Qaybta 4aad
Xalka
kale waa shaqalka culus shibbanaha xiga in la labalaabo. Tusaale: Inann
(gabadh), baadd (ugbaad), beerr (beerta), dull (daloolka sanka), Iimaann (magac
lab), Saaffi (magac lab), Dheegg (magac lab), Hanadd (magac lab), Kaydd (magac
lab). Magacyadaa iyo kuwa la midka ah dabcan dhiddiggooda shibbane qudha ayaa
la qorayaa.
Casharka
4-aad: Hadalka oo aan is ku si loo qorin
Qorista
Af Soomaaligu wax ay waafaqsan tahay dhawaaqiisa. Taa macnaheedu waxaa weeye,
qof walba oo erayga hagaag u yaqaan si qumman ayuu u higgaadin karaa qorista
iyo akhriskaba.
Habsamidaasi
waa ta kaalinta u gu weyn ka qaadatay Far Soomaalidu in ay degdeg u hirgasho.
Iyada oo ay sidaa tahay, haddana arrinta waxaa ku jira cillado farabadan oo aan
lahayn xeer la is la og yahay. Arrimaha qoristooda mashaqadu ka taagan tahay
aynnu u ka la qaadno sidan hoose:
1.
Waxaa jira erayo aad u badan oo sida aynnu u gu dhawaaqno iyo abuurta
naxwahoodu ka la duwan yihiin. Markaa qorista ma waxaa la la raacayaa dhawaaqa
afka ka baxaya, mise waxaa loo celinayaa abuurta naxwihiisa?
Heshiisku
wax uu ahaa in dhawaaqa uun la raaco, run ahaan se arrintu sidaa u ma fududa
haddii la doonayo in si hagaagsan wax loo qoro. Masaladaa aynnu is yara
tusaalaynno.
Xarafka
o isaga oo eray ku dhammaaday haddii eray kale gadaal kaga taxmo dhawaaq ahaan
wax uu noqdaa a, tusaale:
Timo/Timacadde, biyo/biyadiid,
xoolo/xoolaraac. Xarafka e isaguna markaas oo kale wax uu noqdaa
a, sida:
male/mala’awaal, tusaale/tusaalayaal,
bare/barayaal. Afka sidaas ah waxaa kale oo ka mid ah laba xaraf
oo marka ay is raacaan is diida dabadeed midkood ka kale shiiqiyo, sida: aynnu
wada hadalno/hadallo, aynnu is jirno/jirro.
Labadaa
siyood in kasta oo ta hore naxwe ahaan qumman tahay in ta dambe la qoro ayaa
macaan.
Intaa
ka sokow, waxaa jira siyaalo ka la duwan oo dhawaaqa erayada loo qaadan karo
loona qori karo. Waxaa ka mid ah ayey/ayay, geeyey/geeyay, tegey/tegay/tagey,
tagay, weji/waji, mergi/margi, geyaan/gayaan.
Waxaa la mid ah cadow/cadaw, qabow/qabaw. Waxaa kale oo la mid ah erayo
dhawaaqa la gu gaabsado, tusaale: keli ah/keliya, qudh ah/qudha, waxaad/wax
aad, wuxuu/wax uu, waxay/wax ay. Kol walba sida dambe ayaa habboon.
2)
Waxaa jira qodob muujiya ahaansho, sida: waan faraxsan ahay, waad xanaaqsan
tahay, wuu dhiirran yahay, waa ay qurxoon tahay, waa aynnu badan nahay, waad
daallan tihiin iyo waa ay tuban yihiin. Sida aynnu aragno qodobka ahaanshuhu
mar walba wax uu u qormayaa gooni, u mana baahna sida ay dad badani qoraan in
sifada ka horreysa la gu daro oo la dhigo harraaddanahay, xanaaqsantahay,
dhiirranyahay, qurxoontahay, badannahay, faraxsantihiin iyo tubanyihiin.
Waxaa
se jirta marar ay taasi adkaanayso, sida marka ay sifada ka horreysaa ku
dhammaato xarfaha sh iyo d ama lahaansho. Jumladda ”geed ubax leh” haddii aynnu
si kale u dhigno wax ay noqonaysaa ”geedku ubax buu leh yahay”. Laakiin sida
aynnu aragno erayga ”leh” markii uu dhexda galay wuu adkaaday wax uuna isu
rogay lee waayo h kolka ay halkaa ku jirto afka ayaa diidaya, sidaas darteed
wax uu isu rogayaa e. Haddii se la qori lahaa lee naxwaha ayaan oggolayn, waayo
waa eray aan jirin. Dabadeed wax aad arkaysaa iyada oo ceebtaas la gu qarinayo
in la qoro leeyahay. Taasi mar wax ay meesha keentay eray aan jirin oo ah lee,
mar kalena wax ay jebisay xeerkii ahaa ahaanshaha in goonidiisa loo qoro.
Haddii ay sidaa tahay, in la qoro lee laakiin la gooniyeeyo ayaa qumman.
La soco….Qaybta damne hadii alle idmo
Waxa qoray Ibraahin Hawd
Xigasho Mareegta Ramaas
No comments:
Post a Comment