Saturday, March 14, 2015

“Qorista habboon ee Af Soomaaliga”

Qaybtii 2aad
Ka dhiidhdhi shisheeyaha ku khaakhuulay
Ka viivi zizeeyaha ku paapuulay
 Sadarkaas yar keligii wax aynnu ka ga maarannay siddeed xaraf oo qoris inooga baahnaa, waxaana inoo baaqday meeshii iyo waqtigii aynnu ku qori lahayn.

Casharka 2-aad: Shibbanayaasha labalaabma
 Bilawgii waxaa la is la qiray codadka Af Soomaaligu ka abuuran yahay qaarkood kolka ay afka ka baxayaan in ay adag yihiin oo carrabka ama dibnaha ku dhegaan dabadeed ay yeeshaan macne cusub. Xarfaha adkaadaa waa siddeed oo lix ka mid ahi carrabka ayay ku dhacaan kuwaas oo ah d, r, dh, g, l, n. Labada kalena dibnaha ayay ku dhacaan oo waa b iyo m. Xarfahaasi kolka ay adag yihiin waxaa la gu asteeyaa in qoristooda la lammaaniyo si loo ga garto kolka ay fudud yihiin, tusaale ahaan carrab haddii la fududeeyo wax uu noqonayaa carab (nin carbeed), Barre (nin bar leh) iyo bare (macallin).

Xarafka dh bilawgii la gu ma darin kuwa adkaada, waxaa se la hubaa in uu adkaado oo macnayaal ka la duwan sameeyo. Tusaale ahaan dhiidhi (dhiiqo) iyo dhiidhdhi (ficilo), cadho (xanaaq) iyo cadhdho (cudur dubka gala), fadhid (qodid) iyo fadhdhi (in la fadhdhiyo), Fidhin iyo Fidhdhig, magaalada Badhan iyo badhdhanka dharka.
Iyada oo ay sidaa tahay xarafkan ilaa maanta labayntiisa la gu ma dhiirrado waayo kolkiisa hore astaanta loo qaatay ayaa lammaan. Sidaa darteed xeerkiisa labalaabidda la ma raaci karo iyada oo aan horta loo ga guurin astaanta v.

Xeerka lammaanayntu in kasta oo uu hirgalay oo la wada bartay haddana la ma wada ilaaliyo. Haddii aynnu soo aragnay codka adag xarafkiisa in la lammaaniyo in la ga ga badbaadayo la mid noqoshada mid fudud oo la qoraal noqon lahaa, taas oo nuxurka erayga doorin lahayd, kuwan cusub ee meesha la keenay cilladdaasi ku ma jirto. Tusaale ahaan erayga arad (dhul) waxaa ku jirta r keliya, laakiin arrad (dhar beelid) waxaa ku jira laba. Markaa wax ay ka la yihiin a-rad iyo ar-rad. Sii wad oo dheh: a-baar iyo ab-baar, ba-dan iyo bad-dan, sa-rayn iyo sar-rayn, bo-ga iyo bog-ga, ca-dho (xanaaq) iyo cadh-dho (cudur), ke-li iyo kel-li, dha-maan iyo dham-maan, kee-na iyo keen-na, ha-low iyo hal-low, aa-yo (mustaqbal) iyo aay-yo (oorida aabbaha). Erayada sidaas ah waxa macnahooda ka la duwayaa waa in xarafka dhawaaqiisu fudud yahay iyo in uu adag yahay. In badan wax aad arkaysaa nin la yidhaahdo Caddow magcaas oo ka yimid caddaan, kaas oo haddana loo qorayo Cadow oo ah nacab.

La soco….Qaybta damne hadii alle idmo


Waxa qoray Ibraahin Hawd
Xigasho Mareegta Ramaas



No comments:

Post a Comment