Murtidu waa erayo rib ah amma badhax la'. Si kale; murtidu waa mucda xusuusta qofka ku hadha ee carrabkuna soo dhufan og yahay. Inahaas iyo inta kale ee dadka iga aqoonta badani ka odhan karaan
ayaa murti la' yidhaahdaa. Inta badan murtida iyo
maahmaahda la ma yaqaan ciddii curisay, waxa se la' is la garanayaa inay tahay
waaya'aragnimo dadkii hore la ga dhaxlay. Dhanka kalena;
odhaahda,maahmaahda,halhayska,halkudhegga iyo maansadu ba waa ay ka la'
murti badan yihiin. ”Adduun I khatal” waa odhaah-murtiyeed la ga soo qaato
sheekadii dheerayd ee la ga soo weriyey nin Aadan Galaydh la odhan jiray oo
reer Hawd ahaa. Sidaas bay murti oo dhammi u madhxisaa afka. Xeeldheerideeda
ayaa hadalka caadiga ah la gaga soocayaa oo murti ka dhigaysa haddii kale,
akhristaha/dhageystaha ku ma ay soorteen xiisaha badan ee uu dhegta ugu
sii raaraaciyo.
Ta se aan u socdaa waa sheeka-xariirada khiyaalka
ah ee runta loo ekaysiiyey iyo murtida kale ee nolasha soomaalida ku taxaluqda
dhan walba. Labadaa qaybood iyo sida ay maansada ugu dhex soohmeen ayeynu
halkan wax ka ga odhan doonnaa. Dugaaggu waa noolaha kolka duunyada la dhaqdo
la ga yimaaddo ugu dhaw bani aadanka. Waa oodwadaagta cunnadu innaga wada
dhaxayso ee lidna ku ah habsami u socodka shaqadeenna.
Tixahan hoosta yaallaa waa sheeka-xariirada murtida
iyo meexaanta ba leh:
-Habar dugaag baa hal dishoodey.Libaax oo kaynta
ugu tunweyn baa waraabe ku amray hilbaha qaybi. Dhurwaa waxu soo jeediyey laba
isleeg in loo ka la hilbaysto,waxa se kulmay dharbaaxadii bulbullaha iyo isha
dhulka la ga soo dhigay. Deetana dawaco ayuu surta yar ee dhuuban soo qabtay
libaaxu ku na yidhi: bal adna dayooy. Isku may dhibin ba dawaco ee waxa ay
tidhi: kuye laba waaxood kolka neefka la ga dhigo waax waa ku gu adi ,waaxda
kalena kolka laba falliidh loo ka la qaado falliidh waa dhankaaga.Libaax oo la
dhacsan talada dayo ku tee yaa ku baray qaybta?. Dawacaduna waxa ay ugu
warcelisay “ishaa Cali ka laalaadda. Si kale na waa loo sheegaa oo ah; inay habar
dugaaggii ay qadisay la doodeen dawacada. Sidan dambe ayuu Xuseen-dhiqle
maansada ku hidiyey.
Waxu yidhi:
Qiyaashow libaax baa
dhurwaa, qaybi yidhi soore
wuxuu yidhi hilbaha
jeex bal qabo, qoom dhan baan nahaye
markaasuu
qabbaabaalihii, qoonsadoo dilaye.
Dharbaaxuu il kaga
qaadayoo, hoor ka soo qubaye
Afqashuushle goortuu
dhintuu, sii qataabsadaye
qambaruursi iyo oohin
buu, qoon dunuunucaye.
Dawacuu kolkaa soo
qabsaday, sida qisaaseede
iyadoo qadhqadhi buu
ilkaha, qoorqabkii xoqaye
wuxuu yidhi qanjaafula
xumeey, tali qaddaarkaaga.
Adeer gacalle qaar iyo
dalool, qaaxo iyo feedho
qummud iyo baruuriyo
leggiyo, qawdhihii kuruska
kuu wada qorsheeyeye
Islow, neefka wada qaado.
Markaasuu wixii qaday
qabsaday, qoobab kadafleeye
wax la yidhi qabiil ma
leh dayooy, qayliyaha aare
innagoo quruun dhanna
maxaa, qado inoo diiday?
Qacdii hore haddaan
dayey kobtii, weerku sii qulushay
badh baa kuu qisma ah
waa wuxuu, eeday qaaryare
Aniguna qudhaasaan
ahoo, lay qulqulateeye.
Duqii noo qab weynaa
wakaa, qooqa loo dilaye
qaddaarkii Ilaah iyo
Rabbaan, quud ka sugayaaye
qudhaydaan u yaabaye
miyaan, idin qasaarteeyey?
waar ma anoon qudraba
haynin baa, qamash ka soo waaqsan?
... … … .. …. … …
… ....
-Waraabaa beri intuu dadkii uu xoolaha baadida ah
ka cuni jiray u yimid ku yidhi waar yaadhaheen magacii waraabe waan iska
beddelay waanan toobad keenaye Aammin iigu yeedha.
Nin baa isagoo ujeeddadiisu tahay inuu waraabe ka
shifo hilbo qalan ku yidhi ilaali. Maxaa se ka dambeeyey? Aynnu Ibraahin-gadhle
u dayno:
Waxu yidhi:
Waraabaa ayaan yidhi:
“haddaad igu ogaydeen
baadida Islaamkiyo
anoo aaran geel cuna
iimaan la'aantii
Allaa iga hadeeyoo
istaaqfurulla baan idhi
Aammin baanan ka la
baxay
magacii inkaarraa”.
Isagoo ujeedda leh
orgi baa nin gawracay
indhashuu u sudhay laan
waa ammaanadaadee
sii ilaali buu yidhi
ninka aammin sheegtow
isaguna awaal socoy.
Markuu tegay Islaankii
in yar uun ka maqan
yahay
agagaas dhurwaagii
ambaqaad tallaabada
hadba soo ogaal durug
eeg eeg hilbaha dagan
ursay jeenyihii hore
wuxu yidhi:”Udgoonaa”!
Amarrow markii xigay
af ballaadhan ka la
qaad
carrab oomman soo saar
awlallada ka leefleef
wuxu yidhi:”Allay lehe
oon xalaala baan
helay”!
aad buu cantuugada
adhaxda uga buuxsaday
kol ay araracdii tahay
alam sii laf iyo jiidh
in yar neefkii ka ma
tegin.
Duqa imashadiisii
eedaysanii bood
ooddiyo dhirtii jiidh
eray baa se la ga helay
ku arooray maahmaah
isagoo ordaayoo
afarqaadayuu yidhi:
“Waxaad igu ogaataan
Xigasho mareegta
Weedhsan
No comments:
Post a Comment