Jamaal Macalin Blog
Tuesday, April 28, 2015
Xus Oo Yaanay Xiskaaga Ka Bixin 18 May
Friday, March 27, 2015
“Qorista Habboon Ee Af Soomaaliga”
Qaybtii 11aad
Arrintani wax ay ka
mid ahayd waxyaalo kolkii Far Soomaalida la hirgelinayay heshiis la’aan iyo
talagal la’aan ku dhaqangalay. Abuur ahaan Af Soomaaligu qodobka aqoonninku
isaga oo ama lab ama dheddig, haddana labadaas baa tarma oo siyaalo ka la duwan
u dhaca.
Wednesday, March 25, 2015
“Qorista Habboon Ee Af Soomaaliga”
Qaybtii 10aad
6)
Waxaa jira qodobbo dibgale ah oo erayada gadaal ka raacraaca, kuwaas oo aan
sida loo qorayo is ku aragti la ga ahayn. Kuwaa waxa loo baahan yahay in xal
midaysan loo helo. Saddex baa u gu daran ama u gu caansan oo qoristooda dadku
aad u gu ka la qaybsan yahay. Waa dibgalayaasha ”ba”, ”na” iyo ”se”. Waxaa la
qoraa ”adigana iyo adiga na”, ”anigaba iyo aniga ba”, "iyadase iyo iyada
se".
Tuesday, March 24, 2015
“Qorista Habboon Ee Af Soomaaliga”
Qaybtii 9aad
Waxaa se jirta si
hamsada bilawgii loo hirgeliyay taas oo aan loo baahnayn. Tusaale ahaan wax
aynnu og nahay hamsadu in ay gadaal ka ga dhacdo shaqalka kulul, sida ”ri’da”
taas oo haddii laga tago yeelanaysa macne kale oo ah ”rida” (dumiya),
Sunday, March 22, 2015
“Qorista Habboon Ee Af Soomaaliga”
Qaybtii 8aad
4) Eray ama ka badani
kolka ay eray qudha isku noqdaan, qoristooda dad baa isugu xidha jiitin, dad
kalena waa ay ka la gooyaan, dad saddexaadna toos ayay isu raaciyaan. U fiirso
tusaalayaashan ”af ka la qaad, af-kala-qaad, afkalaqaad”,
Saturday, March 21, 2015
“Qorista Habboon Ee Af Soomaaliga”
Qaybtii 7aad
Ahaanshaha iyo sifadu
marka ay israacaan iyaga oo dheddig ayaa iyaduna ah cillad jirta. Tusaale ahaan
dhuxushu waa ay nooshahay. Sida muuqata naxwaha ma raaci karno oo ma qori karro
”dhuxultu waa ay nool tahay”,
Friday, March 20, 2015
“Qorista Habboon Ee Af Soomaaliga”
Qaybtii 6aad
Waxaad, waxaan,
waxay, wuxuu iyo kuwa la midka ahi waa erayo macne ahaan iyo naxwe ahaan ka la
go’i lahaa oo haddana la is raaciyo. Wax ay ahayd in la qoro ”i la ma aha”,
waxaa se la qoraa ”ilama aha”.
Wednesday, March 18, 2015
“Qorista Habboon Ee Af Soomaaliga”
Qaybtii
5aad
Markii uu dhexda galay wuu adkaaday wax uuna isu
rogay lee waayo h kolka ay halkaa ku jirto afka ayaa diidaya, sidaas darteed
wax uu isu rogayaa e. Haddii se la qori lahaa lee naxwaha ayaan oggolayn, waayo
waa eray aan jirin.
Tuesday, March 17, 2015
Qorista Habboon Ee Af
Qaybta 4aad
Xalka
kale waa shaqalka culus shibbanaha xiga in la labalaabo. Tusaale: Inann
(gabadh), baadd (ugbaad), beerr (beerta), dull (daloolka sanka), Iimaann (magac
lab), Saaffi (magac lab), Dheegg (magac lab), Hanadd (magac lab), Kaydd (magac
lab). Magacyadaa iyo kuwa la midka ah dabcan dhiddiggooda shibbane qudha ayaa
la qorayaa.
Sunday, March 15, 2015
“Qorista habboon ee Af Soomaaliga”
Qaybta 3aad
In
badan wax aad arkaysaa nin la yidhaahdo Caddow magcaas oo ka yimid caddaan,
kaas oo haddana loo qorayo Cadow oo ah nacab.
Xarfaha
aan xeerkaasi qabanayn ee weligood laba noqon karin aynnu halkan isku
tusaalaynno: ma-taan, a-jar, a-xad,
Subscribe to:
Posts (Atom)

