Sunday, March 22, 2015

“Qorista Habboon Ee Af Soomaaliga”

Qaybtii 8aad
4) Eray ama ka badani kolka ay eray qudha isku noqdaan, qoristooda dad baa isugu xidha jiitin, dad kalena waa ay ka la gooyaan, dad saddexaadna toos ayay isu raaciyaan. U fiirso tusaalayaashan ”af ka la qaad, af-kala-qaad, afkalaqaad”,
”gacan ku dhiigle, gacan-ku-dhiigle, gacankudhiigle”, ”wax ma garad, wax-ma-garad, waxmagarad”, keli taliye, keli-taliye, kelitaliye”, abaal laawe, abaal-laawe, abaallaawe”, ”inan la yaal, inan-layaal, inanlayaal”.
Intaas oo siyaalood garasho ahaan iyo qurux ahaanba sida u gu dambaysa ayaa u gu qumman.
Magacyada lammaan ama saddexan ee midka qudha is ku noqda iyagana waa in la is raaciyaa, mana aha in la ka la jaro ama jiitin la isu gu xidho. Tusaale: Tog Dheer, Tog-Dheer, Tog-dheer (qor Togdheer). Gacan Libaax, Gacan-Libaax, Gacan-libaax (qor Gacanlibaax). Laas Caanood, Laas-Caanood, Laas-caanood (qor Laascaanood). Dhagax Buur, Dhagax-Buur, Dhagax-buur (qor Dhagaxbuur). Qabri Taharre, Qabri-Taharre Qabri-taharre (qor Qabritaharre). Ceeri Gaabo, Ceeri-Gaabo, Ceeri-gaabo (qor Ceerigaabo). Baar Gaal, Baar-Gaal, Baar-gaal (qor Baargaal). Balad Weyn, Balad-Weyn, Balad-weyn (qor Baladweyn). Buulo Xaawo, Buulo-Xaawo, Buulo-xaawo (qor Buulaxaawo).
5) Qorista kolka ay laba shaqal oo aan wada soconi is ku dhacaan dadku waa ay ku dhibaatoodaan. Tusaale ahaan ”waayo aragnimo, waayoaragnimo, waayo-aragnimo, waaya’aragnimo” iyo ”la aan, la-aan, la’aan” intaba waa la qoraa. Runtu se wax ay tahay, sida u gu qummani waa ta u dambaysa ee hamsadu ka la soocdo.
Hamsada waxaa kale oo loo adeegsan karaa siyaalo badan oo qoraalka qurxinaysa. Siyaalahaas waxaa ka mid ah sidaa hore oo kale haddii ay laba shaqal oo ka la duwani is ku arbushmaan in la gu ka la basriyo, tusaale ahaan Fu’aad, su’aal, go’aan, la’aan, lo’aad, li’i, bi’in.
Hamsada waxaa kale oo la gu ka la xidhi karaa labada xaraf ee haddii ay is raacaan macnuhu lumayo ama doorsoomayo, sida mad’hab iyo hud’hud.
 Waxaa se jirta si hamsada bilawgii loo hirgeliyay taas oo aan loo baahnayn. Tusaale ahaan wax aynnu og nahay hamsadu in ay gadaal ka ga dhacdo shaqalka kulul, sida ”ri’da” taas oo haddii laga tago yeelanaysa macne kale oo ah ”rida” (dumiya), ”ba’an” oo noqon lahayd ”baan”, ”da’da” oo noqon lahayd ”dada” iwm. Haddaba eraydaasi marka ay ku joogsadaan

La soco….Qaybta damne hadii alle idmo


Waxa qoray Ibraahin Hawd
Xigasho Mareegta Ramaas

No comments:

Post a Comment