Friday, March 6, 2015

Laba Heesood Oo Aan Ka Helay Humaaga Sawir Qaadashadooda.



Waxa jira heeso loo yaqaan foorjo, xiliyadan damena loo bixiyay (Heesaha layku daadiyo)
Abwaanadu humaaga ama sawirka ay suugaanta ka curiyaan waa wax had iyo jeed bulshada dhexdeeda ka dhaca.


Is waydiintu waxay tahay tolow ragga iyo dumarka keebaa ku liita xagga calaacalka marka laga hadlay suugaanta jacaylka ah.?


Fanaanada Aamina Fayr iyadoo u hadlaysay inan aan markii uu wiilku jeclaa aanu iyada kuba dhibcin. Aamina Fayr waxay ina leedahay inantaasi hadii ay hadli lahayd waxay odhan lahayd:-
“Gawraa habeenkii gudcurkaad istaagtiyo gadhkii aad I qbatiyo guubaabadii, gardaraan u qaatoo kuumaan garaabine. Hayga goosan caawaad iga gacan saraysaa.!

Alle ha u naxariistee fanaankii Axmed-yaasiin Ibrahin oo ku magac dheeraa (Digfeer) ayaa waxa uu sawirayaa wiil ku calaacalaya in uu isagu qaladka lahaa, xiligii loo baahnaa in aanu gacmo furay ku soo dhawayn jacaylkii heeryada saartay iyo duraamashadii ay inantu ula timi, balse mar dambe uu dareemay damaqiisa. Digfeer isagoo waxaa uu leeyahay wiilkaasi hadii laga hadlin lahaa waxa uu odhan lahaa:-

“Garnaqday oo hayeeshee eexiyo hanjabaad iyo waxaad igu ganaaxdaba anaa guudka saartee adoon gocan wixii hore.!

Alle ha inoo daayo kal-kaaliye yaasha ddhuuntoodu tahay ibadaha dajiya xumada jacaylka iyo dhakhaatiirtaas kaadh la'aanta iyo lacag la'aanta ugu qora qaar badan oo bulshada ka mida dawada aan iibka iyo dhamaadka toona lahayn.


.

No comments:

Post a Comment