authority) wadamada qaarkoodna waxay yidhaahdaan ( National Aviation Authority) labadaas magacna macnahoodu waa isku mid. Mudaneyaal si aynu u gaadhno himiladeena qaran ee sannadka 2030-ka una helno xaqeena dhaqaale iyo illaalinta hawadeena hadaanu nahay guddida arrimaha bulshada iyo diinta waxaanu soo jeedinaynaa in aad muhiimad wayn sii saan dooda qodobada aanu xeerkan kaga talo bixinay iyo ansixintoodaba. Ahaa mahad leh Xeerkan ayaa waxa ku saxeexnaa magacyada guddidii hore ee arrimaha bulshada iyo diinta kuwaas oo kala ahaa:- Md. Xasan Cawaale Caynaan (Gudoomiye) Xildhibaan Cabdiraxmaan Maxamed Jaamac (Aw-xoog) Xog-haya guddida Md. Abokor Cabdiraxmaan Good Md. Cabdiraxmaan Cismaan Caalin Md. Maxamed Jaamac Cali Md. Saleebaan Cawad Cali (Bukhaari) Md. Maxamed Barkhad Miigane (Xamaal) Md. Maxamed Axmed Dhakool Xeerkan ayaa waxa uu si rasmi ah u dhaqan galayaa marka ay labada gole ee sharci dajintu ansixiyaan, madaxweynuhuna saxeexo isala markaana la faafiyo dhaqan galkiisa.

By: Jamaal C/raxmaan Macalin

No comments:

Post a Comment