Friday, March 27, 2015

“Qorista Habboon Ee Af Soomaaliga”



Qaybtii 11aad
Arrintani wax ay ka mid ahayd waxyaalo kolkii Far Soomaalida la hirgelinayay heshiis la’aan iyo talagal la’aan ku dhaqangalay. Abuur ahaan Af Soomaaligu qodobka aqoonninku isaga oo ama lab ama dheddig, haddana labadaas baa tarma oo siyaalo ka la duwan u dhaca.

Wednesday, March 25, 2015

“Qorista Habboon Ee Af Soomaaliga”


Qaybtii 10aad 

 6) Waxaa jira qodobbo dibgale ah oo erayada gadaal ka raacraaca, kuwaas oo aan sida loo qorayo is ku aragti la ga ahayn. Kuwaa waxa loo baahan yahay in xal midaysan loo helo. Saddex baa u gu daran ama u gu caansan oo qoristooda dadku aad u gu ka la qaybsan yahay. Waa dibgalayaasha ”ba”, ”na” iyo ”se”. Waxaa la qoraa ”adigana iyo adiga na”, ”anigaba iyo aniga ba”, "iyadase iyo iyada se". 

Tuesday, March 24, 2015

“Qorista Habboon Ee Af Soomaaliga”



Qaybtii 9aad
Waxaa se jirta si hamsada bilawgii loo hirgeliyay taas oo aan loo baahnayn. Tusaale ahaan wax aynnu og nahay hamsadu in ay gadaal ka ga dhacdo shaqalka kulul, sida ”ri’da” taas oo haddii laga tago yeelanaysa macne kale oo ah ”rida” (dumiya),

Sunday, March 22, 2015

“Qorista Habboon Ee Af Soomaaliga”

Qaybtii 8aad
4) Eray ama ka badani kolka ay eray qudha isku noqdaan, qoristooda dad baa isugu xidha jiitin, dad kalena waa ay ka la gooyaan, dad saddexaadna toos ayay isu raaciyaan. U fiirso tusaalayaashan ”af ka la qaad, af-kala-qaad, afkalaqaad”,

Saturday, March 21, 2015

“Qorista Habboon Ee Af Soomaaliga”



Qaybtii 7aad
Ahaanshaha iyo sifadu marka ay israacaan iyaga oo dheddig ayaa iyaduna ah cillad jirta. Tusaale ahaan dhuxushu waa ay nooshahay. Sida muuqata naxwaha ma raaci karno oo ma qori karro ”dhuxultu waa ay nool tahay”,

Friday, March 20, 2015

“Qorista Habboon Ee Af Soomaaliga”

Qaybtii 6aad
Waxaad, waxaan, waxay, wuxuu iyo kuwa la midka ahi waa erayo macne ahaan iyo naxwe ahaan ka la go’i lahaa oo haddana la is raaciyo. Wax ay ahayd in la qoro ”i la ma aha”, waxaa se la qoraa ”ilama aha”.

Wednesday, March 18, 2015

“Qorista Habboon Ee Af Soomaaliga”



Qaybtii 5aad
Markii uu dhexda galay wuu adkaaday wax uuna isu rogay lee waayo h kolka ay halkaa ku jirto afka ayaa diidaya, sidaas darteed wax uu isu rogayaa e. Haddii se la qori lahaa lee naxwaha ayaan oggolayn, waayo waa eray aan jirin.

Tuesday, March 17, 2015

Qorista Habboon Ee Af

Qaybta 4aad
Xalka kale waa shaqalka culus shibbanaha xiga in la labalaabo. Tusaale: Inann (gabadh), baadd (ugbaad), beerr (beerta), dull (daloolka sanka), Iimaann (magac lab), Saaffi (magac lab), Dheegg (magac lab), Hanadd (magac lab), Kaydd (magac lab). Magacyadaa iyo kuwa la midka ah dabcan dhiddiggooda shibbane qudha ayaa la qorayaa. 

Sunday, March 15, 2015

“Qorista habboon ee Af Soomaaliga”



Qaybta 3aad
In badan wax aad arkaysaa nin la yidhaahdo Caddow magcaas oo ka yimid caddaan, kaas oo haddana loo qorayo Cadow oo ah nacab.
Xarfaha aan xeerkaasi qabanayn ee weligood laba noqon karin aynnu halkan isku tusaalaynno: ma-taan, a-jar, a-xad,

Saturday, March 14, 2015

“Qorista habboon ee Af Soomaaliga”

Qaybtii 2aad
 Ka dhiidhdhi shisheeyaha ku khaakhuulay
Ka viivi zizeeyaha ku paapuulay
 Sadarkaas yar keligii wax aynnu ka ga maarannay siddeed xaraf oo qoris inooga baahnaa, waxaana inoo baaqday meeshii iyo waqtigii aynnu ku qori lahayn.

“Qorista habboon ee Af Soomaaliga”

Qaybtii 2aad
Ka dhiidhdhi shisheeyaha ku khaakhuulay
Ka viivi zizeeyaha ku paapuulay
 Sadarkaas yar keligii wax aynnu ka ga maarannay siddeed xaraf oo qoris inooga baahnaa, waxaana inoo baaqday meeshii iyo waqtigii aynnu ku qori lahayn.

Friday, March 13, 2015

“Qorista habboon ee Af Soomaaliga”



Qaybtii 1aad
Far Soomaalida muddada dheer la soo adeegsanayay waxaa ku jirta qabyo laxaad leh oo qof wal oo qorista iyo akhriska xiiseeya u muuqata. Qabyadaa eeddeeda kowaad waxaa leh iyada oo aan maalintii farta la hirgeliyay ka dib la xaalayn oo lagu samayn horumarin iyo turxaanbixin.

Monday, March 9, 2015

Hambalyo Meher Wacan

Gacal Iyo Sokeeyaba Meherkiina Lagu Farax

Aabo C/raxmaan Macalin Muuse iyo Cibaado Axmed Saleebaan.

Friday, March 6, 2015

Laba Heesood Oo Aan Ka Helay Humaaga Sawir Qaadashadooda.



Waxa jira heeso loo yaqaan foorjo, xiliyadan damena loo bixiyay (Heesaha layku daadiyo)
Abwaanadu humaaga ama sawirka ay suugaanta ka curiyaan waa wax had iyo jeed bulshada dhexdeeda ka dhaca.

Thursday, March 5, 2015

Sheeko-murtiyeedda Sooyaalka iyo Maansada Soomaalida



Murtidu waa erayo rib ah amma badhax la'. Si kale; murtidu waa mucda xusuusta qofka ku hadha ee carrabkuna soo dhufan og yahay. Inahaas iyo inta kale ee dadka iga aqoonta badani ka odhan karaan

Tuesday, March 3, 2015

Baro Noocyada Garta Ee Dhaqanka U Ah Soomaalida



Qaybtii 14aad

Maah-maahyada garta dhaqanka:
In mudo ah waxa si taxane ah inoogu socotay qormo ku saabsan noocyada garta ee dhaqanka u ah soomaalida.