Qaybta 3aad
In
badan wax aad arkaysaa nin la yidhaahdo Caddow magcaas oo ka yimid caddaan,
kaas oo haddana loo qorayo Cadow oo ah nacab.
Xarfaha
aan xeerkaasi qabanayn ee weligood laba noqon karin aynnu halkan isku
tusaalaynno: ma-taan, a-jar, a-xad,
a-khas, Xa-san, ta-shi, da-cal, a-fo,
a-qal, e-keeye, ha-wo, a-yaan.
Halkaa
waxaa inoo ga cad in aan loo baahnayn labaynta xarfahaas. Haddii se qaarkood
dhadhan adagi ku jiri karo sida k, x, s, y, waa kuwo dabci ahaan is ka adag oo
aan haddii la labeeyo nuxur cusubi ka soo baxayn.
Casharka 3-aad:Shaqallo innaga maqan
Far
Soomaalidu waa 21 shibbane iyo shan shaqal (iyo shanta shaqal oo dhaqal dheere
noqda). Erayga ”shibbane” macnihiisu
waa aammusane, waayo waa xarfo aammusan oo codku ka soo baxo kolka hore ama
gadaal shaqal la ga raaciyo.
Erayga
”shaqal” isagana wax aynnu qarniyo
hore ku soomaaliyeynnay xarakada Af Carabida la gu higgaadiyo.
Haddaba
cilmi ahaan waxaa sugan shaqallada Af Soomaaligu ka abuuran yahay in ay ka
badan yihiin shanta maanta inoo qoran. Berigii farta la diyaarinayay
aqoonyahanno badan baa taa ku baraarugsanaa, gaar ahaan reer Yurubkii Far
Soomaalida wax ka qoray qaar baa adeegsaday shaqallo aynnaan imika adeegsan.
Shaqalladaa
innaga dhimana waa ta keentay in ay jiraan erayo badan oo aynnu is ku si u qorno
haddana ka la si u gu dhawaaqno, tusaale ahaan ”inan” - (wiil) iyo ”inan”
- (gabadh). Labadaa eray dhawaaqooda haddii aad u fiirsato wax aad arkaysaa
shaqalka a in uu kolka hore fudud yahay kolka labaadna culus yahay. Kaa culus
ayay ahayd in shaqal kale la ga dhigo.
U
fiirso saddexdan eray ee soo socda sida uu shaqal dheeraha ”ee” saddexda goor u
ka la cod duwan yahay: Eel (lab), eel (dheddig), eey. Oog (dab olol weyn), oog
(dab ololi), oogo. Dul (dusha) dul (daloolka sanka), duul (sida shimbirta hawada
duul), duul (weerar qaad). Aar (libaax lab), aar (u aar), asal (asalka dhirta
ee saamaha la gu magdiyo), asal (wax dhalad ah), aad (halkaa tag), aad (si xoog
ah).
Waxaas
oo dhami wax ay ina tusayaan Far Soomaalida qoran in shaqallo ka dhiman yihiin.
Taa laba siyaaloodba waa loo maarayn karaa. Ta hore waa in faraha kale ee
dunida shaqallo dheeraad ah la ga soo ergisto, tusaale ahaan ä oo loo qaadan
karo a culus, ё oo noqota e culus ї oo ah i culus, ö oo ah o culus iyo ü oo ah
u culus.
Xalka
kale waa shaqalka culus shibbanaha xiga in la labalaabo. Tusaale: Inann
(gabadh), baadd (ugbaad), beerr (beerta), dull (daloolka sanka), Iimaann (magac
lab), Saaffi (magac lab), Dheegg (magac lab), Hanadd (magac lab), Kaydd (magac
lab). Magacyadaa iyo kuwa la midka ah dabcan dhiddiggooda shibbane qudha ayaa
la qorayaa.
La
soco….Qaybta damne hadii alle idmo
Waxa
qoray Ibraahin Hawd
Xigasho
Mareegta Ramaas
No comments:
Post a Comment