Wednesday, March 18, 2015

“Qorista Habboon Ee Af Soomaaliga”



Qaybtii 5aad
Markii uu dhexda galay wuu adkaaday wax uuna isu rogay lee waayo h kolka ay halkaa ku jirto afka ayaa diidaya, sidaas darteed wax uu isu rogayaa e. Haddii se la qori lahaa lee naxwaha ayaan oggolayn, waayo waa eray aan jirin.
Dabadeed wax aad arkaysaa iyada oo ceebtaas la gu qarinayo in la qoro leeyahay. Taasi mar wax ay meesha keentay eray aan jirin oo ah lee, mar kalena wax ay jebisay xeerkii ahaa ahaanshaha in goonidiisa loo qoro. Haddii ay sidaa tahay, in la qoro lee laakiin la gooniyeeyo ayaa qumman.
Ahaanshaha iyo sifadu marka ay israacaan iyaga oo dheddig ayaa iyaduna ah cillad jirta. Tusaale ahaan dhuxushu waa ay nooshahay. Sida muuqata naxwaha ma raaci karno oo ma qori karro ”dhuxultu waa ay nool tahay”, waayo waa hadal abuurtiisu dhimatay. Waxaa kale oo ka mid ah is la dheddigoodka marka ay sifadu ku dhammaato xarafka d, sida ”waa ay fudud dahay”.
Halkaa waxaa ka muuqata xarafkii Tin uu dhintay oo isu rogay D, markaa ”dahay” ma aha af naxwe ahaan jira, haddana waa in la qoraa iyada oo u taagan ”tahay”.
3) Erayada Af Soomaaligu sida ay u ka la maarmaan iyo sida ay isu lee yihiin loo ma qoro, ee badanaa hadal aan shuqul is ku lahayn ayaa la is ku dhedhejiyaa. Haddii aad is wayddiiso Af Soomaaliga qorani waxa uu u jiidjiidmo, taas oo foolxumaysa, sababtu waa erayo ka la madaxbannaan oo la is ku qoro.
Foolxumada uun ma aha ee naxwaha afka ayaa sidaa ku cilladadooba. Qodobkani run ahaantii waa ka u gu daran haddana u gu badan ee qorista ku jira.
Tusaale ahaan la ma garan karo bilawgii waxa keenay in la qoro ”waxaan kula jeclahay inaad ila garato qorista habboon”. Dhab ahaantii waxaa qumman in la qoro ”wax aan ku la jecel ahay in aad i la garato qorista habboon”.
Waxaad, waxaan, waxay, wuxuu iyo kuwa la midka ahi waa erayo macne ahaan iyo naxwe ahaan ka la go’i lahaa oo haddana la is raaciyo. Wax ay ahayd in la qoro ”i la ma aha”, waxaa se la qoraa ”ilama aha”.
Saddexdaa eray ee i, la, ma shuqul is ku ma laha oo mid waliba is kii buu u taagan yahay. Waxaa la mid ah: ”kaga/ ka ga”, ”kugu/ku gu”, ”laga/la ga”, ”lagu/la gu”… Halkaa xarafka g waa k dhimatay, waana in sidaa loo oggolaadaa loona qoraa.

La soco….Qaybta damne hadii alle idmo

Waxa qoray Ibraahin Hawd
Xigasho Mareegta Ramaas

No comments:

Post a Comment